1 Boqorradii 21:16

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo markii Axaab maqlay in Naabood dhintay ayaa Axaab wuxuu u kacay inuu u dhaadhaco oo iska qaato beertii Naabood kii reer Yesreceel.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 1:13-16 : 13 Kolkaasaa Daa'uud ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo u soo warramay, Xaggee baad ka timid? Isna wuxuu ugu jawaabay, Waxaan ahay nin qalaad wiilkiis oo reer Camaaleq ah. 14 Daa'uudna wuxuu ku yidhi isagii, Sidee baad uga cabsan weyday inaad gacantaada u qaaddo Rabbiga kiisa subkan? 15 Dabadeedna Daa'uud wuxuu u yeedhay raggii dhallinyarada ahaa midkood, oo ku yidhi, U dhowow oo dil. Markaasuu dilay, isna wuu dhintay. 16 Daa'uudna wuxuu ku yidhi, Dhiiggaagu madaxaaga ha saarnaado; waayo, afkaagaa kugu marag furay, oo waxaad tidhi, Rabbiga kiisa subkan ayaan dilay.
  • 2 Sam 4:9-9 : 9 Markaasaa Daa'uud ugu jawaabay Reekaab iyo walaalkiis Bacanaah, oo ahaa ilma Rimmonkii reer Bi'irod, Waxaan ku dhaartay nolosha Rabbigii naftayda ka badbaadshay cidhiidhi oo dhan, 10 markii mid ii soo sheegay inuu Saa'uul dhintay, isagoo u malaynaya inuu war wanaagsan ii sido, waan qabtay oo Siiqlag baan ku dilay, taasuna waxay ahayd abaalgudkii aan warkiisii ka siiyey. 11 Haddaba idinkoo ah niman shar leh, markaad disheen qof xaq ah oo sariirtii gurigiisa ku jiifa, miyaanan in ka sii badan dhiiggiisii gacmihiinna weyddiinayn, oo miyaanan dhulka idinka qaadayn? 12 Markaasaa Daa'uud amray raggiisii dhallinyarada ahaa, wayna dileen iyagii, oo waxay ka jareen gacmihii iyo cagihii, oo ka soo lalmiyeen balliga Xebroon ku yaal agtiisa. Laakiinse Iishboshed madaxiisii intay qaadeen ayay ku aaseen qabrigii Abneer oo Xebroon ku yiil.
  • 2 Sam 11:25-27 : 25 Markaasaa Daa'uud wuxuu wargeeyihii ku yidhi, Waxaad Yoo'aab ku tidhaahdaa, Waxanu yay kula xumaan, waayo, seeftu mar mid bay baabbi'isaa, marna midka kale, haddaba magaalada dagaalka aad ugu sii adkee, oo afgembi; oo adna isaga dhiirrigeli. 26 Oo Uuriyaah bilcaantiisiina markay maqashay in ninkeedii Uuriyaah dhintay, way u barooratay ninkeedii. 27 Oo markii baroortii dhammaatay ayaa Daa'uud u soo cid diray iyadii oo gurigiisii soo gashaday, oo iyana waxay noqotay naagtiisii, wiilna way u dhashay. Laakiinse wixii Daa'uud sameeyey ayaa Rabbigu ka xumaaday.
  • 2 Sam 23:15-17 : 15 Oo Daa'uud intuu biyo u xiisooday ayuu yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in biyo layga siiyo ceelka Beytlaxam ee iridda ku ag yaal! 16 Markaasaa saddexdii nin ee xoogga badnaa ayaa dhex maray ciidankii reer Falastiin, oo waxay biyo ka soo dhaamiyeen ceelkii Beytlaxam ee iridda ku ag yiil, oo intay soo qaadeen ayay Daa'uud u keeneen, laakiinse wuu diiday inuu ka cabbo biyahaas, Rabbiguuse u daadshay. 17 Oo wuxuu yidhi, Rabbiyow, Ha iga fogaato inaan saas yeelo; ma waxaan cabbaa dhiiggii raggii naftooda biimeeyey? Sidaas daraaddeed wuu diiday inuu cabbo. Oo saddexdii nin oo xoogga badnaana saasay yeeleen.
  • Sab 50:18 : 18 Markaad tuug aragtay waad oggolaatay, Oo waxaad la qayb qaadatay dhillayo.
  • Ish 33:15 : 15 Kii si xaqnimo ah u socda, oo si qumman u hadla, oo faa'iidada dulmiga quudhsada, kii laaluush qaadashadiis ka gacmo jafjafta, oo maqlidda dhiigdaadinta dhegihiisa ka furaysta, oo indhihiisana isku qabsada si uusan wax shar ah u arag,
  • Coba 1:12-14 : 12 Laakiinse ha fiirina wakhtiga walaalihiin cidhiidhiga ku jiraan, oo ha ku farxina wakhtiga reer Yahuudah baabba'ooda, oo hana u faanina wakhtiga cidhiidhiga. 13 Iridda dadkayga ha soo gelina wakhtiga ay belaayaysan yihiin, oo weliba dhibkooda ha fiirsanina wakhtiga ay belaayaysan yihiin, oo maalkoodana far ha saarina wakhtiga ay belaayaysan yihiin. 14 Oo meesha jidadka isku gooyaana ha u istaagina si aad u laysaan kuwooda soo fakaday, oo kuwooda wakhtigii cidhiidhiga ka hadhayna cadowgooda ha u gacangelina.
  • Room 1:32 : 32 Iyagoo garanaya qaynuunka Ilaah in kuwa waxyaalahaas sameeyaa ay dhimasho istaahilaan, ayaanay samayn waxyaalahaas oo keliya ee weliba waxay u bogaan kuwa sameeya.
  • 2 But 2:15 : 15 Jidkii qummanaa ayay ka leexdeen oo way ambadeen, waxayna raaceen jidkii Balcaam ina Becoor oo jeclaaday abaalgudka xaqdarrada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 94%

