Laawiyiintii 9:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Rabbiga hortiisa waxaa ka yimid dab, oo meesha allabariga dusheedii ayuu ku baabba'saday qurbaankii la gubayay iyo baruurtii, oo dadkii oo dhammuna markay taas arkeen ayay qayliyeen oo wejigooda u dheceen.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xaak 6:21 : 21 Markaasaa malaggii Rabbigu wuxuu soo taagay ushii gacantiisa ku jirtay dabadeedii, oo wuxuu ku taabtay hilibkii iyo kibistii aan khamiirka lahayn, markaasaa dab ka soo baxay dhagaxii, oo wuxuu laastay hilibkii iyo kibistii aan khamiirka lahayn; oo markaasaa malaggii Rabbigu ka libdhay araggiisii.
  • 1 Boq 18:38-39 : 38 Markaasaa Rabbiga dabkiisii soo dhacay oo wuxuu gubay allabariga la gubo, iyo qoryihii, iyo dhagxantii, iyo boodhkii, oo xataa biyihii godka ku jirayna ololkii baa leefay. 39 Oo markii dadkii taas arkay ayay wejiga u wada dhaceen; oo waxay yidhaahdeen, Rabbigu isagu waa Ilaah, Rabbigu isagu waa Ilaah.
  • Xaak 13:19-20 : 19 Sidaas daraaddeed Maanoo'ax wuxuu qaaday orgigii yaraa iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, oo dhagax dushiis buu Rabbiga ugu bixiyey; oo malaa'igtiina yaab bay samaysay, Maanoo'ax iyo afadiisiina way fiiriyeen. 20 Waayo, markii ololkii meesha allabariga ka kacay xagga samada, ayay malaa'igtii Rabbigu kor u raacday ololkii meesha allabariga; Maanoo'ax iyo afadiisiina way fiiriyeen; oo intay dhaceen ayay wejigoodii dhulka saareen.
  • Cesr 3:11 : 11 Oo markaasay darandoorri u gabyeen iyagoo Rabbiga ammaanaya oo u mahadnaqaya, oo leh, Isagu wuu wanaagsan yahay, reer binu Israa'iilna weligiisba wuu u naxariistaa. Oo markay Rabbiga ammaaneen ayaa dadkii oo dhammu dhawaaq weyn ku dhawaaqay, maxaa yeelay, waxaa la dhigay aasaaskii gurigii Rabbiga.
  • 1 Taar 21:26 : 26 Markaasaa Daa'uud halkaas Rabbiga uga dhisay meel allabari, oo wuxuu u bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino, oo Rabbiguu baryay, oo isna wuxuu isagii samada ugaga jawaabay dab ku soo kor dhacay meeshii qurbaanka la gubo.
  • 2 Taar 6:2 : 2 Laakiinse waxaan kuu dhisay guri rug kuu ah oo ah meel aad weligaa degganaanayso.
  • 2 Taar 7:1-3 : 1 ¶ Haddaba Sulaymaan markuu tukashadiisii dhammeeyey, dab baa samada ka yimid oo wada gubay qurbaankii la gubayay iyo allabaryadiiba, oo gurigana waxaa ka buuxsantay ammaantii Rabbiga. 2 Oo wadaaddadiina ma ay geli karin gurigii Rabbiga, maxaa yeelay, gurigii Rabbiga waxaa ka buuxsantay ammaantii Rabbiga. 3 Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way wada eegeen markii dabku samada ka yimid, oo ammaantii Rabbiguna ay guriga kor joogtay, markaasay wada sujuudeen oo wejigooda dhulka sallaxa ah saareen, oo Rabbigay caabudeen oo ku mahadnaqeen, waxayna yidhaahdeen, Isagu wuu wanaagsan yahay, waayo, naxariistiisu weligeedba way raagtaa.
  • Sab 20:3-4 : 3 Ha xusuusto qurbaannadaadii oo dhan, Oo ha aqbalo allabarigaagii gubnaa, (Selaah) 4 Oo ha ku siiyo waxa qalbigaagu doono, Oo ha kuu yeelo muraadkaaga oo dhan.
  • Sab 80:1 : 1 Na maqal, Adhijirka reer binu Israa'iil jirow, Kaaga reer Yuusuf sida adhi u hor kacow, Kaaga Keruubiimta ku dul fadhiyow, soo iftiin.
  • Mat 26:39 : 39 Waxoogaa ayuu hore u socday, oo wejigiisuu u dhacay oo tukaday isagoo leh, Aabbow, hadday suurtowdo, koobkanu ha i dhaafo, hase ahaatee, yaanay noqon sidaan doonayo laakiin sidaad doonaysid ha noqoto.
  • Muj 4:9 : 9 ¶ Oo marka xayawaanku ay ammaanaan oo ciseeyaan oo mahad u naqaan kan carshiga ku fadhiya oo ah kan nool weligiis iyo weligiis,
  • Muj 5:8 : 8 Oo markuu kitaabkii qaatay ayaa afartii xayawaan iyo afar iyo labaatankii odayba waxay ku dhaceen Wankii hortiisa iyagoo midkood waluba wato kataarad iyo fijaanno dahab ah oo foox ka buuxo oo ah baryadii quduusiinta.
  • Muj 7:11 : 11 Oo malaa'igihii oo dhammuna waxay taagnaayeen carshiga hareerihiisa iyo odayaashii iyo afartii xayawaan hareerahooda; oo carshiga hortiisii ayay ku dhaceen oo intay wejigooda dhulka saareen ayay Ilaah caabudeen,
  • Xaak 13:23 : 23 Laakiinse afadiisii waxay ku tidhi, Hadduu Rabbigu doonayo inuu ina dilo, inagama uu aqbaleen qurbaan la gubo iyo qurbaan hadhuudh ah, oo waxyaalahan oo dhanna inama uu tuseen, oo haatanna inooma uu sheegeen waxyaalo caynkan ah.
  • 2 Boq 19:15 : 15 Oo Xisqiyaah wuxuu ku baryootamay Rabbiga hortiisa oo yidhi, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, kan keruubiimta ku dul fadhiyow, waxaad tahay Ilaah, oo adiga keligaa ayaa ah Ilaaha boqortooyooyinka dunida oo dhan, oo cirka iyo dhulkana adigaa sameeyey.
  • Bil 4:3-4 : 3 Maalmo dabadeed waxay noqotay in Qaabiil qurbaan ahaan Rabbiga ugu keenay midhihii dhulka. 4 Haabiilna wuxuu wax uga keenay curadyadii adhigiisa iyo baruurtoodiiba. Rabbiguna wuu eegay Haabiil iyo qurbaankiisii;
  • Bil 15:17 : 17 Oo waxay noqotay, markii qorraxdii dhacday oo ay ahayd gudcur, in girgire qiiqaya iyo dab ololaya ay dhex mareen cadadkii.
  • Bil 17:3 : 3 Markaasuu Aabraam wejiga u dhacay; oo Ilaah baa la hadlay isagoo ku leh,
  • Bax 3:2 : 2 Markaasaa malaa'igtii Rabbigu waxay uga muuqatay dab ololaya oo ka baxaya geed dhexdiis, kolkaasuu fiiriyey oo wuxuu arkay geedkii oo ololaya oo dabku gubayo, geedkuna ma basayn.
  • Laaw 6:13 : 13 Oo dab joogto ah waa in meesha allabariga dusheeda laga sii ololiyaa had iyo goorba, oo waa inuusan marna demin.
  • Tir 14:5 : 5 Markaasaa Muuse iyo Haaruun waxay ku hor dheceen ururkii shirka reer binu Israa'iil oo dhan.
  • Tir 16:22 : 22 Markaasay wejiga dhulka dhigeen, oo waxay yidhaahdeen, Ilaahow, adigoo ah Ilaaha binu-aadmiga oo dhan ruuxoodow, haddaba nin keliyahaa dembaabaye ma dadka shirka oo dhan baad u cadhoonaysaa?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 82%

