Tirintii 26:61

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Naadaab iyo Abiihuu way dhinteen markay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen dab qalaad.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Laaw 10:1-2 : 1 ¶ Oo Naadaab iyo Abiihuu oo ahaa wiilashii Haaruun ayaa midkood waluba qaatay idankiisii, oo dab bay ku rideen, fooxna way dul saareen, oo waxay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen dab qalaad oo uusan ku amrin. 2 Oo dab baa Rabbiga hortiisa ka yimid, oo iyagii baabba'saday, oo Rabbiga hortiisa ayay ku dhinteen.
  • Tir 3:4 : 4 Naadaab iyo Abiihuu waxay ku dhinteen Rabbiga hortiisa, markay dab qalaad ku bixiyeen Rabbiga hortiisa iyagoo cidlada Siinay jooga, oo iyagu carruurna ma ay lahayn. Markaasay Elecaasaar iyo Iitaamaar shuqulkii wadaadnimada kaga adeegi jireen aabbahood Haaruun hortiisa.
  • 1 Taar 24:1-2 : 1 ¶ Oo kooxihii reer Haaruunna waa kuwan. Wiilashii Haaruun waxay ahaayeen Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar. 2 Laakiinse Naadaab iyo Abiihuuba aabbahood way ka hor dhinteen, oo carruurna ma ay lahayn, haddaba sidaas daraaddeed hawshii wadaadnimada waxaa samayn jiray Elecaasaar iyo Iitaamaar.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Tir 3:2-5
    4 aayado
    89%

    2Oo kuwanu waa wiilashii Haaruun magacyadoodii, Naadaab oo curadkii ahaa, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.

    3Kuwaasu waa wiilashii Haaruun magacyadoodii, oo waa wadaaddadii la subkay oo uu gooni uga dhigay inay adeegaan shuqulka wadaadnimada.

    4Naadaab iyo Abiihuu waxay ku dhinteen Rabbiga hortiisa, markay dab qalaad ku bixiyeen Rabbiga hortiisa iyagoo cidlada Siinay jooga, oo iyagu carruurna ma ay lahayn. Markaasay Elecaasaar iyo Iitaamaar shuqulkii wadaadnimada kaga adeegi jireen aabbahood Haaruun hortiisa.

    5¶ Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • Laaw 10:1-3
    3 aayado
    88%

    1¶ Oo Naadaab iyo Abiihuu oo ahaa wiilashii Haaruun ayaa midkood waluba qaatay idankiisii, oo dab bay ku rideen, fooxna way dul saareen, oo waxay Rabbiga hortiisa ku bixiyeen dab qalaad oo uusan ku amrin.

    2Oo dab baa Rabbiga hortiisa ka yimid, oo iyagii baabba'saday, oo Rabbiga hortiisa ayay ku dhinteen.

    3Markaasaa Muuse Haaruun ku yidhi, Tanu waa wixii Rabbigu ka hadlay, oo uu yidhi, Aniga waa in quduus laygaga dhex dhigaa kuwa ii soo dhowaada, oo waa in laygu ammaanaa dadka oo dhan hortiisa. Oo Haaruunna wuu iska aamusay.

  • 82%

    1¶ Oo kooxihii reer Haaruunna waa kuwan. Wiilashii Haaruun waxay ahaayeen Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.

    2Laakiinse Naadaab iyo Abiihuuba aabbahood way ka hor dhinteen, oo carruurna ma ay lahayn, haddaba sidaas daraaddeed hawshii wadaadnimada waxaa samayn jiray Elecaasaar iyo Iitaamaar.

  • 60Oo Haaruun waxaa u dhashay Naadaab iyo Abiihuu iyo Elecaasaar iyo Iitaamaar.

  • Laaw 16:1-2
    2 aayado
    78%

    1¶ Oo markii Haaruun labadiisii wiil ay Rabbiga hortiisa u soo dhowaadeen oo ay dhinteen dabadeed ayaa Rabbigu Muuse la hadlay,

    2oo wuxuu Muuse ku yidhi, Walaalkaa Haaruun la hadal si uusan goor walba u soo gelin meesha quduuska ah oo ilxidhka ka shishaysa gudaheeda, oo ka soo hor jeedda daboolka sanduuqa kor saaran, yuusan dhimane, waayo, anigu waxaan ka dhex muuqan doonaa daruurta kor saaran daboolka.

