2 Taariikhdii 30:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, boqorka, iyo amiirradiisii, iyo shirkii Yeruusaalem joogay oo dhammu waxay ku arrinsadeen inay Iiddii Kormaridda sameeyaan bishii labaad.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Tir 9:10-11 : 10 Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii nin idinka mid ah amase farcankiinna ka mid ahu uu ku nijaasoobo sabab meyd ka timid, amase hadduu sodcaal dheer ku jiro, weli waa inuu Rabbiga u dhawraa Iidda Kormaridda. 11 Bishii labaad maalinteeda afar iyo tobnaad markay fiidka tahay waa inay dhawraan oo ay kibis aan khamiir lahayn iyo caleemo qadhaadh cunaan.
  • 1 Taar 13:1-3 : 1 ¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu la arrinsaday saraakiishii kun kun u taliyey iyo kuwii boqol boqol u taliyey iyo xataa hoggaamiye kasta. 2 Markaasaa Daa'uud wuxuu shirkii reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhi, Hadday idinla wanaagsan tahay iyo hadday tahay tan Rabbiga Ilaaheenna ah aynu meel kasta ugu cid dirno walaalaheenna ku hadhay dalka Israa'iil oo dhan, kuwaasoo ah kuwa wadaaddada iyo reer Laawi ay la dhex joogaan magaalooyinkooda agagaarka leh, si ay iyaguna inoogu soo ururaan. 3 Oo weliba aynu sanduuqii Ilaaheenna mar kale soo ceshanno, waayo, isagii waynu iska daynay wakhtigii Saa'uul noolaa.
  • 2 Taar 30:13 : 13 Haddaba bishii labaad waxaa Yeruusaalem ku soo shiray oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn sameeyey dad badan oo ah shir aad iyo aad u weyn.
  • 2 Taar 30:15 : 15 Markaasay neefafkii Iiddii Kormaridda qaleen bishii labaad maalinteedii afar iyo tobnaad, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina way yaxyaxeen, oo intay isdaahiriyeen ayay qurbaanno la gubo keeneen gurigii Rabbiga.
  • Maah 11:14 : 14 Markaanay talo jirin, dadku waa dhacaa, Laakiinse taliyayaasha badnaantoodu waxay leedahay nabadgelyo.
  • Maah 15:22 : 22 Meeshii aan talo jirin xaajooyinku waa baabba', Laakiinse taliyayaashii badan ayay ku hagaagaan.
  • Wacd 4:13 : 13 ¶ Boqor nacas ah oo gaboobay oo aan innaba mar dambe talo qaadan waxaa ka wanaagsan barbaar miskiin ah oo xigmad leh.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 83%

    3Maxaa yeelay, iyagu wakhtigaas ma ay samayn karin, waayo, wadaaddadii tiro hawsha ku filanu isma ay daahirin, oo dadkiina Yeruusaalem kuma ay soo wada ururin.

    4Oo waxaasuna wuu la qummanaa boqorkii iyo shirkii oo dhanba.

    5Sidaas daraaddeed waxay amar ku soo saareen in lagu naadiyo dalka reer binu Israa'iil oo dhan, tan iyo Bi'ir Shebac iyo ilaa Daan, inay wada yimaadaan oo ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil Iidda Kormaridda Yeruusaalem ugu sameeyaan, waayo, wakhti dheer looma samayn sida qoran.

  • 1¶ Markaasaa Xisqiyaah u cid diray dadka Israa'iil oo dhan iyo dadka Yahuudah, oo haddana wuxuu warqado u qoray reer Efrayim iyo reer Manaseh, inay dhammaantood wada yimaadaan guriga Rabbiga oo Yeruusaalem ku yaal, si ay Iiddii Kormaridda ugu sameeyaan Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 79%

    12Oo weliba dadka Yahuudahna waxaa la jirtay Rabbiga gacantiisii inay isku qalbi ahaadaan oo ay sameeyaan amarkii boqorka iyo kii amiirradiisa oo ahaa Eraygii Rabbiga.

    13Haddaba bishii labaad waxaa Yeruusaalem ku soo shiray oo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn sameeyey dad badan oo ah shir aad iyo aad u weyn.

    14Markaasay kaceen oo waxay fogeeyeen meelihii allabariga oo Yeruusaalem dhex yiil iyo girgirayaashii fooxa lagu shidi jiray oo dhan, oo dhammaantood waxay ku dhex tuureen durdurkii Qidroon.

    15Markaasay neefafkii Iiddii Kormaridda qaleen bishii labaad maalinteedii afar iyo tobnaad, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina way yaxyaxeen, oo intay isdaahiriyeen ayay qurbaanno la gubo keeneen gurigii Rabbiga.

  • Cesr 6:19-20
    2 aayado
    76%

    19¶ Oo bishii kowaad maalinteedii afar iyo tobnaad ayaa dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday waxay dhawreen Iiddii Kormaridda.

