Ruud 3:11
Haddaba, gabadhaydiiyey, ha cabsan; waayo, waan kuu samayn doonaa wixii aad sheegtay oo dhan, maxaa yeelay, dadka magaaladayda oo dhammu way wada og yihiin inaad tahay naag wanaagsan.
Haddaba, gabadhaydiiyey, ha cabsan; waayo, waan kuu samayn doonaa wixii aad sheegtay oo dhan, maxaa yeelay, dadka magaaladayda oo dhammu way wada og yihiin inaad tahay naag wanaagsan.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
9Markaasuu ku yidhi, Tumaad tahay? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Waxaan ahay addoontaadii Ruud; haddaba macawistaada ku kor kala bixi addoontaada, waayo, waxaad tahay xigaal ii dhow.
10Markaasuu wuxuu ku yidhi, Gabadhaydiiyey, Rabbigu ha ku barakeeyo, waayo, roonaan weyn baad i tustay ugu dambaystii, oo ka sii weyn tii markii hore, maxaa yeelay, ma aad raacin rag dhallinyaro ah, faqiir iyo taajir toona.
12Haddaba inaan anigu ahay xigaal kuu dhow waa run, habase yeeshee waxaa jira nin xigaal ah oo iiga kaa sii dhow.
13Haddaba bal caawa iska joog, oo subaxdana hadduu isagu kuu sameeyo waxa xigaalka waajibka ku ah waa hagaag, ha sameeyo, laakiinse haddaanu kuu yeelin waajibka xigaalka, de markaas Rabbiga noloshiisaan kuugu dhaartaye, anaa kuu samaynaya.
14Oo iyana cagihiisay jiifsatay ilaa subaxdii, markaasay waxay kacday intaan qof qof kale laga garan karin. Waayo, wuxuu yidhi, Yaan la ogaanin in naagu timid meesha hadhuudhka lagu tumo.
16Oo markay soddohdeed u timid, Nimco waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, tumaad tahay? Markaasay waxay u sheegtay wixii ninku u sameeyey oo dhan.
18Oo iyana markaasay tidhi, Gabadhaydiiyey, iska fadhiiso ilaa aad ogaatid sida arrintu u dhacayso, waayo, ninku nasan maayo ilaa uu maanta xaalkaas dhammeeyo.
10Markaasay wejiga u dhacday, oo dhulka ugu foororsatay, oo waxay isagii ku tidhi, Maxaad raalli iigu noqotay, oo aad ii garatay, anoo ah mid qalaad?
11Markaasaa Bocas u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Dhammaan waa lay wada tusay, kulli wixii aad u samaysay soddohdaa ilaa markii ninkaagii dhintay, iyo sidii aad uga soo kacday aabbahaa iyo hooyadaa, iyo dalkii aad ku dhalatay, oo aad u timid dad aadan hadda ka hor aqoon.
13Kolkaasay tidhi, Sayidow, haddaba raalli iga ahow; waayo, waad i qalbi qaboojisay, oo si raxmad leh ayaad iila hadashay anigoo ah addoontaada, in kastoo aanan addoommahaaga ka mid ahayn.
1¶ Oo markaasaa Nimco oo ahayd soddohdeed ayaa waxay ku tidhi, Gabadhaydiiyey, miyaanan nasasho kuu doonayn inay ku wanaagsanaato?
2Haddaba sow Bocas oo ka mid ah xigaalkayaga ma joogo kaasoo aad addoommihiisii la joogtay? Bal eeg, caawa wuxuu shaciir ku haadinayaa meesha wax lagu tumo.
3Haddaba maydho, oo subko, oo dharkaagana xidho, oo waxaad tagtaa meesha wax lagu tumayo; laakiinse ninka ha istusin ilaa uu dhammaysto waxa uu cunayo oo cabbayo.
5Oo iyana waxay Nimco ku tidhi, Waxaad tidhi oo dhan waan yeeli doonaa.
36Oo waxay ku tidhi, Aabbahayow, Rabbigaad afkaaga u furtay, haddaba igu samee wixii afkaaga ka soo baxay, waayo, Rabbigu waa kaaga aarguday cadaawayaashaadii, kuwaasoo ahaa reer Cammoon.
15Sidaas daraaddeed ayaan kuugu imid, boqorow, sayidkaygiiyow, inaan eraygan kugula hadlo; maxaa yeelay, dadkaa i cabsiiyey, markaasaan anoo addoontaada ah is-idhi, Haatan waxaan la hadlayaa boqorka, waayo, waaba intaasoo uu boqorku ii yeelaa waxaan weyddiisto anoo addoontiisa ah.
