2 Taariikhdii 7:1

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Haddaba Sulaymaan markuu tukashadiisii dhammeeyey, dab baa samada ka yimid oo wada gubay qurbaankii la gubayay iyo allabaryadiiba, oo gurigana waxaa ka buuxsantay ammaantii Rabbiga.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 18:38 : 38 Markaasaa Rabbiga dabkiisii soo dhacay oo wuxuu gubay allabariga la gubo, iyo qoryihii, iyo dhagxantii, iyo boodhkii, oo xataa biyihii godka ku jirayna ololkii baa leefay.
  • 1 Taar 21:26 : 26 Markaasaa Daa'uud halkaas Rabbiga uga dhisay meel allabari, oo wuxuu u bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino, oo Rabbiguu baryay, oo isna wuxuu isagii samada ugaga jawaabay dab ku soo kor dhacay meeshii qurbaanka la gubo.
  • Laaw 9:23-24 : 23 Markaasay Muuse iyo Haaruun teendhadii shirka galeen, oo haddana way ka soo bexeen oo dadkii u duceeyeen; kolkaasaa ammaantii Rabbigu dadkii oo dhan u muuqatay. 24 Oo Rabbiga hortiisa waxaa ka yimid dab, oo meesha allabariga dusheedii ayuu ku baabba'saday qurbaankii la gubayay iyo baruurtii, oo dadkii oo dhammuna markay taas arkeen ayay qayliyeen oo wejigooda u dheceen.
  • 1 Boq 18:24 : 24 Oo markaas idinku u yeedha magaca ilaahiinna, oo anna waxaan u yeedhanayaa magaca Rabbiga; oo markaas Ilaahii dab ku soo jawaabaa ha ahaado Ilaah. Markaasaa dadkii oo dhammu jawaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kaasu waa hadal wanaagsan.
  • Bil 15:17 : 17 Oo waxay noqotay, markii qorraxdii dhacday oo ay ahayd gudcur, in girgire qiiqaya iyo dab ololaya ay dhex mareen cadadkii.
  • Bax 29:43 : 43 Oo halkaas reer binu Israa'iil ayaan kula kulmi doonaa; oo taambuugguna wuxuu quduus ku noqon doonaa ammaantayda.
  • Bax 40:34-35 : 34 ¶ Markaasaa daruurtii teendhadii shirka qarisay, ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxsantay. 35 Oo Muusena inuu teendhadii shirka galo wuu kari waayay, maxaa yeelay, daruurtii baa dul joogtay, oo ammaantii Rabbiguna taambuuggay ka buuxday.
  • Xaak 6:21 : 21 Markaasaa malaggii Rabbigu wuxuu soo taagay ushii gacantiisa ku jirtay dabadeedii, oo wuxuu ku taabtay hilibkii iyo kibistii aan khamiirka lahayn, markaasaa dab ka soo baxay dhagaxii, oo wuxuu laastay hilibkii iyo kibistii aan khamiirka lahayn; oo markaasaa malaggii Rabbigu ka libdhay araggiisii.
  • 1 Boq 8:10-11 : 10 Oo kolkii wadaaddadii ka soo baxeen meeshii quduuska ahayd ayaa daruurtii ka buuxsantay gurigii Rabbiga, 11 oo sidaas daraaddeed wadaaddadii way taagnaan kari waayeen inay adeegaan daruurtii aawadeed; waayo, Rabbiga ammaantiisii ayaa ka buuxsantay gurigii Rabbiga.
