1 Taariikhdii 1:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil, mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg, waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay, magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 10:21 : 21 ¶ Sheem oo aabbe u ahaa carruurtii Ceeber oo dhan, oo ahaa Yaafed walaalkiisii weynaa, isagana carruur baa u dhalatay.
  • Bil 10:25 : 25 Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil: mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg; waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay; magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan.
  • Bil 11:16-17 : 16 ¶ Ceeberna wuxuu jiray afar iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Feleg: 17 Ceeberna markuu Feleg dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.
  • Tir 24:24 : 24 Laakiinse doonniyo waxay ka iman doonaan xeebta Kitiim, Oo waxay dhibi doonaan Ashuur, oo waxay dhibi doonaan Ceeber, Oo isna wuu halligmi doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Bil 10:24-26
    3 aayado
    96%

    24Arfaksadna wuxuu dhalay Salah; Salahna wuxuu dhalay Ceeber.

    25Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil: mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg; waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay; magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan.

    26Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah;

  • Bil 11:14-19
    6 aayado
    83%

    14¶ Salahna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Ceeber.

    15Salahna markuu Ceeber dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo saddex sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

    16¶ Ceeberna wuxuu jiray afar iyo soddon sannadood, wuxuuna dhalay Feleg:

    17Ceeberna markuu Feleg dhalay ka dib wuxuu noolaa afar boqol iyo soddon sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

    18¶ Felegna wuxuu jiray soddon sannadood, wuxuuna dhalay Recu:

    19Felegna markuu Recu dhalay ka dib wuxuu noolaa laba boqol iyo sagaal sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

  • 83%

    17¶ Wiilashii Sheemna waxay ahaayeen Ceelaam, iyo Ashuur, iyo Arfaksad, iyo Luud, iyo Araam, iyo Cuus, iyo Xuul, iyo Geter, iyo Mesheg.

    18Oo Arfaksad wuxuu dhalay Sheelaah, Sheelaahna wuxuu dhalay Ceeber.

  • 82%

    20Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah,

    21iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah,

    22iyo Ceebaal, iyo Abiimaa'el, iyo Shebaa,

    23iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab. Kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan.

    24¶ Sheem, Arfaksad, Sheelaah,

    25Ceeber, Feleg, Recu,

    26Seruug, Naaxoor, Terax,

  • 21¶ Sheem oo aabbe u ahaa carruurtii Ceeber oo dhan, oo ahaa Yaafed walaalkiisii weynaa, isagana carruur baa u dhalatay.

  • Bil 10:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Haddaba kuwanu waa farcankii wiilashii Nuux, kuwaas oo ahaa Sheem, Xaam iyo Yaafed: oo wiilal baa u dhashay iyaga daadkii dabadiis.

    2¶ Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas.

  • 1¶ Dhulka oo dhammuna wuxuu ahaa isku af iyo isku hadal keliya.

  • 1 Taar 1:1-5
    5 aayado
    71%

    1¶ Aadan, Seed, Enoos,

    2Qiinaan, Mahalaleel, Yaared,

    3Enoog, Metushelax, Lameg,

    4Nuux, Sheem, Xaam, iyo.

    5¶ Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas.

  • Bil 10:31-32
    2 aayado
    71%

    31Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Sheem; sidii qabiilooyinkoodii, iyo afafkoodii, iyo waddammadoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen.

    32Kuwanu waa qabiilooyinkii wiilashii Nuux; sidii farcankoodii iyo quruumahoodii ay ahaayeen; oo kuwanaa quruumuhu ka kala qaybsameen daadkii dabadiis.

  • Bil 11:9-10
    2 aayado
    70%

    9Sidaas daraaddeed magaceedii waxaa loo bixiyey Baabel, maxaa yeelay, halkaasaa Rabbigu afkii dhulka oo dhan iskaga qasay; oo halkaasuu Rabbigu ka kaxeeyey iyagii oo ku kala firdhiyey dhulka dushiisa oo dhan.

    10¶ Kuwanu waa farcankii Sheem. Sheem wuxuu jiray boqol sannadood, oo laba sannadood oo daadkii ka dambaysay wuxuu dhalay Arfaksad.

  • 18Enoogna waxaa u dhashay Ciiraad, Ciiraadna wuxuu dhalay Mexuuya'el, Mexuuya'elna wuxuu dhalay Metuusha'el, Metuusha'elna wuxuu dhalay Lameg.

  • 10¶ Oo Nuux wuxuu dhalay saddex wiil oo ahaa Sheem, iyo Xaam iyo Yaafed.

  • 35kan ahaa ina Seruukh, kan ahaa ina Ragaw, kan ahaa ina Faleg, kan ahaa ina Xeber, kan ahaa ina Salah,

  • 5Kuwaasay jasiiradihii quruumuhu ugu kala qaybsameen waddammadoodii, dad kasta sidii afkoodii, iyo qabiilooyinkoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen.

  • 10Kuushna wuxuu dhalay Nimrod, wuxuuna noqday mid dhulka xoog weyn ku leh.

  • 29iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab: kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan.

  • Bil 5:18-19
    2 aayado
    69%

    18¶ Yaaredna wuxuu jiray boqol iyo laba iyo lixdan sannadood, wuxuuna dhalay Enoog.

    19Yaaredna markuu Enoog dhalay ka dib wuxuu noolaa siddeed boqol oo sannadood, wiilal iyo gabdhona wuu dhalay.

  • 19Saddexdanu waxay ahaayeen wiilashii Nuux; oo iyagii farcankoodii baa dhulka oo dhan ku fiday.

  • 2¶ Ibraahim wuxuu dhalay Isxaaq, Isxaaqna wuxuu dhalay Yacquub, Yacquubna wuxuu dhalay Yahuudah iyo walaalihiis,