1 Tessaloniika 4:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed hadalladan midkiinba midka kale ha ugu qalbi qabowjiyo.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Tes 5:14 : 14 Oo waannu idin waaninaynaa, walaalayaalow, Kuwa si aan hagaagsanayn u socda la taliya, oo kuwa qalbi jabay dhiirigeliya, oo kuwa itaalka yar garab siiya, oo dadka oo dhanna u dulqaata.
  • 1 Tes 5:11 : 11 Sidaas daraaddeed midkiinba midka kale ha dhiirrigeliyo oo ha dhiso sidaad yeelaysaan oo kale.
  • Cib 10:24-25 : 24 Oo midkeenba midka kale ha ka fikiro si aynu isugu guubaabinno kalgacayl iyo shuqullo wanaagsan. 25 Yeynan iska daynin isku ururkeenna sida ay tahay caadada dadka qaarkood, laakiin aan isdhiirrigelinno, khusuusan markaad aragtaan inay Maalintu soo dhowaanayso.
  • Luuk 21:28 : 28 Laakiin goortii ay waxaasu bilaabaan inay dhacaan, kor eega, madaxyadiinnana kor u qaada, waayo, madaxfurashadiinnu waa dhow dahay.
  • Ish 40:1-2 : 1 ¶ Ilaahiinnu wuxuu leeyahay, Dadkayga qalbi qaboojiya oo sii qalbi qaboojiya! 2 Yeruusaalem qalbigeeda la hadla, oo iyada u qayliya oo u sheega in dagaalkeedu dhammaaday, iyo in xumaanteeda laga saamaxay, iyo inay dembiyadeedii oo dhan aawadood laba jibbaar gacantii Rabbiga uga heshay.
  • Cib 12:12 : 12 ¶ Sidaas daraaddeed xoogeeya gacmaha taagta daran iyo jilbaha tabarta yar.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 86%

    12inaad sida idiin eg ugu socotaan xagga kuwa dibadda jooga, oo aydnaan waxba u baahnaan.

    13¶ Laakiin walaalayaalow, dooni mayno inaad jaahil ka ahaataan waxa ku saabsan kuwii dhintay ee waxaannu doonaynaa inaydnaan calool xumaan sida kuwa kale oo aan rajo lahayn.

    14Waayo, haddaynu rumaysan nahay in Ciise dhintay oo haddana soo sara kacay, de sidaas oo kalaa kuwii Ciise rumaysnaa oo dhintay Ilaah la keeni doonaa isaga.

    15Waayo, tan waxaannu idiinku leennahay ereyga Rabbiga in kuweenna nool oo hadha ilaa imaatinka Rabbiga, sinaba ugama hor mari doonno kuwii dhintay.

    16Maxaa yeelay, Rabbiga qudhiisu samaduu kala soo degi doonaa qaylo iyo codka malaa'igta sare iyo buunka Ilaah, kolkaasay kuwii Masiixa rumaysnaa oo dhintay horta soo kici doonaan,

    17dabadeedna kuweenna nool oo hadha ayaa iyaga kor loola qaadi doonaa daruuraha dhexdooda inaynu Rabbiga hawada kula kulanno, oo sidaasaynu Rabbiga weligeen ula joogi doonnaa.

  • 80%

    10kan inoo dhintay, inaynu la wada noolaanno isaga, haddaynu nool nahay iyo haddaynu dhimannoba.

    11Sidaas daraaddeed midkiinba midka kale ha dhiirrigeliyo oo ha dhiso sidaad yeelaysaan oo kale.

  • 2 Kor 1:4-7
    4 aayado
    78%

    4kan naga gargaara dhibtayada oo dhan inaannu kuwa dhib kasta ku jira ugu gargaari karno gargaarka Ilaah nagu gargaaray.

    5Waayo, sida xanuunsigii Masiixu uu noogu badan yahay, sidaas oo kalena gargaarkayagu xagga Masiix wuu noogu badan yahay.

    6Haddii lana dhibo waa gargaarkiinna iyo badbaadintiinna aawadood; haddii lana gargaarona waa gargaarkiinna aawadiis kaasoo yeesha dulqaadashada aannu ku dulqaadanno isku xanuunsiga aannu annaguna ku xanuunsanno.

    7Oo rajadayada aannu idiin qabnaa waa hubaal, annagoo garanayna inaad tihiin kuwo xanuunsiga qayb ku leh, sidaas oo kalena waxaad tihiin kuwo gargaarka qayb ku leh.

  • 76%

    16¶ Rabbigeenna Ciise Masiix qudhiisa iyo Ilaaha Aabbeheen ah, kan ina jeclaaday oo nimcadiisa inagu siiyey dhiirranaanta weligeed ah iyo rajada wanaagsan,

    17qalbiyadiinna ha dhiirrigeliyo oo ha ku xoogeeyo shuqul iyo hadal walba oo wanaagsan.

  • 7sababtaas daraaddeed, walaalayaalow, dhibkayagii iyo qaxarkayagii oo dhan waxaannu kaga qalbi qabownay xaggiinna, rumaysadkiinna aawadiis;

  • 12taasuna waa inaan idinkula dhiirranaado rumaysadka, kiinna iyo kaygaba.

  • 13Sidaa aawadeed waa lana dhiirrigeliyey. Dhiirrigeliskii aad na dhiirrigeliseenna farxad ka sii badan ayaannu ku faraxnay, farxadda Tiitos aawadeed, waayo, dhammaantiin ruuxiisaad nasiseen.

  • 19Sidaas daraaddeed haddaba aynu raacno waxyaalaha nabadda iyo waxyaalaha midkeenba midka kale xoog ugu yeelo.

