2 Taariikhdii 7:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Boqor Sulaymaan wuxuu allabari ahaan u bixiyey laba iyo labaatan kun oo dibi iyo boqol iyo labaatan kun oo ido ah. Sidaasay boqorkii iyo dadkii kale oo dhammuba gooni uga dhigeen gurigii Ilaah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 10:22 : 22 ¶ Waxay ahayd Iidda Daahirinta Macbudka xagga Yeruusaalem, waxayna ahayd wakhtiga qabowga.
  • Tir 7:10 : 10 Oo maalintii meesha allabariga la subkay ayay amiirradii bixiyeen qurbaankii daahirinta, oo waxay qurbaankoodii ku bixiyeen meesha allabariga horteeda.
  • 1 Boq 8:62-63 : 62 ¶ Markaas boqorkii iyo reer binu Israa'iil oo dhammaantood la jira ayaa allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyey. 63 Oo Sulaymaan qurbaannada nabaadiinada ee uu Rabbiga u bixiyey waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun oo dibi, iyo boqol iyo labaatan kun oo ido ah. Oo sidaasay boqorkii iyo reer binu Israa'iil oo dhammuba gooni uga dhigeen gurigii Rabbiga.
  • 1 Taar 29:21 : 21 ¶ Oo subaxdii maalintaas ka dambaysay ayay Rabbiga u bixiyeen allabaryo iyo qurbaanno la gubo oo ah kun dibi, iyo kun wan, iyo kun baraar ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, iyo allabaryo tiro badan oo reer binu Israa'iil oo dhan loo bixiyey.
  • 2 Taar 1:6 : 6 Markaasaa Sulaymaan kor ugu baxay meeshii allabariga ee naxaasta ahayd oo Rabbiga hor tiil, taasoo teendhadii shirka hor qotontay, oo wuxuu ku dul bixiyey kun qurbaan oo la gubo.
  • 2 Taar 2:4 : 4 Bal eeg, waxaan guri u dhisayaa magaca Rabbiga Ilaahayga ah, inaan isaga quduus uga dhigo, oo hortiisa lagu shido foox udgoon, oo la hor dhigo kibista tusniinta oo joogtada ah, oo la bixiyo qurbaannada la gubo subaxda iyo fiidka, iyo Sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo ciidaha Rabbiga Ilaahayaga ah. Kaasuna waa amar reer binu Israa'iil weligiis la amray.
  • 2 Taar 5:6 : 6 Oo Boqor Sulaymaan iyo shirkii reer binu Israa'iil oo isaga u soo ururay oo dhammu waxay wada joogeen sanduuqii hortiisa, iyagoo ku allabaryaya ido iyo dibi aan la sheegi karin ama aan farahooda la tirin karin.
  • 2 Taar 15:11 : 11 Oo maalintaas waxay Rabbiga ugu allabaryeen toddoba boqol oo dibi iyo toddoba kun oo neef oo ido ah oo ka mid ah dhicii ay keeneen.
  • 2 Taar 29:32-33 : 32 Oo qurbaannadii la gubayay oo shirku keenayna tiradoodu waxay ahayd toddobaatan dibi, iyo boqol wan, iyo laba boqol oo baraar ah, oo intaasoo dhanna waxaa Rabbiga loogu keenay qurbaanno la gubo. 33 Oo xoolihii la daahiriyeyna waxay ahaayeen lix boqol oo dibi iyo saddex kun oo ido ah.
  • 2 Taar 30:24 : 24 Waayo, Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wuxuu shirkii u siiyey inay qurbaan ka dhigtaan kun dibi iyo toddoba kun oo ido ah, oo amiirradiina waxay shirkii siiyeen kun dibi iyo toban kun oo ido ah, oo wadaaddo tiro badanuna way isdaahiriyeen.
  • 2 Taar 35:7-9 : 7 ¶ Markaasaa Yoosiyaah wuxuu dadkii intii joogtay oo dhan adhigii ka siiyey baraar iyo waxarro si ay qurbaannada Kormaridda u bixiyaan, oo tiradooduna waxay isku ahayd soddon kun, iyo saddex kun oo dibi, intaasu waxay ahaayeen intii boqorku maalkiisa ka baxshay. 8 Oo amiirradiisii iyagoo raalli ka ah ayay wax siiyeen dadkii iyo wadaaddadii iyo kuwii reer Laawi. Oo Xilqiyaah iyo Sekaryaah iyo Yexii'eel oo ahaa taliyayaashii guriga Ilaahna waxay wadaaddadii qurbaannadii Kormaridda u siiyeen laba kun iyo lix boqol oo neef oo yaryar, iyo saddex boqol oo dibi. 9 Oo weliba Kaananyaah iyo walaalihiis oo ahaa Shemacyaah iyo Netaneel, iyo Xashabyaah iyo Yecii'eel iyo Yoosaabaad oo ahaa madaxdii reer Laawi waxay reer Laawi qurbaannadii Kormaridda u siiyeen shan kun oo neef oo yaryar, iyo shan boqol oo dibi.
  • Cesr 6:16-17 : 16 Oo reer binu Israa'iil, iyo wadaaddadii, iyo reer Laawi, iyo dadkii maxaabiista ka soo noqday intoodii kaleba gurigan Ilaah gaar bay uga dhigeen iyagoo faraxsan. 17 Oo markay gurigan Ilaah gaar uga dhigayeen waxay u bixiyeen boqol dibi, iyo laba boqol oo wan, iyo afar boqol oo baraar ah; oo qurbaan dembina waxay reer binu Israa'iil oo dhan ugu bixiyeen laba iyo toban orgi intii ay ahaayeen tirada qabiilooyinkii reer binu Israa'iil.
  • Yex 45:17 : 17 Oo amiirka qaybtiisu waxay ahaan doontaa inuu qurbaannada la gubo, iyo qurbaannada hadhuudhka, iyo qurbaannada cabniinka bixiyo ayaamaha iidaha iyo wakhtiga ay biluhu dhashaan, iyo maalmaha sabtiyada, iyo iidaha reer binu Israa'iil oo dhan. Isagu waa inuu qurbaanka dembiga, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo qurbaanka la gubo, iyo qurbaannada nabaadiinada, diyaariyaa, si reer binu Israa'iil loogu kafaaraggudo.
  • Miik 6:7 : 7 Rabbigu ma ku farxaa kumanyaal wanan, amase toban kun oo webi oo saliid ah? Xadgudubkayga aawadiis miyaan curadkayga u bixiyaa? Dembigii naftaydase ma midhaha jidhkaygaan u bixiyaa?

