1 Samuu'eel 30:12
Oo waxay kaloo siiyeen fud yar oo berde ah, iyo laba rucubood oo sabiib ah; oo markuu cunay ayaa naftii ku soo noqotay, waayo, saddex maalmood iyo saddex habeen kibisna ma uu cunin, biyona ma uu cabbin.
Oo waxay kaloo siiyeen fud yar oo berde ah, iyo laba rucubood oo sabiib ah; oo markuu cunay ayaa naftii ku soo noqotay, waayo, saddex maalmood iyo saddex habeen kibisna ma uu cunin, biyona ma uu cabbin.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
11Oo mid Masri ah ayay duurka ka heleen, oo waxay u keeneen Daa'uud, oo kibisna way siiyeen, wuuna cunay, oo biyo uu cabbona way siiyeen.
13Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, War yaa ku leh? Oo xaggee baad ka timid? Isna wuxuu yidhi, Waxaan ahay nin dhallinyar oo Masri ah, oo addoon baan u ahay mid reer Camaaleq ah. Sayidkaygii baa iga tegey, maxaa yeelay, saddex maalmood ka hor ayaan bukooday.
39Oo iyana halkaasay Daa'uud la joogeen intii saddex maalmood ah, iyagoo wax cunaya oo wax cabbaya, waayo, walaalahood baa sooryo u diyaariyey.
40Oo weliba dadkii iyaga u dhowaa ee ahaa ilaa reer Isaakaar iyo reer Sebulun iyo reer Naftaali waxay cunto ku soo rareen dameerro, iyo awr, iyo baqlo, iyo dibi, oo waxay keeneen bur, iyo fudad berde ah, iyo rucubo sabiib ah, iyo khamri, iyo saliid, iyo dibi, iyo ido, dhammaanna aad iyo aad bay u badnaayeen, maxaa yeelay, reer binu Israa'iil dhexdooda farxad baa jirtay.
28oo waxay u keeneen gogol, iyo fijaanno, iyo weelal dhoobo ah, iyo sarreen, iyo shaciir, iyo bur, iyo salool, iyo atar, iyo misir, iyo digir,
29iyo malab, iyo subag, iyo ido, iyo faar lo'aad, oo waxay waxaas oo dhan u keeneen Daa'uud iyo dadkii la socday inay cunaan, waayo, waxay isyidhaahdeen, Dadku cidladay ku gaajoodeen, oo ku daaleen, oo ku harraadeen.
1¶ Oo Daa'uud markuu in yar dhaafay jiirta dusheedii waxaa u yimid Siibaa oo ahaa midiidinkii Mefiiboshed, isagoo wada laba dameer oo kooraysan, oo dushoodana waxaa u saarnaa laba boqol oo xabbadood oo kibis ah, iyo boqol rucubood oo sabiib ah, iyo boqol rucubood oo midho xagaa ah, iyo sibraar khamri ah.
2Markaasaa boqorkii wuxuu Siibaa ku yidhi, War waxyaalahan maxaad ula jeeddaa? Oo Siibaana wuxuu yidhi, Dameeraha waxaan u keenay in boqorka reerkiisu fuulaan; kibista iyo midhahana waxaan u keenay in ragga dhallinyarada ahu cunaan; khamrigana waxaan u keenay in ku alla kii cidlada ku itaal darnaadaa uu cabbo.
5Markaasuu jiifsaday, oo hoos seexday geed rotem ah, kolkaasaa waxaa taabtay malaa'ig, oo waxay ku tidhi, Toos oo wax cun.
6Kolkaasuu wax fiiriyey oo wuxuu arkay kibis dhuxul lagu dubay iyo kusad biyo ah oo madaxiisa yaal. Markaasuu wax cunay oo wax cabbay oo haddana wuu iska jiifsaday.
7Markaasaa malaa'igtii Rabbiga mar labaad u timid, oo intay taabatay ayay ku tidhi, Toos oo wax cun, maxaa yeelay, sodcaalku waa kugu dheer yahay.
8Markaasuu toosay, oo wax cunay, oo wax cabbay, oo cuntadaas itaalkeedii ayuu ku socday afartan maalmood iyo afartan habeen ilaa uu gaadhay Xoreeb oo ahayd buurtii Ilaah.
