1 Taariikhdii 27:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay ayaa bilaabay inuu dadka tirsho, laakiinse ma uusan dhammayn, oo tirintaas aawadeed ayaa reer binu Israa'iil cadho ugu soo degtay, oo tiradiina laguma darin xisaabtii kitaabkii taariikhda oo Boqor Daa'uud.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 24:1-9 : 1 ¶ Oo haddana Rabbiga cadhadiisii aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo Daa'uud buu iyagii ku soo kiciyey, oo wuxuu yidhi, Tag oo soo tiri reer Israa'iil iyo reer Yahuudah. 2 Markaasaa boqorkii ku yidhi Yoo'aab oo ahaa sirkaalkii ciidanka oo isaga la joogay, Horay iyo dib u dhex mar qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac, oo dadka soo tiriya si aan u ogaado dadka tiradiisa. 3 Markaasaa Yoo'aab boqorkii ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ahu ha badiyo dadka, oo in kastoo ay yihiinba, ha ku daro boqol jibbaar, oo indhahaagu, boqorow, sayidkaygiiyow, taas ha arkeen; laakiinse maxaad taas ugu farxaysaa, boqorow, sayidkaygiiyow? 4 Habase yeeshee boqorka hadalkiisii waa ka adkaaday hadalladii Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankaba. Markaasaa Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankuba boqorka hortiisii ka tageen inay dadkii soo tiriyaan. 5 Oo waxay ka gudbeen Webi Urdun, oo degeen Carooceer, oo ku taal xagga midigta oo magaalada ku dhex taal dooxadii Gaad, iyo tan iyo Yacser, 6 oo haddana waxay yimaadeen Gilecaad, iyo ilaa dalkii Taxtiim Xodshii; oo waxay yimaadeen Daan Yacan, iyo Siidoon hareeraheeda, 7 oo waxay yimaadeen dhufayskii Turos, iyo magaalooyinkii reer Xiwi iyo reer Kancaan oo dhan; oo waxay tageen xagga koonfureed oo dalka Yahuudah ilaa Bi'ir Shebac. 8 Haddaba markay dalkii oo dhan horay iyo dib u dhex mareen ayay Yeruusaalem ku soo noqdeen sagaal bilood iyo labaatan maalmood dabadood. 9 Markaasaa Yoo'aab boqorkii siiyey tiradii dadka; oo waxaa dalka Israa'iil ku jiray siddeed boqol oo kun oo nin oo seefqaad ah oo xoog leh; oo waxaa dalka Yahuudahna ku jiray shan boqol oo kun oo nin. 10 ¶ Oo Daa'uudna qalbigiisii ayaa naxay markuu dadka tiriyey dabadeed. Markaasaa Daa'uud Rabbiga ku yidhi, Waxaan sameeyey aad baan ugu dembaabay; haddaba Rabbiyow, waan ku baryayaaye, iga fogee dembigayga anoo addoonkaaga ah, waayo, nacasnimo weyn baan sameeyey. 11 Oo markii Daa'uud subixii toosay ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Gaad, oo ahaa Daa'uud wax arkihiisa, oo wuxuu yidhi, 12 Tag oo Daa'uud la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Saddexdan waxyaalood baan ku siinayaa, ee ka dooro mid aan kugu sameeyo. 13 Sidaas daraaddeed Gaad baa Daa'uud u yimid, oo intuu u warramay ayuu ku yidhi, Toddoba sannadood dalkaaga abaari ma kuugu soo degtaa? Mase saddex bilood baad cadaawayaashaada ka cararaysaa iyagoo ku eryanaya? Mase saddex maalmood baa belaayo dalkaaga lagu soo dejiyaa? Haddaba tasho, oo ka fiirso jawaabta aan u celiyo kii i soo diray. 14 Markaasaa Daa'uud wuxuu Gaad ku yidhi, Cidhiidhi weyn baan ku jiraa; haddaba Rabbiga gacantiisa aan ku dhacno; waayo, naxariistiisu waa badan tahay; laakiinse yaanan dad gacantiis ku dhicin. 15 Saas aawadeed Rabbigu belaayo ayuu ku soo dejiyey reer binu Israa'iil, taasoo timid subaxdii iyo ilaa wakhtigii loo qabtay; oo ilaa Daan iyo tan iyo Bi'ir Shebac waxaa dadkii ka dhintay toddobaatan kun oo nin.
