Bilowgii 9:19

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Saddexdanu waxay ahaayeen wiilashii Nuux; oo iyagii farcankoodii baa dhulka oo dhan ku fiday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 5:32 : 32 ¶ Nuuxna wuxuu jiray shan boqol oo sannadood; wuxuuna dhalay Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed.
  • Bil 8:17 : 17 Soo bixi wax kasta oo nool oo kula jooga, inta jidhka leh oo dhan, kuwaas oo ah haadda, iyo xoolaha, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan; si ay dhulka ugu bataan, oo ay wax badan u dhalaan, oo ay dhulka ugu tarmaan.
  • Bil 10:2-9 : 2 ¶ Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas. 3 Wiilashii Gomerna waxay ahaayeen Ashkenas, iyo Riifad, iyo Togarmaah. 4 Wiilashii Yaawaanna waxay ahaayeen Eliishah, iyo Tarshiish, iyo Kitiim iyo Dodaaniim. 5 Kuwaasay jasiiradihii quruumuhu ugu kala qaybsameen waddammadoodii, dad kasta sidii afkoodii, iyo qabiilooyinkoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen. 6 ¶ Wiilashii Xaamna waxay ahaayeen Kuush, iyo Misrayim, iyo Fuud, iyo Kancaan. 7 Wiilashii Kuushna waxay ahaayeen Sebaa, iyo Xawiilaah, iyo Sabtaah, iyo Racmaah, iyo Sabteka: wiilashii Racmaahna waxay ahaayeen Shebaa, iyo Dedaan. 8 Kuushna wuxuu dhalay Nimrod: wuxuuna bilaabay inuu noqdo mid dhulka xoog weyn ku leh. 9 Wuxuu ahaa ugaadhsade ku xoog weyn Rabbiga hortiisa: taas daraaddeed waxaa la yidhaahdaa, Sidii Nimrod ugaadhsade xoog weyn Rabbiga hortiisa. 10 Bilowgii boqortooyadiisu waxay ahayd Baabel, iyo Ereg, iyo Akad, iyo Kalneh, waxayna ku yiilleen waddankii Shincaar. 11 Dhulkaas wuu ka tegey oo wuxuu galay Ashuur, wuxuuna dhisay Nineweh, iyo Rexobod, iyo Kaalah, 12 iyo Resen oo u dhexeeyey Nineweh iyo Kaalah, (taasuna waxay tahay magaalada weyn). 13 Misrayimna wuxuu dhalay Luudiim, iyo Canaamiim, iyo Lehaabiim iyo Naftuxiim, 14 iyo Fatrusiim iyo Kasluxiim (oo ay reer Falastiin ka yimaadeen), iyo Kaftoriim. 15 ¶ Kancaanna wuxuu dhalay Siidoon oo ahaa curadkiisii, iyo Xeed; 16 iyo reer Yebuus, iyo reer Amor, iyo reer Girgaash; 17 iyo reer Xiwi, iyo reer Carqi, iyo reer Siini; 18 iyo reer Arwaad, iyo reer Semaar, iyo reer Xamaad: dabadeedna qabiilooyinkii Kancaan way kala firdheen. 19 Oo soohdintii reer Kancaan waxay ka bilaabmaysay Siidoon, markii loo kaco xagga Geraar, ilaa Gaasa, oo markii loo kaco xagga Sodom iyo Gomora iyo Admah iyo Seboyim, ilaa Laashac. 20 Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Xaam, sidii qabiilooyinkoodii, iyo afafkoodii, iyo waddammadoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen. 21 ¶ Sheem oo aabbe u ahaa carruurtii Ceeber oo dhan, oo ahaa Yaafed walaalkiisii weynaa, isagana carruur baa u dhalatay. 22 Wiilashii Sheemna waxay ahaayeen Ceelaam, iyo Ashuur, iyo Arfaksad, iyo Luud, iyo Araam. 23 Wiilashii Araamna waxay ahaayeen Cuus, iyo Xuul, iyo Geter, iyo Mash. 24 Arfaksadna wuxuu dhalay Salah; Salahna wuxuu dhalay Ceeber. 25 Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil: mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg; waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay; magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan. 26 Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah; 27 iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah; 28 iyo Coobaal, iyo Abiimaa'el, iyo Shebaa; 29 iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab: kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan. 30 Meeshay degganaayeenna waxay ka bilaabmaysay Meesha, markii loo kaco xagga Sefaar, buurta bari. 31 Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Sheem; sidii qabiilooyinkoodii, iyo afafkoodii, iyo waddammadoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen. 32 Kuwanu waa qabiilooyinkii wiilashii Nuux; sidii farcankoodii iyo quruumahoodii ay ahaayeen; oo kuwanaa quruumuhu ka kala qaybsameen daadkii dabadiis.
  • 1 Taar 1:4-9 : 4 Nuux, Sheem, Xaam, iyo. 5 ¶ Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas. 6 Wiilashii Gomerna waxay ahaayeen Ashkenas, iyo Diifad, iyo Togarmaah. 7 Wiilashii Yaawaanna waxay ahaayeen Eliishaah, iyo Tarshiish, iyo Kitiim, iyo Rodaaniim. 8 ¶ Wiilashii Xaamna waxay ahaayeen Kuush, iyo Misrayim, iyo Fuud iyo Kancaan. 9 Wiilashii Kuushna waxay ahaayeen Sebaa, iyo Xawiilaah, iyo Sabtaa, iyo Racmaah, iyo Sabteka. Wiilashii Racmaahna waxay ahaayeen Shebaa iyo Dedaan. 10 Kuushna wuxuu dhalay Nimrod, wuxuuna noqday mid dhulka xoog weyn ku leh. 11 Misrayimna wuxuu dhalay Luudiim, iyo Canaamiim, iyo Lehaabiim, iyo Naftuxiim, 12 iyo Fatrusiim, iyo Kasluxiim oo ay reer Falastiin ka soo farcamay, iyo Kaftoriim. 13 Kancaanna wuxuu dhalay Siidoon oo curadkiisii ahaa, iyo Xeed, 14 iyo reer Yebuus, iyo reer Amor, iyo reer Girgaash, 15 iyo reer Xiwi, iyo reer Carqi, iyo reer Siini, 16 iyo reer Arwaad, iyo reer Semaar, iyo reer Xamaad. 17 ¶ Wiilashii Sheemna waxay ahaayeen Ceelaam, iyo Ashuur, iyo Arfaksad, iyo Luud, iyo Araam, iyo Cuus, iyo Xuul, iyo Geter, iyo Mesheg. 18 Oo Arfaksad wuxuu dhalay Sheelaah, Sheelaahna wuxuu dhalay Ceeber. 19 Oo Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil, mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg, waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay, magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan. 20 Yoqtaanna wuxuu dhalay Almoodaad, iyo Shelef, iyo Xasarmaawed, iyo Yerah, 21 iyo Hadooraam, iyo Uusaal, iyo Diqlah, 22 iyo Ceebaal, iyo Abiimaa'el, iyo Shebaa, 23 iyo Oofir, iyo Xawiilaah, iyo Yoobaab. Kuwaasu kulli waxay ahaayeen wiilashii Yoqtaan. 24 ¶ Sheem, Arfaksad, Sheelaah, 25 Ceeber, Feleg, Recu, 26 Seruug, Naaxoor, Terax, 27 Aabraam (kaasoo ah Ibraahim). 28 ¶ Wiilashii Ibraahimna waxay ahaayeen Isxaaq iyo Ismaaciil.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 18¶ Oo wiilashii Nuux oo doonnidii ka soo baxay, waxay ahaayeen Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed: Xaamna waa Kancaan aabbihiis.