  • 1 Boq 8:54-61 : 54 ¶ Oo markii Sulaymaan dhammeeyey tukashadan iyo baryootankan uu Rabbiga baryay oo dhan ayuu ka kacay meeshii Rabbiga allabariga loogu bixin jiray horteeda iyo jilbajooggii uu jilbo joogay isagoo gacmaha xagga samada u fidinaya. 55 Markaasuu istaagay oo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan cod weyn ugu duceeyey, oo yidhi, 56 Waxaa mahad leh Rabbiga nasiyey dadkiisa reer binu Israa'iil siduu ugu ballanqaaday oo dhan, oo wixii uu u ballanqaaday oo dhan eray keliya kama baaqan ballankiisii wanaagsanaa oo dhan, ee uu ugu ballanqaaday addoonkiisii Muuse. 57 Rabbiga Ilaaheenna ahu ha inoola jiro, siduu ula jiray awowayaasheen oo kale; oo yuusan inaga tegin, oo ina dayrin; 58 si uu qalbiyadeenna xaggiisa ugu jeediyo inaynu ku soconno jidadkiisa oo dhan, oo aynu xajinno amarradiisa iyo qaynuunnadiisa iyo xukummadiisa uu awowayaasheen ku amray. 59 Oo erayadaydan aan Rabbiga hortiisa ku baryay, habeen iyo maalinba ha gaadheen Rabbiga Ilaaheenna ah, si uu u yeelo dacwaddayda anoo addoonkiisa ah iyo dacwadda dadkiisa reer binu Israa'iil, sida maalin walba laga doonayo, 60 si ay dadka dunida jooga oo dhammu u ogaadaan in Rabbigu Ilaah yahay oo aan mid kale jirin. 61 Sidaas daraaddeed qalbigiinnu ha u qummanaado Rabbiga Ilaaheenna ah, inaad qaynuunnadiisa ku socotaan oo aad amarradiisa xajisaan sida maanta oo kale.
  • 2 Taar 5:13-14 : 13 oo haddana markii kuwii turumbada afuufayay iyo kuwii gabayaaga ahaaba ay luuqdii isla heleen sidii iyagoo ah isku nin, si ay u sameeyaan cod keliya oo laga maqlo Rabbiga ammaaniddiisa iyo ku-mahadnaqiddiisa, oo markay codkoodii kor u qaadeen oo ay ka dhawaajiyeen turumbooyinkii iyo suxuuntii laysku garaacayay iyo alaabtii muusikada, oo ay Rabbiga ammaaneen iyagoo leh, Wuu wanaagsan yahay, waayo, naxariistiisu way raagtaa weligeedba, ayaa daruuri ka buuxsantay gurigii Rabbiga, 14 oo sidaas daraaddeed wadaaddadii way taagnaan kari waayeen inay adeegaan daruurtii aawadeed, waayo, Rabbiga ammaantiisa ayaa ka buuxsantay gurigii Ilaah.
  • Ish 6:1-4 : 1 ¶ Sannaddii Boqor Cusiyaah dhintay ayaan arkay Rabbiga oo ku fadhiya carshi sare oo dheer, oo faraqii dharkiisa ayaa macbudkii buuxiyey. 2 Oo meel isaga ka sarraysayna waxaa taagnaa seraafiim, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa lix baal, laba wejigiisuu ku deday, labana cagihiisuu ku deday, labana wuu ku duulay. 3 Oo midba wuxuu u qaylinayay midka kale, oo waxay lahaayeen, Quduus, quduus, quduus waxaa ah Rabbiga ciidammada, oo dhulka oo dhanna waxaa ka buuxda ammaantiisa. 4 Oo aasaaska iridda ayaa la gariiray kii qayliyey codkiisii, oo gurigiina waxaa ka buuxsamay qiiq.
  • Ish 65:24 : 24 Intaanay dhawaaqin ayaan u jawaabi doonaa, oo intay weli hadlayaan ayaan maqli doonaa.
