2 Taariikhdii 8:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

ayuu Sulaymaan dhisay magaalooyinkii Xuuraam isaga siiyey, oo wuxuu halkaas dejiyey reer binu Israa'iil.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Boq 9:11-18 : 11 ayuu Boqor Sulaymaan Xiiraam siiyey labaatan magaalo oo ku tiil dalkii Galili. (Maxaa yeelay, Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu Sulaymaan siiyey qoryo kedar ah, iyo qoryo beroosh ah, iyo dahab, in alla intuu doonayay.) 12 Oo Xiiraamna wuxuu Turos uga soo kacay inuu arko magaalooyinkii Sulaymaan siiyey, kumana uu farxin. 13 Markaasuu yidhi, Walaalkayow, magaalooyinkan aad i siisay waa maxay? Kolkaasuu magaalooyinkii u bixiyey dalkii Kabuul oo ilaa maantadanna waa la yidhaahdaa. 14 Xiiraamna wuxuu boqorkii u diray boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah. 15 ¶ Oo sababtii uu Sulaymaan shaqaalayaashii u doortay waxay ahayd inuu dhiso gurigii Rabbiga, iyo gurigii uu isagu lahaa, iyo Millo, iyo derbigii Yeruusaalem, iyo Xaasoor, iyo Megiddoo, iyo Geser. 16 Waayo, Fircoon oo ahaa boqorkii Masar mar horuu tegey oo Geser qabsaday oo gubay, oo wuxuu laayay dadkii reer Kancaan oo magaalada degganaa, oo qayb ahaan ayuu u siiyey gabadhiisii Sulaymaan u dhaxday. 17 Markaasaa Sulaymaan dhisay Geser, iyo Beytxooroontii hoose, 18 iyo Bacalad, iyo Taamaar oo ku dhex tiil cidladii dalka,

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan guriga Rabbiga iyo gurigiisiiba dhisayay,

  • 2 Taar 8:3-8
    6 aayado
    77%

    3¶ Oo haddana Sulaymaan wuxuu tegey Xamad Soobaah, wuuna ka adkaaday.

    4Oo cidladiina ayuu Tadmor ka dhisay, oo weliba wuxuu Xamaad ka dhisay magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray oo dhan.

    5Oo weliba wuxuu kaloo dhisay Beytxooroontii sare iyo Beytxooroontii hooseba, wuxuuna ka dhigay magaalooyin deyr leh oo ay derbiyo ku wareegsan yihiin oo irdo iyo qataarroba leh,

    6iyo weliba Bacalad, iyo magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray oo uu Sulaymaan lahaa oo dhan, iyo magaalooyinkii gaadhifardoodkiisa oo dhan, iyo magaalooyinkii fardooleydiisa, iyo wixii uu Sulaymaan jeclaaday inuu ka dhisto Yeruusaalem, iyo Lubnaan, iyo dalkii uu boqorka ka ahaa oo dhan.

    7Oo weliba dadkii ka hadhay reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus oo aan reer binu Israa'iil ahayn,

    8kuwaas farcankoodii dalka ku hadhay, oo aanay reer binu Israa'iil baabbi'in, Sulaymaan wuxuu ka dhigtay addoommo ilaa maantadan la joogo.

  • 76%

    10¶ Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan labadii guri dhisayay, kuwaasoo ahaa gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka,

    11ayuu Boqor Sulaymaan Xiiraam siiyey labaatan magaalo oo ku tiil dalkii Galili. (Maxaa yeelay, Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu Sulaymaan siiyey qoryo kedar ah, iyo qoryo beroosh ah, iyo dahab, in alla intuu doonayay.)

    12Oo Xiiraamna wuxuu Turos uga soo kacay inuu arko magaalooyinkii Sulaymaan siiyey, kumana uu farxin.

    13Markaasuu yidhi, Walaalkayow, magaalooyinkan aad i siisay waa maxay? Kolkaasuu magaalooyinkii u bixiyey dalkii Kabuul oo ilaa maantadanna waa la yidhaahdaa.