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 91%

    62¶ Markaas boqorkii iyo reer binu Israa'iil oo dhammaantood la jira ayaa allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyey.

    63Oo Sulaymaan qurbaannada nabaadiinada ee uu Rabbiga u bixiyey waxay ahaayeen laba iyo labaatan kun oo dibi, iyo boqol iyo labaatan kun oo ido ah. Oo sidaasay boqorkii iyo reer binu Israa'iil oo dhammuba gooni uga dhigeen gurigii Rabbiga.

    64Oo isla maalintaasuu boqorku quduus ka dhigay barxaddii ka horraysay guriga Rabbiga dhexdeeda, waayo, halkaas wuxuu ku bixiyey qurbaanka la gubo, iyo qurbaanka hadhuudhka, iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada; maxaa yeelay, meeshii allabariga oo naxaasta ahayd ee Rabbiga hor tiil way ku yarayd oo ma wada qaadin qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada.

    65Oo wakhtigaas Sulaymaan sidaasuu iiddii u sameeyey iyadoo ay la joogaan reer binu Israa'iil oo dhammu kuwaasoo ahaa shir weyn, oo waxay ka yimaadeen meesha Xamaad laga soo galo iyo ilaa durdurka Masar, oo Rabbiga Ilaaheenna ah hortiisa waxay ku iidayeen toddoba maalmood iyo toddoba maalmood oo isku ah afar iyo toban beri.