35Markaasay dadkii oo dhammu yimaadeen oo damceen inay Daa'uud wax cunsiiyaan intii ay maalinnimada ahayd; laakiinse Daa'uud wuu dhaartay, oo yidhi, Ilaah taasoo kale ha igu sameeyo, iyo weliba tu ka sii badan, haddaan kibis dhadhansho, iyo wax kale toona, ilaa ay qorraxdu dhacdo.
17Markaasaa waxaa soo kacay odayaashii reerkiisa, oo intay agtiisa soo istaageen ayay damceen inay dhulka ka kiciyaan, laakiinse wuu diiday, oo waxbana lama uu cunin.
3Cunto wanaagsan ma aan cunin, hilib iyo khamrina afkayga ma gelin, mana subkan marnaba ilaa ay saddexdii toddobaad dhammaadeen.
20Kolkaasaa Daa'uud dhulkii ka kacay, oo maydhay, oo intuu subkaday ayuu dharkiisii beddeshay; wuxuuna galay gurigii Rabbiga, wuuna caabuday; oo dabadeedna gurigiisii buu yimid, oo intuu cunto weyddiistay ayaa wax la soo hor dhigay, wuuna cunay.
21Markaasaa addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, War waxan aad samaysay waa maxay? Wiilku intuu noolaa ayaad soontay, oo u ooyday aawadiis; laakiinse yarkii markuu dhintay, waad kacday, wax baanad cuntay.
22Haddaba waan ku baryayaaye, bal adna codkayga maqal anoo addoontaada ah, oo in yar oo kibis ah aan hortaada dhigo, oo adna cun si markaad tagtid aad xoog u yeelatid.
23Laakiinse wuu diiday, oo wuxuu yidhi, Anigu waxba cuni maayo. Laakiinse addoommadiisii ayaa naagtii kula qasbay; markaasuu codkoodii yeelay. Oo intuu dhulkii ka kacay ayuu sariirtii ku fadhiistay.
24Oo naagtuna waxay guriga ku haysatay weyl shilis, kolkaasay haddiiba degdegtay, oo soo qashay, oo haddana bur soo qaadatay oo cajiintay, oo waxay ka dubtay kibis aan khamiir lahayn.
25Dabadeedna waxay soo hor dhigtay Saa'uul iyo addoommadiisii, wayna cuneen. Kolkaasay kaceen, oo isla habeenkii bay tageen.
18Oo markaasuu aad u oomay, oo Rabbiguu baryay, oo wuxuu yidhi, Adaa samatabbixintan weyn gacantayda siiyey, anoo addoonkaaga ah, de haddaba ma waxaan u dhimanayaa oon, oo ma waxaan gelayaa gacanta kuwa buuryoqabka ah?
19Markaasaa Ilaah wuxuu kala dillaaciyey meeshii qodnayd oo Lexii ku tiil, oo waxaa ka soo baxay biyo, oo markuu cabbay ayaa naftiisii soo noqotay, wuuna noolaaday. Taas aawadeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Ceyn Haqooree, oo xataa maanta waxay ku taal Lexii.
3Oo markaasuu reer binu Israa'iil oo dhan, nin iyo naagba, mid kasta siiyey xabbad kibis ah, iyo cad hilib ah, iyo fud sabiib ah.
19Markaasuu wuxuu dadkii oo dhan, iyo xataa dadkii badnaa oo reer binu Israa'iil oo dhan, rag iyo dumarba, mid kasta siiyey xabbad kibis ah, iyo cad hilib ah, iyo fud sabiib ah. Markaasaa dadkii oo dhan mid waluba gurigiisii tegey.
14Markaasuu ku yidhi iyagii, Kii wax cuni jiray ayaa cunto ka soo baxday, Kii xoogga badnaana waxaa ka soo baxay macaan. Oo iyana intii saddex maalmood ah ayay halxidhkii furi waayeen.
18Markaasaa saddexdii ayaa dhex maray ciidankii reer Falastiin, oo waxay biyo ka soo dhaamiyeen ceelkii Beytlaxam ee iridda ku ag yiil, oo intay soo qaadeen ayay Daa'uud u keeneen, laakiinse Daa'uud wuu diiday inuu cabbo biyahaas, Rabbiguuse u daadshay.
20Markaasaa Saa'uul haddiiba kulligiis dhulka ku dhacay, oo aad buu u cabsaday erayadii Samuu'eel aawadood, oo itaalna kuma jirin, waayo, waxba ma uu cunin maalintii oo dhan iyo habeenkii oo dhanba.
