2 Taariikhdii 28:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Sidaas daraaddeed raggii hubka sitay waxay maxaabiistii iyo boolidiiba kaga tageen amiirrada iyo shirkii oo dhan hortooda.

Ilo Dheeraad ah

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 15Markaasay nimankii la magacaabay soo kaceen, oo waxay qabteen maxaabiistii, oo kuwii dhexdooda ku jiray oo qaawanaana dhar bay uga xidheen boolidii, wax bay huwiyeen, oo kabana way u geliyeen, oo waxay siiyeen wax ay cunaan iyo wax ay cabbaanba, wayna u subkeen, oo kuwii itaalka yaraa oo dhanna dameeray ku qaadeen, markaasay Yerixoo oo ahayd magaaladii geedatimireedka lahayd walaalahood ugu geeyeen, dabadeedna Samaariya ayay ku noqdeen.

  • 76%

    8Oo dadkii Israa'iilna waxay walaalahood maxaabiis ahaan uga soo kaxaysteen laba boqol oo kun oo qof, oo ahaa naago iyo wiilal iyo gabdhoba, oo waxay kaloo ka dhaceen maal badan, oo maalkiina waxay keeneen Samaariya.

    9Laakiinse halkaas waxaa joogay nebi Rabbigu soo dirtay, oo magiciisana waxaa la odhan jiray Codeed, wuuna u baxay inuu ka hor tago ciidankii Samaariya ku soo socday oo wuxuu ku yidhi, Bal eega, Rabbiga ah Ilaahii awowayaashiin ayaa u cadhooday dadka Yahuudah, oo sidaas daraaddeed ayuu iyaga gacantiinna u soo geliyey, oo idinna waxaad iyagii ku layseen cadho kulul oo tan iyo samada gaadhay.

    10Oo imminka waxaad ku talo jirtaan inaad hoosaysiisaan dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalem si ay idiinku ahaadaan niman addoommo ah iyo naago addoommo ah, laakiinse miyaanay jirin xadgudubyo aad idinkuba ku xadgudubteen Rabbiga Ilaahiinna ah?

    11Haddaba i maqla, oo celiya maxaabiistii aad walaalihiin ka soo kaxaysateen, maxaa yeelay, waxaa idin kor saaran Rabbiga cadhadiisa kulul.

    12Markaasay madaxdii reer Efrayim qaarkood hor istaageen kuwii dagaalka ka soo noqday, oo madaxdaasuna waxay ahaayeen Casaryaah ina Yooxaanaan, iyo Berekyaah ina Meshilleemood, iyo Yexisqiyaah ina Shalluum, iyo Camaasaa ina Xadlay.

    13Oo waxay iyagii ku yidhaahdeen, Idinku waa inaydnaan maxaabiista halkan soo gelin, waayo, waxaad ku talo jirtaan inaad ina kor saartaan xadgudub Rabbiga ka gees ah, oo waxaad inoo sii kordhinaysaan dembiyadeennii iyo xadgudubkeennii, maxaa yeelay, xadgudubkeennu aad buu u weyn yahay, oo dadka Israa'iilna aad baa loogu cadhooday.

  • Tir 31:26-27
    2 aayado
    74%

    26Soo tiriya boolida la soo dhacay, dad iyo duunyaba, adiga iyo wadaadka Elecaasaar ah iyo madaxda qabiilooyinka shirka,

    27oo boolida laba meelood u kala qaybi, oo kala sii ragga dagaalyahanka ah ee dagaalka u baxay, iyo intii kale ee shirka oo dhan;

  • Tir 31:11-13
    3 aayado
    74%

    11Oo dad iyo duunyaba way dheceen oo booli bay u qaateen.

    12Oo maxaabiistii iyo boolidii iyo wixii la soo dhacay waxay u keeneen Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan oo joogay xeradii ku tiil bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa oo Yerixoo ka soo hor jeeday.

    13¶ Markaasaa Muuse iyo wadaadkii Elecaasaar ahaa iyo shirka amiirradiisii oo dhammu waxay u bexeen inay kaga hor tagaan xerada dibaddeeda.

  • 73%

    14Oo waxay kaloo wax ku dhufteen magaalooyinkii Geraar ku wareegsanaa oo dhan, waayo, iyaga waxaa ku dhacday Rabbiga cabsidiisii, oo magaalooyinkii oo dhanna way dhaceen, maxaa yeelay, waxaa iyaga ku jiray maal badan.

