1 Taariikhdii 27:23

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Laakiinse Daa'uud ma uu tirinin intoodii labaatan sannadood ka yarayd, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu yidhi inuu reer binu Israa'iil u badinayo sida xiddigaha samada oo kale.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Bil 15:5 : 5 Oo dibadduu u soo bixiyey, oo ku yidhi, Bal samada fiiri, oo xiddigaha tiri, haddaad tirin kartid: oo wuxuu ku yidhi, Sidaas oo kalaa farcankaagu ahaan doonaa.
  • Cib 11:12 : 12 Sidaas daraaddeedna waxaa mid sidii nin dhintay oo kale ah ka dhashay dad u badan sida xiddigaha cirka iyo sida cammuudda badda xeebteeda taal oo aan la tirin karin.
  • Tir 1:18 : 18 oo shirkii oo dhan ayay isu soo ururiyeen bishii labaad maalinteedii kowaad, oo waxay u soo abtirsadeen qolo qolo iyo reer reer, oo ay madax madax u tiriyeen sida tirada magacyadoodu ay ahayd intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba.
  • 1 Taar 21:2-5 : 2 Markaasaa Daa'uud ku yidhi Yoo'aab iyo amiirradii, Taga oo reer binu Israa'iil soo tiriya tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, oo war ii keena si aan u ogaado dadka tiradiisa. 3 Markaasaa Yoo'aab yidhi, Rabbigu dadkiisa ha ka dhigo boqol jeer in ka sii badan inta ay haatan yihiin, laakiinse boqorow sayidkaygiiyow, iyagu kulligood sow ma aha addoommadaada? Maxaadse waxan u doonaysaa, sayidkaygiiyow? Oo maxaadse reer binu Israa'iil sabab ay ku dembaabaan ugu noqonaysaa? 4 Habase yeeshee boqorka hadalkiisii waa ka adkaaday hadalkii Yoo'aab. Haddaba sidaas daraaddeed Yoo'aab wuu tegey, oo wuxuu dhex maray reer binu Israa'iil oo dhan, dabadeedna Yeruusaalem buu yimid. 5 Markaasaa Yoo'aab Daa'uud siiyey tiradii dadka, oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ahaayeen kun kun iyo boqol kun oo nin oo seefqaad ah, oo reer Yahuudahna waxay ahaayeen afar boqol iyo toddobaatan kun oo nin oo seefqaad ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 24Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay ayaa bilaabay inuu dadka tirsho, laakiinse ma uusan dhammayn, oo tirintaas aawadeed ayaa reer binu Israa'iil cadho ugu soo degtay, oo tiradiina laguma darin xisaabtii kitaabkii taariikhda oo Boqor Daa'uud.

  • 27Oo Daa'uud dardaarankiisii ayaa reer Laawi lagu tiriyey, intoodii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd.

  • 76%

    2Markaasaa Daa'uud ku yidhi Yoo'aab iyo amiirradii, Taga oo reer binu Israa'iil soo tiriya tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, oo war ii keena si aan u ogaado dadka tiradiisa.

    3Markaasaa Yoo'aab yidhi, Rabbigu dadkiisa ha ka dhigo boqol jeer in ka sii badan inta ay haatan yihiin, laakiinse boqorow sayidkaygiiyow, iyagu kulligood sow ma aha addoommadaada? Maxaadse waxan u doonaysaa, sayidkaygiiyow? Oo maxaadse reer binu Israa'iil sabab ay ku dembaabaan ugu noqonaysaa?

  • Tir 1:2-3
    2 aayado
    75%

    2Shirka reer binu Israa'iil oo dhan u soo tiriya qolo qolo iyo reer reer, sida ay tirada magacyadoodu tahay, nin kasta madax madax u tiriya.

    3Oo waxaad tirisaa intii labaatan sannadood jirta iyo intii ka sii weyn. Inta reer binu Israa'iil oo dagaal u bixi karta oo dhan adiga iyo Haaruun waa inaad koox koox u tirisaan.

  • 2 Sam 24:1-4
    4 aayado
    73%

    1¶ Oo haddana Rabbiga cadhadiisii aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo Daa'uud buu iyagii ku soo kiciyey, oo wuxuu yidhi, Tag oo soo tiri reer Israa'iil iyo reer Yahuudah.

    2Markaasaa boqorkii ku yidhi Yoo'aab oo ahaa sirkaalkii ciidanka oo isaga la joogay, Horay iyo dib u dhex mar qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac, oo dadka soo tiriya si aan u ogaado dadka tiradiisa.