17¶ Markaasaa Yesay wuxuu wiilkiisii Daa'uud ku yidhi, Waxaad walaalahaa u qaaddaa eefaah hadhuudhkan duban ah, iyo tobankan xabbadood ee kibista ah, oo haddiiba xeradii u qaad oo walaalahaa u gee,
14Oo boqorkii iyo dadkii isaga la jiray oo dhammu waxay yimaadeen iyagoo daalay; halkaasuuna ku nastay.
28Markaasaa dadkii mid ka mid ahu u jawaabay, oo ku yidhi, Aabbahaa dadka dhaar buu aad ugu amray oo yidhi, Maanta ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Oo dadkiina way itaal darnaayeen.
15Oo Daa'uud intuu biyo u xiisooday ayuu yidhi, Waxaan jeclaan lahaa in biyo layga siiyo ceelka Beytlaxam ee iridda ku ag yaal!
16Markaasaa saddexdii nin ee xoogga badnaa ayaa dhex maray ciidankii reer Falastiin, oo waxay biyo ka soo dhaamiyeen ceelkii Beytlaxam ee iridda ku ag yiil, oo intay soo qaadeen ayay Daa'uud u keeneen, laakiinse wuu diiday inuu ka cabbo biyahaas, Rabbiguuse u daadshay.
4Way ku salaami doonaan, oo waxay ku siin doonaan laba xabbadood oo kibis ah, oo aad gacantooda ka guddoomi doonto.
18Markaasaa Abiigayil dhaqsatay, oo waxay soo qaadatay laba boqol oo xabbadood oo kibis ah, iyo laba sibraar oo khamri ah, iyo shan neef oo ido ah oo la qalay, iyo shan koombo oo hadhuudh la dubay ah, iyo boqol rucubood oo sabiib ah, iyo laba boqol oo fud oo berde ah, oo waxay ku raratay dameerro.
16Oo markuu keenay waxay ku kala firidhsanaayeen dhulka oo dhan, iyagoo wax cabbaya, oo wax cunaya, oo cayaaraya, maxaa yeelay, maal badan bay ka soo dhaceen dalkii reer Falastiin iyo dalkii Yahuudahba.
23Oo markuu kibis cunay oo biyo cabbay dabadeed ayuu dameerkiisii u kooreeyey nebigii uu soo celiyey.
24¶ Oo maalintaas dadka reer binu Israa'iil way dhibaataysnaayeen; laakiinse Saa'uul baa dadkii dhaariyey oo ku yidhi, Ilaa ay fiidkii noqoto, oo aan cadaawayaashayda ka aarsado ninkii wax cuna inkaaru ha ku dhacdo. Haddaba dadkii cunto ma dhadhamin innaba.
4Markaasaa soddoggiis oo gabadha aabbeheed ahaa ayaa raajiyey isagii, oo saddex maalmood ayuu la joogay; markaasay wax cuneen oo cabbeen oo halkaasay ku hoydeen.
20Markaasaa Yesay wuxuu soo kexeeyey dameer ku raran kibis iyo sibraar khamri ah, iyo orgi yar, oo Saa'uul buu u diray. Wuxuuna ugu sii dhiibay wiilkiisii Daa'uud.
9Oo markaasuu gacmihiisii ku qaaday, oo iska tegey, isagoo cunaya intuu sii socday, markaasuu u yimid aabbihiis iyo hooyadiis, oo iyagiina wuu siiyey, wayna cuneen; laakiinse iyagii uma uu sheegin inuu malabka ka soo qaaday bakhtigii libaaxa.
3Laakiin wuxuu ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin wixii Daa'uud sameeyey goortuu gaajooday, isaga iyo kuwii la jiray,
21Oo Daa'uudna wuxuu u yimid labadii boqol oo nin oo intay daaleen Daa'uud raaci kari weyday, oo ay durdurkii Besoor agtiisa kaga tageen, oo iyana waxay u soo baxeen inay ka hor tagaan Daa'uud iyo dadkii la jiray; oo Daa'uudna markuu dadkii u soo dhowaaday ayuu nabdaadiyey.
3Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Miyaydnaan akhriyin wixii Daa'uud sameeyey goortuu gaajooday, isaga iyo kuwii la jiray,
19Sidaas daraaddeed wuu la noqday, oo gurigiisii buu kibis ka cunay, biyona ka cabbay.
9Saddex maalmood ayuu aragla'aan joogay, waxbana ma cunin, waxbana ma cabbin.