    15Oo haddana waxay burburiyeen teendhooyinkii xoolodhaqatada, waxayna dhaceen ido faro badan iyo geel. Dabadeedna Yeruusaalem bay ku noqdeen.

  • Bil 34:28-29
    2 aayado
    72%

    28Waxayna la tageen adhigoodii iyo lo'doodii iyo dameerradoodii, iyo wax alla wixii magaalada u yiil, iyo wax alla wixii duurka u joogay,

    29iyo maalkoodii oo dhan, iyo dhallaankoodii oo dhan, iyo naagahoodiiba, way qabsadeen oo way dhaceen, xataa wixii guryaha yiil oo dhan.

  • 14Oo haddana wuxuu kaxaystay reer Yeruusaalem oo dhan, iyo amiirradii oo dhan, iyo raggii xoog lahaa oo dhan, oo wada ahaa toban kun oo maxaabiis ah, iyo saanacyadii oo dhan, iyo tumaalladii, oo ninna ma hadhin dadkii dalka ugu liitay mooyaane.

  • 53(Waayo, raggii dagaalyahannada ahaa nin waluba wuxuu qaatay wixii uu soo dhacay.)

  • 14Oo wuxuu qaatay dahabkii iyo lacagtii oo dhan iyo weelashii laga helay guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorka oo dhan, oo dadna cudhaadh ahaan buu u kaxaystay, markaasuu Samaariya ku noqday.

  • 28Oo mar alla markii boqorku gurigii Rabbiga galo ayay waardiyayaashu gaashaammada qaadi jireen, oo haddana waxay ku soo celin jireen qolkii waardiyayaasha.

  • 7Sidaas daraaddeed way kaceen oo carareen intay fiidkii ahayd. Waxayna ka tageen teendhooyinkoodii, iyo fardahoodii, iyo dameerahoodii, iyo xataa xeradiina siday ahayd; naftoodiina way la carareen.

  • 15Oo iyana waxay daba socdeen ilaa Webi Urdun; oo bal eeg jidka oo dhan waxaa ka buuxay dhar iyo weelal ay reer Suuriya iska xooreen intay degdegayeen. Oo wargeeyayaashiina intay soo noqdeen ayay saas boqorkii u soo sheegeen.

  • 2oo waxay la tageen dumarkii iyo kuwii magaalada ku jiray oo dhan yar iyo weynba. Waxba kama ay layn, laakiinse way la tageen oo iska baxeen.

  • 14laakiinse dumarka iyo dhallaanka iyo xoolaha iyo waxa magaalada ku jira oo dhan, xataa wax kasta oo laga dhacaba waa inaad booli ahaan u qaadataan, oo waa inaad cuntaan xoolihii aad cadaawayaashiinna ka dhacdeen oo Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey.

  • 35Laakiin waxaynu booli ahaan u qaadannay xoolihii iyo alaabtii magaalooyinka aynu qabsannay.

  • 19Sidaas daraaddeed kuwanu magaaladii way ka soo baxeen, waxayna ahaayeen amiirradii gobollada addoommadoodii iyo ciidankii iyaga daba socday.

  • 14Markaasaa cadhadii Rabbigu aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil, oo wuxuu iyagii ku riday kuwii iyaga dhacay gacmahoodii, oo wuxuu ka iibiyey gacmihii cadaawayaashoodii ku wareegsanaa, sidaas daraaddeed mar dambe ma ay hor istaagi karin cadaawayaashooda.

  • 69%

    11Oo Nebuusaradaan wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay oo u galay boqorkii Baabuloon, iyo intii dadkii faraha badnaa ka hadhay.

    12Laakiinse sirkaalkii askartu wuxuu ka tegey dadkii waddanka ugu liitay inay ahaadaan kuwa canabka iyo beeraha kale ka shaqeeya.

  • 2Oo dadyowga ayaa soo kaxayn doona, oo waxay iyaga keeni doonaan meeshoodii, oo reer binu Israa'iil ayaa iyaga dalka Rabbiga ugu haysan doona addoommo rag iyo gabdho ah, oo maxaabiis ahaan bay u haysan doonaan kuwii ay iyagu maxaabiista u ahaan jireen, oo waxay u talin doonaan kuwii iyaga dulmi jiray.

