2 Boqorradii 24:14

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo haddana wuxuu kaxaystay reer Yeruusaalem oo dhan, iyo amiirradii oo dhan, iyo raggii xoog lahaa oo dhan, oo wada ahaa toban kun oo maxaabiis ah, iyo saanacyadii oo dhan, iyo tumaalladii, oo ninna ma hadhin dadkii dalka ugu liitay mooyaane.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 25:12 : 12 Laakiinse sirkaalkii askartu wuxuu ka tegey dadkii waddanka ugu liitay inay ahaadaan kuwa canabka iyo beeraha kale ka shaqeeya.
  • Yer 52:28 : 28 Oo sannaddii toddobaad dadkii uu Boqor Nebukadresar maxaabiisahaanta u kaxaystay waxay ahaayeen saddex kun iyo saddex iyo labaatan qof oo Yuhuud ah,
  • Yex 1:1-2 : 1 ¶ Haddaba sannaddii soddonaad, bisheedii afraad, maalinteedii shanaad, anigoo maxaabiistii Webi Kebaar ag joogtay ku dhex jira ayaa samooyinkii furmeen, oo waxaan arkay wax layga tusay xagga Ilaah. 2 Boqor Yehooyaakiin maxaabiis ahaantiisii sannaddeedii shanaad bisha maalinteedii shanaad
  • Yex 17:14 : 14 si ay boqortooyadu u sii hoosayso, oo ayan marnaba kor isu qaadin, laakiinse ay u sii taagnaato axdigiisa oo ay dhawrto aawadiis.
  • 2 Boq 24:16 : 16 Oo boqorkii Baabuloon maxaabiis ahaan ayuu Baabuloon u keenay raggii xoogga lahaa oo dhan oo tiradoodu ahayd toddoba kun, iyo saanacyadii iyo tumaalladii oo iyana kun ah, oo kulligood way wada xoog badnaayeen, oo dagaalyahan bay ahaayeen.
  • Yer 40:7 : 7 ¶ Oo saraakiishii ciidammadii duurka ku jiray oo dhan iyo raggoodiiba markay maqleen in boqorkii Baabuloon uu dalkii taliye uga dhigay Gedalyaah ina Ahiiqaam, oo uu isagii u dhiibay rag, iyo naago, iyo carruurba, kuwaasoo ahaa masaakiintii dalka ku hadhay oo aan Baabuloon maxaabiis ahaan loogu kaxaysan,
  • Yer 52:16 : 16 Laakiinse Nebuusaradaan oo sirkaalkii askarta ahaa wuxuu ka tegey dadkii waddanka ugu liitay inay ahaadaan kuwa canabka iyo beeraha kale ka shaqeeya.
  • 1 Sam 23:19-22 : 19 Markaasaa Saa'uul waxaa Gibecaah ugu yimid reer Siif, waxayna ku yidhaahdeen, Daa'uud miyaanu ku dhuuman dhufaysyada dalkayaga duurka ku yaal, oo ku dhex yaal buurta Xakiilaah, oo lamadegaanka xaggiisa koonfureed ku taal? 20 Haddaba, boqorow, soo dhaadhac adigoo aad u doonaya inaad timaadid; oo annana qaybtayadu wuxuu ahaan doonaa inaan gacantaada ku soo ridno, boqorow. 21 Markaasaa Saa'uul wuxuu yidhi, Kuwo xagga Rabbiga ka barakaysan noqda; waayo, idinku waad ii naxariisateen. 22 Haddaba waan idin baryayaaye weliba taga oo sii hubsada, oo waxaad soo ogaataan oo soo aragtaan meeshuu u caado leeyahay, iyo kii isaga halkaas ku soo arkay, waayo, waxaa la ii soo sheegay inuu aad xeelad ugu macaamiloodo.
  • 2 Taar 36:9-9 : 9 ¶ Oo Yehooyaakiinna markuu boqor noqday wuxuu jiray siddeed sannadood, oo Yeruusaalem boqor buu ku ahaa saddex bilood iyo toban maalmood, oo isna wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah. 10 Oo markii sannaddii soo wareegtay ayaa Boqor Nebukadnesar soo cid diray, oo wuxuu Baabuloon keenay isagii iyo weelashii wanaagsanaa oo gurigii Rabbiga, oo walaalkiis Sidqiyaahna ayuu boqor uga dhigay dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem.
  • Yer 24:1-5 : 1 ¶ Markii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu maxaabiis ahaan u kaxaystay Yekonyaah ina Yehooyaaqiim oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo amiirradii dadka Yahuudah, iyo saanacyadii, iyo birtumayaashiiba oo uu ka kaxaystay Yeruusaalem oo Baabuloon geeyey dabadeed Rabbigu wax buu i tusay, oo waxaan arkay laba dambiilood oo berde ah oo macbudka Rabbiga hor yaal. 2 Oo dambiilaha midkood waxaa ku jiray berde aad u wanaagsan, oo la moodo sidii midho berde oo hore u bislaaday, oo dambiisha kalena waxaa ku jiray midho berde oo aad u xun, oo xumaantooda aawadeedna aan innaba la cuni karin. 3 Markaas Rabbigu wuxuu igu yidhi, Yeremyaahow, maxaad aragtaa? Oo aniguna waxaan idhi, Waxaan arkaa midho berde. Midhaha berde oo wanaagsan aad bay u wanaagsan yihiin, kuwa xumuna aad bay u xun yihiin, oo xumaantooda aawadeed innaba lama cuni karo. 4 Markaas waxaa ii yimid Eraygii Rabbiga oo leh, 5 Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Sida midhahaas berde oo wanaagsan ayaan wanaag aawadiis u aqoonsan doonaa maxaabiista dadka Yahuudah oo aan meeshan ka diray, oo aan dalka reer Kaldayiin u geeyey.
  • Yer 29:2 : 2 (Taasu waxay ahayd markii Boqor Yekonyaah, iyo boqoraddii hooyadiis ahayd, iyo bohommadii, iyo amiirradii dadka Yahuudah iyo Yeruusaalem, iyo saanacyadii, iyo birtumayaashiiba ay Yeruusaalem ka tageen dabadeed.)
  • Yer 39:10 : 10 Laakiinse Nebuusaradaan oo sirkaalkii askarta ahaa wuxuu dalka Yahuudah kaga tegey dadkii waddanka ugu liitay oo aan waxba haysan, oo wuxuu isla markaasba iyagii siiyey beero canab ah, iyo beero kaleba.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 86%