  • Yex 10:3-4 : 3 Haddaba keruubiimtu waxay taagnaayeen guriga dhankiisa midigta markuu ninkii gudaha galay, oo barxaddii hoose waxaa ka buuxsantay daruur. 4 Markaasaa ammaantii Rabbigu keruubkii marinkii guriga uga kacday, oo gurigiina waxaa ka buuxsantay daruurtii, oo barxaddiina waxaa ka buuxsamay dhalaalkii ammaanta Rabbiga.
  • Yex 43:5 : 5 Oo Ruuxii ayaa kor ii soo qaaday, oo wuxuu i geeyey barxaddii gudaha, oo bal eeg, sharaftii Rabbiga ayaa daartii buuxisay.
  • Yex 44:4 : 4 Markaasuu i keenay jidkii iridda woqooyi ee daarta ku hor yiil, oo waan fiiriyey oo bal eeg, sharaftii Rabbiga ayaa daartii Rabbiga ka buuxsantay, oo aniguna wejigaan u dhacay.
  • Daan 9:20 : 20 ¶ Oo intii aan hadlayay, oo aan tukanayay, oo aan dembigayga iyo dembigii dadkayga reer binu Israa'iil qiranayay, oo aan Rabbiga Ilaahayga ah u baryayay buurta quduuska ah oo Ilaahay,
  • Xag 2:7-9 : 7 Oo quruumaha oo dhanna waan gariirin doonaa, oo waxa ay quruumaha oo dhammu jeclaystaan way iman doonaan, oo anna gurigan waxaan ka buuxin doonaa ammaan, ayaa Rabbiga ciidammadu leeyahay. 8 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Lacagta anigaa leh, oo dahabkana anigaa leh. 9 Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Ammaanta gurigan dambe waa ka sii weynaan doontaa tan kii hore. Oo Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Meeshan dhexdeeda ayaan nabad ku siin doonaa.
  • Mal 3:1-2 : 1 ¶ Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaan soo dirayaa wargeeyahayga, oo isna jidka ayuu hortayda ku sii diyaargarayn doonaa. Oo Sayidka aad doondoonaysaanna dhaqsiyuu macbudkiisa u iman doonaa, oo bal eega, wargeeyihii axdiga oo aad ku faraxdaanna wuu imanayaa. 2 Laakiinse bal yaa u adkaysan kara maalinta imaatinkiisa? Bal yaase taagnaan doona markuu muuqdo? Waayo, isagu waa sida dabka lacagmiiraha iyo sida saabuunta dharmaydhaha.
  • Fal 4:31 : 31 Oo markay tukadeen dabadeed, meeshay ku urursanaayeen baa gariirtay; oo dhammaantood waxaa ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo ereygii Ilaah bay dhiirranaan ugu hadleen.
  • Fal 16:25-26 : 25 Laakiin abbaaraha habeenbadhka Bawlos iyo Silas ayaa tukanayay oo Ilaah gabay ku ammaanayay, maxaabiistuna way dhegaysanayeen; 26 oo filanla'aan waxaa dhacay dhulgariir weyn, sidaas darteed aasaaskii xabsigu waa ruxmay; oo markiiba albaabbadii oo dhammu waa wada furmeen; mid walbana silsiladihiisii waa ka furmeen.
  • Muj 21:23 : 23 Oo magaaladuna uma baahna qorrax iyo dayax toona inay dusheeda ka iftiimaan; waayo, ammaanta Ilaah ayaa iftiin u ahayd, oo laambadeeduna waa Wanka.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Taar 7:2-5
    4 aayado
    81%