  • 1 Taar 21:1-9 : 1 ¶ Haddaba Shayddaan baa ku kacay reer binu Israa'iil oo wuxuu Daa'uud ku dhaqaajiyey inuu reer binu Israa'iil tiriyo. 2 Markaasaa Daa'uud ku yidhi Yoo'aab iyo amiirradii, Taga oo reer binu Israa'iil soo tiriya tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, oo war ii keena si aan u ogaado dadka tiradiisa. 3 Markaasaa Yoo'aab yidhi, Rabbigu dadkiisa ha ka dhigo boqol jeer in ka sii badan inta ay haatan yihiin, laakiinse boqorow sayidkaygiiyow, iyagu kulligood sow ma aha addoommadaada? Maxaadse waxan u doonaysaa, sayidkaygiiyow? Oo maxaadse reer binu Israa'iil sabab ay ku dembaabaan ugu noqonaysaa? 4 Habase yeeshee boqorka hadalkiisii waa ka adkaaday hadalkii Yoo'aab. Haddaba sidaas daraaddeed Yoo'aab wuu tegey, oo wuxuu dhex maray reer binu Israa'iil oo dhan, dabadeedna Yeruusaalem buu yimid. 5 Markaasaa Yoo'aab Daa'uud siiyey tiradii dadka, oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ahaayeen kun kun iyo boqol kun oo nin oo seefqaad ah, oo reer Yahuudahna waxay ahaayeen afar boqol iyo toddobaatan kun oo nin oo seefqaad ah. 6 Laakiinse isagu sooma uu tirin reer Laawi iyo reer Benyaamiin, maxaa yeelay, Yoo'aab waa karaahiyeystay boqorka hadalkiisii. 7 Haddaba taas ayaa Ilaah ugu cadhooday, markaasuu laayay reer binu Israa'iil. 8 Markaasaa Daa'uud Ilaah ku yidhi, Waxaan sameeyey aad baan ugu dembaabay, haddaba waan ku baryayaaye, iga fogee dembigayga anoo addoonkaaga ah, waayo, nacasnimo weyn baan sameeyey. 9 Markaasaa Rabbigu la hadlay Gaad oo ahaa Daa'uud waxarkihiisa, oo wuxuu yidhi, 10 Tag oo Daa'uud la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Saddexdan waxyaalood baan ku siinayaa, ee ka dooro mid aan kugu sameeyo. 11 Sidaas daraaddeed Gaad baa Daa'uud u yimid oo ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Midkaad doonaysid dooro, 12 saddex sannadood oo abaar ah, ama saddex bilood oo aad ku baabba'did cadaawayaashaada hortooda iyadoo seefta cadaawayaashaadu ay ku gaadhayso, amase haddii kale saddex maalmood oo seefta Rabbigu iyadoo belaayo ah ay dalka dhex marayso, oo ay malaa'igtii Rabbiga dadka baabbi'inayso kulli dalka reer binu Israa'iil oo dhan. Haddaba bal ka fiirso jawaabta aan u celiyo kii i soo diray. 13 Markaasaa Daa'uud wuxuu Gaad ku yidhi, Cidhiidhi weyn baan ku jiraa, Rabbiga gacantiisa aan ku dhaco, waayo, naxariistiisu waa badan tahay, laakiinse yaanan dad gacantiis ku dhicin. 14 Saas aawadeed Rabbigu belaayo ayuu ku soo dejiyey reer binu Israa'iil, oo waxaa reer binu Israa'iil ka dhintay toddobaatan kun oo nin. 15 Oo haddana Rabbigu wuxuu Yeruusaalem u soo diray malag wax baabbi'iya, oo markuu u dhowaaday inuu baabbi'iyo ayaa Rabbigu fiiriyey, oo belaayadii ka qoomamooday, oo wuxuu malaggii wax baabbi'inayay ku yidhi, Bes weeye, haddaba gacanta soo celi. Oo malaggii Rabbigu wuxuu ag joogay meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo uu Aarnaankii reer Yebuus lahaa. 16 Markaasaa Daa'uud indhihii kor u taagay oo wuxuu arkay malaggii Rabbiga oo taagan dhulka iyo samada dhexdooda oo gacanta ku haysta seef gal la' oo Yeruusaalem ku kor fidsan. Markaasay Daa'uud iyo odayaashiiba, iyagoo dhar joonyad ah qaba, wejiga dhulka saareen. 17 Markaasaa Daa'uud wuxuu Ilaah ku yidhi, Kii amray in dadka la soo tiriyo sow aniga ma aha? Kii dembaabay oo waxa aad u xun sameeyey waa aniga, laakiinse idahanu maxay sameeyeen? Haddaba Rabbiyow Ilaahayow, waan ku baryayaaye, gacantaadu ha ka gees noqoto aniga iyo reerka aabbahay, laakiinse dadkaaga yaanay ka gees noqon oo aanay belaayo ku dhicin.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 23Laakiinse Daa'uud ma uu tirinin intoodii labaatan sannadood ka yarayd, maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu yidhi inuu reer binu Israa'iil u badinayo sida xiddigaha samada oo kale.

