18Oo saddexdoodana waxaa madax u ahaa Abiishay oo ahaa Yoo'aab walaalkiis, oo ay Seruuyaah dhashay. Oo kaasu wuxuu waran u qaatay saddex boqol oo nin, wuuna wada laayay, saddexdiina magac buu ku lahaa.
19Isagu miyaanu saddexdooda ugu ciso badnayn? Sidaas daraaddeed waxaa looga dhigay sirkaal, habase yeeshee saddexdii hore ma uu gaadhin.
20Oo Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo uu dhalay nin xoog weyn oo reer Qabse'eel ahu, kaasoo sameeyey falimo waaweyn, wuxuu dilay labadii wiil oo Arii'eel kii reer Moo'aab, oo haddana wuu tegey oo libaax buu god ku dhex dilay wakhtiga barafka,
21oo wuxuu kaloo dilay nin Masri ah oo dheer, oo Masriguna wuxuu gacanta ku haystay waran, laakiinse isagu wuxuu ula tegey ul, oo warankii ka dhufsaday gacantii Masriga, oo isagii ku dilay warankiisii.
22Oo waxyaalahan waxaa sameeyey Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo isna saddexdii nin ee xoogga badnaa magac buu ku lahaa.
23Oo weliba isagu wuu ka ciso badnaa soddonka, laakiinse ma uu gaadhin saddexdii hore. Oo Daa'uudna wuxuu isaga madax uga dhigay lataliyayaashiisii.