1 Samuu'eel 1:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo intuu saas yeelayay sannad ka sannad, markii ay gurigii Rabbiga tagtay, ayay ka xanaajisay iyadii, taas daraaddeed way ooyday, oo waxba ma ay cunin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 2:19 : 19 Oo weliba hooyadiisna waxay u samayn jirtay khamiis yar, oo sannad ka sannad ayay u keeni jirtay, markay ninkeeda soo raacdo inay bixiyaan allabarigii sannadda.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1 Sam 1:1-6
    6 aayado
    85%

    1¶ Waxaa jiray nin reer Raamaatayim Soofiim ahaa oo degganaa dalkii buuraha lahaa ee reer Efrayim, magiciisana waxaa la odhan jiray Elqaanaah, oo wuxuu ahaa ina Yeroxaam, ina Eliihuu, ina Toohuu, ina Suuf, wuxuuna ahaa reer Efraad;

    2oo wuxuu lahaa laba naagood, middood magaceeda waxaa la odhan jiray Xannaah, tan kale magaceeduna wuxuu ahaa Feninnaah. Feninnaah carruur bay lahayd, laakiinse Xannaah carruur ma lahayn.

    3Oo ninkaasu sannad ka sannad wuxuu ka bixi jiray magaaladiisa, oo wuxuu u tegi jiray inuu Rabbiga Ciidammada Shiiloh ku caabudo oo allabari u bixiyo. Oo Ceelii labadiisii wiil oo ahaa Hofnii iyo Fiinexaas, ee Rabbiga wadaaddo u ahaana halkaasay joogeen.

    4Oo Elqaanaah maalintii uu allabariga bixiyey ayuu qayb siiyey naagtiisii Feninnaah iyo wiilasheedii iyo gabdhaheedii oo dhan,

    5laakiinse Xannaah wuxuu siiyey qayb labanlaab ah; maxaa yeelay, Xannaah wuu jeclaa, laakiinse Rabbigaa maxalkeedii xidhay.

    6Tii dhibi jirtay ayaa aad uga cadhaysiisay, si ay uga xanaajiso, maxaa yeelay, Rabbigaa maxalkeedii xidhay.

  • 1 Sam 1:8-27
    20 aayado
    81%

    8Markaasaa ninkeedii Elqaanaah wuxuu iyadii ku yidhi, Xannaah, maxaad u ooyaysaa? Oo maxaad wax u cuni weyday? Oo maxaa qalbigaagu u xumaaday? Miyaanan anigu toban wiil kaaga wanaagsanayn?

    9Saas aawadeed Xannaah way kacday markii ay Shiiloh wax ku cuneen oo ay wax cabbeen dabadeed. Haddaba wadaadkii Ceelii ahaa wuxuu ku fadhiistay kursigiisii oo ag yiil macbudka Ilaah tiirkiisa.

    10Iyadu aad bay u murugootay, oo intay ooyday ayay Rabbiga bariday.

    11Markaasay nidar nidartay, oo waxay tidhi, Rabbiga Ciidammadow, haddaad fiirisid dhibta aan anoo addoontaada ah qabo, oo aad i soo xusuusatid, ee aadan i illoobin anoo addoontaada ah, laakiinse aad i siiso wiil, de markaas cimrigiisa oo dhan waan ku siinayaa, Rabbiyow, oo madaxiisana mandiil lama marin doono.

    12Oo intii ay Rabbiga hortiisa ku baryootamaysay ayuu Ceelii fiiriyey afkeedii.

    13Haddaba Xannaah waxay ka hadlaysay qalbigeeda, oo bushimaheeda keliya ayaa dhaqdhaqaaqayay, laakiinse codkeedii lama maqlin; sidaas daraaddeed Ceelii wuxuu mooday inay sakhraantay.

    14Markaasaa Ceelii wuxuu iyadii ku yidhi, Ilaa gormaad sakhraamaysaa? Khamrigaaga iska fogee.

    15Markaasaa Xannaah u jawaabtay oo ku tidhi, Maya, sayidkaygiiyow, ee waxaan ahay naag ruuxeedu murugaysan yahay, oo ma aanan cabbin khamri iyo wax lagu sakhraamo toona, laakiinse naftaydaan Rabbiga ku baryayaa.

    16Anoo addoontaada ah ha igu tirin gabadh xun; waayo, welwelkayga iyo xanaaqayga batay aawadood ayaan ilaa haatan u hadlayay.

    17Markaasaa Ceelii u jawaabay oo yidhi, Nabad ku tag, oo Ilaaha reer binu Israa'iil ha ku siiyo baryadaadii aad weyddiisatay.

