1 Boqorradii 12:32

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo haddana Yaaraabcaam wuxuu sameeyey iid u eg tii reer Yahuudah oo ahayd bisha siddeedaad maalinteeda shan iyo tobnaad, oo wuxuu u baxay meeshii allabariga; sidaasuu Beytel ku sameeyey isagoo allabari u bixinaya weylihii uu sameeyey; oo wadaaddadii meelaha sarsare ee uu doortayna wuxuu geeyey Beytel.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 8:2 : 2 Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay u soo shireen Boqor Sulaymaan wakhtigii iidda ah bisha toddobaad ee Eetaaniim la yidhaahdo.
  • 1 Boq 8:5 : 5 Oo Boqor Sulaymaan iyo shirkii reer binu Israa'iil oo isaga u soo ururay oo dhammu waxay wada joogeen sanduuqii hortiisa, iyagoo ku allabaryaya ido iyo dibi aan la sheegi karin ama aan farahooda la tirin karin.
  • Aam 7:10-13 : 10 ¶ Markaasaa Amasyaah oo ahaa wadaadkii Beytel farriin u diray Yaaraabcaam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu ku yidhi, Caamoos shirqool buu kuugu dhigay dadka Israa'iil dhexdooda, oo dadka dhulkuna erayadiisa oo dhan ma qaadi karaan. 11 Waayo, Caamoos wuxuu leeyahay, Yaaraabcaam seef buu ku dhimanayaa, oo dadka Israa'iilna sida xaqiiqada ah maxaabiis ahaan waa looga kaxaysanayaa dalkooda. 12 Oo weliba Amasyaah wuxuu Caamoos ku yidhi, War wax arke yahow, tag, oo dalka Yahuudah u carar, oo halkaas wax ka cun, oo halkaas wax ku sii sheeg. 13 Laakiinse mar dambe Beytel waxba ha ku sii sheegin, waayo, waa boqorka meeshiisii quduuska ahayd oo waa daar boqoreed.
  • Mat 15:8-9 : 8 Dadkanu bushimahooda ayay igu maamuusaan, Laakiin qalbigoodu waa iga fog yahay. 9 Si aan micne lahayn ayay ii caabudaan, Iyagoo dadka wax ku baraya amarrada dadka.
  • Yex 43:8 : 8 Waxay iriddooda marinkeeda ka taageen iriddayda marinkeeda agtiisa, oo tiirkoodiina waxay ka ag taageen tiirkayga, oo derbigii qudha ayaa aniga iyo iyaga noo dhexeeyey, oo magacayga quduuska ahna waxay ku nijaaseeyeen waxyaalahoodii karaahiyada ahaa ee ay sameeyeen, sidaas daraaddeed cadhadaydii waan ku baabbi'iyey.
  • Laaw 23:33-44 : 33 ¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi, 34 La hadal dadka reer binu Israa'iil, oo waxaad ku tidhaahdaa, Bishan toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa Iiddii Waababka oo waa in toddoba maalmood Rabbiga loo iidaa. 35 Maalinta kowaad waa inay shir quduus ah ahaataa, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban. 36 Oo intii toddoba maalmood ah waxaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo maalinta siddeedaadna waa inay idiin ahaataa shir quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, oo waa inaydaan innaba shuqul adag qaban, waayo, dharaartaasu waa shir quduus ah. 37 ¶ Kuwanu waa Rabbiga iidihiisa la amray, oo ay tahay inaad naadisaan inay ahaadaan shirar quduus ah, oo waa inaad Rabbiga u bixisaan qurbaan dab lagu sameeyo, kaasoo ah qurbaan la gubo, iyo qurbaan hadhuudh ah, iyo allabari, iyo qurbaanno cabniin ah, oo mid kastana maalintiisa ha la bixiyo. 38 Oo kuwaasu waa ka gooni sabtiyadii Rabbiga iyo hadiyadihiinna oo waa ka gooni nidarradiinna oo dhan, oo waa ka gooni qurbaannadiinna ikhtiyaarka ah oo dhan ee aad Rabbiga siisaan. 39 ¶ Habase yeeshee bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad, markaad midhaha dhulka soo urursataan, waa inaad intii toddoba maalmood ah Rabbiga iiddiisa dhawrtaan. Maalinta kowaad waa inay ahaataa nasasho weyn, oo maalinta siddeedaadna waa inay ahaataa nasasho weyn. 40 Oo maalinta kowaad waxaad soo qaadataan midhaha dhirta wanaagsan, iyo laamo cawbaar ah, iyo dhir waaweyn laamaheed, iyo safsaafka durdurka, oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa ku rayraysaan intii toddoba maalmood ah. 41 Oo sannaddiiba toddoba maalmood waa inaad Rabbiga iid u qabataan, oo kaasu waa qaynuun weligiisba idiin jira tan iyo ab ka ab; oo iiddaas waa inaad bisha toddobaad dhawrtaan. 42 Intii toddoba maalmood ah waa inaad waabab ku hoyataan, oo kulli reer binu Israa'iilka waddaniga ah oo dhammu waa inay waabab ku hoydaan, 43 si farcankiinna dambe u ogaado inaan reer binu Israa'iil waabab ku hoyiyey markaan iyaga ka soo bixiyey dalkii Masar, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah. 44 Oo Muusena wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay iidihii Rabbiga oo la amray.
