1 Timoteyos 2:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

khusuusan boqorrada iyo kuwa amarka lehba, inaynu nolol xasilloon oo nabdaysan ku noolaanno, innagoo si walba cibaado iyo maamuus u leh.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Cesr 6:10 : 10 inay iyagu Ilaaha samada u bixiyaan allabaryo caraf udgoon, oo ay u duceeyaan boqorka naftiisa iyo tan wiilashiisaba.
  • Yer 29:7 : 7 Oo waxaad nabad u doondoontaan magaaladii aan idinka yeelay in laydiin kaxaysto idinkoo maxaabiis ah, oo iyada Rabbiga u barya, waayo, idinku nabaddeeda ayaad nabad ku heli doontaan.
  • 1 Tes 4:11 : 11 oo aad u dadaashaan inaad nabdoonaataan, oo aad dantiinna ku joogtaan oo aad gacmihiinna ku shaqaysaan, sidaannu idinkugu amarnay;
  • Maah 24:21 : 21 Wiilkaygiiyow, Rabbiga iyo boqorkaba ka cabso, Oo ha ku darsamin kuwa isrogrog badan,
  • Room 13:1-7 : 1 ¶ Naf waluba ha ka dambayso kuwa amarka sare leh, waayo, amar ma jiro kan Ilaah ka yimaada mooyaane. Kuwa jirana Ilaah baa ka dhigay kuwa amar leh. 2 Sidaas daraaddeed kii diida kan amarka leh wuxuu hor joogsadaa amarka Ilaah, kuwa hor joogsadaana waxay nafahaantooda u heli doonaan xukun. 3 Madaxdu cabsi ma geliyaan kuwa shuqul wanaagsan sameeya, kuwa xumaan sameeya mooyaane. Ma waxaad doonaysaa inaadan ka cabsan kan amarka leh? Wax wanaagsan samee, oo ammaan baad ka helaysaa isla isaga. 4 Waayo, isagu wuxuu xaggaaga ku yahay midiidinka Ilaah inuu wanaag kuu sameeyo. Laakiinse haddaad xumaan samaysid, cabso, waayo, isagu seefta uma sito sababla'aan. Maxaa yeelay, isagu waa midiidinka Ilaah, oo waa mid cadho kaga aarsada kii xumaan sameeya. 5 Sidaas daraaddeed waa in laga dambeeyo kan amarka leh, mana aha cadhada aawadeed oo keliya, laakiinse waa niyadda aawadeedna. 6 Waayo, sababtaas aawadeed waxaad u bixisaan cashuur, maxaa yeelay, iyagu waa midiidinnadii Ilaah oo had iyo goor ka shaqeeya isla waxaas. 7 Mid waluba wuxuu idinku leeyahay siiya, kii baad idinku leh, baad siiya, kii cashuur idinku leh, cashuur siiya, kii laga cabsadana, ka cabsada, kii ciso lehna, ciseeya.
  • Fil 4:8 : 8 ¶ Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Wax kasta oo run ah, iyo wax kasta oo sharaf leh, iyo wax kasta oo xaq ah, iyo wax kasta oo daahir ah, iyo wax kasta oo door ah, iyo wax kasta oo wanaag laga sheego, haddii wanaag ku jiro iyo haddii ammaanu ku jirto, waxyaalahan ka fiirsada.
  • Wacd 3:12-13 : 12 Waan ogahay inaan binu-aadmigu lahayn wax uga wanaagsan inay iska farxaan oo ay cimrigooda oo dhan wanaag sameeyaan mooyaane. 13 Oo weliba waa hibo Ilaah in nin kastaaba wax cuno oo wax cabbo, oo uu wanaag ku istareexo intuu hawshoodo oo dhan.
  • Wacd 8:2-5 : 2 ¶ Waxaan kugula talinayaa inaad boqorka amarkiisa dhawrtid, dhaartii Ilaah ee aad ku dhaaratay aawadeed. 3 Ha ku degdegin inaad hortiisa ka tagtid, wax shar ahna ha ku sii adkaan, waayo, isagu wuxuu sameeyaa wax alla wuxuu ku farxo. 4 Waayo, boqorka hadalkiisu xoog buu leeyahay, oo yaase isaga ku odhan kara, War maxaad samaynaysaa? 5 Ku alla kii amarka dhawra innaba waxyeello ma gaadhi doonto, oo ninka xigmadda leh qalbigiisuna wakhtiga iyo garsooriddaba wuu gartaa.
  • Bil 49:14-15 : 14 Isaakaar waa dameer xoog weyn, Oo jiifsada xeryaha idaha dhexdooda. 15 Oo wuxuu arkay meel lagu nasto inay wanaagsan tahay, Iyo dhulku inuu nimcaysan yahay; Kolkaasuu garbihiisa u soo goday inuu wax ku qaado, Oo addoon buu u noqday hawshii.
  • 2 Sam 20:19 : 19 Anigu waxaan ka mid ahay kuwa reer binu Israa'iil ee nabadda jecel ee aaminka ah, adiguse waxaad doonaysaa inaad dumiso magaalo iyo hooyo reer binu Israa'iil ah. Rabbiga dhaxalkiisase maxaad u liqaysaa?
  • Nex 1:11 : 11 Sayidow, waan ku baryayaaye, hadda dhegahaagu ha maqleen baryadayda anoo addoonkaaga ah, iyo baryada addoommadaada ku farxa inay ka cabsadaan magacaaga; waan ku baryayaaye, maanta i guulee, anoo addoonkaaga ah, oo ka dhig inaan ninkan hortiisa naxariis ka helo. (Anigu waxaan ahaa koobsidaha boqorka.)