    2Oo wadaaddadiina ma ay geli karin gurigii Rabbiga, maxaa yeelay, gurigii Rabbiga waxaa ka buuxsantay ammaantii Rabbiga.

    3Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way wada eegeen markii dabku samada ka yimid, oo ammaantii Rabbiguna ay guriga kor joogtay, markaasay wada sujuudeen oo wejigooda dhulka sallaxa ah saareen, oo Rabbigay caabudeen oo ku mahadnaqeen, waxayna yidhaahdeen, Isagu wuu wanaagsan yahay, waayo, naxariistiisu weligeedba way raagtaa.

    4Markaasay boqorkii iyo dadkii oo dhammuba allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyeen.

    5Oo Boqor Sulaymaan wuxuu allabari ahaan u bixiyey laba iyo labaatan kun oo dibi iyo boqol iyo labaatan kun oo ido ah. Sidaasay boqorkii iyo dadkii kale oo dhammuba gooni uga dhigeen gurigii Ilaah.

  • 2 Taar 7:7-8
    2 aayado
    79%

    7Oo weliba Sulaymaan wuxuu quduus ka dhigay barxaddii ka horraysay guriga Rabbiga dhexdeeda, waayo, halkaas wuxuu ku bixiyey qurbaannada la gubo, iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada, maxaa yeelay, meeshii allabariga oo naxaasta ahayd ee uu Sulaymaan sameeyey ma ay wada qaadi karin qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka iyo baruurtaba.

    8Oo wakhtigaas Sulaymaan sidaasuu iiddii u sameeyey toddoba maalmood, iyadoo ay la joogaan reer binu Israa'iil oo dhammu, kuwaasoo ahaa shir aad u weyn, oo waxay ka yimaadeen meesha Xamaad laga soo galo iyo ilaa durdurka Masar.

  • 79%

    11¶ Haddaba Sulaymaan sidaasuu u dhammeeyey gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorkaba, oo wax alla wixii galay Sulaymaan qalbigiisa inuu u sameeyo gurigii Rabbiga iyo isaga gurigiisiiba dhammaan wuu ku liibaanay.

    12Oo Rabbiga wuxuu Sulaymaan u muuqday goor habeennimo ah, oo ku yidhi, Baryadaadii waan maqlay oo meeshanna waan u doortay inay guri lagu allabaryo ii ahaato.

  • 12¶ Oo haddana Sulaymaan wuxuu Rabbiga qurbaanno la gubo ugu bixiyey meeshii allabariga ee Rabbiga oo uu isagu ka dhisay balbalada horteedii.

  • 1¶ Oo Sulaymaan markuu dhammeeyey dhismihii guriga Rabbiga, iyo gurigii boqorka, iyo kulli wixii uu damacsanaa oo uu ku faraxsanaa inuu sameeyo oo dhan,

  • 38Markaasaa Rabbiga dabkiisii soo dhacay oo wuxuu gubay allabariga la gubo, iyo qoryihii, iyo dhagxantii, iyo boodhkii, oo xataa biyihii godka ku jirayna ololkii baa leefay.

  • 2 Taar 1:6-7
    2 aayado
    76%

    6Markaasaa Sulaymaan kor ugu baxay meeshii allabariga ee naxaasta ahayd oo Rabbiga hor tiil, taasoo teendhadii shirka hor qotontay, oo wuxuu ku dul bixiyey kun qurbaan oo la gubo.

    7¶ Oo habeenkaas ayaa Ilaah Sulaymaan u muuqday oo ku yidhi, I bari waxaad doonaysid aan ku siiyee.

  • 75%

    10Oo kolkii wadaaddadii ka soo baxeen meeshii quduuska ahayd ayaa daruurtii ka buuxsantay gurigii Rabbiga,

    11oo sidaas daraaddeed wadaaddadii way taagnaan kari waayeen inay adeegaan daruurtii aawadeed; waayo, Rabbiga ammaantiisii ayaa ka buuxsantay gurigii Rabbiga.

    12¶ Markaasaa Sulaymaan hadlay oo yidhi, Rabbiyow, waxaad sheegtay inaad gudcurka qarada weyn dhex degganaanayso.

  • 54¶ Oo markii Sulaymaan dhammeeyey tukashadan iyo baryootankan uu Rabbiga baryay oo dhan ayuu ka kacay meeshii Rabbiga allabariga loogu bixin jiray horteeda iyo jilbajooggii uu jilbo joogay isagoo gacmaha xagga samada u fidinaya.

  • 24Oo Rabbiga hortiisa waxaa ka yimid dab, oo meesha allabariga dusheedii ayuu ku baabba'saday qurbaankii la gubayay iyo baruurtii, oo dadkii oo dhammuna markay taas arkeen ayay qayliyeen oo wejigooda u dheceen.