  • Tir 29:12-40 : 12 ¶ Oo bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn, oo waa inaad inta toddoba maalmood ah Rabbiga iid u samaysaan. 13 Oo waa inaad bixisaan qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah, oo ah saddex iyo toban dibi oo yaryar, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo waa inay ahaadaan kuwo aan iin lahayn, 14 oo waxaad la bixisaan qurbaankooda hadhuudhka ah oo ah bur saliid lagu daray, oo burkii tobankii meelood saddex meelood saddex iyo tobanka dibi midkiiba la bixi, oo labada wan oo waaweynna midkiiba laba meelood la bixi, 15 oo saddex iyo tobanka wan oo yaryarna mid kasta meel la bixi. 16 Oo weliba orgi waa inaad u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin. 17 ¶ Oo maalinta labaadna waxaad bixisaan laba iyo toban dibi oo yaryar, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 18 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 19 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin. 20 ¶ Oo maalinta saddexaadna waxaad bixisaan kow iyo toban dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 21 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 22 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin. 23 ¶ Oo maalinta afraadna waxaad bixisaan toban dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 24 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 25 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin. 26 ¶ Oo maalinta shanaadna waxaad bixisaan sagaal dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 27 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah, iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 28 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin. 29 ¶ Oo maalinta lixaadna waxaad bixisaan siddeed dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 30 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 31 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin. 32 ¶ Oo maalinta toddobaadna waxaad bixisaan toddoba dibi, iyo laba wan oo waaweyn, iyo afar iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 33 Oo dibida iyo wananka waaweyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 34 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin. 35 ¶ Oo maalinta siddeedaadna waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn, 36 laakiinse waxaad bixisaan qurbaan la gubo, kaasoo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon, oo waa dibi iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn. 37 Oo dibiga iyo wanka weyn iyo wananka yaryarba qurbaankooda hadhuudhka ah iyo qurbaankooda cabniinka ahba waa inaad u bixisaan sida tiradoodu tahay oo qaynuunka waafaqsan. 38 Oo waa inaad orgi u bixisaan qurbaan dembi, oo ayan qurbaanka la gubo oo joogtada ah, iyo qurbaankiisa hadhuudhka ah, iyo qurbaankiisa cabniinka ahu ku jirin. 39 ¶ Kuwaas waa inaad Rabbiga u bixisaan iidihiinna xilligooda, kuwaasoo ayan ku jirin nidarradiinna iyo qurbaannadiinna ikhtiyaarka ah, kuwaasu waa qurbaannadiinna la gubo, iyo qurbaannadiinna hadhuudhka ah, iyo qurbaannadiinna cabniinka ah, iyo qurbaannadiinna nabaadiinada. 40 Oo Muuse wuxuu reer binu Israa'iil u sheegay kulli wixii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 33Oo meeshii allabariga ee uu Beytel ka sameeyeyna wuxuu u baxay bishii siddeedaad maalinteedii shan iyo tobnaad oo taasuna waxay ahayd bishii uu qalbigiisa ka tashaday; oo iid buu u sameeyey dadkii Israa'iil, oo meeshii allabariguu ugu baxay inuu foox shido.