  • Sab 20:1-4 : 1 Rabbigu ha kuu jawaabo maalinta dhibta, Ilaaha Yacquub magiciisu meel sare ha ku taago, 2 Caawimaadna ha kaaga soo diro meesha quduuska ah, Oo Siyoonna ha kaa xoogeeyo, 3 Ha xusuusto qurbaannadaadii oo dhan, Oo ha aqbalo allabarigaagii gubnaa, (Selaah) 4 Oo ha ku siiyo waxa qalbigaagu doono, Oo ha kuu yeelo muraadkaaga oo dhan.
  • Sab 72:1 : 1 Ilaahow, boqorka xukummadaada sii, Oo wiilka boqorkana xaqnimadaada sii.
  • Titus 2:10-14 : 10 oo ayan wax ka xadin, laakiin waa inay aaminnimo wanaagsan oo dhan muujiyaan, inay si kasta cilmiga Ilaaha Badbaadiyeheenna ah ammaan ugu soo jiidaan. 11 Waayo, nimcadii Ilaah way muuqatay, iyadoo badbaado u keenaysa dadka oo dhan, 12 oo ina baraysa inaynu cibaadola'aanta iyo damacyada dunida diidno, oo aynu wakhtigan haatan la joogo digtoonaan iyo xaqnimo iyo cibaado ku noolaanno, 13 innagoo sugayna rajada barakaysan iyo muuqashada ammaanta Ilaaheenna weyn oo ah Badbaadiyeheenna Ciise Masiix. 14 Isagu nafsaddiisuu u bixiyey aawadeen, inuu dembi oo dhan inaga furto oo uu inaga dhigto dad daahirsan oo uu isagu leeyahay oo ku dadaalaya shuqullo wanaagsan.
  • Cib 12:14 : 14 ¶ Nabad kula dadaala dadka oo dhan, iyo quduusnaanta aan la'aanteed ninna Rabbiga arki doonin.
  • 1 But 2:9-9 : 9 ¶ Laakiinse idinku waxaad tihiin jinsi la doortay, iyo wadaaddada boqorka, iyo quruun quduus ah, iyo dad Ilaah iska leeyahay, inaad ogeysiisaan wanaagga kan gudcurka idiinka yeedhay oo idiinku yeedhay xagga nuurkiisa yaabka leh. 10 Idinku waagii hore dad ma aydin ahayn, laakiinse haatan waxaad tihiin dadka Ilaah, idinku markii hore naxariis ma aydin helin, laakiinse haatan naxariis baad hesheen. 11 ¶ Gacaliyayaalow, waxaan idiin baryayaa, idinkoo ah sidii qariib iyo dad sodcaal ah, inaad ka fogaataan damacyada jidhka oo nafta la dagaallama. 12 Quruumaha dhexdooda dabiicad wanaagsan ku dhaqma, in meeshii ay wax xun idinkaga sheegi lahaayeen sidii idinkoo ah kuwo xumaan fala, ay shuqulladiinna wanaagsan oo ay arkaan Ilaah ku ammaanaan maalinta booqashada. 13 ¶ Rabbiga daraaddiis u addeeca amar kasta oo dadka, ama ha ahaado boqorka ka sarreeya dadka oo dhan,
  • 2 But 1:3-7 : 3 ¶ Maxaa yeelay, Ilaah xooggiisu wuxuu ina siiyey wax kasta oo ku saabsan nolosha iyo cibaadadaba, oo wuxuu inagu siiyey aqoonta kan inoogu yeedhay ammaantiisa iyo wanaaggiisa. 4 Wuxuu kuwaas inagu siiyey ballamadiisa qaaliga ah oo aad iyo aad u waaweyn, inaad kuwaas ku noqotaan kuwo ka qayb qaata dabiicadda Ilaah, idinkoo ka baxsaday kharribaadda dunida ku jirta ee ku timid damaca jidhka. 5 Sababtaas daraaddeed idinkuna aad u dadaala, oo rumaysadkiinna waxaad ku dartaan wanaag, wanaaggiinnana aqoon, 6 aqoontiinnana iscelin, iscelintiinnana dulqaadasho, dulqaadashadiinnana cibaado, 7 cibaadadiinnana kalgacayl walaalnimo, kalgacaylkiinna walaalnimona jacayl.
  • Luuk 1:6 : 6 Labadooduba xaq bay ku ahaayeen Ilaah hortiisa, oo qaynuunnadii iyo xukummadii Rabbiga ayay eedla'aan ku socon jireen.
  • Luuk 2:25 : 25 ¶ Bal eeg, waxaa Yeruusaalem joogay nin magiciisii ahaa Simecoon. Ninkaasu wuxuu ahaa nin xaq ah oo cibaado leh; wuxuuna sugayay gargaaridda Israa'iil. Ruuxii Quduuska ahaana waa dul joogay.
  • Fal 10:22 : 22 Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Korneeliyos oo boqol askari u taliya oo nin xaqa ah, Ilaahna ka cabsada, oo quruunta Yuhuudda oo dhammuna wanaaggiisa u markhaati furto, waxaa u digay isaga malaa'ig quduus ah inuu gurigiisa kuugu yeedho, hadallona kaa maqlo.
  • Fal 24:16 : 16 Tan ayaan ku dadaalayaa inaan had iyo goorba qabo qalbi aan xumaan u keenin xagga Ilaah iyo xagga dadba.
  • Room 12:18 : 18 Hadday suurtowdo, intaad kartaan, nabad kula jooga dadka oo dhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Sidaas daraaddeed ugu horraysta waxaan kugu waaninayaa inaad Ilaah u baridid, oo aad u tukatid, oo aad u ducaysid, oo aad u mahadnaqdid dadka oo dhan,