  • 2 Sam 24:1-4
    4 aayado
    81%

    1¶ Oo haddana Rabbiga cadhadiisii aad bay ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo Daa'uud buu iyagii ku soo kiciyey, oo wuxuu yidhi, Tag oo soo tiri reer Israa'iil iyo reer Yahuudah.

    2Markaasaa boqorkii ku yidhi Yoo'aab oo ahaa sirkaalkii ciidanka oo isaga la joogay, Horay iyo dib u dhex mar qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac, oo dadka soo tiriya si aan u ogaado dadka tiradiisa.

    3Markaasaa Yoo'aab boqorkii ku yidhi, Rabbiga Ilaahaaga ahu ha badiyo dadka, oo in kastoo ay yihiinba, ha ku daro boqol jibbaar, oo indhahaagu, boqorow, sayidkaygiiyow, taas ha arkeen; laakiinse maxaad taas ugu farxaysaa, boqorow, sayidkaygiiyow?

    4Habase yeeshee boqorka hadalkiisii waa ka adkaaday hadalladii Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankaba. Markaasaa Yoo'aab iyo saraakiishii ciidankuba boqorka hortiisii ka tageen inay dadkii soo tiriyaan.

  • 77%

    1¶ Haddaba Shayddaan baa ku kacay reer binu Israa'iil oo wuxuu Daa'uud ku dhaqaajiyey inuu reer binu Israa'iil tiriyo.

    2Markaasaa Daa'uud ku yidhi Yoo'aab iyo amiirradii, Taga oo reer binu Israa'iil soo tiriya tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, oo war ii keena si aan u ogaado dadka tiradiisa.

    3Markaasaa Yoo'aab yidhi, Rabbigu dadkiisa ha ka dhigo boqol jeer in ka sii badan inta ay haatan yihiin, laakiinse boqorow sayidkaygiiyow, iyagu kulligood sow ma aha addoommadaada? Maxaadse waxan u doonaysaa, sayidkaygiiyow? Oo maxaadse reer binu Israa'iil sabab ay ku dembaabaan ugu noqonaysaa?

    4Habase yeeshee boqorka hadalkiisii waa ka adkaaday hadalkii Yoo'aab. Haddaba sidaas daraaddeed Yoo'aab wuu tegey, oo wuxuu dhex maray reer binu Israa'iil oo dhan, dabadeedna Yeruusaalem buu yimid.

