2 Taariikhdii 10:7

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Haddaad dadkan u roonaatid, oo aad ka farxisid, oo aad erayo wanaagsan kula hadashid, markaasay weligood addoommo kuu ahaanayaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Maah 15:1 : 1 Jawaabta qaboobu cadhada way qaboojisaa, Laakiinse hadalkii qallafsanu xanaaq buu kiciyaa.
  • 1 Boq 12:7 : 7 Oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Maanta haddaad doonayso inaad dadkan addoon u ahaatid oo aad u adeegtid, haddaba u jawaab oo waxaad kula hadashaa erayo wanaagsan, oo markaasay weligood addoommo kuu ahaanayaan.
  • Bil 49:21 : 21 Naftaali waa cawl la furay, Hadallo wanwanaagsanna wuu ku hadlaa.
  • 2 Sam 15:2-6 : 2 Markaasaa Absaaloom aroortii kacay, oo ag istaagay jidkii iridda, oo markuu nin dacwo qaba boqorka xukun ugu imanayo ayuu Absaaloom u yeedhi jiray, oo wuxuu ku odhan jiray, Magaaladee baad ka timid? Oo isna wuxuu odhan jiray, Anoo addoonkaaga ah waxaan ka mid ahay qabiilooyinka reer binu Israa'iil midkood. 3 Markaasaa Absaaloom wuxuu ku odhan jiray, Xaalalkaagu waa wanaagsan yihiin, waana qumman yihiin; laakiinse nin boqorku amray oo ku maqlayaa ma jiro. 4 Oo Absaaloom wuxuu kaloo yidhi, Way, bal maa aniga dalka xaakin la iiga dhigo, si nin alla ninkii dacwo ama muraad lihi iigu yimaado oo aan caddaalad ugu xukumo! 5 Oo waxay ahaatay in ninkii inuu sujuudo ugu soo dhowaadaba, uu Absaaloom intuu gacanta soo fidiyo oo qabto dhunkan jiray. 6 Oo reer binu Israa'iil kii boqorka xukun ugu yimid oo dhan Absaaloom sidaasuu ku samayn jiray dhammaantood; oo sidaasuu Absaaloom qalbiga uga xaday dadkii reer binu Israa'iil.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 94%

    3(waayo, Yaaraabcaam wuxuu weli joogay dalkii Masar oo uu Boqor Sulaymaan kaga cararay, oo Yaaraabcaamna wuxuu iska joogay dalka Masar, laakiinse waa loo cid diray oo loo yeedhay;) markaasay Rexabcaam la hadleen oo waxay ku yidhaahdeen,

    4War aabbahaa harqood daran buu na saaray; haddaba noo fududee hawshii aabbahaa oo adkayd iyo harqoodkiisii cuslaa oo uu na saaray, annana waannu kuu adeegaynaa.

    5Markaasuu ku yidhi, Bal intii saddex maalmood ah iga maqnaada, dabadeedna igu soo noqda. Markaasaa dadkii ka tegey.

    6Markaasaa Boqor Rexabcaam la tashaday odayaashii aabbihiis Sulaymaan intuu noolaa hor joogi jiray, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan dadkan jawaab ugu celiyaa?

    7Oo intay la hadleen ayay ku yidhaahdeen, Maanta haddaad doonayso inaad dadkan addoon u ahaatid oo aad u adeegtid, haddaba u jawaab oo waxaad kula hadashaa erayo wanaagsan, oo markaasay weligood addoommo kuu ahaanayaan.

    8Laakiinse wuu ka tegey taladii odayaashu kula taliyeen, oo haddana wuxuu la arrinsaday raggii dhallinyarada ahaa oo isaga la koray ee hortiisa joogay.

    9Oo wuxuu iyagii ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan jawaab ugu celinnaa dadkan ila hadlay oo igu yidhi, War harqoodkii aabbahaa na saaray noo fududee?

    10Markaasay raggii dhallintayaraa oo isaga la koray la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen, La hadal dadkii kula hadlay oo kugu yidhi, Aabbahaa harqood daran buu na saaray ee adigu noo fududee. Oo waxaad ku tidhaahdaa, Faryaradaydu waa ka sii dhumuc weyn tahay aabbahay dhexdiisa.

  • 79%

    3Waa loo cid diray oo loo yeedhay, oo Yaaraabcaam iyo reer binu Israa'iil oo dhammuna way yimaadeen, markaasay Rexabcaam la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen,

    4War aabbahaa harqood daran buu na saaray, haddaba noo fududee hawshii aabbahaa oo adkayd iyo harqoodkiisii cuslaa oo uu na saaray, annana waannu kuu adeegaynaa.

    5Markaasuu ku yidhi, Saddex maalmood dabadood igu soo noqda. Markaasaa dadkii ka tegey.

    6Markaasaa Boqor Rexabcaam la tashaday odayaashii aabbihiis Sulaymaan intuu noolaa hor joogi jiray, oo wuxuu ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan dadkan jawaab ugu celiyaa?

