Tirintii 16:35

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa dab Rabbiga xaggiisa ka yimid oo baabbi'iyey laba boqol iyo kontonkii nin oo fooxa bixiyey.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 10:2 : 2 Oo dab baa Rabbiga hortiisa ka yimid, oo iyagii baabba'saday, oo Rabbiga hortiisa ayay ku dhinteen.
  • Tir 26:10 : 10 oo uu dhulku afka kala qaaday oo liqay iyagii iyo Qorax markii kooxdaasu ay dhinteen, kolkii dabku baabbi'iyey labada boqol iyo kontonka nin oo ay calaamad noqdeen.
  • Sab 106:18 : 18 Oo guutadoodiina dab baa ka dhex shidmay, Ololkiina wuxuu wada gubay kuwii shar lahaa.
  • Tir 16:2 : 2 oo waxay ku hor kaceen Muuse iyaga iyo reer binu Israa'iil qaarkood oo ahaa laba boqol iyo konton amiir oo shirka loo doortay oo wada caan ahaa.
  • Tir 16:17 : 17 Oo idinka nin waluba idankiisa ha qaato oo foox ha ku shubo, oo ninkiin kastaaba idankiisa Rabbiga ha hor keeno, kuwaasoo wada ah laba boqol iyo konton idan, oo weliba adiga iyo Haaruunna idammadiinna soo qaata.
  • Tir 11:1-3 : 1 ¶ Oo dadkuna waxay ahaayeen sidii kuwo gunuunac badan, oo wax shar ah ayay Rabbiga dhegihiisa maqashiiyeen. Oo markii Rabbigu maqlay ayaa cadhadiisii kululaatay, oo dabkii Rabbiguna dhexdooduu ka qaxmay, oo xerada meesheedii ugu dambaysay ayuu baabbi'iyey. 2 Markaasaa dadkii waxay u qayliyeen Muuse, kolkaasaa Muuse Rabbiga baryay, oo dabkiina wuu damay. 3 Oo meeshaas magaceediina waxaa loo baxshay Tabceeraah, maxaa yeelay, dabkii Rabbiga ayaa dhexdooda ka qaxmay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 16:36-41
    6 aayado
    87%

    36¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    37La hadal Elecaasaar ina Haaruun wadaadka ah, oo u sheeg inuu idammada dabka ka bixiyo, adna dabka xagga shishe ku kala firdhi, waayo, iyagu waa quduus.

    38Oo idammada nimankan naftooda ku dembaabay ha laga dhigo dahaadh tuman oo meesha allabariga lagu dahaadho; waayo, Rabbiga hortiisay ku bixiyeen, oo sidaas daraaddeed iyagu waa quduus; oo calaamo bay reer binu Israa'iil u noqon doonaan.

    39Markaasaa wadaadkii Elecaasaar wuxuu soo qaaday idammadii naxaasta ahaa oo ay kuwii gubtay bixiyeen, oo inta la tumay ayaa meesha allabariga dahaadh looga dhigay,

    40inay taasu reer binu Israa'iil xusuus u noqoto, si uusan shisheeye aan Haaruun farcankiisa ahaynu Rabbiga hortiisa ugu soo dhowaan inuu foox u bixiyo, si uusan u noqon sidii Qorax iyo guutadiisa, sidii Rabbigu isaga ugula hadlay Muuse.

    41¶ Laakiinse subaxdii dambe shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu way u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo waxay ku yidhaahdeen, Idinku dadkii Rabbiga waad layseen.

  • Laaw 10:1-2
    2 aayado
    82%

    1¶ Oo Naadaab iyo Abiihuu oo ahaa wiilashii Haaruun ayaa midkood waluba qaatay idankiisii, oo dab bay ku rideen, fooxna way dul saareen, oo waxay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen dab qalaad oo uusan ku amrin.

    2Oo dab baa Rabbiga hortiisa ka yimid, oo iyagii baabba'saday, oo Rabbiga hortiisa ayay ku dhinteen.