    5Markaasaa Yoo'aab Daa'uud siiyey tiradii dadka, oo reer binu Israa'iil oo dhammu waxay ahaayeen kun kun iyo boqol kun oo nin oo seefqaad ah, oo reer Yahuudahna waxay ahaayeen afar boqol iyo toddobaatan kun oo nin oo seefqaad ah.

    6Laakiinse isagu sooma uu tirin reer Laawi iyo reer Benyaamiin, maxaa yeelay, Yoo'aab waa karaahiyeystay boqorka hadalkiisii.

    7Haddaba taas ayaa Ilaah ugu cadhooday, markaasuu laayay reer binu Israa'iil.

  • 76%

    9Markaasaa Yoo'aab boqorkii siiyey tiradii dadka; oo waxaa dalka Israa'iil ku jiray siddeed boqol oo kun oo nin oo seefqaad ah oo xoog leh; oo waxaa dalka Yahuudahna ku jiray shan boqol oo kun oo nin.

    10¶ Oo Daa'uudna qalbigiisii ayaa naxay markuu dadka tiriyey dabadeed. Markaasaa Daa'uud Rabbiga ku yidhi, Waxaan sameeyey aad baan ugu dembaabay; haddaba Rabbiyow, waan ku baryayaaye, iga fogee dembigayga anoo addoonkaaga ah, waayo, nacasnimo weyn baan sameeyey.

    11Oo markii Daa'uud subixii toosay ayaa eraygii Rabbigu u yimid Nebi Gaad, oo ahaa Daa'uud wax arkihiisa, oo wuxuu yidhi,

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu tiriyey dadkii isaga la jiray, oo wuxuu u yeelay saraakiil kun kun u taliya iyo saraakiil boqol boqol u taliya.

  • 17Markaasaa Daa'uud wuxuu Ilaah ku yidhi, Kii amray in dadka la soo tiriyo sow aniga ma aha? Kii dembaabay oo waxa aad u xun sameeyey waa aniga, laakiinse idahanu maxay sameeyeen? Haddaba Rabbiyow Ilaahayow, waan ku baryayaaye, gacantaadu ha ka gees noqoto aniga iyo reerka aabbahay, laakiinse dadkaaga yaanay ka gees noqon oo aanay belaayo ku dhicin.

  • 27Oo Daa'uud dardaarankiisii ayaa reer Laawi lagu tiriyey, intoodii labaatan sannadood jirtay ama ka sii weynayd.

  • 25¶ Oo boqorka khasnadihiisana waxaa u talinayay Casmaawed ina Cadii'eel, oo guryihii wax lagu kaydiyey ee beeraha ku yiil, iyo kuwii ku yiil magaalooyinka, iyo tuulooyinka, iyo qalcadahaba waxaa u talinayay Yoonaataan ina Cusiyaah.

  • 33Laakiinse reer Laawi laguma tirin reer binu Israa'iil, waayo, sidaas ayaa Rabbigu Muuse ku amray.

  • 30Oo Yoo'aabna wuu ka noqday eryadkii uu Abneer eryanayay; oo markuu dadkii oo dhan soo urursaday, waxaa addoommadii Daa'uud ka dhinnaaday sagaal iyo toban nin iyo Casaaheel.

  • 29Markaasaa Absaaloom u cid dirtay Yoo'aab inuu boqorka u diro; laakiinse wuu diiday inuu u yimaado; oo haddana mar labaad buu u cid dirtay, laakiinse wuu diiday inuu yimaado.

  • 67%

    16Markii malaggii gacanta u fidiyey inuu baabbi'iyo Yeruusaalem ayaa Rabbigu belaayadii ka qoomamooday, oo wuxuu ku yidhi malaggii dadka baabbi'inayay, Bes weeye, haddaba gacanta soo celi. Oo malaggii Rabbiguna wuxuu ag joogay meeshii hadhuudhka lagu tumi jiray oo uu Arawnaah kii reer Yebuus lahaa.