  • 4Markaasay boqorkii iyo dadkii oo dhammuba allabari Rabbiga hortiisa ku bixiyeen.

  • 6Oo Boqor Sulaymaan iyo shirkii reer binu Israa'iil oo isaga u soo ururay oo dhammu waxay wada joogeen sanduuqii hortiisa, iyagoo ku allabaryaya ido iyo dibi aan la sheegi karin ama aan farahooda la tirin karin.

  • 5Oo Boqor Sulaymaan iyo shirkii reer binu Israa'iil oo isaga u soo ururay oo dhammu waxay wada joogeen sanduuqii hortiisa, iyagoo ku allabaryaya ido iyo dibi aan la sheegi karin ama aan farahooda la tirin karin.

  • 11Oo maalintaas waxay Rabbiga ugu allabaryeen toddoba boqol oo dibi iyo toddoba kun oo neef oo ido ah oo ka mid ah dhicii ay keeneen.

  • 21¶ Oo subaxdii maalintaas ka dambaysay ayay Rabbiga u bixiyeen allabaryo iyo qurbaanno la gubo oo ah kun dibi, iyo kun wan, iyo kun baraar ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, iyo allabaryo tiro badan oo reer binu Israa'iil oo dhan loo bixiyey.

  • 79%

    32Oo qurbaannadii la gubayay oo shirku keenayna tiradoodu waxay ahayd toddobaatan dibi, iyo boqol wan, iyo laba boqol oo baraar ah, oo intaasoo dhanna waxaa Rabbiga loogu keenay qurbaanno la gubo.

    33Oo xoolihii la daahiriyeyna waxay ahaayeen lix boqol oo dibi iyo saddex kun oo ido ah.

  • 4¶ Markaasaa boqorkii Gibecoon tegey inuu ku soo allabaryo; waayo, halkaasaa ahayd meesha sare ee weyn; oo meeshaas allabariga Sulaymaan wuxuu ku bixiyey kun qurbaan oo la gubo.

  • 2 Taar 7:7-8
    2 aayado
    78%

    7Oo weliba Sulaymaan wuxuu quduus ka dhigay barxaddii ka horraysay guriga Rabbiga dhexdeeda, waayo, halkaas wuxuu ku bixiyey qurbaannada la gubo, iyo baruurtii qurbaannada nabaadiinada, maxaa yeelay, meeshii allabariga oo naxaasta ahayd ee uu Sulaymaan sameeyey ma ay wada qaadi karin qurbaanka la gubo iyo qurbaanka hadhuudhka iyo baruurtaba.

    8Oo wakhtigaas Sulaymaan sidaasuu iiddii u sameeyey toddoba maalmood, iyadoo ay la joogaan reer binu Israa'iil oo dhammu, kuwaasoo ahaa shir aad u weyn, oo waxay ka yimaadeen meesha Xamaad laga soo galo iyo ilaa durdurka Masar.

  • 17Oo markay gurigan Ilaah gaar uga dhigayeen waxay u bixiyeen boqol dibi, iyo laba boqol oo wan, iyo afar boqol oo baraar ah; oo qurbaan dembina waxay reer binu Israa'iil oo dhan ugu bixiyeen laba iyo toban orgi intii ay ahaayeen tirada qabiilooyinkii reer binu Israa'iil.

  • 12¶ Oo haddana Sulaymaan wuxuu Rabbiga qurbaanno la gubo ugu bixiyey meeshii allabariga ee Rabbiga oo uu isagu ka dhisay balbalada horteedii.

  • 6Markaasaa Sulaymaan kor ugu baxay meeshii allabariga ee naxaasta ahayd oo Rabbiga hor tiil, taasoo teendhadii shirka hor qotontay, oo wuxuu ku dul bixiyey kun qurbaan oo la gubo.