    15Oo wuxuu Baabuloon u kaxaystay Yehooyaakiin; oo boqorka hooyadiis, iyo boqorka naagihiisii, iyo saraakiishiisii, iyo raggii dalka madaxda u ahaa maxaabiis ahaan ayuu Yeruusaalem uga kaxaystay oo Baabuloon la tegey.

    16Oo boqorkii Baabuloon maxaabiis ahaan ayuu Baabuloon u keenay raggii xoogga lahaa oo dhan oo tiradoodu ahayd toddoba kun, iyo saanacyadii iyo tumaalladii oo iyana kun ah, oo kulligood way wada xoog badnaayeen, oo dagaalyahan bay ahaayeen.

  • Yer 52:14-16
    3 aayado
    81%

    14Oo ciidankii reer Kaldayiin oo sirkaalkii askarta la socday oo dhammuna waxay wada dumiyeen derbiyadii Yeruusaalem ku wareegsanaa oo dhan.

    15Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askartu wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay masaakiintii dadka qaarkood, iyo dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay oo u galay boqorkii Baabuloon, iyo intii dadkii faraha badnaa ka hadhay.

    16Laakiinse Nebuusaradaan oo sirkaalkii askarta ahaa wuxuu ka tegey dadkii waddanka ugu liitay inay ahaadaan kuwa canabka iyo beeraha kale ka shaqeeya.

  • Yer 29:1-2
    2 aayado
    80%

    1¶ Haddaba kuwanu waa erayadii warqaddii uu Nebi Yeremyaah Yeruusaalem uga diray kuwii hadhay ee waayeelladii maxaabiisnimadii iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii uu Nebukadnesar Yeruusaalem maxaabiis ahaanta uga kaxaystay oo uu Baabuloon la tegey oo dhan.

    2(Taasu waxay ahayd markii Boqor Yekonyaah, iyo boqoraddii hooyadiis ahayd, iyo bohommadii, iyo amiirradii dadka Yahuudah iyo Yeruusaalem, iyo saanacyadii, iyo birtumayaashiiba ay Yeruusaalem ka tageen dabadeed.)

