1 Samuu'eel 14:11

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo labadoodiiba waxay isu muujiyeen ciidankii reer Falastiin; markaasay kuwii reer Falastiin waxay yidhaahdeen, Bal eega Cibraaniyadii waxay ka soo baxayaan godadkii ay ku dhuunteene.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 13:6 : 6 Oo dadkii reer binu Israa'iilna markay arkeen inay cidhiidhi ku jiraan, (waayo, dadku way dhibaataysnaayeen) markaasaa dadkii waxay ku dhuunteen godad, iyo kayn, iyo dhagaxyo dhexdooda, iyo boholo, iyo hogag.
  • 1 Sam 14:22 : 22 Oo sidaas oo kalena kulli raggii reer binu Israa'iil oo mar hore ku dhuuntay dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyana markii ay maqleen in reer Falastiin carareen ayay soo raacdaysteen oo dagaalkii soo galeen.
  • Xaak 6:2 : 2 Oo gacantii Midyaanna waa ka adkaatay reer binu Israa'iil; markaasaa reer binu Israa'iil waxay reer Midyaan aawadood u samaysteen boholo buuraha ku yaal, iyo godad, iyo dhufaysyo xoog leh.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    12Oo raggii ciidanku waxay Yoonaataan iyo kii hubkiisa u siday ugu jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Soo fuula, wax baannu idin tusaynaaye. Markaasaa Yoonaataan wuxuu ku yidhi kii hubkiisa u siday, Iga soo daba fuul, waayo, Rabbigu wuxuu iyaga soo geliyey gacanta reer binu Israa'iil.

    13Markaasaa Yoonaataan buurtii fantay, kii hubkiisa u sidayna wuu daba socday, oo kuwii reer Falastiinna way ku hor dhaceen Yoonaataan, kii hubkiisa u sidayna wuu ka daba laayay.

  • 81%

    3iyo Axiiyaah oo ahaa ina Axiituub, oo Iikaboodna walaalkiis ahaa, ee ahaa reer Fiinexaas ina Ceelii oo ahaa wadaadkii Rabbiga oo Shiiloh joogay, isagoo eefod qaba. Oo dadkuna ma ogayn inuu Yoonaataan tegey.

    4Oo Yoonaataan marinkii uu doonayay inuu uga gudbo ciidanka reer Falastiin waxaa dhinac kaga yiil buur dhagax ah, dinaca kalena waxaa kaga yiil buur dhagax ah, oo middood magaceedu wuxuu ahaa Boosees, oo tan kale magaceedana waxaa la odhan jiray Seneh.

    5Oo buur waxay ku tiil xagga woqooyi oo Mikmaash ka horraysa, oo tan kalena waxay ku tiil xagga koonfureed oo Gebacda horraysa.

    6Markaasaa Yoonaataan wuxuu ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo hubkiisa u siday, Kaalay, oo ina keen aan xagga ciidanka buuryoqabka ah u gudubnee, waayo, waxaa suurtowda in Rabbigu inoo shaqeeyo, maxaa yeelay, Rabbiga waxba kama hor joogsan karaan inuu ku badbaadiyo kuwo badan ama kuwo yarba.

    7Oo kii hubka u sidayna wuxuu ku yidhi, Wax alla waxa qalbigaaga ku jira yeel, oo bal eeg, waan kula socdaa, oo sida qalbigaagu yahay weeye kayguna.

    8Markaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Bal eeg, nimanka xaggooda ayaynu u gudbaynaa, oo isu muujinaynaa iyaga.

    9Oo haddii ay inagu yidhaahdaan, Jooga halkiinna ilaa aannu idiin nimaadno, markaas waxaynu iska joogaynaa meesheenna, oo una tegi mayno.

    10Laakiinse haddii ay inagu yidhaahdaan, Kaalaya oo soo fuula, markaasaynu fuulaynaa, waayo, Rabbigu iyaga gacanteennuu soo geliyey, oo taasaa calaamadii inoo ahaan doonta.

  • 1¶ Haddaba waxaa maalin dhacay inuu Yoonaataan ina Saa'uul ku yidhi ninkii dhallinyarada ahaa oo hubkiisa u siday, Bal ina keen aan ciidanka reer Falastiin oo xaggaas jooga u gudubnee. Laakiinse taas uma uu sheegin aabbihiis.

  • 11Oo Yoonaataanna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Kaalay oo ina keen aan duurka tagnee. Oo labadoodiiba waxay tageen duurka.

  • 76%

    21Oo Cibraaniyadii markii hore la jiray reer Falastiin, oo intay raaceen xerada la galay, iyagoo dalka ku wareegsan ka yimid, xataa iyana way soo jeesteen, oo waxay ku darmadeen reer binu Israa'iilkii la jiray Saa'uul iyo Yoonaataan.