    20Waayo, wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi way iswada daahirsheen dhammaantood; oo giddigood daahir bay ahaayeen, markaasay neefkii Kormaridda u bireeyeen dadkii maxaabiisnimada ka soo noqday oo dhan, iyo wadaaddadii walaalahood ahaa, iyo naftoodiiba.

  • 1¶ Oo Yoosiyaah Yeruusaalem ayuu Rabbiga ugu dhawray Iiddii Kormaridda, oo neefafkii Kormariddana waxaa la gowracay bishii kowaad maalinteedii afar iyo tobnaad.

  • 76%

    21¶ Markaasaa boqorkii dadkii oo dhan amray oo ku yidhi, Rabbiga Ilaahiinna ah u dhawra Iidda Kormaridda, siday ugu qoran tahay kitaabkan axdiga.

    22Hubaal Iiddaas Kormaridda oo kale lama dhawrin tan iyo wakhtiyadii xaakinnadu reer binu Israa'iil xukumi jireen, iyo wakhtiyadii boqorradii dalka Israa'iil oo dhan, iyo wakhtiyadii boqorradii dalka Yahuudah toona.

    23Laakiinse sannaddii siddeed iyo tobnaad oo Boqor Yoosiyaah ayaa Iiddaas Kormaridda Rabbiga loogu dhawray Yeruusaalem.

  • 21Oo bisha kowaad maalinteeda afar iyo tobnaad waa inaad Iiddii Kormaridda iiddaan, taasoo ah iid toddoba maalmood ah, waana in la cunaa kibis aan khamiir lahayn.

  • 74%

    16Sidaasaa hawshii Rabbiga loo diyaariyey isku maalintaas in Iidda Kormaridda la dhawro iyo in qurbaannada la gubo lagu bixiyo meeshii allabariga ee Rabbiga, sidii uu ahaa amarkii Boqor Yoosiyaah.

    17Reer binu Israa'iil oo markaas joogayna wakhtigaasay dhawrayeen Iiddii Kormaridda iyo Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahaynba intii toddoba maalmood ah.

    18Oo Iiddaas Kormaridda mid la mid ah dalka Israa'iil laguma iidin tan iyo wakhtigii Nebi Samuu'eel, oo boqorradii reer binu Israa'iilna midkoodna ma uu iidin Iiddii Kormaridda siday u iideen Yoosiyaah, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo kulli dadka Yahuudah iyo dadka Israa'iil ee joogay oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaaba.

    19Oo Iiddaas Kormaridda waxaa la iiday sannaddii siddeed iyo tobnaad oo boqornimadii Yoosiyaah.

  • Tir 28:16-17
    2 aayado
    73%

    16¶ Oo bisha kowaad maalinteeda afar iyo tobnaadna waa wakhtiga Kormaridda Rabbiga.

    17Oo bishaas maalinteeda shan iyo tobnaadna waa in iidi jirtaa. Toddoba maalmood waa in kibis aan khamiir lahayn la cunaa.

  • 73%

    17Oo waxaa jiray kuwo badan oo shirka ka mid ahaa oo aan isdaahirin, sidaas daraaddeed reer Laawi shuqulkoodu wuxuu ahaa inay neefafka Kormaridda u gowracaan mid alla midkii aan nadiif ahayn, si ay iyaga Rabbiga ugu daahiriyaan.

    18Maxaa yeelay, dad badan, xataa kuwa badan oo ahaa reer Efrayim iyo reer Manaseh iyo reer Isaakaar iyo reer Sebulun ayan isnadiifin oo weliba waxay wax uga cuneen neefafka Kormaridda si ka duwan sidii qornayd. Waayo, Xisqiyaah ayaa iyaga u duceeyey oo yidhi, Rabbiga wanaagsanu ha cafiyo ku alla kii

    19qalbigiisa u diyaariya inuu doondoono Ilaaha ah Rabbiga oo ah Ilaahii awowayaashiis in kastoo uusan isu nadiifin sidii ay ahayd isdaahirintii meesha quduuska ah.

  • Tir 9:2-5
    4 aayado
    72%

    2Weliba reer binu Israa'iil ha dhawreen Iidda Kormaridda xilligeedii la amray.

    3Bishan maalinteeda afar iyo tobnaad markay fiidkii tahay waa inaad dhawrtaan xilligeedii la amray. Waxaad u dhawrtaan sida qaynuunnadeedii iyo amarradeedii oo dhammu ay yihiin.

    4Markaasaa Muuse la hadlay reer binu Israa'iil oo wuxuu u sheegay inay Iidda Kormaridda dhawraan.

    5Oo bishii kowaad maalinteedii afar iyo tobnaad markay fiidkii ahayd ayay Iiddii Kormaridda ku dhawreen cidladii Siinay; oo sidii Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa'iil wada yeeleen.

