1 Taariikhdii 21:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Haddaba Shayddaan baa ku kacay reer binu Israa'iil oo wuxuu Daa'uud ku dhaqaajiyey inuu reer binu Israa'iil tiriyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ayuub 1:6-9 : 6 ¶ Haddaba waxaa jirtay maalin ay Ilaah wiilashiisu u yimaadeen inay Rabbiga hortiisa isa soo taagaan, oo weliba Shayddaanna wuu soo dhex galay. 7 Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, War xaggee baad ka timid? Oo Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Waxaan ka imid dhulkii aan maray, oo aan hor iyo dibba ugu dhex socday. 8 Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Addoonkayga Ayuub ma ka fikirtay? Maxaa yeelay, isaga oo kale dhulka ma joogo, waayo, isagu waa nin qumman oo toosan, oo ah mid Ilaah ka cabsada oo sharka ka fogaada. 9 Markaasaa Shayddaan Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Bal Ayuub ma waxtarla'aan buu Ilaah uga cabsadaa? 10 Sow deyr kuma aad wareejin isaga, iyo reerkiisa, iyo waxa uu haysto oo dhanba? Shuqulkii gacmihiisaad barakaysay, oo xoolihiisiina dhulkay aad ugu bateen. 11 Laakiinse haddaba bal gacantaada soo fidi, oo wuxuu haysto oo dhan taabo, oo isna sida runta ah, hortaada wax xun buu kaaga sheegi doonaa. 12 Markaaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Bal eeg, wuxuu haysto oo dhammu gacantaaday ku jiraan, laakiinse isaga nafsaddiisa waa inaadan far saarin. Markaasaa Shayddaan Rabbiga hortiisii ka tegey.
  • Ayuub 2:1 : 1 ¶ Haddaba waxaa kaloo jirtay maalin kale oo ay Ilaah wiilashiisu u yimaadeen inay Rabbiga hortiisa isa soo taagaan, oo weliba Shayddaanna wuu soo dhex galay, si uu isna Rabbiga isu soo hor taago.
  • Ayuub 2:4-6 : 4 Markaasaa Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Haragba harag baa loo baxshaa, oo nin wuxuu haysto oo dhan ayuu naftiisa u baxshaa. 5 Laakiinse bal haatan gacantaada soo fidi, oo lafihiisa iyo jiidhkiisa taabo, oo isna markaasuu hortaada wax xun kaaga sheegi doonaa. 6 Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Bal eeg, gacantaaduu ku jiraa, waxaadse u daysaa naftiisa.
  • Sak 3:1 : 1 ¶ Oo wuxuu i tusay Yashuuca oo ah wadaadka sare oo hor taagan malaggii Rabbiga, iyo Shayddaan oo taagan gacantiisa midig si uu u ashtakeeyo.
  • Mat 4:3 : 3 Markaasaa duufiyihii u yimid oo ku yidhi, Haddaad tahay Wiilka Ilaah, dhagaxyadan ku dheh, Kibis noqda.
  • Luuk 11:53 : 53 ¶ Oo kolkuu meeshaas ka baxay, culimmada iyo Farrisiintu waxay bilaabeen inay aad ugu dhirfaan iyo inay wax badan kaga hadlisiiyaan,
  • Luuk 22:31 : 31 ¶ Simoonow, Simoonow, ogow, Shayddaanka ayaa ku doonay inuu kuu haadiyo sida sarreen,
  • Yoox 13:2 : 2 Ibliiska ayaa markii hore qalbiga Yuudas Iskariyod ina Simoon geliyey inuu Ciise gacangeliyo.
  • Fal 5:3 : 3 Laakiin Butros baa ku yidhi, Ananiyasow, maxaa Shayddaanku qalbigaaga u geliyey inaad Ruuxa Quduuska ah been u sheegtid oo aad qiimihii dhulka qaar la hadhid?
  • Cib 10:24 : 24 Oo midkeenba midka kale ha ka fikiro si aynu isugu guubaabinno kalgacayl iyo shuqullo wanaagsan.
  • Yac 1:13 : 13 Midna yuu odhanin kolkii la jirrabo, Xagga Ilaah baa layga jirrabay. Waayo, Ilaah laguma jirrabo shar, isaguna midna ma jirrabo.