  • 72%

    12Sidaas daraaddeed Yaaraabcaam iyo dadkii oo dhammuba maalintii saddexaad ayay Rexabcaam u yimaadeen siduu boqorku hore ugu amray markuu ku yidhi, Maalinta saddexaad igu soo noqda.

    13Markaasaa Boqor Rexabcaam ka tegey taladii raggii odayaasha ahaa, oo si qallafsan ayuu ugu jawaabay,

    14oo wuxuu kula hadlay taladii raggii dhallintayaraa, oo ku yidhi, Aabbahay harqood culus buu idin saaray, laakiinse anna culays kalaan idiinku sii darayaa, aabbahay wuxuu idinku edbin jiray shaabuugyo, laakiinse anigu waxaan idinku edbinayaa hangarallayaal.

    15Sidaas daraaddeed boqorkii dadkii ma uu dhegaysan, waayo, taasu xagga Ilaah bay ka timid, si uu Rabbigu u adkeeyo eraygiisii uu Yaaraabcaam ina Nebaad kula hadlay oo uu u soo dhiibay Axiiyaah kii reer Shiiloh.

  • 71%

    8Laakiinse wuu ka tegey taladii odayaashu kula taliyeen, oo haddana wuxuu la arrinsaday raggii dhallinyarada ahaa oo isaga la koray ee hortiisa joogay.

    9Oo wuxuu iyagii ku yidhi, War maxaad igula talinaysaan oo aan jawaab ugu celinnaa dadkan ila hadlay oo igu yidhi, War harqoodkii aabbahaa na saaray noo fududee?

    10Markaasay raggii dhallintayaraa oo isaga la koray la hadleen, oo waxay ku yidhaahdeen, La hadal dadkii kula hadlay oo kugu yidhi, Aabbahaa harqood daran buu na saaray ee adigu noo fududee. Oo waxaad ku tidhaahdaa, Faryaradaydu waa ka sii dhumuc weyn tahay aabbahay dhexdiisa.

  • 11Hadday isaga maqlaan oo ay u adeegaan, Cimrigooda waxay ku dhammaysan doonaan barwaaqo, Oo sannadahoodana waxay ku waari doonaan nimco.

  • 8Waxaa faraxsan raggaaga, oo waxaa faraxsan addoommadaadan had iyo goorba hortaada taagan oo xigmaddaadana maqla.

  • 71%

    12Sidaas daraaddeed Yaaraabcaam iyo dadkii oo dhammuba maalintii saddexaad ayay Rexabcaam u yimaadeen siduu boqorku hore ugu amray markuu ku yidhi, Maalinta saddexaad igu soo noqda.

    13Markaasaa boqorkii ka tegey taladii ragga odayaasha ahaa, oo dadkiina si qallafsan ayuu ugu jawaabay,

    14oo wuxuu kula hadlay taladii raggii dhallintayaraa, oo ku yidhi, Aabbahay harqood culus buu idin saaray, laakiinse anna culays kalaan idiinku sii darayaa; aabbahay wuxuu idinku edbin jiray shaabuugyo, laakiinse anigu waxaan idinku edbinayaa hangarallayaal.

  • 27oo haddii dadkanu Yeruusaalem tagaan inay Rabbiga allabaryo ugu bixiyaan, de markaas qalbigoodu wuxuu u noqon doonaa sayidkoodii, kaasoo ah Rexabcaam ee boqor u ah reer Yahuudah, oo markaasay i dili doonaan, waxayna u noqon doonaan Rexabcaam ee ah boqorka reer Yahuudah.

  • 8Habase ahaatee waxay ahaan doonaan addoommadiisa, si ay u ogaadaan adeegiddayda iyo adeegidda boqortooyooyinka waddammadaba.

  • 3La hadal Rexabcaam ina Sulaymaan oo reer Yahuudah boqor u ah, iyo reer binu Israa'iilka dalka reer Yahuudah iyo kan reer Benyaamiin deggan oo dhan, oo waxaad ku tidhaahdaa,

  • 14Waa hagaag, haddii aad Rabbiga ka cabsataan oo aad u adeegtaan, oo aad codkiisa maqashaan, oo aydnaan ku caasiyoobin amarka Rabbiga, oo aad idinka iyo boqorka idiin taliyaaba ahaataan kuwo raacaya Rabbiga Ilaahiinna ah.

  • 7Waxaa faraxsan raggaaga oo waxaa faraxsan addoommadaadan had iyo goorba hortaada taagan oo xigmaddaadana maqla.

  • 11Oo hadday jawaab nabdeed idin siiyaan oo ay albaabka idinka furaan, waa inay dadka magaaladaas dhexdeeda laga helo oo dhammu addoommo idiin noqdaan oo ay idiin wada adeegaan.

  • 7Oo anigu boqortooyadiisaan xoogayn doonaa weligeed, hadduu ku sii adkaado inuu sameeyo amarradayda iyo xukummadayda, siday maantadan tahay.

  • 9Haddaba sidaas daraaddeed bal codkooda dhegayso, habase yeeshee waa inaad aad ugu markhaati furtaa, oo waa inaad u sheegtaa boqorka xukumi doona siduu ahaan doono.

