1 Samuu'eel 13:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

oo guuto kalena waxay u leexatay xagga waddada Beytxooroon, oo guutadii hadhayna waxay u leexatay xagga waddada soohdinta kor ka soo dhawrta dooxada Seboyim iyo xagga cidlada.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Nex 11:34 : 34 iyo Xaadiid, iyo Seboyim, iyo Neballaad,
  • Yash 18:13-14 : 13 Oo soohdintu waxay halkaas uga gudubtay Luus (taasoo ah Beytel), iyo ilaa dhinaceeda koonfureed, oo soohdintu waxay ku dhaadhacday Cataarood Addaar, taasoo u dhow buurta ku taal Beytxooroonta hoose xaggeeda koonfureed. 14 Oo soohdintu waxay u baxday oo ka laabatay waaxda galbeed xaggeeda koonfureed, iyo xagga buurta ku hor taal Beytxooroon xaggeeda koonfureed; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu u baxay Qiryad Bacal taasoo ah Qiryad Yecaariim ee ahayd magaalo ay reer Yahuudah leeyihiin, intaasu waxay ahayd waaxdii galbeed.
  • Yash 16:3 : 3 oo wuxuu dhanka galbeed ka maray soohdinta reer Yaafleetii iyo ilaa soohdinta Beytxooroonta hoose iyo tan iyo xataa Geser; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga badda.
  • Yash 16:5 : 5 Oo reer Efrayim sidii ay reerahoodu ahaayeen soohdintoodii sidan bay ahayd; dalkii ay dhaxalka u heleen dhinaca bari waxaa u xigay Cataarood Addaar, iyo Beytxooroonta sare;
  • Bil 14:2 : 2 inay la dirireen Berac oo boqor u ahaa Sodom, iyo Birshac oo boqor u ahaa Gomora, iyo Shinaab oo boqor u ahaa Admah, iyo Shemeeber oo boqor u ahaa Seboyim, iyo boqorkii Belac (oo iyana ahayd Socar).
  • Yash 10:11 : 11 Oo markay ka carareen reer binu Israa'iil, intay ku sii jireen dhaadhaca Beytxooroon, ayaa Rabbigu wuxuu iyaga samada kaga soo daayay roob dhagaxyo leh oo waaweyn ilaa Caseeqaah, oo way dhinteen; oo intii roobkii dhagaxyada lahaa ku dhimatay baa ka sii badnayd intoodii reer binu Israa'iil seefta ku laayeen.
  • 1 Taar 6:68 : 68 iyo Yoqmecaam iyo agagaarkeedii, iyo Beytxooroon iyo agagaarkeedii,
  • 2 Taar 8:5 : 5 Oo weliba wuxuu kaloo dhisay Beytxooroontii sare iyo Beytxooroontii hooseba, wuxuuna ka dhigay magaalooyin deyr leh oo ay derbiyo ku wareegsan yihiin oo irdo iyo qataarroba leh,
  • Hos 11:8 : 8 Reer Efrayimow, sidee baan idiin sii dayn karaa? Dadka Israa'iilow, sidee baan idiin gacangelin karaa? Sidee baan idiinka dhigi karaa sidii Admaah? Oo sidee baan idiinka dhigi karaa sidii Seboyim? Qalbigaygii wuu igu dhex rogmadaa oo naxariis buu la dhaqaaqaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 83%

    16¶ Kolkaasaa Saa'uul iyo wiilkiisii Yoonaataan, iyo dadkii iyaga la jirayba waxay iska joogeen Gebacdii reer Benyaamiin, laakiinse reer Falastiin waxay degganaayeen Mikmaash.

    17Markaasaa xeradii reer Falastiin waxaa ka soo baxay kuwo wax dhaca oo saddex guuto ah, oo guuto waxay u leexatay xagga waddada Cofraah iyo xagga dalka reer Shuucaal;

  • 12Sacihiina waxay qaadeen jidkii toosnaa oo Beytshemesh, oo waxay tageen xagga jidkii weynaa iyagoo sii bunaaxinaya intii ay sii socdeen, oo midig iyo bidix toona uma ay leexan, oo madaxdii reer Falastiinna way daba socdeen ilaa soohdintii Beytshemesh.