  • Yer 39:9-10
    2 aayado
    79%

    9Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta wuxuu Baabuloon maxaabiis ahaan ugu kaxaystay dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay ee isaga u galay, iyo dadka intiisii kale ee hadhayba.

    10Laakiinse Nebuusaradaan oo sirkaalkii askarta ahaa wuxuu dalka Yahuudah kaga tegey dadkii waddanka ugu liitay oo aan waxba haysan, oo wuxuu isla markaasba iyagii siiyey beero canab ah, iyo beero kaleba.

  • 79%

    10Markaasaa waxaa Yeruusaalem yimid oo magaaladii hareereeyey addoommadii Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon.

    11Oo Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon ayaa soo gaadhay magaaladii intay addoommadiisii hareera joogeen.

    12Markaasaa Yehooyaakiin oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah u soo baxay boqorkii Baabuloon, isagii, iyo hooyadiis, iyo addoommadiisii, iyo amiirradiisii, iyo saraakiishiisiiba, oo boqorkii Baabuloon ayaa isagii kaxeeyey sannaddii siddeedaad oo boqornimadiisa.

    13Oo isna halkaasuu ka qaatay khasnadihii guriga Rabbiga oo dhan iyo khasnadihii guriga boqorka, oo wuxuu kala jejebiyey weelashii dahabka ahaa oo boqorkii reer binu Israa'iil oo Sulaymaan ahaa uu ku dhex sameeyey macbudkii Rabbiga, siduu Rabbigu yidhi.

  • 79%

    10Markaasaa ciidankii reer Kaldayiin oo dhan oo la socday sirkaalkii askarta waxay wada dumiyeen derbiyadii Yeruusaalem ku wareegsanaa.

    11Oo Nebuusaradaan wuxuu maxaabiis ahaan u kaxaystay dadkii magaalada ku hadhay, iyo kuwii cararay oo u galay boqorkii Baabuloon, iyo intii dadkii faraha badnaa ka hadhay.

    12Laakiinse sirkaalkii askartu wuxuu ka tegey dadkii waddanka ugu liitay inay ahaadaan kuwa canabka iyo beeraha kale ka shaqeeya.

  • Yer 27:20-21
    2 aayado
    78%

    20oo uusan Nebukadnesar oo ah boqorka Baabuloon qaadan markuu maxaabiis ahaanta u kaxaystay boqorkii dalka Yahuudah oo ahaa Yekonyaah ina Yehooyaaqiim iyo saraakiishii dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalemba, oo intuu Yeruusaalem ka kaxaystay uu Baabuloon la tegey,

    21Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu ka leeyahay weelasha ku hadhay guriga Rabbiga iyo guriga boqorka dalka Yahuudah, iyo Yeruusaalemba,

  • Yer 52:28-30
    3 aayado
    76%

    28Oo sannaddii toddobaad dadkii uu Boqor Nebukadresar maxaabiisahaanta u kaxaystay waxay ahaayeen saddex kun iyo saddex iyo labaatan qof oo Yuhuud ah,

    29oo sannaddii siddeed iyo tobnaad oo Boqor Nebukadresarna wuxuu Yeruusaalem maxaabiis ahaan uga kaxaystay siddeed boqol iyo laba iyo soddon qof.

    30Oo sannaddii saddex iyo labaatanaad oo Boqor Nebukadresarna Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta ayaa Yuhuuddii maxaabiis ahaan uga kaxaystay toddoba boqol iyo shan iyo afartan qof, oo dadkii la kaxaystay oo dhammuna waxay ahaayeen afar kun iyo lix boqol oo qof.

  • 76%

    17Sidaas daraaddeed wuxuu iyagii ku soo kiciyey boqorkii reer Kaldayiin, kaasoo raggoodii dhallinyarada ahaa seef ku laayay iyagoo ku jira gurigii meeshoodii quduuska ahayd, oo isaguna uma uu nixin wiil ama gabadh, ama oday ama cirroole, dhammaantoodna wuu u gacangeliyey.

    18Oo weelashii guriga Ilaah oo dhan yar iyo weynba, iyo khasnadihii guriga Rabbiga, iyo khasnadihii boqorka iyo kuwii amiirradiisaba dhammaantood wuxuu geeyey Baabuloon.