  • 1 Boq 3:2-4
    3 aayado
    74%

    2Oo dadka ayaa ku allabaryi jiray meelaha sarsare oo keliya, maxaa yeelay, ilaa wakhtigaas ma uu jirin guri magaca Ilaah loo dhisay.

    3Oo Sulaymaanna Rabbiga wuu jeclaa, oo wuxuu ku socday qaynuunnadii aabbihiis Daa'uud; laakiin meelaha sarsare ayuu ku allabaryi jiray, fooxna ku shidi jiray.

    4¶ Markaasaa boqorkii Gibecoon tegey inuu ku soo allabaryo; waayo, halkaasaa ahayd meesha sare ee weyn; oo meeshaas allabariga Sulaymaan wuxuu ku bixiyey kun qurbaan oo la gubo.

  • 22¶ Markaasaa Sulaymaan hor istaagay meeshii allabariga ee Rabbiga iyadoo ay wada joogaan shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu, oo intuu gacmihiisii xagga samada u kala bixiyey,

  • 25Oo sannaddiiba saddex jeer ayuu Sulaymaan meeshii allabariga oo uu Rabbiga u dhisay ku bixin jiray qurbaanno la gubo, iyo qurbaanno nabaadiino, oo girgirihii Rabbiga hor yiilna wuxuu ku gubi jiray foox, oo saasuu gurigii ku dhammeeyey.

  • 15Markaasaa Sulaymaan toosay, oo bal eeg waxay ahayd riyo; oo intuu Yeruusaalem yimid ayuu hor istaagay sanduuqii axdiga Rabbiga, oo wuxuu bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino, oo addoommadiisii oo dhan ayuu diyaafad u sameeyey.

  • 14oo sidaas daraaddeed wadaaddadii way taagnaan kari waayeen inay adeegaan daruurtii aawadeed, waayo, Rabbiga ammaantiisa ayaa ka buuxsantay gurigii Ilaah.

  • 16¶ Haddaba Sulaymaan shuqulkiisa oo dhammu diyaar buu u ahaa maalintii guriga Rabbiga aasaaskiisa la dhigay iyo ilaa maalintii la dhammeeyey. Oo sidaasaa guriga Rabbiga loo ebyey.

  • 51Oo saasuu ku wada dhammaaday shuqulkii uu Boqor Sulaymaan ku sameeyey guriga Rabbiga. Oo Sulaymaanna wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis Daa'uud quduuska ka dhigay ee ahayd lacagtii, iyo dahabkii, iyo weelashii, oo wuxuu ku riday khasnadihii guriga Rabbiga.

  • 11Oo Sulaymaanna waxaa u yimid Eraygii Rabbiga, oo wuxuu ku yidhi,

  • 47Laakiinse Sulaymaan baa guri u dhisay.

  • 72%

    62¶ Markaas boqorkii iyo reer binu Israa'iil oo dhammaantood la jira ayaa allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyey.

    63Oo Sulaymaan qurbaannada nabaadiinada ee uu Rabbiga u bixiyey waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun oo dibi, iyo boqol iyo labaatan kun oo ido ah. Oo sidaasay boqorkii iyo reer binu Israa'iil oo dhammuba gooni uga dhigeen gurigii Rabbiga.

    64Oo isla maalintaasuu boqorku quduus ka dhigay barxaddii ka horraysay guriga Rabbiga dhexdeeda, waayo, halkaas wuxuu ku bixiyey qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada; maxaa yeelay, meeshii allabariga oo naxaasta ahayd ee Rabbiga hor tiil way ku yarayd oo ma wada qaadin qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada.

  • 26Markaasaa Daa'uud halkaas Rabbiga uga dhisay meel allabari, oo wuxuu u bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino, oo Rabbiguu baryay, oo isna wuxuu isagii samada ugaga jawaabay dab ku soo kor dhacay meeshii qurbaanka la gubo.