  • 24Waayo, Xisqiyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah wuxuu shirkii u siiyey inay qurbaan ka dhigtaan kun dibi iyo toddoba kun oo ido ah, oo amiirradiina waxay shirkii siiyeen kun dibi iyo toban kun oo ido ah, oo wadaaddo tiro badanuna way isdaahiriyeen.

  • 1¶ Haddaba Sulaymaan markuu tukashadiisii dhammeeyey, dab baa samada ka yimid oo wada gubay qurbaankii la gubayay iyo allabaryadiiba, oo gurigana waxaa ka buuxsantay ammaantii Rabbiga.

  • Tir 7:87-88
    2 aayado
    75%

    87Oo dibidii qurbaanka la gubo loo bixiyey oo dhammu waxay ahaayeen laba iyo toban dibi, wanankuna waxay ahaayeen laba iyo toban wan oo waaweyn, iyo laba iyo toban wan oo yaryar oo wada gu jir ah, waxaana la keenay qurbaankoodii hadhuudhka ahaa. Oo qurbaankii dembigana orgidii loo bixiyey waxay ahaayeen laba iyo toban,

    88oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinada dibidii loo bixiyey oo dhammu waxay ahaayeen afar iyo labaatan, wananka waaweynuna waxay ahaayeen lixdan, orgiduna waxay ahaayeen lixdan, wananka yaryar oo wada gu jirka ahuna waxay ahaayeen lixdan. Intaasu waa wixii daahirinta meesha allabariga loo bixiyey markii la subkay dabadeed.

  • 23iyo toban dibi oo buurbuuran, iyo labaatan dibi oo daaqa laga soo bixiyey, iyo boqol neef oo ido ah, oo ayan ku jirin deerooyin, cawl, iyo dibtaago, iyo digaag la cayiliyey.

  • 21Oo waxay keeneen toddoba dibi, iyo toddoba wan, iyo toddoba baraar ah, iyo toddoba orgi, inay qurbaan dembi u ahaadaan boqortooyada aawadeed iyo meesha quduuska ah aawadeed iyo dadka Yahuudah aawadood. Oo wuxuu wadaaddadii reer Haaruun ku amray inay xoolahaas ku bixiyaan meesha Rabbiga lagu baryo.

  • 25Oo sannaddiiba saddex jeer ayuu Sulaymaan meeshii allabariga oo uu Rabbiga u dhisay ku bixin jiray qurbaanno la gubo, iyo qurbaanno nabaadiino, oo girgirihii Rabbiga hor yiilna wuxuu ku gubi jiray foox, oo saasuu gurigii ku dhammeeyey.

  • 26Oo markii Ilaah caawiyey kuwii reer Laawi oo qaaday sanduuqii axdiga Rabbiga ayay toddoba dibi iyo toddoba wan ku allabaryeen.

  • 1¶ Haddaba Sulaymaan wuxuu u qasdiyey inuu guri u dhiso Rabbiga magiciisa, iyo guri kale oo boqortooyadiisu leedahay.

  • 15Markaasaa Sulaymaan toosay, oo bal eeg waxay ahayd riyo; oo intuu Yeruusaalem yimid ayuu hor istaagay sanduuqii axdiga Rabbiga, oo wuxuu bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino, oo addoommadiisii oo dhan ayuu diyaafad u sameeyey.

  • 72%

    10Oo bishii toddobaad maalinteedii saddex iyo labaatanaad ayuu dadkii u kala diray teendhooyinkoodii iyagoo faraxsan oo qalbiga kaga rayraynaya wanaaggii uu Rabbigu u sameeyey Daa'uud iyo Sulaymaan iyo dadkiisii reer binu Israa'iilba.

    11¶ Haddaba Sulaymaan sidaasuu u dhammeeyey gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorkaba, oo wax alla wixii galay Sulaymaan qalbigiisa inuu u sameeyo gurigii Rabbiga iyo isaga gurigiisiiba dhammaan wuu ku liibaanay.

