1 Yooxanaa 2:9

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kan yidhaahda, Nuurkaan ku jiraa, oo walaalkiis neceb, wuxuu ku jiraa gudcurka ilaa imminkada.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Yoox 4:20 : 20 Haddii qof yidhaahdo, Ilaah waan jeclahay, oo uu walaalkiis neceb yahay, waa beenaaleh, maxaa yeelay, kan aan jeclayn walaalkii uu arko sidee buu u jeclaan karaa Ilaaha uusan arag?
  • 1 Yoox 2:4 : 4 Kan yidhaahda, Waan aqaan isaga, oo aan qaynuunnadiisa adkayn, waa beenaaleh, oo runtu kuma jirto isaga.
  • 1 Yoox 2:11 : 11 Laakiin kan walaalkii neceb, gudcurkuu ku jiraa, oo gudcurkuu ku socdaa, oo garan maayo meeshuu marayo, waayo, gudcurkaa indhihiisa tiray.
  • 1 Kor 13:1-3 : 1 ¶ Haddaan ku hadlo afafka dadka iyo malaa'igaha, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxaan noqday naxaas dhawaaqaysa ama saxan bir ah oo sanqadhaya oo kale. 2 Oo haddaan leeyahay hadiyadda wax sii sheegidda, oo aan garanayo waxyaalaha qarsoon oo dhan iyo aqoonta oo dhan, iyo haddaan leeyahay rumaysadka oo dhan oo aan buuraha ku dhaqaajiyo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ma ihi. 3 Oo wax kastaan leeyahay haddaan bixiyo oo masaakiinta ku quudiyo, iyo haddaan jidhkayga bixiyo in la gubo, laakiinse aanan jacayl lahayn, waxba ii tari maayo.
  • 2 But 1:9 : 9 Waayo, kii waxyaalahaasu ka maqan yihiin wuu indha la' yahay oo arag gaaban yahay, oo wuxuu illoobay in dembiyadiisii hore laga safeeyey.
  • 1 Yoox 1:6 : 6 Haddaynu nidhaahno, Wehelnimo ayaynu la wadaagnaa isaga, oo aynu gudcurka ku soconno, been baynu sheegnaa, oo runta ma falno.
  • Sab 82:5 : 5 Iyagu waxba ma yaqaaniin, waxna garan maayaan, Oo gudcur bay hor iyo dib ugu socdaan, Dhulka aasaaskiisii oo dhammu waa wada dhaqdhaqaaqay.
  • Yoox 9:41 : 41 Ciise ayaa ku yidhi, Haddaad indhala'aan lahaydeen, dembi ma aydin lahaateen, laakiinse haatan waxaad tidhaahdaan, Wax baannu aragnaa. Dembigiinnu waa sii jiraa.
  • Room 2:18-21 : 18 oo doonistiisa taqaanid, oo aad u bogtid waxyaalaha aad u fiican, adigoo sharciga wax lagugu baray, 19 oo aad aaminsan tahay inaad tahay kan haga kuwa indhaha la', iyo kan nuurka u ah kuwa gudcurka ku jira, 20 iyo kan doqonnada qumaatiya, iyo macallinka carruurta, adigoo sharciga ku haysta muuqashadii aqoonta iyo runta; 21 haddaba kaaga kan kale wax baraa, sow wax isbari maysid? Kaaga dadka ku wacdiya, Waxba ha xadina; adigu miyaad wax xaddaa?
  • 1 Yoox 3:13-17 : 13 ¶ Walaalayaalow, ha la yaabina haddii ay dunidu idin neceb tahay. 14 Waxaynu og nahay inaynu dhimashada ka soo gudubnay oo aynu u soo gudubnay nolosha, maxaa yeelay, walaalaha ayaynu jecel nahay. Oo ka aan walaalkii jeclayn, dhimashaduu ku sii hadhaa. 15 Ku alla kii walaalkii neceb waa dhiigqabe, oo idinkuna waad og tihiin inaanu dhiigqabena lahayn nolosha weligeed ah oo ku sii jiraysa. 16 Taasaynu jacaylka ku garanaynaa, waayo, isagu naftiisuu u bixiyey aawadeen; oo innaguna waa inaynu nafteenna u bixinno walaalaheen. 17 Laakiin kan leh xoolaha dunidan, oo arka walaalkiis oo baahan, oo qalbigiisa ka xidha, sidee baa jacaylka Ilaah ugu jiraa isaga?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 90%

    10Kan walaalkii jecel, nuurkuu ku jiraa, oo wax lagu xumaado kuma jiro isaga.