    11Oo dadkii magaaladiisii la degganaa ee ahaa odayaashii iyo kuwii gobta ahaa waxay yeeleen sidii Yesebeel u soo fartay oo ahayd sidii ku qornayd warqadihii ay iyaga u dirtay.

    12Waxay naadiyeen oo yidhaahdeen, Ha la soomo, oo Naaboodna ayay dadka ka sarraysiiyeen.

    13Oo waxaa yimid oo hortiisa fadhiistay laba nin oo waxmatarayaal ah, markaasaa waxmatarayaashii Naabood ku marag fureen dadka hortiisii, oo waxay yidhaahdeen, Naabood wuxuu caayay Ilaah iyo boqorkaba. Markaasay isagii magaaladii ka saareen, oo waxay la dhaceen dhagaxyo, wuuna dhintay.

    14Markaasay Yesebeel farriin u direen oo waxay ku yidhaahdeen, Naabood waa la dhagxiyey, wuuna dhintay.

    15Markii Yesebeel ay maqashay in Naabood la dhagxiyey oo uu dhintay, ayay Yesebeel Axaab ku tidhi, War kac oo iska qaado beertii canabka ahayd oo Naabood kii reer Yesreceel ee uu hore inuu lacag kaa siisto kuugu diiday; waayo, haatan Naabood ma noola, wuuse dhintay.

  • 1 Boq 21:1-9
    9 aayado
    88%

    1¶ Oo waxyaalahaas dabadood waxay noqotay in Naabood oo ahaa reer Yesreceel uu lahaa beer canab ah oo Yesreceel ku tiil ee uu dhowayd gurigii Axaab oo ahaa boqorkii Samaariya.

    2Oo Axaab baa Naabood la hadlay, oo ku yidhi, Beertaada canabka ah i sii aan beer khudrad ah ka dhigtee, maxaa yeelay, waxay u dhow dahay gurigayga, oo adigana waxaan ku siinayaa beer canab ah oo iyada ka sii wanaagsan, amase haddii ay kula wanaagsan tahay, waxaan ku siinayaa qiimeheeda oo lacag ah.

    3Markaasaa Naabood wuxuu Axaab ku yidhi, Ilaah ha iga hayo inaan dhaxalkii awowayaashay ku siiyo.

    4Markaasaa Axaab wuxuu yimid gurigiisii isagoo calool xun oo ka xanaaqsan eraygii Naabood kii reer Yesreceel isaga kula hadlay; maxaa yeelay, wuxuu isaga ku yidhi, Ku siin maayo dhaxalkii awowayaashay. Markaasuu sariirtiisii jiifsaday, wuuna sii jeestay, oo diiday inuu wax cuno.

    5Laakiinse naagtiisii Yesebeel ayaa u timid oo waxay ku tidhi, War maxaa naftaadu u qulubsan tahay oo aad kibis la cuni weyday?

    6Markaasuu iyadii ku yidhi, Naa waxaan la hadlay Naabood kii reer Yesreceel, oo aan ku idhi, Beertaada canabka ah lacag iga siiso, ama haddii kale oo ay kula wanaagsan tahay waxaan kaa siisanayaa beer kale oo canab ah, oo isna wuxuu iigu jawaabay, Beertayda ku siin maayo.

    7Markaasaa naagtiisii Yesebeel waxay ku tidhi, War miyaadan haatan u talin boqortooyada Israa'iil? Haddaba kac oo wax cun, oo qalbigaagana ka farxi; anigaa ku siinaya Naabood ka reer Yesreceel beertiisa canabka ah.