    3Markaasaa Yoo'aab boqorkii ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ahu ha badiyo dadka, oo in kastoo ay yihiinba, ha ku daro boqol jibbaar, oo indhahaagu, boqorow, sayidkaygiiyow, taas ha arkeen; laakiinse maxaad taas ugu farxaysaa, boqorow, sayidkaygiiyow?

    4Habase yeeshee boqorka hadalkiisii waa ka adkaaday hadalladii Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankaba. Markaasaa Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankuba boqorka hortiisii ka tageen inay dadkii soo tiriyaan.

  • 2Shirka reer binu Israa'iil oo dhan u soo tiriya reer reer, intii labaatan sannadood jirta iyo intii ka sii weyn, kuwaas oo ah inta reer binu Israa'iil ee dagaal u bixi karta oo dhan.

  • 45Haddaba intii reer binu Israa'iil oo dhan ee reerihii aabbayaashood laga tiriyey, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan oo reer binu Israa'iil dhex joogtay,

  • 15Markaasuu tiriyey amiirradii gobollada addoommadooda, oo waxay ahaayeen laba boqol iyo laba iyo soddon; oo dabadoodna wuxuu tiriyey dadkii oo dhan, oo dadkii dalka Israa'iil oo dhammu waxay noqdeen toddoba kun.

  • 4Oo waxay ku yidhaahdeen, Dadka inta labaatan sannadood jirta iyo inta ka sii weyn soo tiriya, sidii Rabbigu ku amray Muuse iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dalkii Masar ka soo baxay.

  • 33Laakiinse reer Laawi laguma tirin reer binu Israa'iil, waayo, sidaas ayaa Rabbigu Muuse ku amray.

  • 62Oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo labaatan kun, mid kasta oo lab ah oo bil jira iyo intii ka sii weyn, waayo, iyaga laguma tirin reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, dhaxal laguma siin reer binu Israa'iil dhexdooda.

  • 38¶ Oo reer Daanna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

  • 71%

    5Markaasaa Yoo'aab Daa'uud siiyey tiradii dadka, oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ahaayeen kun kun iyo boqol kun oo nin oo seefqaad ah, oo reer Yahuudahna waxay ahaayeen afar boqol iyo toddobaatan kun oo nin oo seefqaad ah.

    6Laakiinse isagu sooma uu tirin reer Laawi iyo reer Benyaamiin, maxaa yeelay, Yoo'aab waa karaahiyeystay boqorka hadalkiisii.

  • 26¶ Oo reer Yahuudahna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu tiriyey dadkii isaga la jiray, oo wuxuu u yeelay saraakiil kun kun u taliya iyo saraakiil boqol boqol u taliya.

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud haddana soo ururiyey raggii reer binu Israa'iil oo la doortay oo dhan, waxayna ahaayeen soddon kun.

  • 23¶ Oo tanuna waa tiradii kuwii madaxda u ahaa kuwii dagaalka hubka u lahaa, oo Daa'uud ugu yimid Xebroon inay boqortooyada Saa'uul isaga u rogaan sidii uu eraygii Rabbigu ahaa.

  • 23Oo carruurtoodiina waxaad u badisay sida xiddigaha samada oo kale, oo iyagii waxaad keentay dalkii aad awowayaashood ku tidhi, Iyagu waa inay galaan si ay u hantiyaan.

  • 23Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Walaalahayow, waa inaydnaan saas ku samayn wixii Rabbigu ina siiyey, kaasoo ah kii ina badbaadiyey, oo weliba inoo soo gacangeliyey colkii ina soo weeraray.

  • 10Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin tarmiyey, oo bal eega, maanta waxaad u faro badan tihiin sida xiddigaha samada oo kale.

  • 22Sida aan ciidammada samada loo tirin karin, amase aan ciidda badda loo qiyaasi karin, ayaan u tarmin doonaa farcanka addoonkayga Daa'uud, iyo reer Laawiga ii adeegaba.

  • 23Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen shan iyo soddon kun iyo afar boqol.

  • 47¶ Laakiinse qabiilkii reer Laawi reer reer looma tirin.

  • 32¶ Oo kuwa reer Yuusuf oo ahaa reer Efrayim farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

  • 22¶ Awowayaashiin markay Masar u dhaadhaceen waxay ahaayeen toddobaatan qof, haatanse Rabbiga Ilaahiinna ahu wuxuu tiradiinna ka dhigay sida xiddigaha samada oo kale.