  • Yer 52:25-26
    2 aayado
    75%

    25Oo wuxuu magaaladii kala soo baxay sirkaal u sarreeyey raggii dagaalyahanka ahaa, iyo toddoba nin oo ka mid ahaa kuwii boqorka hor joogi jiray oo magaaladii laga dhex helay, iyo karraanigii sirkaalka ciidanka ee ururin jiray dadkii waddanka, iyo lixdan nin oo ahaa dadkii dalka degganaa oo magaaladii laga dhex helay.

    26Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askartu iyagii kexeeyey oo Riblaah ugu geeyey boqorkii Baabuloon.

  • 17Oo waxay ku soo kaceen dalka Yahuudah, oo way burburiyeen, waxayna wada qaateen maalkii guriga boqorka yiil oo dhan, iyo weliba wiilashiisii iyo naagihiisii, sidaas daraaddeed wiilna uma hadhin isagii kii wiilashiisa ugu yaraa oo Yehoo'aaxaas la odhan jiray mooyaane.

  • 74%

    19oo wuxuu magaaladii kala soo baxay sirkaal u sarreeyey raggii dagaalyahanka ahaa, iyo shan nin oo ka mid ahaa kuwii boqorka hor joogi jiray oo magaaladii laga dhex helay, iyo karraanigii sirkaalka ciidanka ee ururin jiray dadkii waddanka, iyo lixdan nin oo ahaa dadkii dalka degganaa oo magaaladii laga dhex helay.

    20Markaasaa Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askartu iyagii kaxeeyey, oo Riblaah ugu geeyey boqorkii Baabuloon.

  • 15Yehoosaadaaqna maxaabiis ahaan buu tegey waagii Rabbigu dadkii Yahuudah iyo Yeruusaalem uu gacantii Nebukadnesar ku kaxeeyey.

  • 74%

    6Oo waxaa isagii ku soo kacay Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon, silsilado buuna ku xidhay oo Baabuloon u kaxaystay.

    7Oo Nebukadnesar weliba wuxuu kaloo Baabuloon u qaatay weelashii guriga Rabbiga, oo wuxuu dhigtay macbudkiisii Baabuloon ku yiil.

  • 6oo isaga waxaa mar hore laga soo kaxaystay Yeruusaalem, wuxuuna la socday maxaabiistii lala soo kaxaystay Yekonyaah oo ahaa boqorkii reer Yahuudah, oo uu soo kaxaystay Nebukadnesar oo ahaa boqorkii Baabuloon.

  • 5Oo weliba magaaladan maalkeeda oo dhan, iyo waxyaalihii ay ku hawshootay oo dhan, iyo waxyaalaheeda qaaliga ah oo dhan, iyo khasnadaha boqorrada dalka Yahuudah oo dhanba, waxaan u gacangelin doonaa cadaawayaashooda, oo iyana way boobi doonaan, oo intay kaxaystaan ayay Baabuloon wareejin doonaan.

  • 4Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, kuwii maxaabiis ahaanta loo kaxaystay oo dhan, oo aan ka yeelay in Yeruusaalem laga kaxaysto oo Baabuloon lala tago, waxaan idinku leeyahay,

  • 2Sayidkuna gacantiisuu geliyey boqorkii Yahuudah oo ahaa Yehooyaaqiim iyo weelashii guriga Ilaah qaarkood, markaasuu u qaaday waddanka la yidhaahdo Shincaar, iyo gurigii ilaahiisa; oo weelashiina wuxuu geliyey gurigii ilaahiisa khasnadda u ahaa.

  • 1¶ Markii Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon uu maxaabiis ahaan u kaxaystay Yekonyaah ina Yehooyaaqiim oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah, iyo amiirradii dadka Yahuudah, iyo saanacyadii, iyo birtumayaashiiba oo uu ka kaxaystay Yeruusaalem oo Baabuloon geeyey dabadeed Rabbigu wax buu i tusay, oo waxaan arkay laba dambiilood oo berde ah oo macbudka Rabbiga hor yaal.

  • 14Oo wuxuu qaatay dahabkii iyo lacagtii oo dhan iyo weelashii laga helay guriga Rabbiga iyo khasnadihii guriga boqorka oo dhan, oo dadna cudhaadh ahaan buu u kaxaystay, markaasuu Samaariya ku noqday.