  • 80%

    26Markaasaa Yaaraabcaam wuxuu qalbiga iska yidhi, Haddaba boqortooyadu waxay u noqon doontaa reerkii Daa'uud;

    27oo haddii dadkanu Yeruusaalem tagaan inay Rabbiga allabaryo ugu bixiyaan, de markaas qalbigoodu wuxuu u noqon doonaa sayidkoodii, kaasoo ah Rexabcaam ee boqor u ah reer Yahuudah, oo markaasay i dili doonaan, waxayna u noqon doonaan Rexabcaam ee ah boqorka reer Yahuudah.

    28Markaasaa boqorkii tashaday, oo wuxuu sameeyey laba weylood oo dahab ah, oo wuxuu dadkii ku yidhi, Dadkii Israa'iilow, aad bay idiinku dhib badan tahay inaad Yeruusaalem tagtaan, haddaba bal eega ilaahyadiinnii idinka keenay dalkii Masar.

    29Oo labadii weylood middood wuxuu dhigay Beytel, tii kalena wuxuu dhigay Daan.

    30Haddaba taasu waxay noqotay dembi, maxaa yeelay, dadkii waxay u tegi jireen inay middood caabudaan xataa ilaa Daan.

    31Oo wuxuu kaloo sameeyey guryo meelo sarsare ah, oo wuxuu wadaaddo ka dhex doortay dadkii aan reer Laawi ahayn oo dhan.

  • 79%

    14Waayo, reer Laawi way ka soo kaceen degmooyinkoodii iyo hantidoodiiba oo waxay yimaadeen dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem, waayo, Yaaraabcaam iyo wiilashiisii ayaa iyaga eryay si ayan Rabbiga ugu samayn shuqulkii wadaadnimada.

    15Oo isagu wuxuu wadaaddo u doortay meelihii sarsare iyo orgiyadii iyo weylihii uu isagii sameeyey.

    16Oo dabadoodna qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan in alla intii qalbigooda ku qabata inay doondoonaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil waxay iman jireen Yeruusaalem inay allabari u bixiyaan Rabbiga ah Ilaaha awowayaashood.

  • 74%

    32Waayo, hadalkii uu amarkii Rabbiga ku qayliyey ee ka geesta ahaa meesha allabariga oo Beytel ku taal, iyo kulli guryaha meelaha sarsare oo ku yaal magaalooyinka reer Samaariya, hubaal wuu ahaan doonaa.

    33¶ Oo waxyaalahaas dabadood Yaaraabcaam kama uu noqon jidkiisii sharka ahaa, laakiinse wuxuu dadkii oo dhan ka doortay wadaaddo meelaha sarsare; oo mid kasta oo doonayayba wuu daahiriyey inay jiraan wadaaddo meelaha sarsare.

    34Oo taasuna dembi bay u noqotay reer Yaaraabcaam iyo xataa inay gooyso oo dhulka ka baabbi'iso.

  • 15Oo weliba wuxuu kaloo dumiyey meeshii allabariga ee Beytel ku tiil, iyo meeshii sare oo Yaaraabcaam ina Nebaad oo dadkii Israa'iil dembaajiyey uu sameeyey, oo isla meeshii sare wuu gubay oo intuu ku tuntay ayuu budo ka dhigay, oo geedihii Asheeraahna wuu gubay.

  • 9Oo maalintii siddeedaadna waxay sameeyeen shir quduus ah, waayo, iyagu meesha allabariga gooni-ka-dhigiddeedii waxay ku jireen toddoba maalmood, toddoba maalmoodna waxay ku jireen iiddii.

  • 32Oo Bacal aawadiis wuxuu meel allabari uga dhisay gurigii Bacal ee uu hore uga dhex dhisay Samaariya.

  • 1¶ Markaasaa waxaa Yahuudah ka yimid nin Ilaah oo Eraygii Rabbiga ku yimid Beytel; oo Yaaraabcaamna wuxuu ag taagnaa meeshii allabariga inuu foox shido aawadeed.

  • 70%

    8Oo hadda idinku waxaad ku fikiraysaan inaad boqortooyada Rabbiga ka hor joogsataan gacanta ilma Daa'uud, oo weliba idinku waxaad tihiin dad faro badan, oo waxaadna wadataan weylihii dahabka ahaa oo Yaaraabcaam idiinku sameeyey Ilaah ahaan.