    14Xiiraamna wuxuu boqorkii u diray boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.

    15¶ Oo sababtii uu Sulaymaan shaqaalayaashii u doortay waxay ahayd inuu dhiso gurigii Rabbiga, iyo gurigii uu isagu lahaa, iyo Millo, iyo derbigii Yeruusaalem, iyo Xaasoor, iyo Megiddoo, iyo Geser.

  • 76%

    11Markaasaa Xuuraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu ku soo jawaabay warqad uu u soo qoray Sulaymaan oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu dadkiisa waa jecel yahay, sidaas daraaddeed buu boqor kaaga dhigay.

    12Oo weliba Xuuraam wuxuu kaloo yidhi, Ammaan waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil oo sameeyey samada iyo dhulkaba, oo Boqor Daa'uudna siiyey wiil xigmad leh oo ay ka buuxaan caqli iyo waxgarasho oo doonaya inuu Rabbiga guri u dhiso iyo guri ay boqortooyadiisu leedahay.

  • 73%

    17Markaasaa Sulaymaan dhisay Geser, iyo Beytxooroontii hoose,

    18iyo Bacalad, iyo Taamaar oo ku dhex tiil cidladii dalka,

    19iyo magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray ee uu Sulaymaan lahaa oo dhan, iyo magaalooyinkii gaadhifardoodkiisa, iyo magaalooyinkii fardooleydiisa, iyo wixii uu Sulaymaan jeclaaday inuu ka dhisto Yeruusaalem iyo Lubnaan, iyo dalkii uu boqorka ka ahaa oo dhan.

  • 2 Taar 2:1-3
    3 aayado
    72%

    1¶ Haddaba Sulaymaan wuxuu u qasdiyey inuu guri u dhiso Rabbiga magiciisa, iyo guri kale oo boqortooyadiisu leedahay.

    2Markaasaa Sulaymaan wuxuu qortay toddobaatan kun oo xammaal, iyo siddeetan kun oo nin oo buuraha dhagax ka jari jiray, iyo saddex kun iyo lix boqol oo nin oo iyaga u taliya.

    3Oo Sulaymaanna wuxuu u cid diray Xuuraam oo ahaa boqorkii Turos oo ku yidhi, Sidaad u yeeshay aabbahay Daa'uud markaad isaga u soo dirtay alwaax kedar ah oo uu ku dhisto guri uu ku hoydo, anigana sidii oo kale ii yeel.

  • 2Oo Sulaymaanna Xiiraam buu u cid diray oo ku yidhi,

  • 18Oo Sulaymaan waxdhisayaashiisii iyo Xiiraam waxdhisayaashiisii iyo reer Gebal ayaa qoray, oo waxay hagaajiyeen alwaaxdii iyo dhagxantii guriga lagu dhisi lahaa.

  • 24Laakiinse gabadhii Fircoon waxay ka soo baxday magaaladii Daa'uud, oo gashay gurigeedii uu Sulaymaan iyada u dhisay; markaasuu haddana wuxuu dhisay Millo.

  • 8Oo wuxuu dhisay magaalada hareeraheedii, iyo tan iyo Millo wareeggeeda. Oo Yoo'aabna wuxuu cusboonaysiiyey magaalada inteedii kale.

  • 69%

    16¶ Haddaba Sulaymaan shuqulkiisa oo dhammu diyaar buu u ahaa maalintii guriga Rabbiga aasaaskiisa la dhigay iyo ilaa maalintii la dhammeeyey. Oo sidaasaa guriga Rabbiga loo ebyey.

    17¶ Markaasaa Sulaymaan wuxuu tegey xagga Cesyoon Geber iyo Eelood oo ku yaal xeebta badda ee dalka Edom.

  • 13¶ Oo Boqor Sulaymaanna Xiiraam cid buu u diray oo Turos ka soo kexeeyey.

  • 14Sidaasaa Sulaymaan gurigii u dhisay oo u dhammeeyey.

  • 5iyo Geeraa, iyo Shefuufaan, iyo Xuuraam.