  • Muj 12:10 : 10 ¶ Oo haddana waxaan samada ka maqlay cod weyn oo leh, Haatan waxaa yimid badbaadadii, iyo xooggii, iyo boqortooyadii Ilaaheenna, iyo amarkii Masiixiisa; maxaa yeelay, kii walaalaheen dacweyn jiray hoos baa loo tuuray, kaasoo iyaga ku dacweyn jiray Ilaaheenna hortiisa habeen iyo maalinba.
  • 2 Sam 24:1-9 : 1 ¶ Oo haddana Rabbiga cadhadiisii aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo Daa'uud buu iyagii ku soo kiciyey, oo wuxuu yidhi, Tag oo soo tiri reer Israa'iil iyo reer Yahuudah. 2 Markaasaa boqorkii ku yidhi Yoo'aab oo ahaa sirkaalkii ciidanka oo isaga la joogay, Horay iyo dib u dhex mar qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac, oo dadka soo tiriya si aan u ogaado dadka tiradiisa. 3 Markaasaa Yoo'aab boqorkii ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ahu ha badiyo dadka, oo in kastoo ay yihiinba, ha ku daro boqol jibbaar, oo indhahaagu, boqorow, sayidkaygiiyow, taas ha arkeen; laakiinse maxaad taas ugu farxaysaa, boqorow, sayidkaygiiyow? 4 Habase yeeshee boqorka hadalkiisii waa ka adkaaday hadalladii Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankaba. Markaasaa Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankuba boqorka hortiisii ka tageen inay dadkii soo tiriyaan. 5 Oo waxay ka gudbeen Webi Urdun, oo degeen Carooceer, oo ku taal xagga midigta oo magaalada ku dhex taal dooxadii Gaad, iyo tan iyo Yacser, 6 oo haddana waxay yimaadeen Gilecaad, iyo ilaa dalkii Taxtiim Xodshii; oo waxay yimaadeen Daan Yacan, iyo Siidoon hareeraheeda, 7 oo waxay yimaadeen dhufayskii Turos, iyo magaalooyinkii reer Xiwi iyo reer Kancaan oo dhan; oo waxay tageen xagga koonfureed oo dalka Yahuudah ilaa Bi'ir Shebac. 8 Haddaba markay dalkii oo dhan horay iyo dib u dhex mareen ayay Yeruusaalem ku soo noqdeen sagaal bilood iyo labaatan maalmood dabadood. 9 Markaasaa Yoo'aab boqorkii siiyey tiradii dadka; oo waxaa dalka Israa'iil ku jiray siddeed boqol oo kun oo nin oo seefqaad ah oo xoog leh; oo waxaa dalka Yahuudahna ku jiray shan boqol oo kun oo nin. 10 ¶ Oo Daa'uudna qalbigiisii ayaa naxay markuu dadka tiriyey dabadeed. Markaasaa Daa'uud Rabbiga ku yidhi, Waxaan sameeyey aad baan ugu dembaabay; haddaba Rabbiyow, waan ku baryayaaye, iga fogee dembigayga anoo addoonkaaga ah, waayo, nacasnimo weyn baan sameeyey. 11 Oo markii Daa'uud subixii toosay ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Gaad, oo ahaa Daa'uud wax arkihiisa, oo wuxuu yidhi, 12 Tag oo Daa'uud la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Saddexdan waxyaalood baan ku siinayaa, ee ka dooro mid aan kugu sameeyo. 13 Sidaas daraaddeed Gaad baa Daa'uud u yimid, oo intuu u warramay ayuu ku yidhi, Toddoba sannadood dalkaaga abaari ma kuugu soo degtaa? Mase saddex bilood baad cadaawayaashaada ka cararaysaa iyagoo ku eryanaya? Mase saddex maalmood baa belaayo dalkaaga lagu soo dejiyaa? Haddaba tasho, oo ka fiirso jawaabta aan u celiyo kii i soo diray. 14 Markaasaa Daa'uud wuxuu Gaad ku yidhi, Cidhiidhi weyn baan ku jiraa; haddaba Rabbiga gacantiisa aan ku dhacno; waayo, naxariistiisu waa badan tahay; laakiinse yaanan dad gacantiis ku dhicin. 