16Waayo, boqorku wuu i maqli doonaa, inuu anoo addoontiisa ah iga samatabbixiyo gacantii ninkii doonayay inuu na baabbi'iyo oo dhaxalka Ilaahna naga saaro aniga iyo wiilkaygaba.
17Haddaba anoo addoontaada ah waxaan idhi, Boqorka sayidkayga ah hadalkiisu ha ahaado mid i nasiya, waayo, boqorka sayidkayga ahu sida malaa'igta Ilaah ayuu u kala gartaa xumaanta iyo samaanta. Rabbiga Ilaahaaga ahuna ha kula jiro.
18Markaasaa boqorkii naagtii ugu jawaabay, Waan ku baryayaaye waxa aan ku weyddiin doono, waxba ha iga qarin. Oo naagtiina waxay tidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, bal iska hadal.
11Markaasay Nimco waxay tidhi, Iska noqda, gabdhahaygiiyow, bal maxaad ii raacaysaan? Ma wiilal kalaa uurkayga ku hadhay oo niman idiin noqonaya?
12Iska noqda, gabdhahaygiiyow, oo iska taga, waayo, waan ka gaboobay inaan nin guursado. Haddii aan odhan lahaa, Weli rajaan qabaa, iyo haddii xataa aan caawa nin guursado, ee haddana wiilal dhalo,
13haddaba ma waxaad sugaysaan ilaa ay ka koraan? Oo ma sidaas baad isaga daynaysaan inaad niman guursataan? Gabdhahaygiiyow, maya, waayo, taasaan aad uga xumaanayaa idinka aawadiin, waayo, waxaa igu soo baxday gacanta Rabbiga.
11Markaasaa dadkii iridda joogay oo dhan iyo odayaashiiba waxay yidhaahdeen, Markhaatiyaal baannu ka nahay. Naagta gurigaaga soo gashay Rabbigu ha ka dhigo sidii Raaxeel iyo Lee'ah, labadaas oo ahaa kuwii dhisay reerkii Israa'iil; oo adna Efraataah ku barwaaqow, Beytlaxamna caan ku ahow.
29Dumar badan baa wanaag sameeyey, Laakiinse adigu waad ka sii wanaagsan tahay dhammaantood.
8Markaasaa Bocas wuxuu Ruud ku yidhi, Sow maqli maysid, gabadhaydiiyey? Ha tegin oo ha xaabxaabin beer kale, oo halkanna ha sii dhaafin, laakiinse halkan gabdhahayga u dhow iska joog.
40Oo wuxuu igu yidhi, Rabbiga aan hortiisa ku socdo wuxuu ku raacin doonaa malaa'igtiisa, jidkaagana wuu kugu liibaanin doonaa, wiilkaygana naag baad uga guurin doontaa xigaalkaygii iyo gurigii aabbahay,
41dabadeedna dhaartayda waxba kaama saarna, markaad u tagto xigaalkay; oo hadday iyada ku siin waayaan, markaas dhaartayda waxba kaama saarna.
12Haddaba sidaas daraaddeed waan idin baryayaaye, Rabbiga iigu dhaarta inaad reerka aabbahay ugu roonaanaysaan sidaan idiinku roonaaday oo kale, oo i siiya calaamo run ah;
13iyo inaad badbaadinaysaan aabbahay, iyo hooyaday, iyo walaalahay, iyo waxay haystaan oo dhan, iyo inaad naftayada dhimasho ka samatabbixinaysaan.
16Kolkaasuu ku soo leexday iyadoo jidka ag fadhida, oo wuxuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, kaalay aan kuu tagee; waayo, ma uu ogayn inay tahay gabadhii uu soddogga u ahaa. Kolkaasay waxay ku tidhi, Maxaad i siinaysaa aad ii tagtide?
38Laakiinse waxaad u kacdaa gurigii aabbahay, iyo xigaalkaygii, oo wiilkayga naag uga keen.
19Markaasaa soddohdeed waxay ku tidhi, Xaggee baad maanta wax ka soo xaabxaabtay? Oo xaggee baad ka shaqaysay? Ha barakaysnaado kii ku gartay. Oo iyana waxay soddohdeed u sheegtay kii ay la shaqaysay, oo waxay ku tidhi, Ninkii aan maanta la shaqeeyey magiciisa waxaa la yidhaahdaa Bocas.