    12Oo Rabbiga wuxuu Sulaymaan u muuqday goor habeennimo ah, oo ku yidhi, Baryadaadii waan maqlay oo meeshanna waan u doortay inay guri lagu allabaryo ii ahaato.

  • 4Bal eeg, waxaan guri u dhisayaa magaca Rabbiga Ilaahayga ah, inaan isaga quduus uga dhigo, oo hortiisa lagu shido foox udgoon, oo la hor dhigo kibista tusniinta oo joogtada ah, oo la bixiyo qurbaannada la gubo subaxda iyo fiidka, iyo Sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo ciidaha Rabbiga Ilaahayaga ah. Kaasuna waa amar reer binu Israa'iil weligiis la amray.

  • 29Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Elii'aab ina Xeelon.

  • 1¶ Markaasaa Daa'uud yidhi, Kanu waa gurigii Rabbiga Ilaaha ah, oo tanuna waa meeshii qurbaanka la gubo oo reer binu Israa'iil.

  • 17haddaba sidaas daraaddeed waa inaad aad ugu dadaashaa inaad lacagtan ku iibiso dibi, iyo wanan, iyo baraar, iyo qurbaannadooda hadhuudhka ah, iyo qurbaannadooda cabniinka ah, oo aad ku dul bixisaa meesha allabariga ee guriga Ilaahaaga oo Yeruusaalem ku yaal.

  • 53Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Eliishaamaac ina Cammiihuud.

  • 35Oo weliba qurbaannadii la gubayay iyo baruurtii qurbaannadii nabaadiinada, iyo qurbaannadii cabniinka oo la socday qurbaan kastoo la guboba aad bay u badnaayeen. Sidaasay hawshii guriga Rabbiga loo hagaajiyey.

  • 21Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 10¶ Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan labadii guri dhisayay, kuwaasoo ahaa gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka,

  • 7¶ Markaasaa Yoosiyaah wuxuu dadkii intii joogtay oo dhan adhigii ka siiyey baraar iyo waxarro si ay qurbaannada Kormaridda u bixiyaan, oo tiradooduna waxay isku ahayd soddon kun, iyo saddex kun oo dibi, intaasu waxay ahaayeen intii boqorku maalkiisa ka baxshay.

  • 13¶ Oo Boqor Sulaymaanna wuxuu dadkii Israa'iil oo dhan ka dhex doortay niman shaqaalayaal ah, oo shaqaalayaashuna waxay ahaayeen soddon kun oo nin.

  • 2Oo waa inaad qurbaan la gubo oo caraf udgoon ah Rabbiga ugu bixisaan dibi yar iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn,

  • 71Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Axiiceser ina Cammiishadday.

  • 36laakiinse waxaad bixisaan qurbaan la gubo, kaasoo ah qurbaan dab lagu sameeyo oo Rabbiga u ah caraf udgoon, oo waa dibi iyo wan weyn iyo toddoba wan oo yaryar oo wada gu jir ah oo aan iin lahayn.

  • 41Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Shelumii'eel ina Suuriishadday.

  • 2Oo gurigii Sulaymaan Rabbiga u dhisay dhererkiisu wuxuu ahaa lixdan dhudhun, ballaadhkiisuna wuxuu ahaa labaatan dhudhun, sarajooggiisuna wuxuu ahaa soddon dhudhun.

  • 2Oo dadka ayaa ku allabaryi jiray meelaha sarsare oo keliya, maxaa yeelay, ilaa wakhtigaas ma uu jirin guri magaca Ilaah loo dhisay.

  • 51Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,

  • 23Oo allabarigii qurbaannadii nabaadiinadana wuxuu u keenay laba dibi, iyo shan wan oo waaweyn, iyo shan orgi, iyo shan wan oo yaryar oo wada gu jir ah, oo intaasu waxay ahayd qurbaankii Netaneel ina Suucaar.

  • 81Oo qurbaan la gubona wuxuu u keenay dibi yar, iyo wan weyn, iyo wan yar oo gu jir ah,