    22Oo sidaas oo kalena kulli raggii reer binu Israa'iil oo mar hore ku dhuuntay dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyana markii ay maqleen in reer Falastiin carareen ayay soo raacdaysteen oo dagaalkii soo galeen.

  • 6Oo dadkii reer binu Israa'iilna markay arkeen inay cidhiidhi ku jiraan, (waayo, dadku way dhibaataysnaayeen) markaasaa dadkii waxay ku dhuunteen godad, iyo kayn, iyo dhagaxyo dhexdooda, iyo boholo, iyo hogag.

  • 23¶ Oo ciidankii reer Falastiinna waxay u soo baxeen marinkii Mikmaash.

  • 74%

    14Oo beertii bay isdhex taageen oo daafaceen, wayna laayeen reer Falastiin, oo Rabbiguna wuxuu iyagii ku badbaadiyey guul weyn.

    15Oo soddonkii ugu horreeyey saddex ka mid ah ayaa hoos ugu dhaadhacay dhagixii weynaa ee Daa'uud joogay, oo waxay galeen godkii Cadullaam, oo ciidankii reer Falastiinna waxay soo degeen dooxadii Refaa'iim.

    16Oo markaas Daa'uud wuxuu ku jiray dhufayskii, oo ciidankii reer Falastiin xeradooduna waxay ahayd Beytlaxam.

  • 3Oo Yoonaataan wuxuu ku dhuftay xeradii ciidankii reer Falastiin oo Gebac joogay, oo reer Falastiinna taas way maqleen. Oo Saa'uulna dalkii oo dhan buu buun ugu dhuftay oo yidhi, Cibraaniyadu ha maqleen.

  • 13Haddana reer Falastiin mar kalay dooxadii ku soo firdheen.

  • 73%

    16Markaasaa Saa'uul waardiyayaashiisii Gibecaahdii reer Benyaamiin joogay wax fiiriyeen, oo waxay arkeen dadkii badnaa oo kala firdhay oo xaggan iyo xaggaa u kala yaacay.

    17¶ Kolkaasaa Saa'uul wuxuu dadkii isaga la jiray ku yidhi, Bal tiriya, oo eega kii inaga tegey kuu yahay. Oo markay tiriyeen waxay arkeen inayan Yoonaataan iyo kii hubkiisa u siday halkaas joogin.

  • 21Oo reer binu Israa'iil iyo reer Falastiin dagaal bay isugu soo diyaariyeen, iyadoo ciidanba ciidanka kale ka gees yahay.

  • 72%

    29Markaasaa Yoonaataan wuxuu yidhi, Aabbahay isagaa dalka dhibay, waan idin baryayaaye, bal eega sida indhahaygu u iftiimeen, maxaa yeelay, in yar baan ka dhadhamiyey malabkan.

    30Haddaba intee bay ka sii fiicnaan lahayd haddii dadku maanta ikhtiyaar wax uga cuni lahaayeen wixii ay cadaawayaashooda ka dhaceen ee ay heleen? Waayo, hadday sidaas ahaan lahayd reer Falastiin dhexdooda layn tan ka weyn baa ku dhici lahayd.

  • 71%

    18Oo labadoodii axdi bay Rabbiga hortiisa ku dhigteen. Oo Daa'uud wuxuu iska joogay duurkii, Yoonaataanna gurigiisii buu tegey.

    19Markaasaa Saa'uul waxaa Gibecaah ugu yimid reer Siif, waxayna ku yidhaahdeen, Daa'uud miyaanu ku dhuuman dhufaysyada dalkayaga duurka ku yaal, oo ku dhex yaal buurta Xakiilaah, oo lamadegaanka xaggiisa koonfureed ku taal?

  • 71%

    8¶ Oo reer Falastiinna markay maqleen in Daa'uud loo subkay inuu boqor u ahaado reer binu Israa'iil oo dhan ayay reer Falastiin oo dhammu u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan, oo Daa'uudna taas wuu maqlay, oo isna iyagii ayuu ku baxay.

    9Haddaba reer Falastiin way yimaadeen, oo waxay ku firdheen dooxadii Refaa'iim.

  • 1 Sam 17:2-3
    2 aayado
    71%

    2Markaasay Saa'uul iyo raggii reer binu Israa'iilna isa soo wada urursadeen, oo waxay soo degeen dooxada Eelaah, oo isu diyaariyeen inay la dagaallamaan reer Falastiin.

    3Oo reer Falastiin waxay soo istaageen buur dhinac ah, reer binu Israa'iilna waxay soo istaageen buur dhinacii kale ah; oo waxaana labada qolo u dhexaysay dooxo.