  • 24Oo Rabbiga hortiisa waxaa ka yimid dab, oo meesha allabariga dusheedii ayuu ku baabba'saday qurbaankii la gubayay iyo baruurtii, oo dadkii oo dhammuna markay taas arkeen ayay qayliyeen oo wejigooda u dheceen.

  • 10oo uu dhulku afka kala qaaday oo liqay iyagii iyo Qorax markii kooxdaasu ay dhinteen, kolkii dabku baabbi'iyey labada boqol iyo kontonka nin oo ay calaamad noqdeen.

  • 34Markaasaa reer binu Israa'iilkii hareerahooda joogay waxay ka carareen qayladoodii, waayo, waxay isyidhaahdeen, War aarmaa dhulku innagana ina liqaa.

  • Tir 16:44-47
    4 aayado
    78%

    44Oo Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    45Adigu shirkan ka soo kac, aan iyaga daqiiqad ku baabbi'iyee. Oo iyana markaasay wejiga dhulka dhigeen.

    46Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, War idankaaga qaad oo meesha allabariga dab kaga soo shubo, oo foox ku rid, oo haddiiba shirka u qaad, oo iyaga u kafaaro gud, waayo, cadho ayaa Rabbiga ka soo baxday, oo belaayadii way bilaabatay.

    47Markaasaa Haaruun qaaday sidii Muuse ku hadlay, oo shirkuu ku dhex orday, oo bal eeg, belaayadiina dadka way ku dhex bilaabatay; oo fooxii wuu shiday, dadkiina buu u kafaaro guday.

  • Tir 16:16-21
    6 aayado
    77%

    16Markaasaa Muuse wuxuu Qorax ku yidhi, Berrito adiga iyo guutadaaduba Rabbiga hortiisa kaalaya, adiga iyo iyaga iyo Haaruunba.

    17Oo idinka nin waluba idankiisa ha qaato oo foox ha ku shubo, oo ninkiin kastaaba idankiisa Rabbiga ha hor keeno, kuwaasoo wada ah laba boqol iyo konton idan, oo weliba adiga iyo Haaruunna idammadiinna soo qaata.

    18Oo iyana nin waluba idankiisii buu soo qaatay, oo dab bay ku shubeen, fooxna way saareen, kolkaasay Muuse iyo Haaruun la istaageen iridda teendhadii shirka.

    19Markaasaa Qorax soo shirsaday shirkii oo dhan oo iyaga ka gees ah, oo wuxuu soo tubay iridda teendhadii shirka. Oo shirkii oo dhan waxaa u muuqatay ammaantii Rabbiga.

    20¶ Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    21Idinku shirkan dhan isaga sooca aan iyaga daqiiqad ku baabbi'iyee.

  • 38Markaasaa Rabbiga dabkiisii soo dhacay oo wuxuu gubay allabariga la gubo, iyo qoryihii, iyo dhagxantii, iyo boodhkii, oo xataa biyihii godka ku jirayna ololkii baa leefay.

  • 27oo markaasuu ku shiday foox uunsi udgoon ah, sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  • Tir 11:1-3
    3 aayado
    74%

    1¶ Oo dadkuna waxay ahaayeen sidii kuwo gunuunac badan, oo wax shar ah ayay Rabbiga dhegihiisa maqashiiyeen. Oo markii Rabbigu maqlay ayaa cadhadiisii kululaatay, oo dabkii Rabbiguna dhexdooduu ka qaxmay, oo xerada meesheedii ugu dambaysay ayuu baabbi'iyey.

    2Markaasaa dadkii waxay u qayliyeen Muuse, kolkaasaa Muuse Rabbiga baryay, oo dabkiina wuu damay.

    3Oo meeshaas magaceediina waxaa loo baxshay Tabceeraah, maxaa yeelay, dabkii Rabbiga ayaa dhexdooda ka qaxmay.

  • 18Oo guutadoodiina dab baa ka dhex shidmay, Ololkiina wuxuu wada gubay kuwii shar lahaa.

  • 12Markaasaa Eliiyaah ugu jawaabay, Haddaan nin Ilaah ahay, samada dab ha ka soo dego, oo ha baabbi'iyo adiga iyo kontonkaaga ninba. Kolkaasaa waxaa samada ka soo degay dabkii Ilaah, oo wuxuu wada baabbi'iyey isagii iyo kontonkiisii ninba.

