1 Taariikhdii 2:19
Oo Casuubaahna way dhimatay, oo Kaaleeb wuxuu guursaday Efraad, oo iyana isagay u dhashay Xuur.
Oo Casuubaahna way dhimatay, oo Kaaleeb wuxuu guursaday Efraad, oo iyana isagay u dhashay Xuur.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
20Xuurna wuxuu dhalay Uurii, Uuriina wuxuu dhalay Besaleel.
21Oo taas dabadeedna Xesroon wuxuu u tegey inantii Maakiir oo ahaa Gilecaad aabbihiis, oo taas wuxuu guursaday isagoo lixdan sannadood jira, oo waxayna isaga u dhashay Seguub.
18¶ Kaaleeb ina Xesroonna wuxuu carruur ka dhalay naagtiisii Casuubaah, iyo Yeriicood, oo kuwanuna waxay ahaayeen wiilasheedii, waana Yeesher, iyo Shoobaab, iyo Ardoon.
48Macakaah oo ahayd Kaaleeb naagtiisii addoonta ahaydna waxay dhashay Sheber iyo Tirxanaah.
49Oo waxay kaloo dhashay Shacaf oo ahaa Madmannaah aabbihiis, iyo Shewaa oo ahaa Makbeenaa aabbihiis, iyo Gibecaa aabbihiis, oo Kaaleeb gabadhiisana waxaa la odhan jiray Caksaah.
50Oo kuwanu waxay wada ahaayeen ilmaha Kaaleeb, kaasoo ahaa ina Xuur, oo ahaa curadkii Efraataah, iyo Shoobaal oo ahaa Qiryad Yecaariim aabbihiis,
51iyo Salmaa oo ahaa Beytlaxam aabbihiis, iyo Xaareef oo ahaa Beytgaadeer aabbihiis.
46Ceefah oo ahayd Kaaleeb naagtiisii addoonta ahaydna waxay dhashay Xaaraan, iyo Moosaa, iyo Gaasees, oo Xaaraanna wuxuu dhalay Gaasees.
24Oo Xesroon markuu Kaaleeb Efraataah ku dhintay dabadeed ayaa Abiiyaah oo ahayd Xesroon naagtiisii waxay isagii u dhashay Ashxuur oo ahaa Teqooca aabbihiis.
4iyo Fenuu'eel oo ahaa Gedoor aabbihiis, iyo Ceser oo ahaa Xuushaah aabbihiis. Kuwanu waa wiilashii Xuur, kaasoo ahaa curadkii Efraataah, oo ahaa Beytlaxam aabbihiis.
11Oo intay halkaas ka tageen ayay dadkii degganaa Debiir ku duuleen. (Oo waagii hore Debiir magaceedu wuxuu ahaa Qiryad Sefer).
12Markaasaa Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii la dirira Qiryad Sefer oo qabsada, kaas waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.
13Markaasaa Cotnii'eel ina Qenas, kaasoo ahaa Kaaleeb walaalkiisii yaraa, magaaladii qabsaday; markaasuu wuxuu u guuriyey gabadhiisii Caksaah.
14Oo markay u timid ayay kula talisay inuu aabbeheed berrin ka baryo; markaasay dameerkeedii ka soo degtay, oo Kaaleeb wuxuu ku yidhi iyadii, Maxaad doonaysaa?
13¶ Oo wuxuu Kaaleeb ina Yefunneh qayb ka siiyey reer Yahuudah dhexdooda, sidii Rabbigu Yashuuca ugu amray, oo qaybtaas wuxuu ahaa Qiryad Arbac, kaas oo ahaa Canaaq aabbihiis (taasuna waxa weeyaan Xebroon).
14Oo Kaaleebna halkaas wuxuu ka eryay saddexdii wiil oo Canaaq, kuwaasoo ahaa Sheeshay, iyo Axiiman, iyo Talmay, oo ahaa ilma Canaaq.
15Oo halkaasuu ka tegey oo la diriray dadkii Debiir degganaa; oo waagii hore Debiir magaceeda waxaa la odhan jiray Qiryad Sefer.
16Oo Kaaleeb wuxuu yidhi, Kii Qiryad Sefer intuu wax ku dhufta qabsada, waxaan u guurin doonaa gabadhayda Caksaah.
17Markaasaa magaaladii waxaa qabsaday Cotnii'eel oo ahaa ina Qenas kii Kaaleeb walaal u ahaa, markaasuu Caksaah u guuriyey.
18Oo markay isagii u timid waxay ku deddejisay inuu aabbeheed beer weyddiisto: oo markay dameerkeedii ka soo degtay ayaa Kaaleeb ku yidhi, Maxaad doonaysaa?