15 Saas aawadeed Rabbigu belaayo ayuu ku soo dejiyey reer binu Israa'iil, taasoo timid subaxdii iyo ilaa wakhtigii loo qabtay; oo ilaa Daan iyo tan iyo Bi'ir Shebac waxaa dadkii ka dhintay toddobaatan kun oo nin. 16 Markii malaggii gacanta u fidiyey inuu baabbi'iyo Yeruusaalem ayaa Rabbigu belaayadii ka qoomamooday, oo wuxuu ku yidhi malaggii dadka baabbi'inayay, Bes weeye, haddaba gacanta soo celi. Oo malaggii Rabbiguna wuxuu ag joogay meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo uu Arawnaah kii reer Yebuus lahaa. 17 Markaasaa Daa'uud wuxuu la hadlay Rabbiga kolkuu arkay malaggii dadka laayay, oo yidhi, Bal eeg, waan dembaabay, oo wax qalloocan baan sameeyey, laakiinse idahanu maxay sameeyeen? Haddaba waan ku baryayaaye, gacantaadu ha ka gees noqoto aniga iyo reerka aabbahay. 18 ¶ Oo Gaadna maalintaas ayuu Daa'uud u yimid, oo ku yidhi, Tag, oo Rabbiga meel allabari uga dhis meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray ee Arawnaahkii reer Yebuus. 19 Oo Daa'uud baa ku tegey wixii uu Gaad ku yidhi iyo sidii Rabbigu ku amray. 20 Oo Arawnaah ayaa arkay boqorkii iyo addoommadiisii oo xaggiisa u soo socda; markaasaa Arawnaah soo baxay, oo boqorka hortiisii ayuu ku sujuuday, wejigana dhulkuu saaray. 21 Oo Arawnaah wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, maxaad iigu timid anoo addoonkaaga ah? Oo Daa'uudna wuxuu yidhi, Waxaan kuugu imid inaan kaa iibsado meesha wax lagu tumo, si aan Rabbiga uga dhiso meel allabari inay belaayadu dadka ka joogsato. 22 Oo Arawnaahna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, qaado oo Ilaah u bixi wax alla wixii kula wanaagsan; bal eeg, waa kuwan dibidii qurbaanka la gubo, waana kuwan alaabtii wax lagu tumayay iyo alaabtii dibidu si ay qoryihii u noqdaan. 23 Boqorow, waxan oo dhan anoo Arawnaah ah ayaan ku siinayaa. Oo Arawnaah wuxuu boqorkii ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ahu ha ku aqbalo. 24 Markaasaa boqorkii wuxuu Arawnaah ku yidhi, Maya, laakiinse sida runta ah qiimaan kaaga iibsanayaa, oo Rabbiga Ilaahayga ahna qurbaanno la gubo ugu bixin maayo wax aanan waxba ka bixin. Haddaba Daa'uud wuxuu meeshii wax lagu tumi jiray iyo dibidiiba ku iibsaday konton sheqel oo lacag ah. 25 Markaasaa Daa'uud halkaas Rabbiga uga dhisay meel allabari, oo wuxuu u bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino. Haddaba Rabbigu waa aqbalay baryadii dalkii loo baryay, oo belaayadiina dalkii way ka joogsatay.
  • 1 Boq 22:20-22 : 20 Markaasaa Rabbigu yidhi, Kumaa Axaab soo sasabaya inuu Raamod Gilecaad tago oo halkaas ku dhinto? Oo mid sidanuu yidhi, mid kalena sidaasuu yidhi. 21 Markaasaa ruux soo baxay, oo Rabbiga hortiisa istaagay oo yidhi, Anigaa soo sasabaya. 22 Kolkaasaa Rabbigu ku yidhi, Sidee baad u soo sasabaysaa? Isna wuxuu yidhi, Anigu waan tegayaa oo waxaan noqonayaa ruux beenlow ah oo afka nebiyadiisa oo dhan ku jira. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Adigu waad sasabi doontaa oo weliba waad ka adkaan doontaa, haddaba tag oo saas yeel.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 80%