  • 7¶ Oo saraakiishii ciidammadii duurka ku jiray oo dhan iyo raggoodiiba markay maqleen in boqorkii Baabuloon uu dalkii taliye uga dhigay Gedalyaah ina Ahiiqaam, oo uu isagii u dhiibay rag, iyo naago, iyo carruurba, kuwaasoo ahaa masaakiintii dalka ku hadhay oo aan Baabuloon maxaabiis ahaan loogu kaxaysan,

  • 14Sidaas daraaddeed raggii hubka sitay waxay maxaabiistii iyo boolidiiba kaga tageen amiirrada iyo shirkii oo dhan hortooda.

  • 20Oo kuwii seefta ka baxsadayna wuxuu u kaxaystay Baabuloon, oo waxay addoommo u ahaan jireen isaga iyo wiilashiisii ilaa la gaadhay boqortooyadii Faaris,

  • 1¶ Sidqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii sagaalaad, bisheedii tobnaad ayay Nebukadresar oo ahaa boqorkii Baabuloon iyo ciidankiisii oo dhammu Yeruusaalem ku keceen, wayna hareereeyeen,

  • 2 Boq 25:4-5
    2 aayado
    71%

    4Markaasaa meel magaalada ahayd la jebiyey, oo raggii dagaalka oo dhammu intay habeennimo carareen ayay mareen jidkii iriddii u dhexaysay labada derbi oo ku ag tiil beertii boqorka; oo boqorkiina wuxuu maray jidkii Caraabaah. (Haddaba reer Kaldayiin waxay ku wareegsanaayeen magaalada.)

    5Laakiinse ciidankii reer Kaldayiin ayaa boqorkii eryaday, oo waxay ku gaadheen bannaannadii Yerixoo; oo ciidankiisii oo dhammuna way ka kala firdheen.

  • 14Oo waxay kaloo qaadeen dheryihii, iyo majarafadihii, iyo alaabta laambadaha lagu safayn jiray, iyo malgacadihii, iyo weelashii naxaasta ahaa oo lagu adeegi jiray oo dhan.

  • 2Waayo, quruumaha oo dhan waan u soo wada ururin doonaa inay Yeruusaalem la diriraan, oo magaalada waa la qabsan doonaa, guryahana waa la dhici doonaa, naagahana waa la kufsan doonaa, oo magaalada badhkeedna maxaabiis ahaan baa loo kaxaysan doonaa, laakiinse dadka intiisii hadhay magaalada lagama baabbi'in doono.

  • 24Oo wuxuu qaatay dahabkii iyo lacagtii oo dhan, iyo weelashii guriga Ilaah laga helay oo Cobeed Edoom la yiil oo dhan, iyo khasnadiihii guriga boqorka, oo dadna cudhaadh ahaan buu u kaxaystay, markaasuu Samaariya ku noqday.

  • 8Oo dadkii Israa'iilna waxay walaalahood maxaabiis ahaan uga soo kaxaysteen laba boqol oo kun oo qof, oo ahaa naago iyo wiilal iyo gabdhoba, oo waxay kaloo ka dhaceen maal badan, oo maalkiina waxay keeneen Samaariya.

  • 12¶ Haddaba bishii shanaad maalinteedii tobnaad oo ahayd sannaddii sagaal iyo tobnaad oo Nebukadresar boqorkii Baabuloon ahaa waxaa Yeruusaalem yimid Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta oo boqorka Baabuloon u adeegi jiray.

  • 2 Boq 25:7-8
    2 aayado
    71%

    7Oo Sidqiyaah wiilashiisiina hortiisay ku laayeen, dabadeedna Sidqiyaah indhihii bay ka soo bixiyeen, silsiladona bay ku xidheen, oo waxay u kaxeeyeen Baabuloon.

    8¶ Haddaba bishii shanaad, maalinteedii toddobaad oo ahayd sannaddii sagaal iyo tobnaad oo Nebukadnesar boqorkii Baabuloon ayaa waxaa Yeruusaalem yimid Nebuusaradaan oo ahaa sirkaalkii askarta oo ahaa addoonkii boqorkii Baabuloon.