  • 2oo waxay ku hor kaceen Muuse iyaga iyo reer binu Israa'iil qaarkood oo ahaa laba boqol iyo konton amiir oo shirka loo doortay oo wada caan ahaa.

  • Tir 25:9-10
    2 aayado
    73%

    9Oo intii belaayadii u dhimatay waxay ahaayeen afar iyo labaatan kun.

    10¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

  • 10Oo Eliiyaahna wuxuu ugu jawaabay sirkaalkii kontonka nin xukumay, Haddaan nin Ilaah ahay, samada dab ha ka soo dego, oo ha baabbi'iyo adiga iyo kontonkaaga ninba. Kolkaasaa waxaa samada ka soo degay dab, oo wuxuu wada baabbi'iyey isagii iyo kontonkiisii ninba.

  • 1¶ Markaasuu wuxuu Muuse ku yidhi, Soo fuula oo Rabbiga u kaalaya, adiga iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah, oo meel fog ka caabuda;

  • 72%

    12Oo waa inuu meesha allabariga ee Rabbiga hortiisa taal ka qaadaa idan ay dhuxulo noolu ka buuxaan, oo waa inuu sacabbadiisana ka buuxsadaa foox udgoon oo tuman, oo uu ilxidhka la galaa.

    13Oo waa inuu fooxa ku shubaa dabka Rabbiga hortiisa yaal, si fooxa qiiqiisu u qariyo daboolka sanduuqa markhaatiga kor saaran, yuusan dhimane.

  • 61Oo Naadaab iyo Abiihuu way dhinteen markay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen dab qalaad.

  • 14Waayo, bal eeg, dab baa samada ka soo degay oo wada baabbi'iyey labadii sirkaal oo iga soo horreeyey iyo kontomadoodiiba, laakiinse haatan naftaydu hortaada qaali ha ku noqoto.

  • Tir 16:6-7
    2 aayado
    71%

    6Haddaba Qorax iyo guutadiisa oo dhammay, sidan yeela, oo waxaad qaadataan idammo,

    7oo berrito Rabbiga hortiisa iyaga dab ku shuba oo foox ku shida, oo kolkaas ninkii Rabbigu doorto, wuxuu ahaan doonaa quduus. Idinku filan reer Laawiyow.

  • 9Oo dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq, Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya; Oo dhuxulaa ka shidmay isaga.

  • 26Markaasuu shirkii la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Waan idin baryayaaye, Isaga fogaada nimankan sharka ah teendhooyinkooda, oo waxay iyagu leeyihiinna ha taabanina, yaan dembiyadooda aawadood laydiin baabbi'ine.

  • 9Kolkaasaa waxaa kor u fuulay Muuse, iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah.

  • 8Dulalka sankiisa waxaa ka soo baxay qiiq, Afkiisana waxaa ka soo baxay dab wax gubaya, oo dhuxulaa ka shidmay isaga.

  • 29waayo, Ilaaheennu waa dab wax baabbi'iya.

  • 23Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 17Oo muuqashada ammaantii Rabbigu waxay reer binu Israa'iil ula ekayd sidii dab wax gubaya buurta dusheeda.

  • 5¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 1¶ Haddaba Sulaymaan markuu tukashadiisii dhammeeyey, dab baa samada ka yimid oo wada gubay qurbaankii la gubayay iyo allabaryadiiba, oo gurigana waxaa ka buuxsantay ammaantii Rabbiga.

  • 25Oo markaas waa inaad gacmahooda ka qaaddid, oo waxaad ku dul gubtaa qurbaanka la gubo oo meesha allabariga kor yaal, inay caraf udgoon ku ahaadaan Rabbiga hortiisa. Waa qurbaan dab loogu sameeyey Rabbiga.

  • 1¶ Oo markii Haaruun labadiisii wiil ay Rabbiga hortiisa u soo dhowaadeen oo ay dhinteen dabadeed ayaa Rabbigu Muuse la hadlay,