  • 4Waxaa barakaysan kuwa baroorta, waayo, waa la qalbiqabowjin doonaa.

  • 6Laakiin Ilaaha dhiirigeliya kuwa is-hoosaysiiya ayaa nagu dhiirrigeliyey imaatinka Tiitos;

  • Room 15:4-5
    2 aayado
    71%

    4Waayo, wax alla wixii hore loo qorayba waxaa loo qoray waxbarashadeenna, inaynu dulqaadashada iyo gargaarka Qorniinka rajo ku lahaanno.

    5Ilaaha dulqaadashada iyo gargaariddu ha ka dhigo in midkiinba midka kale la fikir ahaado sida Ciise Masiix,

  • 8Waynu kalsoon nahay, oo waxaynu ka jecel nahay inaynu jidhka ka maqnaanno oo aynu Rabbiga la joogno.

  • 14Waannu garanaynaa in kan sara kiciyey Rabbi Ciise uu inala sara kicin doono Ciise, oo hortiisuu ina wada keeni doonaa idinka iyo annagaba.

  • 11¶ Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Nabadgelyo. Qummanaada, dhiirranaada, isku fikir ahaada, nabad ku jooga, oo Ilaaha jacaylka iyo nabaddu wuu idinla joogi doonaa.

  • 14Oo waannu idin waaninaynaa, walaalayaalow, Kuwa si aan hagaagsanayn u socda la taliya, oo kuwa qalbi jabay dhiirigeliya, oo kuwa itaalka yar garab siiya, oo dadka oo dhanna u dulqaata.

  • 1¶ Xagga Rabbi Ciise Masiix imaatinkiisa iyo ururkeenna aynu la kulmi doonno isaga, waxaannu idinka baryaynaa, walaalayaalow,

  • 3Laakiin kii wax sii sheegaa wuxuu dadka kula hadlaa hadallo wax dhisa oo gargaar iyo qalbiqaboojis leh.

  • 18Idiinkama tegi doono agoonnimo, ee waan idiin imanayaa.

  • 11Sidaad og tihiin waxaannu midkiin kastaba kula macaamiloonnay sida aabbe carruurtiisa ula macaamiloodo, annagoo idin waaninayna oo idin dhiirigelinayna oo idiin markhaati furayna,

  • 52dhaqsiba, intaan il laysku qaban, markii buunka ugu dambeeya la yeedhiyo; waayo, buunku waa dhawaaqi doonaa oo kuwii dhintayna qudhunla'aan baa la sara kicin doonaa, waana layna beddeli doonaa.

  • 4¶ Mar kasta Rabbiga ku faraxsanaada, oo weliba waxaan idin leeyahay, Farxa.

  • 31Waayo, dhammaantiin mid mid baad wax u sii wada sheegi kartaan, si ay dhammaan wax u bartaan oo dhammaan loogu wada gargaaro.

  • 12Sidaa daraaddeed annaga dhimashadu way naga dhex shaqaysaa, laakiin noloshu idinkay idinka dhex shaqaysaa.

  • 11Gacaliyayaalow, haddii Ilaah sidaa inoo jeclaaday, waa inaynu isjeclaanno.

  • 4Laakiinse idinku, walaalayaalow, gudcur kuma jirtaan in maalintaasu sida tuug idiin qabato.

  • 13Laakiinse sidaad u tihiin kuwo ka qayb qaatay waxyaalaha Masiixu ku xanuunsaday, farxa, inaad farxad aad u weyn ku faraxdaan marka ammaantiisa la muujiyo.

  • 69%

    17Waayo, dhibtayada fudud ee wakhtiga yar ah ayaa aad iyo aad noogu sii yeesha culayska ammaanta ee weligiis ah.

    18Ma fiirsanno waxyaalaha la arko, laakiin waxyaalaha aan la arkin, waayo, waxyaalaha la arko in dhawr ah ayay sii joogaan, laakiin waxyaalaha aan la arkini weligood bay sii joogaan.

  • 15La farxa kuwa farxaya, la ooya kuwa ooyaya.

  • 17¶ Laakiinse idinku, gacaliyayaalow, xusuusta hadalladii rasuulladii Rabbigeenna Ciise Masiix ay hore idinkula hadleen.

  • 6Haddaba mar walba waynu kalsoon nahay innagoo og in intaynu jidhka ku jirno aynu Rabbiga ka maqan nahay,

  • 18oo weliba sidaas oo kale idinkuna waad farxaysaan oo waad ila rayraysaan.

  • 7Laakiinse waa inaad isaga cafidaan oo u gargaartaan inaanay sina caloolxumo aad u badani liqin kaasoo kale.

  • 7iyo inuu kuwiinna la dhibay nala kiin nasiyo markii Rabbi Ciise samada ka muuqdo, isagoo wata malaa'igaha xooggiisa

  • 4Haddaba kuweenna taambuuggan ku jiraa waynu taahnaa, innagoo layna culaysiyey, ma aha inaynu doonayno in layna qaawiyo, laakiin in layna huwiyo, si ay noloshu u liqdo waxa dhimanaya.

  • 17Taasaa jacaylku kaamil inoogu noqday si aynu kalsoonaan u lahaanno maalinta xisaabta; maxaa yeelay, siduu isagu yahay ayaynu innaguna dunidan ku nahay.

  • 2oo waxaannu idiin soo dirnay walaalkayo Timoteyos, oo ah midiidinka Ilaah xagga injiilka Masiixa, inuu idin xoogeeyo oo idin dhiirrigeliyo xagga rumaysadkiinna,

  • 16Aniguna Aabbahaan baryi doonaa, isna wuxuu idin siin doonaa Gargaare kale inuu idinla jiro weligiin,

  • 31Markay akhriyeenna ayay waanadii ku farxeen.