    8Sidaas daraaddeed warqado ayay ku qortay Axaab magiciisii oo waxay ku shaabadaysay shaabaddiisii. Oo waxay warqadihii u dirtay odayaashii iyo kuwii gobta ahaa ee magaaladiisii Naabood la degganaa.

    9Oo waxay warqadaha ku qortay oo ku tidhi, War waxaad naadisaan oo tidhaahdaan, Ha la soomo; oo Naaboodna dadka ka sarraysiiya.

  • 86%

    17¶ Oo Eraygii Rabbiga ayaa u yimid Eliiyaah kii reer Tishbii, isagoo leh,

    18War sara joogso, oo u dhaadhac boqorka dalka Israa'iil oo Axaab ah oo Samaariya deggan; oo bal eeg, wuxuu ku dhex jiraa beertii canabka ahayd oo Naabood, halkaasoo uu ugu dhaadhacay inuu iska qaato.

    19Waa inaad isaga la hadashaa, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, War ma wax baad dishay, oo haddana ma wax baad qaadatay? Oo haddana isaga waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu kugu leeyahay, Meeshii eeyuhu ka leefleefeen dhiiggii Naabood ayaa adiga dhiiggaagana eeyo ka leefleefi doonaan.

    20Markaasaa Axaab wuxuu ku yidhi Eliiyaah, Cadowgaygiiyow, haddana ma i heshay? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ku helay, maxaa yeelay, waxaad isu iibisay inaad Rabbiga hortiisa wax shar ah ku samayso.

  • 76%

    25Kolkaasaa Yeehuu wuxuu ku yidhi Bidqar oo sirkaalkiisii ahaa, Isaga kor u qaad oo ku dhex tuur beerta Naabood kii reer Yesreceel; waayo, bal xusuuso sidii Rabbigu isaga hadalkan culus uga sheegay markaynu aniga iyo adiguba innagoo fardo fuushan aabbihiis Axaab daba soconnay;

    26Rabbigu wuxuu yidhi, Hubaal shalayto waxaan arkay Naabood dhiiggiisii iyo dhiiggii wiilashiisii, haddaba adiga beertan baan abaalkaaga kugu siinayaa. Sidaas daraaddeed isaga qaad oo beerta ku dhex tuur sidii erayga Rabbigu ahaa.

    27Laakiinse Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah markuu taas arkay ayuu u cararay xagga gurigii beerta. Oo Yeehuuna wuu eryaday oo wuxuu yidhi, War isagana gaadhifaraskiisa ku dhex dila. Markaasay isagii ku dileen jiirtii Guur oo Yiblecaam ku ag taal. Wuuna u cararay xagga Megiddoo oo halkaasuu ku dhintay.

  • 73%

    23Oo Yesebeelna Rabbigu wuu ka hadlay oo yidhi, Yesebeel eeyuhu waa ku cuni doonaan derbiga Yesreceel agtiisa.

    24Oo Axaab dadkiisa kii magaalada kaga dhinta waxaa cuni doona eeyaha; oo kii duurka kaga dhintana waxaa cuni doona haadka samada.

    25(Laakiinse lama arag qof Axaab la mid ah oo isu iibiyey inuu sameeyo wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, kaasoo ay kicisay naagtiisii Yesebeel.

  • 5Laakiinse markii Axaab dhintay ayaa boqorkii Moo'aab ku caasiyoobay boqorkii dalka Israa'iil.

  • 71%

    27Kolkii Axaab erayadaas maqlay ayuu dharkiisii jeexjeexay, oo joonyado guntaday, wuuna soomay, oo joonyado ku dhex seexday, oo aayar u socday.

    28Oo haddana eraygii Rabbigu wuxuu u yimid Eliiyaah kii reer Tishbii oo ku yidhi,

    29War sow uma jeeddid siduu Axaab hortayda isugu hoosaysiiyey? Sharka ku soo dejin maayo intuu isagu nool yahay, maxaa yeelay, isagu hortayduu isku hoosaysiiyey; laakiinse sharka waxaan reerkiisa ku soo dejin doonaa wakhtiga wiilkiisa.

  • 21Markaasaa Yooraam yidhi, Gaadhifaras diyaariya. Oo iyana gaadhifaraskiisii ayay diyaariyeen. Kolkaasaa Yooraam oo ahaa boqorkii dalka Israa'iil iyo Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahba waxay baxeen isagoo mid waliba gaadhifaraskiisii ku jiro, oo waxay u baxeen inay Yeehuu ka hor tagaan, oo waxay ka heleen beertii Naabood kii reer Yesreceel.

  • 40Markaasuu Axaab dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo wiilkiisii Axasyaah ayaa meeshiisii boqor ka noqday.

  • 1¶ Oo markaasaa Axaab wuxuu Yesebeel u sheegay kulli wixii Eliiyaah sameeyey oo dhan, iyo siduu nebiyadii oo dhan seef ugu laayay.