    11Laakiin kan walaalkii neceb, gudcurkuu ku jiraa, oo gudcurkuu ku socdaa, oo garan maayo meeshuu marayo, waayo, gudcurkaa indhihiisa tiray.

  • 8Oo weliba qaynuun cusub ayaan idiin soo qorayaa, kaas oo isaga iyo idinkaba run idinku dhex ah, maxaa yeelay, gudcurku waa dhammaanayaa, oo nuurka runta ahuna imminkuu iftiimayaa.

  • 81%

    10Tan ayay carruurta Ilaah iyo carruurta Ibliisku ku kala muuqdaan; ku alla kii aan xaqnimo falin ma aha kan Ilaah, oo waxaa la mid ah kan aan walaalkii jeclayn.

    11Oo kanu waa warkii aad tan iyo bilowgii maqlayseen, kaasoo ah inaynu isjeclaanno,

    12oo aynaan ahaanin sida Qaabiil oo ahaa kan sharka leh oo walaalkii dilay. Oo muxuu u dilay? Waayo, shuqulladiisu waxay ahaayeen shar, oo kuwii walaalkiisna xaq bay ahaayeen.

    13¶ Walaalayaalow, ha la yaabina haddii ay dunidu idin neceb tahay.

    14Waxaynu og nahay inaynu dhimashada ka soo gudubnay oo aynu u soo gudubnay nolosha, maxaa yeelay, walaalaha ayaynu jecel nahay. Oo ka aan walaalkii jeclayn, dhimashaduu ku sii hadhaa.

    15Ku alla kii walaalkii neceb waa dhiigqabe, oo idinkuna waad og tihiin inaanu dhiigqabena lahayn nolosha weligeed ah oo ku sii jiraysa.

    16Taasaynu jacaylka ku garanaynaa, waayo, isagu naftiisuu u bixiyey aawadeen; oo innaguna waa inaynu nafteenna u bixinno walaalaheen.

    17Laakiin kan leh xoolaha dunidan, oo arka walaalkiis oo baahan, oo qalbigiisa ka xidha, sidee baa jacaylka Ilaah ugu jiraa isaga?

    18Carruurtaydiiyey, yeynan ku jeclaanin hadalka iyo afka toona, laakiin camalka iyo runta aan ku jeclaanno.

  • 80%

    20Haddii qof yidhaahdo, Ilaah waan jeclahay, oo uu walaalkiis neceb yahay, waa beenaaleh, maxaa yeelay, kan aan jeclayn walaalkii uu arko sidee buu u jeclaan karaa Ilaaha uusan arag?

    21Oo waxaynu isaga ka haysannaa qaynuunkan, kaas oo ah, Kii Ilaah jecel, walaalkiina ha jeclaado.

  • Yoox 3:19-21
    3 aayado
    76%

    19Kanu waa xukunka, nuurka ayaa dunida yimid, dadkiise waxay nuurkii ka jeclaadeen gudcurka, maxaa yeelay, shuqulladoodu shar bay ahaayeen.

    20Nin kastoo shar falaa nuurkuu nebcaadaa, umana yimaado nuurka, si aan shuqulladiisa loogu canaanan.

    21Laakiinse kii runta falaa, nuurkuu yimaadaa si shuqulladiisu u muuqdaan in Ilaah laga sameeyey.

  • 1 Yoox 1:5-8
    4 aayado
    76%

    5¶ Warkii aannu ka maqalnay oo aan idiinka warramayno wuxuu yahay, in Ilaah nuur yahay, oo isaga aan gudcur ku jirin innaba.

    6Haddaynu nidhaahno, Wehelnimo ayaynu la wadaagnaa isaga, oo aynu gudcurka ku soconno, been baynu sheegnaa, oo runta ma falno.

    7Laakiin haddaynu nuurka ku soconno siduu isaguba nuurka ugu jiro, wehelnimo ayaynu isla wada wadaagnaa, oo dhiigga Ciise, oo Wiilkiisa ah, wuxuu inaga nadiifiyaa dembi oo dhan.

    8Haddaynu nidhaahno, Dembi ma lihin, nafsaddeenna ayaynu khiyaanaynaa, oo runtuna inaguma jirto.

  • 23Kii i neceb, waxaa kaluu neceb yahay Aabbahay.

  • 5Nuurkuna wuxuu ka ifayaa gudcurka, gudcurkuna kama badin.

  • 1 Yoox 2:4-6
    3 aayado
    71%

    4Kan yidhaahda, Waan aqaan isaga, oo aan qaynuunnadiisa adkayn, waa beenaaleh, oo runtu kuma jirto isaga.