  • 3Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waan maqlay tukashadaadii iyo baryootankaagii aad hortayda ku samaysay; oo quduus baan ka dhigay gurigan aad dhistay si magacayga weligiisba halkaas loogu daayo, oo indhahayga iyo qalbigayguna halkaasay joogi doonaan weligood iyo weligoodba.

  • 13(waayo, Sulaymaan wuxuu sameeyey mambar naxaas ah oo dhererkiisu ahaa shan dhudhun, ballaadhkiisuna shan dhudhun, sarajooggiisuna saddex dhudhun, oo wuxuu qotomiyey barxadda dhexdeedii, oo intuu ku kor istaagay ayuu shirkii reer binu Israa'iil oo dhan hortooda ku jilba joogsaday, oo gacmihiisuu xagga samada u kala bixiyey).

  • 5Oo Boqor Sulaymaan iyo shirkii reer binu Israa'iil oo isaga u soo ururay oo dhammu waxay wada joogeen sanduuqii hortiisa, iyagoo ku allabaryaya ido iyo dibi aan la sheegi karin ama aan farahooda la tirin karin.

  • 14Sidaasaa Sulaymaan gurigii u dhisay oo u dhammeeyey.

  • 1¶ Oo saasuu ku wada dhammaaday shuqulkii uu Boqor Sulaymaan u sameeyey guriga Rabbiga. Oo Sulaymaanna wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis Daa'uud quduuska ka dhigay ee ahayd lacagtii, iyo dahabkii, iyo weelashii, oo wuxuu ku riday khasnadihii guriga Ilaah.

  • 27Markaasaa wadaaddadii reer Laawi ahaa kaceen oo dadkii u duceeyeen, oo codkoodiina waa la maqlay, oo baryootankoodii wuxuu soo gaadhay samada ee ah Rabbiga rugtiisa quduuska ah.

  • 1¶ Markaasaa Sulaymaan hadlay oo yidhi, Rabbiyow, waxaad sheegtay inaad gudcurka qarada weyn dhex degganaanayso.

  • 4Bal eeg, waxaan guri u dhisayaa magaca Rabbiga Ilaahayga ah, inaan isaga quduus uga dhigo, oo hortiisa lagu shido foox udgoon, oo la hor dhigo kibista tusniinta oo joogtada ah, oo la bixiyo qurbaannada la gubo subaxda iyo fiidka, iyo Sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo ciidaha Rabbiga Ilaahayaga ah. Kaasuna waa amar reer binu Israa'iil weligiis la amray.

  • 35Markaasaa dab Rabbiga xaggiisa ka yimid oo baabbi'iyey laba boqol iyo kontonkii nin oo fooxa bixiyey.

  • 22Oo guriga oo dhanna wuxuu ku dahaadhay dahab jeer uu gurigii oo dhammu dhammaaday. Oo meesha ugu quduusan meesheedii allabarigana wuu ku dahaadhay dahab.

  • 1¶ Haddaba Sulaymaan wuxuu u qasdiyey inuu guri u dhiso Rabbiga magiciisa, iyo guri kale oo boqortooyadiisu leedahay.

  • 53Sidaas daraaddeed Boqor Sulaymaan wuu u cid diray, oo waxaa laga soo kaxeeyey meeshii allabariga. Oo isna wuu yimid oo u sujuuday Boqor Sulaymaan, oo Sulaymaanna wuxuu ku yidhi, Orod, gurigaagii tag.

  • 4Markaasaa ammaantii Rabbigu keruubkii marinkii guriga uga kacday, oo gurigiina waxaa ka buuxsantay daruurtii, oo barxaddiina waxaa ka buuxsamay dhalaalkii ammaanta Rabbiga.

  • 4Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan oo dhan, iyo gurigii uu dhisay,

  • 1¶ Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan guriga Rabbiga iyo gurigiisiiba dhisayay,

  • 3Boqoraddii Shebaana markay aragtay xigmaddii Sulaymaan iyo gurigii uu dhisay,