    38Markaasaa Rabbiga dabkiisii soo dhacay oo wuxuu gubay allabariga la gubo, iyo qoryihii, iyo dhagxantii, iyo boodhkii, oo xataa biyihii godka ku jirayna ololkii baa leefay.

    39Oo markii dadkii taas arkay ayay wejiga u wada dhaceen; oo waxay yidhaahdeen, Rabbigu isagu waa Ilaah, Rabbigu isagu waa Ilaah.

  • 2Oo dab baa Rabbiga hortiisa ka yimid, oo iyagii baabba'saday, oo Rabbiga hortiisa ayay ku dhinteen.

  • Tir 16:34-36
    3 aayado
    79%

    34Markaasaa reer binu Israa'iilkii hareerahooda joogay waxay ka carareen qayladoodii, waayo, waxay isyidhaahdeen, War aarmaa dhulku innagana ina liqaa.

    35Markaasaa dab Rabbiga xaggiisa ka yimid oo baabbi'iyey laba boqol iyo kontonkii nin oo fooxa bixiyey.

    36¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 17Oo muuqashada ammaantii Rabbigu waxay reer binu Israa'iil ula ekayd sidii dab wax gubaya buurta dusheeda.

  • Laaw 9:22-23
    2 aayado
    76%

    22Markaasaa Haaruun gacmihiisii ku soo taagay dadka xaggiisii, oo wuu u duceeyey iyagii; markaasuu ka soo degtay bixintii uu bixinayay qurbaankii dembiga, iyo qurbaankii la gubayay, iyo qurbaannadii nabaadiinada.