  • 13Haddana reer Falastiin mar kalay dooxadii ku soo firdheen.

  • 23¶ Oo ciidankii reer Falastiinna waxay u soo baxeen marinkii Mikmaash.

  • 1 Sam 13:5-6
    2 aayado
    74%

    5¶ Oo reer Falastiinna waxay isu soo urursadeen inay reer binu Israa'iil la diriraan, oo waxayna ahaayeen soddon kun oo gaadhifardood, iyo lix kun oo fardooley ah, iyo dad ah sida cammuudda taal badda xeebteeda. Oo intay soo dhowaadeen ayay degeen Mikmaash, oo bari ka xigta Beytaawen.

    6Oo dadkii reer binu Israa'iilna markay arkeen inay cidhiidhi ku jiraan, (waayo, dadku way dhibaataysnaayeen) markaasaa dadkii waxay ku dhuunteen godad, iyo kayn, iyo dhagaxyo dhexdooda, iyo boholo, iyo hogag.

  • 74%

    21Oo Cibraaniyadii markii hore la jiray reer Falastiin, oo intay raaceen xerada la galay, iyagoo dalka ku wareegsan ka yimid, xataa iyana way soo jeesteen, oo waxay ku darmadeen reer binu Israa'iilkii la jiray Saa'uul iyo Yoonaataan.

    22Oo sidaas oo kalena kulli raggii reer binu Israa'iil oo mar hore ku dhuuntay dalka buuraha leh oo reer Efrayim, iyana markii ay maqleen in reer Falastiin carareen ayay soo raacdaysteen oo dagaalkii soo galeen.

    23Sidaasuu Rabbigu maalintaas u badbaadiyey reer binu Israa'iil; oo dagaalkiina wuxuu u sii gudbay xagga Beytaawen.

  • 11Kolkaasay raggii reer binu Israa'iil intay Misfaah ka soo baxeen reer Falastiin eryadeen, wayna laynayeen ilaa ay Beytkaar hoosteeda yimaadeen.

  • 73%

    19¶ Haddaba tumaal laguma arag dalka reer binu Israa'iil oo dhan; waayo, reer Falastiin waxay isyidhaahdeen, Cibraaniyadu yaanay samaysan seefo iyo warmo.

    20Laakiinse reer binu Israa'iil oo dhammu waxay xagga reer Falastiin u tageen in nin waluba soo afaysto marashidiisii, iyo manjadiisii, iyo faaskiisii, iyo sabaraddiisii;

    21oo weliba waxay lahaayeen wax lagu soofeeyo sabaradaha, iyo manjooyinka, iyo faraleyada, iyo faasaska, iyo inay hagaajiyaan takiyadaba.

  • 1 Sam 17:1-3
    3 aayado
    73%

    1¶ Haddaba reer Falastiin waxay soo wada ururiyeen ciidammadoodii oo dagaal isu diyaariyey, oo waxay dhammaantood ku soo wada urureen Sokoh, oo ay reer Yahuudah leeyihiin, oo waxay soo degeen Efes Dammiim oo u dhexaysa Sokoh iyo Caseeqaah.

    2Markaasay Saa'uul iyo raggii reer binu Israa'iilna isa soo wada urursadeen, oo waxay soo degeen dooxada Eelaah, oo isu diyaariyeen inay la dagaallamaan reer Falastiin.

    3Oo reer Falastiin waxay soo istaageen buur dhinac ah, reer binu Israa'iilna waxay soo istaageen buur dhinacii kale ah; oo waxaana labada qolo u dhexaysay dooxo.