  • 23La hadal Rexabcaam ina Sulaymaan oo reer Yahuudah boqorka u ah, iyo reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin, iyo dadka intiisa kale oo dhanba, oo waxaad ku tidhaahdaa,

  • 7Hadduu kugu yidhaahdo, Waa hagaag, anoo addoonkaaga ah nabad baan helayaa. Laakiinse hadduu cadhoodo, bal ogow inuu shar maaggan yahay.

  • 7Markaasay waxay isagii ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, hadalka caynkan ah maxaad ugu hadlaysaa? Yaanay noqon in annagoo ah addoommadaada aannu wax caynkaas ah samayno.

  • 17Oo wuxuu idinka qaadan doonaa adhigiinna toban meelood oo meel, oo idinna waxaad noqon doontaan addoommadiisa.

  • 14Oo haddaad ku socoto jidadkayga sidii aabbahaa Daa'uud ugu socday oo kale oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda markaas cimrigaaga waan dheerayn doonaa.

  • 7Haddaba saas daraaddeed kac, oo dibadda u bax, oo addoommadaada intaad la hadashid dhiiro geli; waayo, Rabbigaan ku dhaartaye, haddaadan dibadda u bixin, inaan ninna caawa kula joogayn; oo taasuna way kaaga sii xumaanaysaa kulli sharkii kugu dhacay tan iyo yaraantaadii.

  • 35Waayo, boqortooyadoodii kuuguma ay adeegin wanaaggaagii weynaa oo aad siisay aawadiis, iyo dalka ballaadhan oo barwaaqaysan oo aad hortooda dhigtay aawadiis, oo kamana ay soo noqon shuqulladoodii sharka ahaa.

  • 6Markaasaa Sulaymaan wuxuu yidhi, Addoonkaagii Daa'uud oo aabbahay ahaa aad baad ugu roonaatay, sidii uu hortaada ugu socday daacadnimo iyo xaqnimo, iyo qalbi kula qumman; oo roonaantan weyn ayaad u sii dhawrtay, waayo, waxaad isagii siisay wiil carshigiisii ku fadhiista, sida ay maanta tahay.

  • 34laakiinse haddaad magaaladii ku noqotid, oo aad Absaaloom ku tidhaahdid, Boqorow, addoonkaagii baan noqonayaa; oo sidaan hore aabbahaa addoonka ugu ahaan jiray, ayaan haddana adiga addoon kuugu ahaanayaa; markaas waxaad iiga adkaanaysaa talada Axiitofel.

  • 10Haddaba kuwanu waa addoommadaada iyo dadkaaga aad ku soo furtay xooggaagii iyo gacantaadii xoogga badnayd.

  • Yex 33:31-32
    2 aayado
    67%

    31Waxay kuugu yimaadaan sida dadku u yimaado, oo waxay hortaada u fadhiistaan sida dadkayga oo kale, oo erayadaadana way maqlaan, laakiinse innaba ma ay yeelaan, waayo, afkooda ayay jacayl badan ku muujiyaan, laakiinse qalbigoodu wuxuu daba galaa faa'iidadooda.

    32Bal eeg, waxaad iyaga u tahay sida balwo caashaq ah oo uu mid cod wanaagsan oo alaab muusikeed si wacan ugu cayaari yaqaan ku balweeyo, waayo, erayadaada way maqlaan, laakiinse innaba ma ay yeelaan.

  • 7Oo waxaa isagii u soo shiray rag xunxun oo waxmatarayaal ah, wayna xoogaysteen iyagoo ka gees ah Rexabcaam oo ahaa ina Sulaymaan, oo taasuna waxay ahayd intii Rexabcaam uu dhallintayaraa oo uu qalbigiisu nuglaa, oo uusan iyaga hor joogsan karin.

  • 21Oo bal eeg, waxaa jooga kooxaha ah wadaaddada iyo reer Laawi, inay dhammaan qabtaan adeegidda guriga Ilaah, oo waxaa kula jiri doona oo hawl kasta qaban doona nin kasta oo adeegid kasta sanco u yaqaan oo raalli ah, oo weliba saraakiisha iyo dadka oo dhammuna amarkaaga way oggolaan doonaan.

  • 8Oo taas bal raggaaga dhallinyarada ah weyddii, oo way kuu sheegi doonaan. Taas aawadeed ragga dhallinyarada ah raalli ka ahow, waayo, maalin wanaagsan baannu kuu nimid, haddaba waan ku baryayaaye wax alla wixii gacantaada ku jira soo sii addoommadaada iyo anoo ah inankaaga Daa'uud.

  • 19Laakiinse haddaad iga leexataan oo aad ka tagtaan qaynuunnadayda iyo amarradayda aan idin hor dhigay, oo aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,

  • 7Iyana mar labaad bay u jawaabeen oo waxay yidhaahdeen, Boqorow, annagoo ah addoommadaada, riyadii noo sheeg, oo annana waxaannu caddayn doonnaa fasirkeedii.