  • 14Oo waan xoorayaa kuwa dhaxalkayga ka hadha, oo waxaan u gacangelinayaa cadaawayaashooda, oo iyana waxay cadaawayaashooda oo dhan u noqon doonaan dhac iyo wax la boobo;

  • 8oo intuu la hadlay ayuu ku yidhi, Teendhooyinkiinnii kula noqda maal badan, iyo lo' aad u tiro badan, iyo lacag, iyo dahab, iyo naxaas, iyo bir, iyo dhar aad u badan; oo boolidii cadaawayaashiinna laga helay walaalihiin la qaybsada.

  • 13Laakiinse raggii ciidankii ee Amasyaah dib u diray oo u diiday inay isaga dagaalka u raacaan, waxay weerar ku dhufteen magaalooyinkii dalka Yahuudah, tan iyo Samaariya iyo ilaa Beytxooroon, oo waxay ka laayeen saddex kun oo qof, oo maal badanna way ka dhaceen.

  • 15Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askartu wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay masaakiintii dadka qaarkood, iyo dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay oo u galay boqorkii Baabuloon, iyo intii dadkii faraha badnaa ka hadhay.

  • 14Sidaas daraaddeed dadkii Ismaaciil uu Misfaah maxaabbiisahaanta uga kaxaystay oo dhammu intay jeesteen ayay dib u noqdeen, oo waxay u tageen Yooxaanaan ina Qaaree'ax.

  • 21Markaasay noqdeen oo tageen, oo waxay iska horraysiiyeen dhallaankii, iyo xoolihii iyo alaabtii.

  • 7Laakiinse waxaynu booli ahaan u qaadannay xoolihii iyo alaabtii magaalooyinka.

  • 14Oo magaalooyinkaas alaabtoodii oo dhan iyo xoolahoodii oo dhanba reer binu Israa'iil way dhaceen, laakiinse nin kasta waxay ku dileen seef ilaa ay wada baabbi'iyeen, oo waxba kama ay reebin intii neefsatay oo dhan.

  • 14Oo waxay kaloo qaadeen dheryihii, iyo majarafadihii, iyo alaabta laambadaha lagu safayn jiray, iyo malgacadihii, iyo weelashii naxaasta ahaa oo lagu adeegi jiray oo dhan.

  • 24Oo wuxuu qaatay dahabkii iyo lacagtii oo dhan, iyo weelashii guriga Ilaah laga helay oo Cobeed Edoom la yiil oo dhan, iyo khasnadiihii guriga boqorka, oo dadna cudhaadh ahaan buu u kaxaystay, markaasuu Samaariya ku noqday.

  • 24Oo waxaad yeeshaa, boqorrada nin walba meeshiisii ka saar, oo meeshoodii waxaad gelisaa taliyayaal.

  • 8Oo waxay yidhaahdeen, Ku alla kii aan intii saddex maalmood ah iman, sida ay ku taliyeen amiirrada iyo odayaashu, maalkiisa oo dhan waa laga xaaraamayn doonaa, oo isaga qudhiisana gooni baa looga sooci doonaa ururka dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday.

  • 10¶ Oo markaad dagaal ugu baxdaan cadaawayaashiinna, oo uu Rabbiga Ilaahiinna ahu iyaga gacmihiinna soo geliyo, oo aad maxaabiis ahaan iyaga u kaxaysataan,

  • 53Oo reer binu Israa'iilna way ka noqdeen reer Falastiinkii ay eryanayeen, oo xeradoodiina way dhaceen.

  • 19kuwaasoo ah amiirradii dalka Yahuudah, iyo amiirradii Yeruusaalem, iyo bohommadii, iyo wadaaddadii, iyo dadkii dalka oo qaybihii weysha kala dhex maray oo dhan,

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu Yeruusaalem ku soo wada shiriyey amiirradii reer binu Israa'iil oo dhan, iyo amiirradii qabiilooyinka, iyo saraakiishii kooxihii boqorka mile milaha ugu adeegi jiray, iyo kuwii kun kun u talin jiray iyo kuwii boqol boqol u talin jiray, iyo taliyayaashii xukumi jiray maalka iyo hantidii boqorka iyo tii wiilashiisaba, iyo saraakiishii iyo raggii xoogga badnaa, xataa kulli raggii xoogga badnaa oo dhanba.

  • 25Oo waxay ugu jawaabeen, Annagoo raalli ka ah ayaannu ku siinaynaa. Kolkaasay maro gogleen, oo nin kastaaba wuxuu ku tuuray hilqadihii uu boolida u helay.