  • Tir 16:35-37
    3 aayado
    73%

    35Markaasaa dab Rabbiga xaggiisa ka yimid oo baabbi'iyey laba boqol iyo kontonkii nin oo fooxa bixiyey.

    36¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

    37La hadal Elecaasaar ina Haaruun wadaadka ah, oo u sheeg inuu idammada dabka ka bixiyo, adna dabka xagga shishe ku kala firdhi, waayo, iyagu waa quduus.

  • 62Oo intii iyaga laga tiriyey waxay ahaayeen saddex iyo labaatan kun, mid kasta oo lab ah oo bil jira iyo intii ka sii weyn, waayo, iyaga laguma tirin reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, dhaxal laguma siin reer binu Israa'iil dhexdooda.

  • Tir 26:9-11
    3 aayado
    72%

    9Wiilashii Elii'aabna waxay ahaayeen Nemuu'eel iyo Daataan iyo Abiiraam. Daataankan iyo Abiiraamkanu waa kuwii shirka ururin jiray oo la diriray Muuse iyo Haaruun oo ku jiray kooxdii Qorax markii ay Rabbiga la dirireen,

    10oo uu dhulku afka kala qaaday oo liqay iyagii iyo Qorax markii kooxdaasu ay dhinteen, kolkii dabku baabbi'iyey labada boqol iyo kontonka nin oo ay calaamad noqdeen.

    11Habase yeeshee Qorax wiilashiisii ma ay dhiman.

  • Tir 16:40-41
    2 aayado
    71%

    40inay taasu reer binu Israa'iil xusuus u noqoto, si uusan shisheeye aan Haaruun farcankiisa ahaynu Rabbiga hortiisa ugu soo dhowaan inuu foox u bixiyo, si uusan u noqon sidii Qorax iyo guutadiisa, sidii Rabbigu isaga ugula hadlay Muuse.

    41¶ Laakiinse subaxdii dambe shirkii reer binu Israa'iil oo dhammu way u gunuuseen Muuse iyo Haaruun, oo waxay ku yidhaahdeen, Idinku dadkii Rabbiga waad layseen.

  • 9Kolkaasaa waxaa kor u fuulay Muuse, iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah.

  • 1¶ Markaasuu wuxuu Muuse ku yidhi, Soo fuula oo Rabbiga u kaalaya, adiga iyo Haaruun, iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo toddobaatan oday oo reer binu Israa'iil ah, oo meel fog ka caabuda;

  • 20oo markay gelayaan taambuugga shirka waa inay biyo ku maydhaan, yaanay dhimanine, ama markay meesha allabariga ag yimaadaan inay ka adeegaan oo ay gubaan qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo,

  • Tir 3:10-11
    2 aayado
    70%

    10Oo waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa doorataa, oo iyagu waa inay dhawraan wadaadnimadooda, oo shisheeyihii u soo dhowaadana waa in la dilaa.

    11¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 49¶ Laakiinse Haaruun iyo wiilashiisu waxay meesha allabariga la gubo iyo girgiraha fooxa wax ugu bixin jireen shuqulkii meesha ugu quduuska ah oo dhan iyo inay reer binu Israa'iil kafaaraggud ugu sameeyaan, sidii dhammaan addoonkii Ilaah ee Muuse ahaa amray.

  • 1¶ Oo soo kaxayso walaalkaa Haaruun iyo wiilashiisa, oo kala soo dhex bax reer binu Israa'iil, inuu iiga adeego hawsha wadaadnimada, kuwaasu waxa weeyaan Haaruun qudhiisa iyo Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar oo wada ah wiilashii Haaruun.

  • 20¶ Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 3Ilmaha Camraamna waxay ahaayeen Haaruun, iyo Muuse, iyo Maryan. Wiilashii Haaruunna waxay ahaayeen Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.

  • 5Oo wiilasha Haaruun waa inay ku dul gubaan meesha allabariga iyo qurbaanka la gubayo oo kor saaran qoryaha dabka, waayo, taasu waa qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga caraf udgoon u ah.

  • 49Haddaba kuwii belaayada ku dhintay waxay ahaayeen afar iyo toban kun iyo toddoba boqol, oo aan lagu tirin kuwii ku dhintay xaalkii Qorax.

