1 Butros 3:6
Saarahba sidaasoo kalay Ibraahim u addeeci jirtay, oo ay ugu yeedhi jirtay, Sayidow; oo idinna haddii aad wanaag fashaan oo aydnaan ka cabsan wixii argaggax leh waxaad tihiin carruurteeda.
Saarahba sidaasoo kalay Ibraahim u addeeci jirtay, oo ay ugu yeedhi jirtay, Sayidow; oo idinna haddii aad wanaag fashaan oo aydnaan ka cabsan wixii argaggax leh waxaad tihiin carruurteeda.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
1¶ Sidaas oo kalena, dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya in xataa haddii qaar uusan erayga addeecin ay erayga la'aantiis ku soo hanuunsamaan dabiicadda afooyinkooda,
2markay arkaan dabiicaddiinna daahirsan ee cabsida leh.
3Isqurxintiinnu yaanay ahaan tan dibadda ah, oo ah timo tidcan, iyo dahab layska lulo, amase dhar la xidho,
4laakiinse ha ahaato inta qalbiga ee qarsoon, taasoo leh wax aan baabba'ayn ee ah ruuxa qabow oo aamusan, kaasoo Ilaah hortiisa qiimo badan ku leh.
5Waayo, sidaasoo kalaa waagii hore dumarkii quduuska ahaa oo Ilaah wax ka rajayn jiray ay isu qurxin jireen, iyagoo nimankoodii ka dambeeya.
18¶ Dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya sida ay ugu habboon tahay xagga Rabbiga.
19Nimankow, idinkuna afooyinkiinna jeclaada oo ha ku qadhaadhoobina.
20Carruurtoy, waalidkiinna wax kastaba ku addeeca, waayo, taasu waa ka farxisaa Rabbiga.
21Midkiinba midka kale ha iska hoosaysiiyo idinkoo Masiixa ka cabsanaya.
22¶ Dumar yahow, nimankiinna ka dambeeya sidaad Rabbiga uga dambaysaan.
23Waayo, ninku waa madaxa afada sida Masiixuba u yahay madaxa kiniisadda isagoo ah badbaadiyaha jidhka.
24Laakiinse sida kiniisaddu uga dambayso Masiixa, afooyinkuna ha uga dambeeyeen nimankooda xagga wax kastaba.
7Nimankow, idinkuna sidaas oo kale afooyinkiinna aqoon kula dhaqma sidii iyagoo ah weel tabardaran, oo iyaga maamuusa sida kuwa idinla dhaxla nimcada nolosha, si aan baryadiinna loo hor joogsan.
5¶ Addoommadow, kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah ku addeeca cabsi iyo gariir iyo qalbi daacad ah sidaad Masiixa uga cabsataan oo kale.
4Oo waa inay naagaha dhallintayar baraan inay jeclaadaan nimankooda iyo carruurtooda,
5oo ay digtoonaadaan, oo ay daahir noqdaan, oo ay gurigooda ka shaqeeyaan, oo ay wanaagsanaadaan, iyagoo nimankooda ka dambeeya, si aan ereyga Ilaah loo caayin.
22Addoommadow, wax kastaba ku addeeca kuwa xagga jidhka sayidyadiinna ah; hana ahaanina kuwo markii loo jeedo oo keliya shaqeeya sida kuwa dadka ka farxiya, laakiinse ku adeega qalbi daacad ah, idinkoo Rabbiga ka cabsanaya.
15Oo Ilaah wuxuu Ibraahim ku yidhi, Naagtaada Saarayna magaceeda waa inaadan ugu yeedhin Saaray, laakiinse magaceedu wuxuu ahaan doonaa Saarah.
33Habase yeeshee idinka midkiin waluba afadiisa ha u jeclaado sida naftiisa oo kale, oo afaduna ninkeeda ha maamuusto.
11Sidaas oo kale dumarkuna waa inay digtoonaadaan oo ayan ahaan kuwa wax xanta. Waa inay feeyignaadaan, oo ay wax walba aamin ku ahaadaan.
34¶ Dumarku markay kiniisadaha joogaan ha aamuseen, waayo, looma fasixin inay hadlaan; laakiin ha dambeeyeen, sida uu sharcigu leeyahay.
1¶ In alla intii addoommo ah oo ka hoosaysa harqoodka addoonnimada, sayidyadooda ha ku tiriyeen kuwo maamuus oo dhan istaahila, si aan magaca Ilaah iyo cilmiga loo caayin.