  • 30¶ Oo reer Sebulunna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

  • 3Markaasaa la tiriyey reer Laawi intoodii soddon sannadood jirtay ama ka sii weynayd, oo markii nin nin loo tiriyey, dhammaantood tiradoodii waxay noqotay siddeed iyo soddon kun oo nin.

  • 49Qabiilka reer Laawi oo keliya waa inaadan tirin, oo reer binu Israa'iilna waa inaadan tiradooda ku dhex darin,

  • 69%

    9Markaasaa Yoo'aab boqorkii siiyey tiradii dadka; oo waxaa dalka Israa'iil ku jiray siddeed boqol oo kun oo nin oo seefqaad ah oo xoog leh; oo waxaa dalka Yahuudahna ku jiray shan boqol oo kun oo nin.

    10¶ Oo Daa'uudna qalbigiisii ayaa naxay markuu dadka tiriyey dabadeed. Markaasaa Daa'uud Rabbiga ku yidhi, Waxaan sameeyey aad baan ugu dembaabay; haddaba Rabbiyow, waan ku baryayaaye, iga fogee dembigayga anoo addoonkaaga ah, waayo, nacasnimo weyn baan sameeyey.

  • 22reer Daanna waxaa u talinayay Casareel ina Yeroxaam. Oo kuwaasu waxay ahaayeen saraakiishii qabiilooyinka reer binu Israa'iil.

  • 24¶ Oo reer Gaadna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

  • 7Oo dadkii reer binu Israa'iilna waxaa meeshaas ku laayay addoommadii Daa'uud, oo maalintaas waxaa la laayay dad badan, oo waxaa ka dhintay labaatan kun oo nin.

  • 27Oo ciidankii Israa'iilna waa la tiriyey, oo saadkoodiina waa la siiyey, markaasay iyagii ka hor tageen; oo ciidankii Israa'iilna hortooday degeen iyagoo la moodo sidii laba xaymood oo yaryar oo waxarro ah, laakiinse ciidankii Suuriya dalkoo dhan bay buuxiyeen.

  • 1¶ Haddaba waa tan reer binu Israa'iil sidii tiradoodu ay ahayd, waxayna ahaayeen madaxdii qolooyinka, iyo kuwii kun kun u taliyey, iyo kuwii boqol boqol u taliyey, iyo saraakiishoodii boqorka uga adeegi jiray wax kasta oo ku saabsan kooxihii soo geli jiray oo bixi jiray bil kasta oo ah bilaha sannadda oo dhan; koox kasta tiradeedu waxay ahayd afar iyo labaatan kun oo nin.

  • 17Markaasaa Daa'uud wuxuu Ilaah ku yidhi, Kii amray in dadka la soo tiriyo sow aniga ma aha? Kii dembaabay oo waxa aad u xun sameeyey waa aniga, laakiinse idahanu maxay sameeyeen? Haddaba Rabbiyow Ilaahayow, waan ku baryayaaye, gacantaadu ha ka gees noqoto aniga iyo reerka aabbahay, laakiinse dadkaaga yaanay ka gees noqon oo aanay belaayo ku dhicin.

  • 24Kuwaasu waxay ahaayeen reer Laawi sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen, waana kuwii ahaa madaxdii reeraha kuwii la tiriyey, oo magacyadooda nin nin loo tiriyey, kuwaasoo samayn jiray shuqulkii hawsha guriga Rabbiga, waana intii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd.

  • 11Hubaal dadkii Masar ka soo baxay intii labaatan sannadood jirta ama ka sii weyn, midkoodna ma arki doono dalkii aan ugu dhaartay Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, maxaa yeelay, qalbiga igama ay wada raacin,

  • 21Oo ciidankiisii kuwii laga tiriyey waxay ahaayeen laba iyo soddon kun iyo laba boqol.

  • 28¶ Oo reer Isaakaarna farcankoodii, qolo qolo iyo reer reer, sidii ay tirada magacyadoodu ahayd, intii labaatan sannadood jirtay iyo intii ka sii weynaydba, in alla intii dagaal u bixi kartay oo dhan,

  • 62Oo in kastoo aad u faro badnaydeen sida xiddigaha samada oo kale waxaa uun idinka hadhi doona in yar oo dhawr ah, maxaa yeelay, codkii Rabbiga Ilaahiinna ah ayaad dhegaysan weydeen.