    17Markaasaa Daa'uud wuxuu la hadlay Rabbiga kolkuu arkay malaggii dadka laayay, oo yidhi, Bal eeg, waan dembaabay, oo wax qalloocan baan sameeyey, laakiinse idahanu maxay sameeyeen? Haddaba waan ku baryayaaye, gacantaadu ha ka gees noqoto aniga iyo reerka aabbahay.

  • 15Markii Daa'uud Edom joogay, oo Yoo'aab oo ahaa sirkaalkii ciidankuna halkaas u tegey inuu soo aaso dadkii la laayay, kuwaasoo ahaa wixii lab ahaa ee uu Edom ku wada laayay oo dhan;

  • 67%

    18Markaasaa Yoo'aab Daa'uud cid u diray, oo wixii dagaalkii ku saabsanaa oo dhan ayuu uga warramay,

    19oo kii farriinta wadayna wuxuu ku amray oo ku yidhi, Markaad boqorka uga warrantid waxa dagaalka ku saabsan oo dhan,

  • 28Sidaas daraaddeed Yoo'aab buunkii buu afuufay, oo dadkii oo dhammu way wada istaageen, oo mar dambe reer binu Israa'iilna ma ayan eryan, kol kalena ma ay diririn.

  • 67%

    1¶ Haddaba waa tan reer binu Israa'iil sidii tiradoodu ay ahayd, waxayna ahaayeen madaxdii qolooyinka, iyo kuwii kun kun u taliyey, iyo kuwii boqol boqol u taliyey, iyo saraakiishoodii boqorka uga adeegi jiray wax kasta oo ku saabsan kooxihii soo geli jiray oo bixi jiray bil kasta oo ah bilaha sannadda oo dhan; koox kasta tiradeedu waxay ahayd afar iyo labaatan kun oo nin.

    2Oo kooxdii kowaad ee bixi jirtay bishii kowaad waxaa madax u ahaa Yaashaabcaam ina Sabdii'eel, oo kooxdiisana waxaa ku jiray afar iyo labaatan kun oo nin.

  • 67%

    10Markaasaa Rabbigu aad ugu cadhooday Cuusaa, wuuna dilay, maxaa yeelay, isagu wuxuu gacanta ku fidiyey sanduuqa, oo halkaasuu ku dhintay Ilaah hortiisa.

    11Oo Daa'uudna taas buu ka xumaaday, maxaa yeelay, Rabbigu degdeg buu u qabtay Cuusaa, oo meeshaas magaceedii wuxuu u bixiyey Feres Cuusaa, oo ilaa maantadanna waa la yidhaahdaa.

  • 23Markaasaa Daa'uud wuxuu yidhi, Walaalahayow, waa inaydnaan saas ku samayn wixii Rabbigu ina siiyey, kaasoo ah kii ina badbaadiyey, oo weliba inoo soo gacangeliyey colkii ina soo weeraray.

  • 1¶ Oo isla xilligii sannaddii dambe, markay boqorradu dagaalka u soo bixi jireen ayaa Daa'uud Yoo'aab diray isagoo wata addoommadiisii, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxay baabbi'iyeen reer Cammoon, oo Rabbaahna way hareereeyeen, laakiinse Daa'uud baa Yeruusaalem iska joogay.

  • 14oo Rabbiga wax ma uu weyddiisan, oo sidaas aawadeed ayaa Rabbigu isaga u dilay, oo boqortooyadiina wuxuu u wareejiyey Daa'uud oo ahaa ina Yesay.

  • 29Yoo'aab madaxiisa ha saarnaado, iyo reerka aabbihiis, oo reer Yoo'aabna yaan laga waayin mid cudur dheecaan leh qaba, iyo mid baras qaba, iyo mid ul ku tukubaya, iyo mid seef lagu dilo, ama mid cunto la'.

  • 47¶ Laakiinse qabiilkii reer Laawi reer reer looma tirin.