  • 3tan iyo Shiixoorta ku taal Masar horteeda, iyo xataa tan iyo soohdinta Ceqroon ee xagga woqooyi, ee loo tiriyo reer Kancaan, iyo shanta amiir ee reer Falastiin oo u taliya reer Gaasa, iyo reer Ashdood, iyo reer Ashqeloon, iyo reer Gad, iyo reer Ceqroon,

  • 27oo waxay u leexatay xagga qorraxdu ka soo baxdo, ee ah Beytdaagoon, oo waxay gaadhay tan iyo Sebulun, iyo dooxadii Yiftax'eel xaggeeda woqooyi iyo ilaa Beytcemeq iyo Necii'eel, oo waxay u baxday xagga bidix ee ah Kabuul,

  • 9¶ Markaasay reer Falastiin intay tageen degeen dhulka Yahuudah, oo waxay ku dhex firdheen Lexii.

  • 1 Sam 29:1-2
    2 aayado
    72%

    1¶ Haddaba reer Falastiin waxay ciidammadoodii oo dhan ku soo ururiyeen Afeeq, oo reer binu Israa'iilna waxay soo ag degeen ishii ku tiil Yesreceel.

    2Oo saraakiishii reer Falastiinna way soo gudbeen iyagoo ah boqol boqol iyo kun kun, oo Daa'uud iyo raggiisiina iyagoo Aakiish la socda ayay soo daba galeen.

  • 18Oo weliba reer Falastiinna waxay weerareen magaalooyinkii dooxada iyo kuwii dalka Yahuudah ee Koonfureed, oo waxay qabsadeen Beytshemesh, iyo Ayaaloon, iyo Gedeerood, iyo Sookoo iyo tuulooyinkeedii, iyo Timnaah iyo tuulooyinkeedii, iyo weliba Gimsoo iyo tuulooyinkeedii, oo intaas oo dhanna way iska degeen.

  • 21Oo reer binu Israa'iil iyo reer Falastiin dagaal bay isugu soo diyaariyeen, iyadoo ciidanba ciidanka kale ka gees yahay.

  • 5Oo buur waxay ku tiil xagga woqooyi oo Mikmaash ka horraysa, oo tan kalena waxay ku tiil xagga koonfureed oo Gebacda horraysa.

  • 42Sidaas daraaddeed waxay dhabarka u jeediyeen raggii reer binu Israa'iil, oo waxay u carareen xagga cidlada; laakiinse dagaalkii si adag baa loola sii raacay, oo kuwii magaalooyinka ka soo baxay ayaa labadhexaadkii ku laayay.

  • 70%

    52Markaasay raggii reer binu Israa'iil iyo raggii reer Yahuudah kaceen oo qayliyeen oo waxay eryadeen reer Falastiin, tan iyo dooxadii iyo ilaa irdaha Ceqroon. Oo dhaawicii reer Falastiinna waxay ku dhaceen jidka Shacarayim, iyo tan iyo Gad iyo ilaa Ceqroon.

    53Oo reer binu Israa'iilna way ka noqdeen reer Falastiinkii ay eryanayeen, oo xeradoodiina way dhaceen.

  • 7Oo reer Falastiinna markay maqleen in reer binu Israa'iil Misfaah ku urursan yihiin ayaa madaxdii reer Falastiin u kaceen inay ku soo duulaan reer binu Israa'iil. Oo reer binu Israa'iilna markay taas maqleen ayay aad uga cabsadeen reer Falastiin.

  • 13Oo halkaasna way ka tageen oo waxay u kaceen dalkii buuraha lahaa oo reer Efrayim, markaasay yimaadeen gurigii Miikaah.

  • 3oo wuxuu dhanka galbeed ka maray soohdinta reer Yaafleetii iyo ilaa soohdinta Beytxooroonta hoose iyo tan iyo xataa Geser; oo soohdinta dhammaadkeedu wuxuu ahaa xagga badda.

  • 11¶ Markaas reer Daan waxaa halkaas kaga bixitimay oo Sorcaah iyo Eshtaa'ool ka tegey lix boqol oo nin oo hubkii dagaalka xidhan.

  • 9Haddaba reer Falastiin way yimaadeen, oo waxay ku firdheen dooxadii Refaa'iim.