  • 13Oo waa inuu fooxa ku shubaa dabka Rabbiga hortiisa yaal, si fooxa qiiqiisu u qariyo daboolka sanduuqa markhaatiga kor saaran, yuusan dhimane.

  • 6(Markaasay reer binu Israa'iil Bi'irod Bini Yacaqaan ka guureen, oo waxay u kaceen Mooseeraah, oo halkaasaa Haaruun ku dhintay, oo halkaasaa lagu aasay, oo meeshiisii shuqulkii wadaadnimada waxaa ka adeegay wiilkiisii Elecaasaar.

  • 38Oo kuwa teendhooyinkooda ka dhistaa taambuugga xaggiisa bari iyo teendhada shirka horteeda xagga qorrax ka soo baxa waa inay ahaadaan Muuse iyo Haaruun iyo wiilashiisa, oo waxay reer binu Israa'iil ugu talinayaan meesha quduuska ah; oo shisheeyaha u soo dhowaadana waa in la dilaa.

  • 7Oo adiga iyo wiilashaada kula joogaaba waa inaad wadaadnimadiinna u dhawrtaan waxyaalaha meesha allabariga oo dhan, iyo waxyaalaha daaha ka shisheeya oo dhan, oo waa inaad adeegtaan. Wadaadnimada ayaan idiin siiyey sida hawl hadiyad ah; oo shisheeyihii soo dhowaada waa in la dilaa.

  • 1¶ Markaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, La hadal wadaaddada ah wiilashii Haaruun, oo waxaad ku tidhaahdaa, Ninkiinna yuusan isu nijaasayn mid dadkiisa ah oo dhintay,

  • 9Oo waa inaydnaan dusheeda ku bixin foox qalaad, ama qurbaan la gubo, ama qurbaan hadhuudh ah, oo dusheedana ha ku daadinina qurbaan cabniin ah.

  • 18Oo iyana nin waluba idankiisii buu soo qaatay, oo dab bay ku shubeen, fooxna way saareen, kolkaasay Muuse iyo Haaruun la istaageen iridda teendhadii shirka.

  • 16¶ Oo Muuse aad buu u doondoonay ridii ahayd qurbaanka dembiga, markaasuu ogaaday in la gubay, kolkaasuu ku xanaaqay Elecaasaar iyo Iitaamaar oo ahaa Haaruun wiilashiisii hadhay, oo wuxuu iyagii ku yidhi.

  • 3Aabbahayo wuxuu ku dhintay cidladii, laakiinse isagu kuma uu jirin kooxdii is-urursatay oo Rabbiga geesta ka ahayd, oo kooxdii Qorax ahayd, illowse isagu wuxuu u dhintay dembi uu isagu lahaa, oo isagu wiilalna ma uu lahayn.

  • 46Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, War idankaaga qaad oo meesha allabariga dab kaga soo shubo, oo foox ku rid, oo haddiiba shirka u qaad, oo iyaga u kafaaro gud, waayo, cadho ayaa Rabbiga ka soo baxday, oo belaayadii way bilaabatay.

  • 51Oo markii taambuuggu hor u dhaqaaqayo reer Laawi waa inay furaan, markii taambuugga la dhisayona reer Laawi waa inay dhisaan, oo shisheeyihii u soo dhowaadana waa in la dilaa.

  • 8¶ Oo waxaad iyaga ku tidhaahdaa, Nin kasta oo ka mid ah reer binu Israa'iil ama shisheeyayaasha dhexdooda deggan, oo bixiya qurbaan la gubo ama allabari,

  • 19laakiinse sidan ku sameeya si ay u noolaadaan oo aanay u dhiman markay u soo dhowaadaan waxyaalaha ugu wada quduusan. Haaruun iyo wiilashiisu waa inay gudaha galaan, oo ay iyaga u amraan hawshooda iyo waxqaadkooda,

  • 24¶ Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

  • 13Mid kasta oo soo dhowaada oo u soo dhowaadaa taambuugga Rabbiga wuu dhiman doonaa. Haddaba kulligayo miyaannu wada baabba'aynaa?

  • 6Markaasaa Rabbigu wuxuu dadka dhexdiisii ku soo daayay abeesooyin qaniinyo kulul oo ay dadkii qanqaniineen, oo dad badan oo reer binu Israa'iil ah ayaa dhintay.