    2Markaasaa Daa'uud ku yidhi Yoo'aab iyo amiirradii, Taga oo reer binu Israa'iil soo tiriya tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, oo war ii keena si aan u ogaado dadka tiradiisa.

    3Markaasaa Yoo'aab yidhi, Rabbigu dadkiisa ha ka dhigo boqol jeer in ka sii badan inta ay haatan yihiin, laakiinse boqorow sayidkaygiiyow, iyagu kulligood sow ma aha addoommadaada? Maxaadse waxan u doonaysaa, sayidkaygiiyow? Oo maxaadse reer binu Israa'iil sabab ay ku dembaabaan ugu noqonaysaa?

  • 2 Sam 24:1-2
    2 aayado
    80%

    1¶ Oo haddana Rabbiga cadhadiisii aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo Daa'uud buu iyagii ku soo kiciyey, oo wuxuu yidhi, Tag oo soo tiri reer Israa'iil iyo reer Yahuudah.

    2Markaasaa boqorkii ku yidhi Yoo'aab oo ahaa sirkaalkii ciidanka oo isaga la joogay, Horay iyo dib u dhex mar qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac, oo dadka soo tiriya si aan u ogaado dadka tiradiisa.

  • 70%

    23Laakiinse Daa'uud ma uu tirinin intoodii labaatan sannadood ka yarayd, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu yidhi inuu reer binu Israa'iil u badinayo sida xiddigaha samada oo kale.

    24Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay ayaa bilaabay inuu dadka tirsho, laakiinse ma uusan dhammayn, oo tirintaas aawadeed ayaa reer binu Israa'iil cadho ugu soo degtay, oo tiradiina laguma darin xisaabtii kitaabkii taariikhda oo Boqor Daa'uud.

  • 4Habase yeeshee boqorka hadalkiisii waa ka adkaaday hadalladii Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankaba. Markaasaa Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankuba boqorka hortiisii ka tageen inay dadkii soo tiriyaan.

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu tiriyey dadkii isaga la jiray, oo wuxuu u yeelay saraakiil kun kun u taliya iyo saraakiil boqol boqol u taliya.

  • 21Oo reer binu Israa'iil iyo reer Falastiin dagaal bay isugu soo diyaariyeen, iyadoo ciidanba ciidanka kale ka gees yahay.

  • 70%

    10¶ Oo Daa'uudna qalbigiisii ayaa naxay markuu dadka tiriyey dabadeed. Markaasaa Daa'uud Rabbiga ku yidhi, Waxaan sameeyey aad baan ugu dembaabay; haddaba Rabbiyow, waan ku baryayaaye, iga fogee dembigayga anoo addoonkaaga ah, waayo, nacasnimo weyn baan sameeyey.

    11Oo markii Daa'uud subixii toosay ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Gaad, oo ahaa Daa'uud wax arkihiisa, oo wuxuu yidhi,

  • 7Haddaba taas ayaa Ilaah ugu cadhooday, markaasuu laayay reer binu Israa'iil.

  • Ayuub 2:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Haddaba waxaa kaloo jirtay maalin kale oo ay Ilaah wiilashiisu u yimaadeen inay Rabbiga hortiisa isa soo taagaan, oo weliba Shayddaanna wuu soo dhex galay, si uu isna Rabbiga isu soo hor taago.

    2Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, War xaggee baad ka timid? Oo Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Waxaan ka imid dhulkii aan maray, oo aan hor iyo dibba ugu dhex socday.

  • 69%

    17Markaasaa Daa'uud wuxuu Ilaah ku yidhi, Kii amray in dadka la soo tiriyo sow aniga ma aha? Kii dembaabay oo waxa aad u xun sameeyey waa aniga, laakiinse idahanu maxay sameeyeen? Haddaba Rabbiyow Ilaahayow, waan ku baryayaaye, gacantaadu ha ka gees noqoto aniga iyo reerka aabbahay, laakiinse dadkaaga yaanay ka gees noqon oo aanay belaayo ku dhicin.