    5Laakiin kan ereygiisa adkeeya, runtii, Ilaah jacaylkiisu wuu ku dhan yahay isaga. Taas aynu ku garanaynaa inaynu isaga ku jirno.

    6Kan yidhaahda, Isagaan ku jiraa, waa inuu u socdaa siduu isagu u socday.

  • 35Haddaba iska jir si iftiinka kugu jiraa aanu gudcur u ahaan.

  • 23Laakiin ishaadu hadday xun tahay, jidhkaaga oo dhammi gudcur buu ahaan doonaa. Haddaba iftiinka kugu jira hadduu gudcur yahay, gudcurkaasu sidee buu u weyn yahay!

  • 10Laakiin qof hadduu habeenka socdo, wuu turunturoodaa, waayo, iftiinku kuma jiro isaga.

  • 9Mid kasta oo dhaafa oo aan cilmiga Masiixa ku sii socon, kaasu Ilaah ma leh; laakiin kii cilmiga ku sii socdaa, Aabbaha iyo Wiilka labadaba wuu leeyahay.

  • 69%

    8haatanse waxaad Rabbiga ku tihiin nuur; haddaba u socda sida carruurta nuurka,

  • 35Ciise haddaba ayaa ku yidhi, Weli in yar nuurka ayaa idinla jiraya. Socda intaad nuurka haysataan, si aan gudcurku idiin soo gaadhin. Kan gudcurka ku socdaana ma yaqaan meeshuu u socdo.

  • 15Weliba sida cadow ha ula macaamiloonina, laakiin sida walaalkiin u waaniya.

  • 23Haddaba haddaad hadiyaddaada meesha allabariga keento, oo meeshaas aad ku xusuusatid in walaalkaa wax kuu haysto,

  • 15Dunida iyo waxyaalaha dunida ku jira toona ha jeclaanina. Qof uun hadduu dunida jeclaado, jacaylka Aabbuhu kuma jiro isaga.

  • 10Haddaynu nidhaahno, Ma aynu dembaabin, waxaynu Ilaah ka dhignaa beenaaleh, oo ereygiisa inaguma jiro.

  • 7Dunidu idinma nebcaan karto, anigase way i neceb tahay, waayo, waxaan ka marag furaa in shuqulladeedu ay shar yihiin.

  • 9Kaasu wuxuu ahaa nuurka runta ah oo iftiimiya nin walba oo dunida yimaada.

  • 6Ku alla kii isaga ku sii jiraa, ma dembaabo; ku alla kii dembaabaa ma uu arkin isaga, oo weliba ma yaqaan isaga.

  • 11Gacaliyow, ha ku dayan waxa sharka ah, laakiinse ku dayo waxa wanaagsan. Ka samafalaa waa ku Ilaah, ka shar falaase Ilaah ma uu arkin.

  • 24Kii wax necebu bushimihiisuu isku yeelyeelaa, Laakiinse uurkiisuu khiyaano ku kaydsadaa.

  • 17Xaqdarrada oo dhammu waa dembi; oo waxaa jira dembi aan xagga dhimashada ahayn.

  • 22Sidaad naftiinna u daahiriseen markaad addeecdeen runta xagga jacaylka walaalnimada oo aan iska yeelyeel ahayn, aad iyo aad qalbiga isaga jeclaada.

  • 18¶ Dunidu hadday idin nebcaato, waad garanaysaan inay hortiin i nebcaatay.

  • 18Kii necbaanta qariyaa wuxuu leeyahay bushimo been badan, Oo kii xanta ku hadlaana waa nacas.

  • 36Laakiinse kii igu dembaabaa naftiisuu wax yeelaa, Kuwa aniga i neceb oo dhammu waxay jecel yihiin dhimasho.

  • 5Waayo, kulligiin waxaad tihiin carruurta nuurka iyo carruurta maalinnimada, innagu ma nihin kuwa habeennimada iyo gudcurka;

  • 11¶ Xumaan ha iskaga hadlina, walaalayaalow. Kii xumaan walaalkiis kaga hadlaa ama walaalkiis xukumaa, sharciga ayuu xumaan kaga hadlaa, sharcigana wuu xukumaa. Haddaad sharciga xukuntid, adigu ma ihid mid sharciga yeela, laakiin waxaad tahay mid isaga xukuma.

  • 26In kastoo nacaybkiisu khiyaano isku daboolo, Xumaantiisa ayaa shirka lagu hor muujin doonaa.

  • 8Oo ka aan jeclaynina Ilaah ma yaqaan; waayo, Ilaah waa jacayl.