  • 21Laakiinse Boqor Daa'uud markuu waxyaalahan oo dhan maqlay, ayuu aad u cadhooday.

  • 15Markaasuu tiriyey amiirradii gobollada addoommadooda, oo waxay ahaayeen laba boqol iyo laba iyo soddon; oo dabadoodna wuxuu tiriyey dadkii oo dhan, oo dadkii dalka Israa'iil oo dhammu waxay noqdeen toddoba kun.

  • 34Oo Axiitofelna waxaa ku xigay Yehooyaadaac ina Benaayaah, iyo Aabyaataar, oo boqorka ciidankiisana waxaa sirkaal u ahaa Yoo'aab.

  • 23¶ Oo tanuna waa tiradii kuwii madaxda u ahaa kuwii dagaalka hubka u lahaa, oo Daa'uud ugu yimid Xebroon inay boqortooyada Saa'uul isaga u rogaan sidii uu eraygii Rabbigu ahaa.

  • 1¶ Oo isla xilligii sannaddii dambe, markay boqorradu dagaalka u soo bixi jireen ayaa Yoo'aab kaxaystay xooggii ciidanka oo dhan oo baabbi'iyey dalkii reer Cammoon, oo haddana intuu soo kacay ayuu Rabbaah hareereeyey. Yoo'aab wuxuu dagaal ku dhiftay Rabbaah, wuuna afgembiyey, laakiinse Daa'uud baa Yeruusaalem iska joogay.

  • 32Oo Rabbiguna dhiiggiisa wuxuu ku celin doonaa madaxiisa, maxaa yeelay, wuxuu dilay laba nin oo isaga ka xaq badan oo ka wanaagsan, seef buuna ku dilay, aabbahay Daa'uudna taas waxba kama ogayn, oo kuwaasuna waxay ahaayeen Abneer ina Neer oo sirkaal u ahaa ciidanka dalka Israa'iil, iyo Camaasaa ina Yeter oo sirkaal u ahaa ciidanka dalka Yahuudah.

  • 30Laakiinse Daa'uud meeshaas ma uu hor tegi karin inuu Ilaah wax soo weyddiisto, maxaa yeelay, wuxuu ka baqayay seeftii malagga Rabbiga.

  • 18Maxaa yeelay, waad addeeci weyday Rabbiga codkiisii, cadhadiisii weynaydna Camaaleq waad ku dili weyday, oo sidaas daraaddeed baa Rabbigu maanta waxan kuugu sameeyey.

  • 7Oo dadkii reer binu Israa'iilna waxaa meeshaas ku laayay addoommadii Daa'uud, oo maalintaas waxaa la laayay dad badan, oo waxaa ka dhintay labaatan kun oo nin.

  • 15Oo waxaa ciidanka u sarrayn jiray Yoo'aab oo ay Seruuyaah dhashay, oo taariikhdana waxaa qori jiray Yehooshaafaad ina Axiiluud,

  • 25Markaasaa Daa'uud wuxuu wargeeyihii ku yidhi, Waxaad Yoo'aab ku tidhaahdaa, Waxanu yay kula xumaan, waayo, seeftu mar mid bay baabbi'isaa, marna midka kale, haddaba magaalada dagaalka aad ugu sii adkee, oo afgembi; oo adna isaga dhiirrigeli.

  • 64Laakiinse kuwaas nin keliyuhu kagama jirin kuwii ay Muuse iyo wadaadkii Haaruun ahaa tiriyeen markay reer binu Israa'iil ku tiriyeen cidladii Siinay.

  • 17Dabadeedna boqorkii wuxuu waardiyayaashii hareerihiisa taagnaa ku yidhi, Ku jeesta oo wadaaddada Rabbiga laaya, maxaa yeelay, gacantoodu Daa'uud bay la jirtaa, oo iyagoo og inuu baxsaday ayayan ii soo sheegin, laakiinse boqorka addoommadiisii way diideen inay gacantooda ku fidiyaan oo laayaan wadaaddadii Rabbiga.