20Markaasaa Nimco waxay ku tidhi gabadhii ay soddohda u ahayd, Rabbigu ha barakeeyo kan aan roonaantiisa ka dayn kuwa nool iyo kuwa dhintayba. Oo Nimco waxay ku tidhi iyadii, Ninku waa noo dhow yahay oo waa xigaalkayo, oo waa qaraabadayada noo dhow midkood.
21Markaasaa Ruud tii reer Moo'aab waxay tidhi, Oo weliba wuxuu igu yidhi, Waa inaad la joogtaa raggayga dhallinyarada ah ilaa ay dhammeeyaan beertayda ay gooynayaan.
22Markaasaa Nimco waxay ku tidhi gabadhii Ruud oo ay soddohda u ahayd, Gabadhaydiiyey, waa wanaagsan tahay inaad gabdhihiisa raacdid oo aan lagugula kulmin beer kaleto.
13Bal eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabdhaha dadka magaaladuna waxay u soo baxayaan inay biyo dhaansadaan.
14Gabadhii aan ku odhan doono, Ashuunkaaga deji, waan ku baryayaaye, aan ka cabbee, oo igu odhan doonta, Cab, awrtaadana waan waraabin doonaa, taasu ha noqoto tii aad u dooratay addoonkaaga Isxaaq, oo taas baan ku ogaan doonaa inaad sayidkayga u roonaatay.
5Markaasaa Bocas wuxuu ku yidhi midiidinkiisii madaxda u ahaa kuwii beerta gooynayay, Gabadhanu waa ina ayo?
16Gabadhuna waa suurad quruxsanayd, waxayna ahayd bikrad aan ninna u tegin. Waxay tagtay ishii biyaha ahayd xaggeeda, oo intay ashuunkeedii soo buuxsatay, ayay soo baxday.
8Markaasaa Nimco waxay ku tidhi labadii gabdhood ee ay soddohda u ahayd, Taga oo middiin kastaaba ha ku noqoto gurigii hooyadeed; oo Rabbigu si raxmad leh ha idiin yeelo taasoo ah sidii aad ula macaamilooteen kuwii dhintay iyo anigaba.
9Rabbigu middiin kastaba nasasho ha ku siiyo guriga ninkeeda. Oo markaasay iyagii dhunkatay; oo iyana codkoodii bay kor u qaadeen oo ooyeen.
24Bal eega, waxaa jooga gabadhaydii oo bikrad ah iyo naagtiisii addoonta ahayd; haddaba iyagaan idiin soo bixinayaaye, iyaga kufsada oo sidaad doonaysaan ka yeela; laakiinse ninkan ha ku samaynina xumaan caynkan ah.
43bal eeg, waxaan ag taaganahay isha biyaha ah, gabadhii u soo baxda inay biyo dhaansato oo aan ku odhan doono, Waan ku baryayaaye, ashuunkaaga iga sii in yar oo biyo ah aan cabbee,
23Oo wuxuu ku yidhi, Ina ayaad tahay? Waan ku baryayaaye, ii sheeg. Guriga aabbahaa meel aannu ku hoyanno ma leeyahay?
10Haddaba, gabadhoy, bal i maqal, oo fiirso, oo dhegta soo dhig, Oo weliba waxaad illowdaa dadkaagii iyo gurigii aabbahaa;
13Markaasuu ku yidhi isagii, Hadda waxaad iyada ku tidhaahdaa, Adigu aad baad noo xannaanaysay, haddaba maxaa laguu sameeyaa? Ma doonaysaa in laguula hadlo boqorka ama sirkaalka ciidanka? Markaasay ku jawaabtay, Anigu waxaan dhex degganahay dadkaygii.
17oo bal eega, wuxuu ka soo sheegay waxyaalo ceeb ah, oo wuxuu yidhi, Gabadhaada kama aanan helin calaamadihii bikradnimada, iyadoo calaamadihii bikradnimadeedu ay kuwan yihiin. Oo iyana dharka ha ku kala bixiyeen odayaasha magaalada hortooda.
48Kolkaasaan madaxa foororiyey, oo Rabbiga caabuday, oo waxaan ammaanay Rabbiga ah sayidkayga Ibraahim Ilaahiisa, oo igu soo hoggaamiyey jidkii toosnaa, inaan gabadhii sayidkayga walaalkiis u kaxeeyo wiilkiisa.
14Markaasaa dumarkii waxay Nimco ku yidhaahdeen, Mahad waxaa leh Rabbiga aan maanta xigaalla'aan ku dhigin, oo magiciisuna reer binu Israa'iil caan ha ku dhex ahaado.