  • 9¶ Markaasay reer Falastiin intay tageen degeen dhulka Yahuudah, oo waxay ku dhex firdheen Lexii.

  • 27Laakiinse Yoonaataan ma uu maqlin markii aabbihiis dadka dhaarta ku amray, sidaas aawadeed wuxuu soo fidiyey ushii gacanta ugu jirtay caaraddeedii, oo wuxuu daray malabkii, markaasuu gacantii afka saaray; oo indhihiisiina aad bay u iftiimeen.

  • 41Oo ninkii reer Falastiinna Daa'uud buu u soo dhowaaday; ninkii gaashaanka u sidayna wuu hor socday.

  • 1¶ Haddaba reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, oo raggii reer binu Israa'iilna way ka carareen reer Falastiin, oo Buur Gilboca ayay ku daateen iyagoo la laayay.

  • 16¶ Kolkaasaa Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan, iyo dadkii iyaga la jirayba waxay iska joogeen Gebacdii reer Benyaamiin, laakiinse reer Falastiin waxay degganaayeen Mikmaash.

  • 7Oo reer Falastiinna markay maqleen in reer binu Israa'iil Misfaah ku urursan yihiin ayaa madaxdii reer Falastiin u kaceen inay ku soo duulaan reer binu Israa'iil. Oo reer binu Israa'iilna markay taas maqleen ayay aad uga cabsadeen reer Falastiin.

  • 11Oo Saa'uul iyo reer binu Israa'iil oo dhammu markay maqleen erayadii reer Falastiin way nexeen, aad bayna u cabsadeen.

  • 52Markaasay raggii reer binu Israa'iil iyo raggii reer Yahuudah kaceen oo qayliyeen oo waxay eryadeen reer Falastiin, tan iyo dooxadii iyo ilaa irdaha Ceqroon. Oo dhaawicii reer Falastiinna waxay ku dhaceen jidka Shacarayim, iyo tan iyo Gad iyo ilaa Ceqroon.

  • 48Oo markii kii reer Falastiin soo kacay oo uu u soo dhowaaday inuu Daa'uud ka hor tago, ayaa Daa'uud soo dhaqsaday oo ku soo orday xaggii ciidanka inuu ka hor tago kii reer Falastiin.

  • 16Oo waxay iyagii ku tidhi, Buurta xaggeeda taga, yaan raacdadu idin heline, oo intii saddex maalmood ah halkaas ku dhuunta, ilaa ay raacdadu ka soo noqonayso; dabadeedna jidkiinna iska mara.

  • 7Dabadeedna Yoonaataan Daa'uud buu u yeedhay, oo u sheegay waxyaalahan oo dhan. Markaasaa Yoonaataan Daa'uud u keenay Saa'uul, oo uu hor joogay sidii waagii hore.

  • 17¶ Oo reer Falastiinna markay maqleen in Daa'uud loo subkay inuu boqor u ahaado reer binu Israa'iil ayay reer Falastiin oo dhammu u soo baxeen inay Daa'uud doondoonaan; oo Daa'uudna taas wuu maqlay, markaasuu dhufayskii hoos ugu dhaadhacay.

  • 18oo guuto kalena waxay u leexatay xagga waddada Beytxooroon, oo guutadii hadhayna waxay u leexatay xagga waddada soohdinta kor ka soo dhawrta dooxada Seboyim iyo xagga cidlada.

  • 12Markaasay isagii ku yidhaahdeen, Waxaannu u nimid inaannu ku xidhno, si aannu gacanta kuugu gelinno reer Falastiin. Kolkaasuu Samsoon ku yidhi iyagii, Ii dhaarta inaydnaan idinku i dilayn.

  • 1¶ Oo wakhtigaas reer Falastiin ciidammadoodii oo dhan dagaal bay u soo urursadeen inay reer binu Israa'iil la diriraan. Aakiishna wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ogow inaad adiga iyo raggaaguba dagaalka ii raacaysaan.

  • 23Oo intuu walaalihiis la hadlayay, bal eeg, waxaa soo baxay tiirrigii reer Falastiin ee Gad ka yimid, ee magiciisa Goli'ad la odhan jiray, isagoo ka soo dhex baxay safafkii reer Falastiin, oo wuxuu ku hadlay erayadiisii hore oo kale; Daa'uudna taas wuu maqlay.

  • 19Haddaba Saa'uul, iyo iyagii, iyo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu, waxay joogeen dooxadii Eelaah, iyagoo reer Falastiin la diriraya.

  • 3oo anigu waan tegayaa, oo beerta aad ku jirto dhexdeeda ayaan aabbahay ag istaagayaa, oo xaggaagaan aabbahay kala hadlayaa, oo hadday wax jiraanna waan kuu soo sheegayaa.