    18Markaasaa malaggii Rabbigu Gaad ku amray inuu Daa'uud ku yidhaahdo, Tag oo Rabbiga meel allabari ugu dhis meeshii wax lagu tumi jiray ee Aarnaankii reer Yebuus leeyahay.

    19Oo Daa'uud baa ku tegey wixii uu Gaad yidhi, oo uu ku hadlay magicii Rabbiga.

  • Ayuub 1:6-7
    2 aayado
    69%

    6¶ Haddaba waxaa jirtay maalin ay Ilaah wiilashiisu u yimaadeen inay Rabbiga hortiisa isa soo taagaan, oo weliba Shayddaanna wuu soo dhex galay.

    7Markaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, War xaggee baad ka timid? Oo Shayddaan wuxuu Rabbiga ugu jawaabay, Waxaan ka imid dhulkii aan maray, oo aan hor iyo dibba ugu dhex socday.

  • 9Markaasaa Shayddaan Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Bal Ayuub ma waxtarla'aan buu Ilaah uga cabsadaa?

  • 6Nin shar leh ka sarraysii isaga, Oo Shayddaan ha istaago midigtiisa.

  • 1 Sam 19:8-9
    2 aayado
    69%

    8¶ Oo haddana mar kale waxaa dhacay dagaal. Markaasaa Daa'uud baxay oo la diriray reer Falastiin, oo intuu aad u laayay ayay ka hor carareen.

    9Oo haddana ruux xun oo xagga Rabbiga ka yimid ayaa ku soo degay Saa'uul isagoo gurigiisa dhex fadhiya oo warankiisii gacanta ugu jiro; markaasaa Daa'uud gacanta ku dhuftay kataaraddii.

  • 68%

    21Markaasaa ruux soo baxay, oo Rabbiga hortiisa istaagay oo yidhi, Anigaa soo sasabaya.

    22Kolkaasaa Rabbigu ku yidhi, Sidee baad u soo sasabaysaa? Isna wuxuu yidhi, Anigu waan tegayaa oo waxaan noqonayaa ruux beenlow ah oo afka nebiyadiisa oo dhan ku jira. Oo Rabbigu wuxuu yidhi, Adigu waad sasabi doontaa oo weliba waad ka adkaan doontaa, haddaba tag oo saas yeel.

  • 68%

    19Markaasaa Rabbigu yidhi, Kumaa Axaab oo ah boqorka dalka Israa'iil soo sasabaya inuu Raamod Gilecaad tago oo halkaas ku dhinto? Oo mid sidanuu ku hadlay, mid kalena sidaasuu ku hadlay.

    20Markaasaa ruux soo baxay oo Rabbiga hortiisa istaagay, oo yidhi, Anigaa soo sasabaya. Kolkaasaa Rabbigu ku yidhi, Sidee baad u soo sasabaysaa?

  • 8Markaasaa Saa'uul dadkiisii oo dhan dagaal ugu yeedhay inay Qeciilaah ku dhaadhacaan, oo ay Daa'uud iyo raggiisaba hareereeyaan.

  • 68%

    9Oo Saa'uulna maalintaas dabadeed Daa'uud si xun buu u fiirin jiray.

    10¶ Oo subaxdii dambe ruux xun oo xag Ilaah ka yimid ayaa ku soo degay Saa'uul, oo sidii nebi ayuu wax ugu sii sheegay guriga dhexdiisa. Markaasaa Daa'uud wuxuu gacanta ku dhuftay kataarad siduu maalin walba yeeli jiray; oo Saa'uulna gacantuu ku haystay warankiisii.

  • 17Taas waxaa loo soo sheegay Daa'uud, kolkaasuu reer binu Israa'iil oo dhan soo wada ururiyey, oo intuu Webi Urdun ka soo gudbay ayuu reer Suuriya u yimid, oo ciidankiisii ayuu weerar ugu soo diyaariyey, haddaba Daa'uud markuu raggiisii u diyaariyey inay reer Suuriya la dagaallamaan ayay iyana la dirireen.