  • 79%

    12Quruumaha dhexdooda dabiicad wanaagsan ku dhaqma, in meeshii ay wax xun idinkaga sheegi lahaayeen sidii idinkoo ah kuwo xumaan fala, ay shuqulladiinna wanaagsan oo ay arkaan Ilaah ku ammaanaan maalinta booqashada.

    13¶ Rabbiga daraaddiis u addeeca amar kasta oo dadka, ama ha ahaado boqorka ka sarreeya dadka oo dhan,

    14amase taliyayaasha uu isagu u soo diray inay ka aargutaan kuwa xumaanta sameeya oo ay ammaanaan kuwa samaanta fala.

    15Waayo, Ilaah doonistiisu waxa weeye inaad samafalid ku aamusiisaan jaahilnimada nacasyada,

    16idinkoo xor ah oo aan xorriyaddiinna ugu isticmaalayn sidii jubbad aad xumaanta ku qarisaan, laakiinse sidii idinkoo ah addoommo Ilaah.

    17Dadka oo dhan maamuusa, walaalahana jeclaada, Ilaahna ka cabsada, oo boqorka ciseeya.

    18¶ Midiidinyadow, ka cabsada oo ka dambeeya sayidyadiinna, mana aha kuwa wanaagsan oo idiin roon oo keliya, laakiinse xataa kuwa qalloocan.