    18Markaasay tidhi, Anoo addoontaada ah naxariis aan kaa helo. Sidaas daraaddeed naagtii way iska tagtay, oo wax bay cuntay, oo wejigeeduna mar dambe ma murugsanayn.

    19Markaasay aroor hore kaceen, oo Rabbiga caabudeen, dabadeedna way noqdeen, oo yimaadeen gurigoodii Raamaah ku yiil; markaasaa Elqaanaah u tegey naagtiisii Xannaah; oo Rabbiguna iyadii wuu xusuustay.

    20Oo markii wakhtigii la gaadhay ayay Xannaah uuraysatay, oo ay wiil dhashay; oo magiciisiina waxay u bixisay Samuu'eel, oo waxay tidhi, Maxaa yeelay, isagaan Rabbiga weyddiistay.

    21¶ Markaasaa ninkii Elqaanaah ahaa, iyo reerkiisii oo dhammuba waxay u tageen inay Rabbiga u bixiyaan allabarigii sannad walba joogtada u ahaa iyo nidarkiisii.

    22Laakiinse Xannaah ma ay tegin, waayo, waxay ninkeedii ku tidhi, Anigu tegi maayo ilaa wiilka naaska laga gudhiyo, dabadeedna waan keeni doonaa inuu Rabbiga hortiisa ka muuqdo, oo uu halkaas joogo weligiisba.

    23Markaasaa ninkeedii Elqaanaah ku yidhi, Wixii kula wanaagsan yeel; oo iska joog ilaa aad naaska ka gudhisid, laakiinse Rabbigu eraygiisa ha adkeeyo. Sidaas aawadeed naagtii way iska joogtay oo wiilkii bay nuujisay ilaa ay naaskii ka gudhisay.

    24Oo markay isagii naaska ka gudhisay ayay qaadatay oo la tagtay isagii, iyo saddex dibi, iyo eefaah bur ah, iyo qarbed khamri ah, oo waxay isagii keentay gurigii Rabbiga ee Shiiloh ku yiil, oo wiilkuna wuu yaraa.

    25Markaasay dibi qaleen, oo wiilkiina waxay u keeneen Ceelii.

    26Kolkaasay tidhi, Sayidkaygiiyow, waxaan ku dhaaranayaa naftaada nool, Sayidkaygiiyow, waxaan ahay naagtii halkan ku soo ag istaagtay, iyadoo Rabbiga baryaysa.

    27Waxaan ka baryay wiilkan, oo Rabbigu waa i siiyey baryadaydii aan weyddiistay isaga,

  • 71%

    19Oo weliba hooyadiisna waxay u samayn jirtay khamiis yar, oo sannad ka sannad ayay u keeni jirtay, markay ninkeeda soo raacdo inay bixiyaan allabarigii sannadda.

    20Oo Ceeliina waa u duceeyey Elqaanaah iyo afadiisiiba, oo wuxuu ku yidhi, Daynkii Rabbiga la siiyey aawadiis Rabbigu naagtan farcan ha kaa siiyo. Oo iyana waxay tageen xaggii gurigoodii.

    21Oo Rabbigu waa soo booqday Xannaah, oo way uuraysatay, oo waxay dhashay saddex wiil iyo laba gabdhood. Oo yarkii Samuu'eel ahaana wuxuu ku koray Rabbiga hortiisa.

  • 16Oo markay maalin walba hadalkeedii ku sii cadaadisay, oo ay ku adkaysay, ayaa naftiisii cidhiidhi gashay ilaa dhimasho.

  • 68%

    16Markaasay Samsoon naagtiisu ku hor ooyday, oo waxay isagii ku tidhi, Waxba iima aad samayn nacayb maahee, oo ima aad jeclid innaba. Dadkaygii waad halxidhay, oo iima aad sheegin. Markaasuu ku yidhi, Aabbahay iyo hooyaday toona uma aan sheegine, ma adaan kuu sheegayaa?

    17Oo toddobadii maalmoodba way ku hor ooyaysay isaga, intii ay diyaafaddoodii ka dhammaanaysay; oo waxaa dhacay maalintii toddobaad inuu iyadii u sheegay, maxaa yeelay, aad bay ugu cadaadisay; markaasay halxidhkii micnihiisii dadkeedii u sheegtay.

  • 67%

    36Oo waxay ku tidhi, Aabbahayow, Rabbigaad afkaaga u furtay, haddaba igu samee wixii afkaaga ka soo baxay, waayo, Rabbigu waa kaaga aarguday cadaawayaashaadii, kuwaasoo ahaa reer Cammoon.