  • 11Bishii labaad maalinteeda afar iyo tobnaad markay fiidka tahay waa inay dhawraan oo ay kibis aan khamiir lahayn iyo caleemo qadhaadh cunaan.

  • 5Bisha kowaad, maalinteeda afar iyo tobnaad, markay fiidkii tahay, waa Rabbiga iiddiisii Kormaridda.

  • 3Oo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay u soo shireen boqorkii wakhtigii iidda ah bisha toddobaad.

  • 2 Boq 23:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Markaasaa boqorkii cid diray, oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan.

    2Oo boqorkiina wuxuu u kacay gurigii Rabbiga, oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa oo dhan, iyo wadaaddadii, iyo nebiyadii, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba; oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo gurigii Rabbiga laga dhex helay.

  • Sharc 16:1-2
    2 aayado
    70%

    1¶ Bisha Aabiib dhawra, oo Rabbiga Ilaahiinna ah Iiddii Kormaridda u sameeya, waayo, bisha Aabiib ayaa Rabbiga Ilaahiinna ahu habeennimo idinka soo bixiyey dalkii Masar.

    2Oo Iidda Kormaridda waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah u bixisaan neef aad ka qaaddaan idaha iyo lo'da, uguna bixiya meesha uu Rabbiga u dooranayo inuu magiciisa dhigo.

  • 70%

    29¶ Markaasaa boqorkii cid diray oo waxaa loo soo ururiyey odayaashii dalka Yahuudah iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan.

    30Oo boqorkii wuxuu u kacay gurigii Rabbiga oo waxaa isagii la socday raggii dalka Yahuudah oo dhan, iyo dadkii Yeruusaalem degganaa, iyo wadaaddadii, iyo kuwii reer Laawi, iyo dadkii oo dhan yar iyo weynba, oo isna wuxuu hortooda ku akhriyey dhammaan erayadii kitaabkii axdiga oo guriga Rabbiga laga dhex helay.

  • 69%

    23Oo shirkii oo dhammuna waxay ku tashadeen inay toddoba maalmood oo kale sii iidaan, oo haddana toddoba maalmood oo kale ayay sii iidayeen iyagoo faraxsan.

    24Waayo, Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wuxuu shirkii u siiyey inay qurbaan ka dhigtaan kun dibi iyo toddoba kun oo ido ah, oo amiirradiina waxay shirkii siiyeen kun dibi iyo toban kun oo ido ah, oo wadaaddo tiro badanuna way isdaahiriyeen.

  • 10Sidaas daraaddeed waxay ku soo urureen Yeruusaalem sannaddii shan iyo tobnaad oo boqortooyadii Aasaa bisheedii saddexaad.

  • 6Oo neefafka Kormaridda gowraca, oo quduus iska dhiga, oo walaalihiinna u diyaariya, si aad u samaysaan si waafaqsan Eraygii Rabbiga oo Muuse loo soo dhiibay.

  • 2Bishanu waxay idiin noqonaysaa tii bilaha ugu horraysay; oo waxay idiin noqonaysaa sannadda bisheedii kowaad.

  • 10Sidaasaa hawshii loo hagaajiyey, oo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawina waxay kala istaageen meelahoodii siday kooxahoodii kala ahaayeen, taasoo waafaqsan boqorka amarkiisii.

  • 1¶ Waxaa soo dhowaatay Iiddii Kibistii-aan-khamiirka-lahayn oo la yidhaahdo Kormaridda.

  • Luuk 22:7-8
    2 aayado
    68%

    7¶ Waxaa timid maalintii Iidda Kibista-aan-khamiirka-lahayn, tan la leeyahay in neefka Kormaridda la gowraco.

    8Markaasaa Ciise wuxuu diray Butros iyo Yooxanaa isagoo ku leh, Taga oo Kormaridda inoo soo diyaargareeya aan cunnee.

  • 13¶ Iiddii Kormaridda oo Yuhuudda waa dhowayd, oo Ciisena wuxuu u kacay Yeruusaalem.

  • 9Markaasaa raggii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin oo dhammu intii saddex maalmood ah ku soo wada urureen Yeruusaalem, oo taasu waxay ahayd bishii sagaalaad maalinteedii labaatanaad, kolkaasaa dadkii oo dhammu wuxuu fadhiistay bannaankii guriga Ilaah hortiisa ahaa, iyagoo gariiraya xaalkan aawadiis iyo roobkii weynaa daraaddiis.

  • 21¶ Markaasaa Muuse wuxuu u wada yeedhay waayeelladii reer binu Israa'iil oo dhan, oo wuxuu iyagii ku yidhi, La baxa wanan oo qoys, qoys u qaata, oo qala wanka Kormaridda.