  • 3Taasu way wanaagsan tahay, waana mid Ilaaha Badbaadiyeheenna ahu aqbali karo.

  • Titus 3:1-2
    2 aayado
    77%

    1¶ Xusuusi iyaga inay taliyayaasha iyo kuwa amarka leh ka dambeeyaan, oo ay dhego nuglaadaan, oo ay shuqul kasta oo wanaagsan diyaar u ahaadaan,

    2oo ayan ninna caayin oo noqon kuwa ilaaq badan, laakiinse dadka oo dhan roonaan iyo qaboobaan ha tuseen.

  • Room 13:1-7
    7 aayado
    76%

    1¶ Naf waluba ha ka dambayso kuwa amarka sare leh, waayo, amar ma jiro kan Ilaah ka yimaada mooyaane. Kuwa jirana Ilaah baa ka dhigay kuwa amar leh.

    2Sidaas daraaddeed kii diida kan amarka leh wuxuu hor joogsadaa amarka Ilaah, kuwa hor joogsadaana waxay nafahaantooda u heli doonaan xukun.

    3Madaxdu cabsi ma geliyaan kuwa shuqul wanaagsan sameeya, kuwa xumaan sameeya mooyaane. Ma waxaad doonaysaa inaadan ka cabsan kan amarka leh? Wax wanaagsan samee, oo ammaan baad ka helaysaa isla isaga.

    4Waayo, isagu wuxuu xaggaaga ku yahay midiidinka Ilaah inuu wanaag kuu sameeyo. Laakiinse haddaad xumaan samaysid, cabso, waayo, isagu seefta uma sito sababla'aan. Maxaa yeelay, isagu waa midiidinka Ilaah, oo waa mid cadho kaga aarsada kii xumaan sameeya.

    5Sidaas daraaddeed waa in laga dambeeyo kan amarka leh, mana aha cadhada aawadeed oo keliya, laakiinse waa niyadda aawadeedna.

    6Waayo, sababtaas aawadeed waxaad u bixisaan cashuur, maxaa yeelay, iyagu waa midiidinnadii Ilaah oo had iyo goor ka shaqeeya isla waxaas.

    7Mid waluba wuxuu idinku leeyahay siiya, kii baad idinku leh, baad siiya, kii cashuur idinku leh, cashuur siiya, kii laga cabsadana, ka cabsada, kii ciso lehna, ciseeya.

  • Cib 13:17-18
    2 aayado
    72%

    17¶ Hoggaamiyayaashiinna addeeca oo ka dambeeya, waayo, iyagu waxay ilaaliyaan naftiinna sidii iyagoo jawaab ka bixin doona. Taas farxad ha ku sameeyeen, oo yaanay qulubsanaan, waayo, taasu waxba idiin tari mayso.

    18¶ Noo soo duceeya; waayo, waxaannu hubnaa inaannu leennahay niyo wanaagsan annagoo doonayna inaannu wax kasta si qumman ugu soconno.

  • Titus 2:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Laakiinse adigu ku hadal waxyaalaha ku habboon cilmiga runta ah.

    2Odayaashu waa inay feejignaadaan oo dhug yeeshaan oo digtoonaadaan oo ay si run ah ugu socdaan iimaanka iyo jacaylka iyo dulqaadashada.

  • Titus 2:9-10
    2 aayado
    70%

    9Addoommaduna waa inay sayidyadooda ka dambeeyaan, oo ay wax kasta kaga farxiyaan, oo ayan la murmin,

    10oo ayan wax ka xadin, laakiin waa inay aaminnimo wanaagsan oo dhan muujiyaan, inay si kasta cilmiga Ilaaha Badbaadiyeheenna ah ammaan ugu soo jiidaan.

  • 11Boqorrada dhulka iyo dadyowga oo dhammow, Amiirrada iyo xaakinnada dhulka oo dhammow,

  • 2 Tes 3:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Ugu dambaysta, walaalayaalow, waxaan idinku leeyahay, Noo soo duceeya in ereyga Rabbigu dhaqso u faafo oo loo ammaano sida dhexdiinna loogu ammaano,

    2oo lanaga badbaadiyo dadka qalloocan oo sharka ah, waayo, rumaysad lama wada laha.