  • Bil 6:9-10
    2 aayado
    82%

    9¶ Kuwanu waa farcankii Nuux. Nuux wuxuu ahaa nin xaq ah, oo ku eed la' farcankiisii; Nuuxna Ilaah buu la socon jiray.

    10¶ Oo Nuux wuxuu dhalay saddex wiil oo ahaa Sheem, iyo Xaam iyo Yaafed.

  • 1¶ Haddaba kuwanu waa farcankii wiilashii Nuux, kuwaas oo ahaa Sheem, Xaam iyo Yaafed: oo wiilal baa u dhashay iyaga daadkii dabadiis.

  • 1¶ Oo Ilaah waa barakeeyey Nuux iyo wiilashiisii, oo wuxuu ku yidhi, Wax badan dhala, oo tarma, oo dhulka ka buuxsama.

  • 1 Taar 1:3-5
    3 aayado
    78%

    3Enoog, Metushelax, Lameg,

    4Nuux, Sheem, Xaam, iyo.

    5¶ Wiilashii Yaafed waxay ahaayeen Gomer, iyo Maajuuj, iyo Maaday, iyo Yaawaan, iyo Tubal, iyo Mesheg, iyo Tiiraas.

  • Bil 10:31-32
    2 aayado
    76%

    31Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Sheem; sidii qabiilooyinkoodii, iyo afafkoodii, iyo waddammadoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen.

    32Kuwanu waa qabiilooyinkii wiilashii Nuux; sidii farcankoodii iyo quruumahoodii ay ahaayeen; oo kuwanaa quruumuhu ka kala qaybsameen daadkii dabadiis.

  • Bil 9:20-28
    9 aayado
    76%

    20¶ Nuuxna wuxuu bilaabay inuu beerrey noqdo, oo wuxuu beertay canab.

    21Kolkaasuu wax ka cabbay khamrigeedii, wuuna sakhraamay; oo teendhadiisii dhexdeeda ayuu ku qaawanaa.

    22Oo Xaam, oo ahaa Kancaan aabbihiis, ayaa arkay qaawanaantii aabbihiis, kolkaasuu u sheegay labadii walaalihiis ahayd oo dibadda joogta.