1¶ Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Feres, iyo Xesroon, iyo Karmii, iyo Xuur, iyo Shoobaal.
8Haddaba waa kuwan magacyadoodii: Benxuur oo wakiil ka ahaa dalka buuraha leh oo Efrayim;
5iyo Geeraa, iyo Shefuufaan, iyo Xuuraam.
42¶ Yeraxme'eel walaalkiis Kaaleeb wiilashiisiina waxay ahaayeen curadkiisii Meeshaac, oo Siif aabbihiis ahaa, iyo wiilashii Maareeshaah oo ahaa Xebroon aabbihiis.
23Oo isna markaasuu naagtiisii u tegey, kolkaasay uuraysatay oo waxay dhashay wiil. Markaasuu magiciisii u bixiyey Beriicaah, maxaa yeelay, belaayaa reerkiisii ku dhacday.
6Oo qabiilkii reer Yahuudahna Kaaleeb ina Yefunneh.
12Wiilashii Yahuudahna waxay ahaayeen Ceer, iyo Oonaan, iyo Sheelaah, iyo Feres, iyo Serax; laakiinse Ceer iyo Oonaan waxay ku dhinteen dalkii Kancaan. Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon iyo Xaamuul.
5Wiilashii Feresna waxay ahaayeen Xesroon, iyo Xaamuul.
13Markaasaa Yashuuca u duceeyey isagii, oo Kaaleeb ina Yefunneh dhaxal u siiyey Xebroon.
14Sidaas daraaddeed ilaa maantadan la joogo Xebroon waxay dhaxal u noqotay Kaaleeb ina Yefunneh oo ahaa reer Qenes, maxaa yeelay, daacad buu u raacay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.
8Ina Eetaanna wuxuu ahaa Casaryaah.
9Oo weliba Xesroon wiilashiisii u dhashay waxay ahaayeen Yeraxme'eel, iyo Raam, iyo Keluubay.
20Oo markaasay Xebroon siiyeen Kaaleeb, sidii Muuse markii hore u sheegay; oo halkaas wuxuu ka eryay Canaaq saddexdiisii wiil.
19Oo nimankaas magacyadoodiina waa kuwan: qabiilka reer Yahuudah kala soo baxa Kaaleeb ina Yefunneh.
6Oo Nacaraah waxay isagii u dhashay Axuusaam, iyo Heefer, iyo Teemnii, iyo Haa'axashtaarii. Intaasu waxay ahaayeen Nacaraah wiilasheedii.
7Xelaah wiilasheediina waxay ahaayeen Sered, iyo Isehaar, iyo Etnaan.
8Haqoosna wuxuu dhalay Caanuub, iyo Sobeebaah, iyo qolooyinka reer Axarxeel oo ahaa ina Haaruum.
15Kaaleeb ina Yefunneh wiilashiisiina waxay ahaayeen Iiruu, iyo Eelaah, iyo Nacam, ina Eelaahna wuxuu ahaa Qenas.
2Bal eeg, magac baan ugu yeedhay Besaleel ina Uurii, oo ah ina Xuur, qabiilkiisuna yahay Yahuudah;
21oo isna dhalay Saabaad, oo isna dhalay Shuutelax, iyo weliba Ceser, iyo Elcaad oo ay dileen dadkii reer Gad oo dalka ku dhashay, maxaa yeelay, iyagu waxay u soo degeen inay xoolahooda dhacaan.
37Saabaadna wuxuu dhalay Eflaal, Eflaalna wuxuu dhalay Coobeed,
38Coobeedna wuxuu dhalay Yeehuu, Yeehuuna wuxuu dhalay Casaryaah,
35iyo Axiyaam oo ahaa ina Saakaar oo ahaa reer Haraarii, iyo Eliifaal oo ahaa ina Uur,
21Waxay yihiin Cuus oo ah curadkiisa, iyo Buus oo ah walaalkiis, iyo Qemuu'el oo ah Araam aabbihiis;
31Wiilashii Beriicaahna waxay ahaayeen Xeber, iyo Malkii'eel oo ahaa Birsaawid aabbihiis.
29Aabraam iyo Naaxoorna way guursadeen: Aabraam naagtiisii waxaa la odhan jiray Saaray; naagtii Naaxoorna waxaa la odhan jiray Milkah, waxayna ahayd gabadhii Haaraan, aabbihii Milkah iyo Iskah.
22Oo kulli wixii Rabbigu ku amray Muuse waxaa sameeyey Besaleel oo ahaa ina Uurii oo ahaa ina Xuur, oo qabiilkiisu ahaa Yahuudah.