  • 12oo ina baraysa inaynu cibaadola'aanta iyo damacyada dunida diidno, oo aynu wakhtigan haatan la joogo digtoonaan iyo xaqnimo iyo cibaado ku noolaanno,

  • 13oo aad iyaga aad iyo aad jacayl ugu derejaysaan shuqulkooda aawadiis. Nabad ku wada jooga.

  • 7Wax walba nafsaddaada masaal ahaan u tus xagga shuqullada wanaagsan; oo cilmigaagana ku tus qummanaan, iyo dhuglahaan,

  • 2¶ Had iyo goorba Ilaah baannu idiinku mahadnaqnaa kulligiin, annagoo baryadayada idinku xusuusanayna.

  • 8¶ Taas daraaddeed waxaan doonayaa in raggu meel walba ku tukado iyagoo gacmo quduus ah kor u qaadaya oo aan cadho iyo muran lahayn.

  • 10khusuusan kuwa jidhka raaca, iyagoo damaca nijaasta ah ku socda, oo sayidnimada quudhsada. Iyagu waa indha adag yihiin oo waa macangag, kamana cabsadaan inay kuwa derejada leh caayaan.

  • 2¶ Waxaan kugula talinayaa inaad boqorka amarkiisa dhawrtid, dhaartii Ilaah ee aad ku dhaaratay aawadeed.

  • 5oo ay digtoonaadaan, oo ay daahir noqdaan, oo ay gurigooda ka shaqeeyaan, oo ay wanaagsanaadaan, iyagoo nimankooda ka dambeeya, si aan ereyga Ilaah loo caayin.

  • Kol 4:1-2
    2 aayado
    68%

    1¶ Sayidyadow, addoommadiinna siiya waxa xaqa ah oo u qalma, idinkoo garanaya inaad jannada Sayid ku leedihiin.

    2¶ Haddaba baryada ku sii adkaada, idinkoo ku soo jeeda oo mahadnaqaya.

  • 68%

    11oo aad u dadaashaan inaad nabdoonaataan, oo aad dantiinna ku joogtaan oo aad gacmihiinna ku shaqaysaan, sidaannu idinkugu amarnay;

    12inaad sida idiin eg ugu socotaan xagga kuwa dibadda jooga, oo aydnaan waxba u baahnaan.

  • 15muuqashadaas uu wakhtigiisa muujin doono, kan ammaanta leh oo keligiis xoogga leh, oo ah Boqorka boqorrada iyo Sayidka sayidyada,

  • 15¶ Waxyaalahan dadka kula hadal, oo ku waani, oo ku canaano, adigoo amar oo dhan leh. Oo ninna yuusan ku quudhsan.

  • 68%

    11Naagtu aamusnaan wax ha ku barato iyadoo isdambaysiinaysa.

    12Laakiin naagna u fasixi maayo inay nin wax barto ama ay ka xukun sarrayso, inay aamusnaato mooyaane.

  • 15Oo nabadda Masiixuna ha ku taliso qalbiyadiinna, taas oo laysugu kiin yeedhay isku jidh keliya; oo mahadnaqayaal ahaada.

  • 67%

    11Sababtaas daraaddeed mar walba waannu idiin ducaynaa in Ilaaheen idinka dhigo kuwa istaahila yeedhistiisa oo uu xoog ku dhammeeyo doonis kasta oo wanaag ah iyo shuqulka rumaysadka,

    12in magaca Rabbi Ciise dhexdiinna lagu ammaano, idinkana in laydinku dhex ammaano isaga, sida nimcada Ilaaheenna iyo Rabbi Ciise Masiix ay tahay.

  • 28¶ Waa inaadan xaakinnada caayin, mid dadkaaga u taliyana ha habaarin.

  • 40inay kaa cabsadaan cimrigooda oo dhan intay ku nool yihiin dalkii aad awowayaashayo siisay.

  • 67%

    3inaad nabdoonaatid oo cimrigaagu ku dheeraado dhulka.

  • 10inay iyagu Ilaaha samada u bixiyaan allabaryo caraf udgoon, oo ay u duceeyaan boqorka naftiisa iyo tan wiilashiisaba.