  • 7Oo adna waa inaad laysaa reerka Axaab ee sayidkaaga, inaan ka aargudo dhiiggii addoommadaydii nebiyada ahaa, iyo addoommadii Rabbiga oo dhan ee ay Yesebeel daadisay.

  • 31Markaas sidii iyadoo la sahlan isaga inuu sameeyo dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad, wuxuu guursaday Yesebeel oo ahayd ina Etbacal boqorkii reer Siidoon, wuuna tegey oo u adeegay oo caabuday Bacal.

  • 28Markaasaa Coomrii dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Samaariya; oo wiilkiisii Axaab ayaa meeshiisii boqor ka noqday.

  • 69%

    35Oo iyana waxay u tageen inay iyadii soo aasaan, laakiinse waxba kama ay helin dhaladii iyo cagihii iyo calaacalihii gacmaheeda mooyaane.

    36Sidaas daraaddeed way soo noqdeen, oo isagii bay u soo sheegeen. Wuxuuna yidhi, Kanu waa eraygii Rabbigu kaga hadlay addoonkiisii Eliiyaah kii reer Tishbii isagoo leh, Beerta Yesreceel dhexdeeda ayaa eeydu ku cuni doonaan Yesebeel hilibkeeda.

    37Oo Yesebeel meydkeedu wuxuu ahaan doonaa sida digo taal beerta Yesreceel dhexdeeda, si aan loo odhan, Tanu waa Yesebeel.

  • 10Oo Yesebeel ayaa eeydu ku cuni doonaan dhulka Yesreceel, oo ninna iyada ma xabaali doono, oo markaasuu albaabkii furay oo cararay.

  • 69%

    7¶ Haddaba Axasyaah baabbi'iisii wuxuu ka yimid xag Ilaah, markuu Yooraam u tegey, maxaa yeelay, markuu yimid ayuu Yehooraam kula kacay Yeehuu ina Nimshii kaasoo Rabbigu u subkay inuu baabbi'iyo reerka Axaab.

    8Oo kolkii Yeehuu xukunka ku soo dejinayay reerkii Axaab wuxuu helay amiirradii dalka Yahuudah iyo Axasyaah walaalihiis wiilashii ay dhaleen oo Axasyaah u adeegaya, markaasuu iyagii laayay.

  • 1¶ Oo markii Axaab dhintay dabadeed ayaa reer Moo'aab ku caasiyoobeen dalka Israa'iil.

  • 11Sidaasuu Yeehuu Yesreceel ugu laayay reerkii Axaab intii ka hadhay oo dhan, iyo raggiisii waaweynaa oo dhan, iyo saaxiibbadiisii oo dhan, iyo wadaaddadiisii, ilaa uusan waxba u reebin.

  • 6Sidaas daraaddeed dhulkii way qaybsadeen inay soo wada dhex maraan; Axaab keligiis dhan buu u sahamiyey, Cobadyaahna dhankii kaluu keligiis u sahamiyey.

  • 45Oo wakhti yar dabadiis cirkii ayaa daruuro iyo dabayl la madoobaaday, oo waxaa jiray roob weyn. Oo Axaabna gaadhifaraskiisii buu fuulay, oo wuxuu tegey Yesreceel.

  • 17Oo haddana markuu Samaariya gaadhay ayuu wada laayay intii Axaab Samaariya ugu hadhay oo dhan ilaa uu u baabbi'iyey sidii uu ahaa eraygii Rabbigu kula hadlay Eliiyaah.

  • 16Markaasuu Yeehuu gaadhifaras fuulay, oo wuxuu tegey xagga Yesreceel, waayo, Yooraam baa halkaas jiifay, oo Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahna wuxuu u yimid inuu Yooraam arko.

  • 16¶ Sidaas daraaddeed Cobadyaah wuxuu u tegey inuu Axaab la kulmo, wuuna u soo sheegay; markaasaa Axaab u tegey inuu Eliiyaah la kulmo.

  • Mat 21:38-39
    2 aayado
    67%

    38Laakiin beerreydii goortay wiilkii arkeen, waxay isku yidhaahdeen, Kanu waa kii dhaxalka lahaa, kaalaya aan dilnee oo dhaxalkiisa aynu qaadannee.

    39Way qabteen oo beertii canabka ahayd dibaddeeda ku tuureen, wayna dileen.

  • 17Markaasuu u dhintay sidii Eraygii Rabbiga oo Eliiyaah ku hadlay ahaa. Oo Yehooraam ayaa boqor ka noqday meeshiisii, oo taasuna waxay dhacday Yehooraam ina Yehooshaafaad oo boqor ka ahaa dalka Yahuudah sannaddiisii labaad, maxaa yeelay, isagu wiil ma uu lahayn.