    23Kolkaasaa Sheem iyo Yaafed dhar qaadeen, oo labadoodu garbahay saareen, oo dib dib u socdeen, kolkaasay qaawanaantii aabbahood ku dedeen, oo wejiyadooduna way sii jeedeen, mana ay arkin qaawanaantii aabbahood.

    24Nuuxna khamrigiisii wuu ka soo miyirsaday, wuuna ogaaday wixii wiilkiisa yaru ku sameeyey.

    25Kolkaasuu yidhi, Inkaaru ha ku dhacdo Kancaan; Addoonkii addoommaduu u noqon doonaa walaalihiis.

    26Oo wuxuu yidhi, Ammaanu ha u ahaato Rabbiga ah Ilaaha Sheem, Kancaanna addoon ha u noqdo.

    27Ilaah ha fidiyo Yaafed, Hana dego teendhooyinka Sheem; Kancaanna addoon ha u noqdo isaga.

    28¶ Nuuxna daadka ka dib wuxuu sii noolaa saddex boqol iyo konton sannadood.

  • Bil 9:7-8
    2 aayado
    75%

    7Idinku wax badan dhala, oo tarma; aad iyo aadna ugu farcama dhulka, kuna tarma dhexdiisa.

    8¶ Oo Ilaah Nuux buu la hadlay, iyo wiilashiisii la joogay, isagoo ku leh,

  • Bil 7:12-13
    2 aayado
    73%

    12Roobkuna wuxuu dhulka ku da'ayay afartan maalmood iyo afartan habeen.

    13Isla maalintaas Nuux wuxuu galay doonnidii, isagii iyo Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed, oo ahaa wiilashii Nuux, iyo naagtii Nuux, iyo saddexdii naagood oo wiilashiisa ee la jiray;

  • Bil 8:15-19
    5 aayado
    72%

    15¶ Ilaahna Nuux buu la hadlay, isagoo leh,

    16Doonnida ka baxa adiga, iyo naagtaada, iyo wiilashaada, iyo naagaha wiilashaada ee kula jiraba.

    17Soo bixi wax kasta oo nool oo kula jooga, inta jidhka leh oo dhan, kuwaas oo ah haadda, iyo xoolaha, iyo waxa dhulka gurguurta oo dhan; si ay dhulka ugu bataan, oo ay wax badan u dhalaan, oo ay dhulka ugu tarmaan.

    18Nuuxna wuu baxay, isagii iyo wiilashiisii, iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisa ee la jirayba.

    19Dugaag kasta, iyo wax kasta oo gurguurta, iyo haad kasta, iyo wax alla wixii dhulka ku dhaqaaqaaba, jinsigoodii ayay doonnidii kala soo baxeen.

  • 32¶ Nuuxna wuxuu jiray shan boqol oo sannadood; wuxuuna dhalay Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed.

  • Bil 10:20-21
    2 aayado
    71%

    20Kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Xaam, sidii qabiilooyinkoodii, iyo afafkoodii, iyo waddammadoodii, iyo quruumahoodii ay ahaayeen.

    21¶ Sheem oo aabbe u ahaa carruurtii Ceeber oo dhan, oo ahaa Yaafed walaalkiisii weynaa, isagana carruur baa u dhalatay.

  • 36kan ahaa ina Qaynaan, kan ahaa ina Arfaksad, kan ahaa ina Sheem, kan ahaa ina Nuux, kan ahaa ina Lameg,

  • 19Biyihiina aad bay ugu xoogaysteen dhulka; oo dhammaan buurihii dhaadheeraa oo samada oo dhan ka hooseeyey way qarsoomeen.

  • 29magiciisiina wuxuu u bixiyey Nuux, isagoo leh, Kanu waa inooga raaxayn doonaa shuqulkeenna iyo hawsha gacmaheenna, xagga dhulka Ilaah habaaray.

  • 8¶ Wiilashii Xaamna waxay ahaayeen Kuush, iyo Misrayim, iyo Fuud iyo Kancaan.

  • 19Oo Ceeberna waxaa u dhashay laba wiil, mid magiciisu wuxuu ahaa Feleg, waayo, waagiisii ayaa dhulku qaybsamay, magaca walaalkiisna wuxuu ahaa Yoqtaan.

  • 23Waxaa la wada baabbi'iyey wixii dhulka dushiisa ku noolaa oo dhan, xataa dadkii, iyo xoolihii, iyo wixii gurguuran jiray, iyo haaddii cirka; kulli waa laga wada baabbi'iyey dhulka; oo waxaa hadhay Nuux oo keliya, iyo kuwii doonnidii kula jiray isagii.

  • 7Nuuxna doonniduu galay, isagii iyo wiilashiisii iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisii ee la jiray oo dhan, waxayna ka soo galeen biyihii daadka.

  • 31Oo tii curadda ahayd waxay tii yarayd ku tidhi, Aabbeheen waa duq, dhulkana ma jiro nin inoo iman kara sida caadada dunida oo dhan tahay.