    9Oo weliba idinku sow ma aydaan eryin wadaaddadii Rabbiga oo ilma Haaruun ahaa iyo kuwii reer Laawiba? Oo wadaaddo sow uma aydaan samaysan sidii ay ahaan jirtay caadadii dadyowga dalalka kale deggan? Oo sidaas daraaddeed ku alla kii u yimaadaa inuu quduus iska dhigo isagoo wata dibi yar iyo toddoba wan, kaasu wuxuu wadaad u noqon karaa waxyaalo aan ilaahyo ahayn.

  • 2Oo markii Yaaraabcaam ina Nebaad taas maqlay ayaa Yaaraabcaam iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu u yimaadeen,

  • 25Oo bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaadna waa inuu sidaas oo kale sameeyaa iidda toddobada maalmood ah; waa inuu sameeyaa siduu qurbaanka dembigu yahay, iyo siduu qurbaanka la gubo yahay, iyo siduu qurbaanka hadhuudhku yahay, iyo siday saliiddu tahayba.

  • 16Markaasuu hagaajiyey meeshii allabariga ee Rabbiga, oo wuxuu ku dul bixiyey qurbaanno nabaadiino iyo qurbaanno mahadnaqid ah, oo wuxuu dadkii Yahuudah ku amray inay u adeegaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 5Oo wuxuu ciidankii samada oo dhanna meelo allabari uga dhisay labadii barxadood oo gurigii Rabbiga.

  • 2Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay u soo shireen Boqor Sulaymaan wakhtigii iidda ah bisha toddobaad ee Eetaaniim la yidhaahdo.

  • 28Oo isaguna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadka Israa'iil dembaajiyey.

  • 5Oo Haaruun markuu arkay ayuu meel allabari ka hor dhisay, markaasaa Haaruun ogeysiis ku dhawaaqay, oo wuxuu yidhi, Berri waa iiddii Rabbiga.

  • 32Rabbiga way ka cabsan jireen oo waxay dadkooda ka dooran jireen wadaaddadii meelaha sarsare, kuwaasoo ugu allabaryi jiray guryihii meelaha sarsare.

  • 21Waayo, isagu reer binu Israa'iil wuu ka soocay Daa'uud reerkiisii, oo waxay boqor ka dhigteen Yaaraabcaam ina Nebaad, oo Yaaraabcaamna dadkii Israa'iil wuu ka kaxeeyey Rabbiga lasocodkiisii, oo wuxuu iyagii dembaajiyey dembi weyn.

  • 5Oo wuxuu ciidanka samada oo dhan meelo allabari uga dhisay labadii barxadood oo gurigii Rabbiga.

  • 3Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay u soo shireen boqorkii wakhtigii iidda ah bisha toddobaad.

  • 20Oo markii dadkii Israa'iil maqleen in Yaaraabcaam soo noqday ayay u cid direen oo shirkii ugu yeedheen, oo waxay ka dhigteen boqor u taliya dadkii Israa'iil oo dhan; oo reerkii Daa'uudna nin qudha ma raacin, qabiilkii reer Yahuudah mooyaane.

  • 16Oo iyagu way ka tegi jireen amarradii Rabbiga Ilaahooda ah oo dhan, oo waxay samaysteen sanamyo la shubay, kuwaasoo ahaa laba weylood, oo waxay kaloo samaysteen geedihii Asheeraah, oo waxay caabudi jireen ciidanka samada oo dhan, Bacalna way u adeegi jireen.

  • 12¶ Oo bisha toddobaad maalinteeda shan iyo tobnaad waa inaad yeelataan shir quduus ah, oo waa inaydaan innaba shuqul caadi ah samayn, oo waa inaad inta toddoba maalmood ah Rabbiga iid u samaysaan.

  • 67%

    64Oo isla maalintaasuu boqorku quduus ka dhigay barxaddii ka horraysay guriga Rabbiga dhexdeeda, waayo, halkaas wuxuu ku bixiyey qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada; maxaa yeelay, meeshii allabariga oo naxaasta ahayd ee Rabbiga hor tiil way ku yarayd oo ma wada qaadin qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada.

    65Oo wakhtigaas Sulaymaan sidaasuu iiddii u sameeyey iyadoo ay la joogaan reer binu Israa'iil oo dhammu kuwaasoo ahaa shir weyn, oo waxay ka yimaadeen meesha Xamaad laga soo galo iyo ilaa durdurka Masar, oo Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa waxay ku iidayeen toddoba maalmood iyo toddoba maalmood oo isku ah afar iyo toban beri.