    23Markaasay Muuse iyo Haaruun teendhadii shirka galeen, oo haddana way ka soo bexeen oo dadkii u duceeyeen; kolkaasaa ammaantii Rabbigu dadkii oo dhan u muuqatay.

  • 3Oo reer binu Israa'iil oo dhammuna way wada eegeen markii dabku samada ka yimid, oo ammaantii Rabbiguna ay guriga kor joogtay, markaasay wada sujuudeen oo wejigooda dhulka sallaxa ah saareen, oo Rabbigay caabudeen oo ku mahadnaqeen, waxayna yidhaahdeen, Isagu wuu wanaagsan yahay, waayo, naxariistiisu weligeedba way raagtaa.

  • 1¶ Haddaba Sulaymaan markuu tukashadiisii dhammeeyey, dab baa samada ka yimid oo wada gubay qurbaankii la gubayay iyo allabaryadiiba, oo gurigana waxaa ka buuxsantay ammaantii Rabbiga.

  • 20Markaasay baruurtii saareen sakaarradii, oo isna baruurtii buu ku dul gubay meeshii allabariga.

  • 45Adigu shirkan ka soo kac, aan iyaga daqiiqad ku baabbi'iyee. Oo iyana markaasay wejiga dhulka dhigeen.

  • 19Oo dibiga xaydhiisa oo dhanna waa inuu ka bixiyaa, oo meesha allabariga ku dul gubaa.

  • 6Markaasay Muuse iyo Haaruun ururka hortiisii uga tageen iriddii teendhadii shirka, kolkaasay wejiga dhulka dhigeen, oo waxaa iyagii u muuqatay ammaantii Rabbiga.

  • Laaw 9:13-14
    2 aayado
    74%

    13Oo haddana waxay isagii u keeneen neefkii qurbaankii la gubo oo cad cad ah iyo madaxii neefka, oo isna wuxuu ku dul gubay meesha allabariga.

    14Markaasuu biyo ku maydhay uurkujirtii iyo addimmadii, oo wuxuu ku dul gubay qurbaankii la gubayay oo meesha allabariga saarnaa.

  • 26Markaasaa Daa'uud halkaas Rabbiga uga dhisay meel allabari, oo wuxuu u bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino, oo Rabbiguu baryay, oo isna wuxuu isagii samada ugaga jawaabay dab ku soo kor dhacay meeshii qurbaanka la gubo.

  • 20Waayo, markii ololkii meesha allabariga ka kacay xagga samada, ayay malaa'igtii Rabbigu kor u raacday ololkii meesha allabariga; Maanoo'ax iyo afadiisiina way fiiriyeen; oo intay dhaceen ayay wejigoodii dhulka saareen.

  • 10Laakiinse xaydhii, iyo kelyihii, iyo xuubkii laga soo gooyay beerkii qurbaanka dembiga wuxuu ku dul gubay meesha allabariga sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 13Oo waxaad qaaddaa xaydha gudaha ku jirta oo dhan, iyo xuubka beerka ku dul yaal, iyo labada kelyood, iyo xaydha dushooda ku taal, oo meesha allabariga ku dul gub.

  • 9Oo dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq, Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya; Oo dhuxulaa ka shidmay isaga.

  • 5Oo iyana waxay teendhadii shirka horteeda keeneen wixii Muuse amray, markaasay dadkii ururkii oo dhammu soo dhowaadeen oo Rabbiga hortiisa istaageen.

  • 25Oo markaas waa inaad gacmahooda ka qaaddid, oo waxaad ku dul gubtaa qurbaanka la gubo oo meesha allabariga kor yaal, inay caraf udgoon ku ahaadaan Rabbiga hortiisa. Waa qurbaan dab loogu sameeyey Rabbiga.

  • 16Oo wuxuu qaaday kulli xaydhii uurka ku jirtay oo dhan, iyo xuubkii beerka ku dul yiil, iyo labada kelyood iyo xaydhooda, oo Muuse intaasuu ku dul gubay meesha allabariga.

  • 29waayo, Ilaaheennu waa dab wax baabbi'iya.

  • Laaw 9:16-17
    2 aayado
    72%

    16Oo haddana wuxuu keenay neefkii qurbankii la gubo ahaa, oo si qaynuunka waafaqsan ayuu u bixiyey.

    17Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii hadhuudhka, markaasuu cantoobo muggeed ka qaaday oo ku dul gubay meesha allabariga, kaasoo ka gooni ah qurbaankii la gubayay oo subaxnimada.

  • 12Oo haddana isagu xubin xubin ha u kala googooyo, iyo madaxiisa iyo baruurtiisa, oo markaas wadaadku waa inuu ku dul hagaajiyo qoryaha dabka meesha allabariga saaran,

  • 28Kolkaasaa Muuse gacmahoodii ka qaaday oo wuxuu qurbaankii la gubayay kula dul gubay meesha allabariga, oo waxay ahaayeen quduuskadhigidda oo caraf udgoon loo bixiyo. Taasu waxay ahayd qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.