  • 17¶ Oo markii Fircoon dadkii sii daayay, Ilaah kuma uu kaxayn jidka dalka reer Falastiin in kastoo uu kaasu dhowaa, waayo, Ilaah wuxuu yidhi, Waaba intaasoo dadku markay dagaal arkaan ay qoomameeyaan, oo ay Masar dib ugu noqdaan.

  • 1¶ Haddaba reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, oo raggii reer binu Israa'iilna way ka carareen reer Falastiin, oo Buur Gilboca ayay ku daateen iyagoo la laayay.

  • 1 Sam 4:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Oo hadalkii Samuu'eelna wuxuu soo gaadhay reer binu Israa'iil oo dhan.

    2¶ Oo reer Falastiinna waxay weerar isugu soo diyaariyeen reer binu Israa'iil; oo markii ay dagaalkii isugu yimaadeenna reer binu Israa'iil waa la jebiyey reer Falastiin hortooda; oo waxay ciidankii berrinka joogay ka laayeen afar kun oo nin.

  • 1¶ Reer binu Israa'iilna waxay haddana sameeyeen wax Rabbiga hortiisa ku xun, markaasaa Rabbigu gacanta u geliyey reer Falastiin intii afartan sannadood ah.

  • 18Haddaba reer Falastiin way yimaadeen, oo waxay ku firdheen dooxadii Refaa'iim.

  • 11Oo labadoodiiba waxay isu muujiyeen ciidankii reer Falastiin; markaasay kuwii reer Falastiin waxay yidhaahdeen, Bal eega Cibraaniyadii waxay ka soo baxayaan godadkii ay ku dhuunteene.

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud loo sheegay oo lagu yidhi, Reer Falastiin waxay la dirirayaan reer Qeciilaah iyagoo ka dhacaya meelihii hadhuudhka lagu tumi jiray.

  • 22¶ Haddana reer Falastiin mar kalay soo kaceen oo dooxadii Refaa'iim ku firdheen.

  • 10markaasay soohdintu ka laabatay Bacalaah galbeedkeeda ilaa Buur Seciir, oo waxay sii martay Buur Yecaariim dhinaceeda woqooyi (taasuna waxa weeyaan Kesaaloon), oo waxay hoos ugu dhaadhacday xagga Beytshemesh, oo waxay sii martay Timneh;

  • 13Oo isagu wuxuu Daa'uud la joogay Fasdammiim, oo halkaasna waxaa dagaal ugu soo ururay reer Falastiin, meeshaas oo ahayd dhul beero ah oo shaciir ka buuxo, oo dadkiina way ka carareen reer Falastiin hortooda.

  • 14Oo reer Benyaamiinna waxay iska soo urursadeen magaalooyinkii, oo waxay ku soo shireen Gibecaah, inay ku duulaan reer binu Israa'iil.

  • 16Markaasaa Saa'uul waardiyayaashiisii Gibecaahdii reer Benyaamiin joogay wax fiiriyeen, oo waxay arkeen dadkii badnaa oo kala firdhay oo xaggan iyo xaggaa u kala yaacay.

  • 16Oo markaas Daa'uud wuxuu ku jiray dhufayskii, oo ciidankii reer Falastiin xeradooduna waxay ahayd Beytlaxam.

  • 3Oo kuwaasu waxay ahaayeen shantii amiir oo reer Falastiin, iyo reer Kancaan oo dhan, iyo reer Siidoon, iyo reer Xiwi, oo degganaa Buur Lubnaan, iyo tan iyo Buur Bacal Xermoon, iyo tan iyo meesha laga galo Xamaad.

  • 1¶ Haddaba reer Falastiin waxay la dirireen reer binu Israa'iil, oo raggii reer binu Israa'iilna way ka carareen reer Falastiin, oo Buur Gilboca ayay ku daateen iyagoo la laayay.

  • 10Oo sidaas daraaddeed jid kaluu maray, dib umana uu sii qaadin jidkii uu Beytel u soo maray.