  • 23¶ Oo Ilaah haddana wuxuu ku kiciyey cadow kale, oo kaasuna wuxuu ahaa Resoon ina Elyaadaac kaasoo ka cararay sayidkiisii Hadadceser oo boqorkii Soobaah ahaa.

  • 1¶ Oo wuxuu i tusay Yashuuca oo ah wadaadka sare oo hor taagan malaggii Rabbiga, iyo Shayddaan oo taagan gacantiisa midig si uu u ashtakeeyo.

  • 3Oo reer binu Israa'iil waxay isku dareen Bacal Fecoor. Markaasaa Rabbiga cadhadiisii aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil.

  • 3¶ Markaasaa Shayddaanku wuxuu galay Yuudas, kan Iskariyod la odhan jiray, isagoo ka mid ah tirada laba-iyo-tobanka.

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu la arrinsaday saraakiishii kun kun u taliyey iyo kuwii boqol boqol u taliyey iyo xataa hoggaamiye kasta.

  • 31Oo erayadii Daa'uud ku hadlay markii la maqlay ayaa Saa'uul loo warramay, oo isna wuu u soo cid diray.

  • 30Laakiinse Daa'uud meeshaas ma uu hor tegi karin inuu Ilaah wax soo weyddiisto, maxaa yeelay, wuxuu ka baqayay seeftii malagga Rabbiga.

  • 10taasoo ah inaan boqortooyada ka wareejiyo reer Saa'uul, iyo inaan carshiga Daa'uud u qotomiyo reer binu Israa'iil iyo reer binu Yahuudah, iyo tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac.

  • 6Oo markaasaa Boqor Yehooraam ka baxay Samaariya, oo wuxuu soo safay dadkii Israa'iil oo dhan.

  • 1¶ Markaasaa Saa'uul la hadlay wiilkiisii Yoonaataan iyo addoommadiisii oo dhan, oo wuxuu ku amray inay Daa'uud dilaan.

  • 28Oo markuu ragga la hadlayay Elii'aab oo ahaa walaalkiisii ugu weynaa ayaa maqlay, oo Elii'aabna aad buu ugu cadhooday Daa'uud oo wuxuu ku yidhi, War maxaad u soo dhaadhacday? Oo bal yaad uga soo kacday xayntii idaha ahayd oo cidlada joogtay? Anigu waan aqaan kibirkaaga, iyo xumaanta qalbigaaga ku jirta, waayo, waxaad u timid inaad dagaalka fiirsato.

  • 4Markaasaa Saa'uul dadkii u yeedhay, oo Tela'iim buu ku tiriyey, oo waxay noqdeen laba boqol oo kun oo nin oo lug ah, iyo toban kun oo nin ee reer Yahuudah ah.

  • 67%

    11Laakiinse haddaba bal gacantaada soo fidi, oo wuxuu haysto oo dhan taabo, oo isna sida runta ah, hortaada wax xun buu kaaga sheegi doonaa.

    12Markaaasaa Rabbigu wuxuu Shayddaan ku yidhi, Bal eeg, wuxuu haysto oo dhammu gacantaaday ku jiraan, laakiinse isaga nafsaddiisa waa inaadan far saarin. Markaasaa Shayddaan Rabbiga hortiisii ka tegey.

  • 5Markaasaa Yoo'aab Daa'uud siiyey tiradii dadka, oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ahaayeen kun kun iyo boqol kun oo nin oo seefqaad ah, oo reer Yahuudahna waxay ahaayeen afar boqol iyo toddobaatan kun oo nin oo seefqaad ah.

  • 15¶ Markaasaa Samuu'eel kacay, wuuna ka baxay Gilgaal, oo xagga Gibecaahda reer Benyaamiin buu tegey. Oo Saa'uulna markaasuu tiriyey dadkii isaga la jiray, oo waxay noqdeen in ku dhow lix boqol oo nin.

  • 9Markaasaa Rabbigu la hadlay Gaad oo ahaa Daa'uud waxarkihiisa, oo wuxuu yidhi,