2Kuwii sayidyo rumaysan lahu yaanay quudhsan, maxaa yeelay, waa walaalo; laakiin ha u adeegeen intay quudhsan lahaayeen, maxaa yeelay, kuwa shuqulkooda wanaagsan ka faa'iidaa waa kuwa rumaysan oo la jecel yahay. Dadka waxyaalahan bar oo ku waani.
2habrahana sida hooyooyin oo kale u waani, naagaha dhallintayarna sida walaalo oo kale, adigoo daahir ah.
9Oo malaa'igtii Rabbigu waxay ku tidhi iyadii, Ku noqo murwadaadii, oo gacmaheeda is-hoos dhig.
9Sidaas oo kalena naaguhu waa inay, iyagoo xishoonaya oo digtoon, isku sharraxaan dhar qof xishood leh ku habboon, oo ayan isku sharraxin timo tidcan, iyo dahab ama luul ama dhar qaali ah.
10Laakiinse ha isku sharraxeen shuqullo wanaagsan oo u eg dumarka cibaadada qira.
11Naagtu aamusnaan wax ha ku barato iyadoo isdambaysiinaysa.
12Laakiin naagna u fasixi maayo inay nin wax barto ama ay ka xukun sarrayso, inay aamusnaato mooyaane.
18¶ Midiidinyadow, ka cabsada oo ka dambeeya sayidyadiinna, mana aha kuwa wanaagsan oo idiin roon oo keliya, laakiinse xataa kuwa qalloocan.
9Addoommaduna waa inay sayidyadooda ka dambeeyaan, oo ay wax kasta kaga farxiyaan, oo ayan la murmin,
28Carruurteedu way kacaan oo waxay ugu yeedhaan tan barakaysan, Oo weliba ninkeeduna wuu ammaanaa, isagoo leh;
29Dumar badan baa wanaag sameeyey, Laakiinse adigu waad ka sii wanaagsan tahay dhammaantood.
6Laakiinse Aabraam wuxuu ku yidhi Saaray, Bal eeg, midiidintaadii gacantaaday ku jirtaaye; waxaad doonto ku samee. Saarayna si adag bay ula macaamilootay, kolkaasay midiidintii ka carartay horteeda.
3Ninku afada waxa ku qumman ha siiyo, sidaas oo kale afaduna ninka waxa ku qumman ha siiso.
4Waa inuu ahaado mid gurgiisa si wanaagsan ugu taliya, oo carruurtiisu ka dambeeyaan oo maamuusaan.
1¶ Carruurtay, waalidkiinna ku addeeca xagga Rabbiga, waayo, taasu waa qumman tahay.
17Haddaad Aabbow ugu yeedhaan kan nin walbaba u xukuma eexashola'aan iyo sida shuqulkiisu yahay, cabsi Ilaah isku dhaafiya wakhtiga aad qariibka tihiin.
3Laakiin waxaan jeclaan lahaa inaad ogaataan inuu Masiixu yahay madaxa nin kasta, ninkuna inuu yahay madaxa naagta, Ilaahna inuu yahay madaxa Masiixa.
11Haddaba, gabadhaydiiyey, ha cabsan; waayo, waan kuu samayn doonaa wixii aad sheegtay oo dhan, maxaa yeelay, dadka magaaladayda oo dhammu way wada og yihiin inaad tahay naag wanaagsan.
3Qof dumar ahuna markay Rabbiga nidar u nidarto oo ay sidaas nafteeda ugu xidho, oo ay gurigii aabbaheed joogto iyadoo dhallinyaro ah,
14Haddaba waxaan doonayaa inay carmallada dhallintayaru guursadaan, oo carruur dhalaan, oo gurigooda u taliyaan, oo ayan cadowga isu jebin inuu caayo.
11Markaasuu boqorku quruxdaada jeclaanayaa, Waayo, isagu waa sayidkaaga, oo adna isaga u sujuud.
9Sayidyadow, idinkuna isla waxaas iyaga u sameeya, oo cabsiinta iska daaya, waayo, waad og tihiin inuu kan ah Sayidkooda iyo kiinnaba jannada ku jiro, oo uusan dadka u kala eexan.
15Laakiinse waxay ku badbaadi doontaa carruurdhalidda, hadday ku sii socdaan rumaysad iyo jacayl iyo quduusnaan iyagoo digtoon.
14Laakiinse xaqnimada daraaddeed haddii aad u xanuunsataan, waad barakaysan tihiin. Haddaba ha ka cabsanina cabsigelintooda, hana welwelina.
36Saarah oo ahayd sayidkayga naagtiisii ayaa wiil u dhashay sayidkayga markay gabowday, oo wuxuu isaga siiyey wuxuu leeyahay oo dhan.