    37Oo waxay aabbaheed ku tidhi, Bal waxan ha la ii sameeyo, intii laba bilood ah i daa, oo intaan buuraha tago, aniga iyo saaxiibadahay, aan bikradnimadayda u baroortee.

    38Markaasuu yidhi, Tag. Oo intii laba bilood ah ayuu iska diray; oo iyadii iyo saaxiibadaheedba way tageen, oo bikradnimadeedii ayay buuraha ugu soo baroorteen.

  • 2 Boq 8:2-3
    2 aayado
    67%

    2Markaasaa naagtii sara joogsatay oo yeeshay sidii eraygii ninkii Ilaah ahaa; oo way tagtay iyada iyo reerkeediiba oo intii toddoba sannadood ah ayay degganayd dalkii reer Falastiin.

    3Oo markii toddobadii sannadood ay dhammaadeen ayay naagtii ka soo noqotay dalkii reer Falastiin; oo waxay u tagtay boqorkii inay ugu qayshato gurigeedii iyo dhulkeedii.

  • 11¶ Markaasaa Elqaanaah wuxuu tegey Raamaah iyo xaggii gurigiisii. Oo wiilkiina wuxuu Rabbiga uga adeegi jiray wadaadkii Ceelii hortiisa.

  • 18Oo Nimco, markay aragtay inay aad iyo aad ugu adkaysatay inay raacdo ayay hadalkii ka daysay.

  • 34Oo Yoonaataanna miiskuu kala kacay cadho kulul, oo bisha maalinteedii labaadna waxba ma cunin, waayo, wuxuu u calool xumaaday Daa'uud aawadiis, maxaa yeelay, aabbihiis baa ceeb ku sameeyey.

  • 1¶ Markaasaa Xannaah tukatay oo waxay tidhi: Qalbigaygu Ilaah buu ku faraxsan yahay, Geeskaygana Rabbigu kor buu u qaaday. Afkayguna wuxuu u faanaa cadaawayaashayda, Maxaa yeelay, waxaan ku reyreeyaa badbaadintaada.

  • 16Kolkaasay ku tidhi, Maya, saas ma aha, maxaa yeelay, xumaantan weyn ee aad igu bixinayso ayaa ka sii liidata tii kale ee aad igu samaysay. Laakiinse ma uu dhegaysan.

  • 13Oo weliba waxaa kaloo aad samaysaan tan: Meesha allabariga ee Rabbiga ayaad ku dul badisaan ilmo, iyo oohin, iyo taahid, sababtuna waa qurbaanka uusan innaba mar dambe dan ka lahayn, oo uusan raalli ka ahayn inuu gacantiinna ka aqbalo.

  • 16Oo isna wuxuu yidhi, Markii wakhtigu soo wareego xilligan oo kale wiil baad laabta ku qabsan doontaa, oo iyana waxay tidhi, Maya sayidkaygiiyow, oo adigu nin yahow Ilaah anoo addoontaada ah been ha ii sheegin.

  • 65%

    28Markaasaa boqorkii wuxuu iyadii ku yidhi, Naa maxaa ku helay? Oo iyana waxay ugu jawaabtay, Naagtan waxay igu tidhi, Naa wiilkaaga na sii aan maanta cunnee oo wiilkaygana berri baannu wada cuni doonnaa.

    29Sidaas daraaddeed wiilkaygii waan karsannay oo waannu cunnay; markaasaan maalintii dambe iyadii ku idhi, Naa wiilkaagii na sii aan cunnee; laakiinse iyadu way qarisay wiilkeedii.

  • 21Markaasaa addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, War waxan aad samaysay waa maxay? Wiilku intuu noolaa ayaad soontay, oo u ooyday aawadiis; laakiinse yarkii markuu dhintay, waad kacday, wax baanad cuntay.

  • Ruud 1:13-14
    2 aayado
    64%

    13haddaba ma waxaad sugaysaan ilaa ay ka koraan? Oo ma sidaas baad isaga daynaysaan inaad niman guursataan? Gabdhahaygiiyow, maya, waayo, taasaan aad uga xumaanayaa idinka aawadiin, waayo, waxaa igu soo baxday gacanta Rabbiga.

    14Markaasay codkoodii kor u qaadeen oo haddana way ooyeen; Corfahna soddohdeed bay dhunkatay; Ruudse way ku soo dhegtay.

  • 15Markaasay tagtay oo waxay yeeshay sidii Eliiyaah ku yidhi, oo iyadii iyo isagii iyo reerkeediiba maalmo badan bay wax cunayeen.