  • 5Oo meeshii allabariguna way kala dillaacday, oo dambaskiina wuu ka soo daatay meeshii allabariga, sidii calaamaddii uu ninka Ilaah bixiyey ee Rabbigu ku amray.

  • 18Oo wanka oo dhan waa inaad ku dul gubtaa meesha allabariga, waayo, waa qurbaan Rabbiga loo gubo; oo waa caraf udgoon oo waa qurbaan dab loogu sameeyo Rabbiga.

  • Laaw 1:7-9
    3 aayado
    71%

    7Oo wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu waa inay meesha allabariga dab ku shubaan oo haddana waa inay qoryo ku dul hagaajiyaan dabka,

    8oo markaas wiilasha Haaruun oo wadaaddada ahu xubnaha iyo madaxa iyo baruurta ha ku dul hagaajiyeen qoryaha dabka meesha allabariga saaran,

    9laakiinse neefka uurkujirtiisa iyo addimmadiisa biyo ha ku maydho, oo wadaadku meesha allabariga dusheeda dhammaantiis ha ugu gubo qurbaan la gubo oo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

  • 18Oo Buur Siinay dhammaanteed way qiiqaysay, maxaa yeelay, Rabbi baa dusheeda ku soo degay, isagoo dab ku dhex jira, oo qiiqeediina kor buu u baxay sida qiiq foorno oo kale, oo buurtii oo dhammuna aad bay u gariirtay.

  • 25Oo xaydha qurbaanka dembigana waa inuu meesha allabariga ku dul gubaa.

  • Tir 11:1-3
    3 aayado
    71%

    1¶ Oo dadkuna waxay ahaayeen sidii kuwo gunuunac badan, oo wax shar ah ayay Rabbiga dhegihiisa maqashiiyeen. Oo markii Rabbigu maqlay ayaa cadhadiisii kululaatay, oo dabkii Rabbiguna dhexdooduu ka qaxmay, oo xerada meesheedii ugu dambaysay ayuu baabbi'iyey.

    2Markaasaa dadkii waxay u qayliyeen Muuse, kolkaasaa Muuse Rabbiga baryay, oo dabkiina wuu damay.

    3Oo meeshaas magaceediina waxaa loo baxshay Tabceeraah, maxaa yeelay, dabkii Rabbiga ayaa dhexdooda ka qaxmay.

  • 11Oo wadaadku ha ku dul gubo meesha allabariga, waayo, waxaasu waa cuntadii qurbaanka Rabbiga dabka loogu sameeyo.

  • 29Oo meeshii allabariga lagu gubi jirayna wuxuu ag dhigay iridda taambuugga ee teendhada shirka, oo wuxuu dusheeda ku bixiyey qurbaankii la gubayay iyo qurbaankii hadhuudhka ahaa, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • 8Dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq, Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya, oo dhuxulaa ka shidmay isaga.

  • Bax 40:26-27
    2 aayado
    71%

    26Oo meeshii allabariga oo dahabka ahaydna wuu soo geliyey teendhadii shirka, oo wuxuu dhigay ilxidhka hortiisa,

    27oo markaasuu ku shiday foox uunsi udgoon ah, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • Laaw 6:12-13
    2 aayado
    71%

    12Oo dabka meesha allabarigana waa in had iyo goor la sii ololiyaa oo waa inuusan marna demin; oo wadaadku waa inuu subax kasta qoryo saaraa, oo uu qurbaanka la gubona ku dul hagaajiyaa, oo xaydha qurbaanka nabaadiinadana waa inuu ku dul gubaa.

    13Oo dab joogto ah waa in meesha allabariga dusheeda laga sii ololiyaa had iyo goorba, oo waa inuusan marna demin.

  • 9Oo wadaadku qurbaanka hadhuudhka ah waa inuu ka qaadaa intii xusuusta ahayd, oo meesha allabariga dusheeda ha ku gubo, waayo, waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

  • 24Oo markaas idinku u yeedha magaca ilaahiinna, oo anna waxaan u yeedhanayaa magaca Rabbiga; oo markaas Ilaahii dab ku soo jawaabaa ha ahaado Ilaah. Markaasaa dadkii oo dhammu jawaabeen oo waxay yidhaahdeen, Kaasu waa hadal wanaagsan.

  • 12Markaasaa Eliiyaah ugu jawaabay, Haddaan nin Ilaah ahay, samada dab ha ka soo dego, oo ha baabbi'iyo adiga iyo kontonkaaga ninba. Kolkaasaa waxaa samada ka soo degay dabkii Ilaah, oo wuxuu wada baabbi'iyey isagii iyo kontonkiisii ninba.