  • 12¶ Oo haddana Sulaymaan wuxuu Rabbiga qurbaanno la gubo ugu bixiyey meeshii allabariga ee Rabbiga oo uu isagu ka dhisay balbalada horteedii.

  • 30waayo, waxay saas u noqotay Yaaraabcaam dembiyadiisii uu dembaabay, oo uu dadkii Israa'iilna dembaajiyey, iyo xanaaqii uu ka xanaajiyey Rabbiga ah Ilaaha dalka Israa'iil.

  • 2 Boq 15:8-9
    2 aayado
    67%

    8¶ Oo Casaryaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii siddeed iyo soddonaad ayaa Sekaryaah ina Yaaraabcaam dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu ahaa intii lix bilood ah.

    9Oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, siday awowayaashiis yeeli jireen oo kale; oo kamana uu tegin dembiyadii uu Yaaraabcaam ina Nebaad dadkii Israa'iil dembaajiyey.

  • 29Habase yeeshee dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad kii dadka Israa'iil dembaajiyey Yeehuu kama hadhin, kuwaasoo ahaa weylihii dahabka ahaa ee dhex yiil Beytel iyo Daan.

  • 3Waayo, wuxuu mar kale dhisay meelihii sarsare ee aabbihiis Xisqiyaah baabbi'iyey, oo Bacalna meelo allabari buu u dhisay, oo geedo Asheeraahna wuu sameeyey siduu yeelay Axaab oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil, oo wuxuu caabuday oo u wada adeegay ciidanka samada oo dhan.

  • 31Oo haddana waxay had iyo goor Rabbiga hortiisa ku bixin jireen qurbaanno la gubo oo dhan, waxayna bixin jireen sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo iidaha, waxayna u bixin jireen si waafaqsan tiradoodii qaynuunka ku qornayd,

  • 3Habase yeeshee meelihii sarsare lama baabbi'in; oo dadkuna meelihii sarsare weli way ku allabaryi jireen, fooxna way ku shidi jireen.

  • 15Markaasay neefafkii Iiddii Kormaridda qaleen bishii labaad maalinteedii afar iyo tobnaad, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina way yaxyaxeen, oo intay isdaahiriyeen ayay qurbaanno la gubo keeneen gurigii Rabbiga.

  • 3Oo wuxuu kaloo amray qaybtii boqorka maalkiisa kaga bixi lahayd qurbaannada la gubo, kuwaasoo ah qurbaannada la gubi lahaa subaxda iyo fiidka, iyo qurbaannada la gubi lahaa sabtiyada, iyo kuwii la gubi lahaa markay bilaha cusubu dhashaan iyo kuwii iidaha joogtada ah siday ugu qoran tahay sharciga Rabbiga.

  • 4Oo haddana wuxuu ku allabaryi jiray oo fooxna ku shidi jiray meelihii sarsare, iyo buuraha dushooda, iyo geed kasta oo dheer oo doog ah hoostiisaba.

  • 7Oo sanamkii xardhanaa ee uu sameeyey ayuu dhex qotomiyey gurigii Ilaah ee uu Ilaah ka hadlay oo Daa'uud iyo wiilkiisii Sulaymaanba ku yidhi, Gurigan iyo Yeruusaalem dhexdeeda oo aan ka doortay qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan ayaan magacayga weligiisba ku dayn doonaa.

  • 11Oo weliba wuxuu buuraha dalka Yahuudah ka sameeyey meelo sarsare, oo dadkii Yeruusaalem degganaana wuxuu ka dhigay inay sanamyo raacaan, oo dadkii Yahuudahna wuu habaabiyey.

  • 15Sidaas daraaddeed boqorkii dadkii ma uu dhegaysan; waayo, taasu waxay ahayd wax Rabbiga xaggiisa ka yimid, si uu u adkeeyo eraygiisii Rabbigu kula hadlay Yaaraabcaam ina Nebaad oo uu ugu soo dhiibay Axiiyaah kii reer Shiiloh.

  • 12Sidaas daraaddeed Yaaraabcaam iyo dadkii oo dhammuba maalintii saddexaad ayay Rexabcaam u yimaadeen siduu boqorku hore ugu amray markuu ku yidhi, Maalinta saddexaad igu soo noqda.