  • 27Tanu waxa weeye sababtii uu boqorkii gacanta ugu qaaday: Sulaymaan wuxuu dhisay Millo, oo uu hagaajiyey dildillaacii magaaladii aabbihiis Daa'uud.

  • 1¶ Oo Sulaymaan markuu dhammeeyey dhismihii guriga Rabbiga, iyo gurigii boqorka, iyo kulli wixii uu damacsanaa oo uu ku faraxsanaa inuu sameeyo oo dhan,

  • 13Hubaal waxaan kuu dhisay guri rug kuu ah, oo ah meel aad weligaa degganaanayso.

  • 47Laakiinse Sulaymaan baa guri u dhisay.

  • 7Oo markii Xiiraam maqlay hadalkii Sulaymaan ayuu aad u farxay oo yidhi, Maanta waxaa mahad leh Rabbiga Daa'uud siiyey wiil xigmad leh oo u taliya dadkan badan.

  • 6¶ Markaasuu wiilkiisii Sulaymaan u yeedhay oo wuxuu ku amray inuu guri u dhiso Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

  • 11Oo Xuuraamna wuxuu sameeyey dheryihii iyo majarafadihii iyo maddiibadihii. Oo Xuuraamna sidaasuu u dhammeeyey shuqulkii uu Boqor Sulaymaan ugu sameeyey guriga Ilaah,

  • 2¶ Markaasaa Daa'uud amray in la soo wada ururiyo shisheeyayaashii dalka reer binu Israa'iil degganaa oo dhan, oo wuxuu kaloo amray in wastaadyo dhagxan soo qoraan in la dhiso gurigii Ilaah aawadeed.

  • 11Markaasaa Sulaymaan gabadhii Fircoon ka soo kaxeeyey magaaladii Daa'uud oo wuxuu keenay gurigii uu iyada u dhisay, waayo, wuxuu yidhi, Naagtaydu degganaan mayso gurigii Daa'uud oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, meelihii sanduuqa Rabbigu yimid waa wada quduus.

  • 5¶ Oo Rexabcaamna wuxuu iska degganaa Yeruusaalem oo dalka Yahuudah ayuu magaalooyin qalcado leh ka dhisay.

  • 1¶ Oo Sulaymaan gurigiisana wuxuu dhisayay saddex iyo toban sannadood, oo gurigiisii oo dhanna wuu dhammeeyey.

  • 11¶ Markaasaa Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos ayaa Daa'uud wargeeyayaal u soo diray, iyo geedo kedar la yidhaahdo, iyo nijaarro iyo wastaadyo, oo iyana guri bay Daa'uud u dhiseen.

  • 2Laakiinse waxaan kuu dhisay guri rug kuu ah oo ah meel aad weligaa degganaanayso.

  • 11¶ Haddaba Sulaymaan sidaasuu u dhammeeyey gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorkaba, oo wax alla wixii galay Sulaymaan qalbigiisa inuu u sameeyo gurigii Rabbiga iyo isaga gurigiisiiba dhammaan wuu ku liibaanay.

  • 2Oo dadka ayaa ku allabaryi jiray meelaha sarsare oo keliya, maxaa yeelay, ilaa wakhtigaas ma uu jirin guri magaca Ilaah loo dhisay.

  • 4Oo haddana wuxuu magaalooyin ka dhisay dalka Yahuudah oo buuraha leh, oo kaynta dhexdeedana wuxuu ka dhisay qalcado iyo munaarado.

  • 1¶ Oo Sulaymaan wuxuu bilaabay inuu gurigii Rabbiga dhiso markay ahayd afar boqol iyo siddeetan sannadood, kolkii reer binu Israa'iil dalka Masar ka soo baxeen dabadeed, taasoo ahayd sannaddii afraad oo Sulaymaan boqorka u noqday dadkii Israa'iil, bisheedii labaad taasoo ah bisha Sif.

  • 13Markaasaa Sulaymaan ka soo noqday meeshii sare oo Gibecoon ku tiil iyo teendhadii shirka, oo yimid Yeruusaalem, reer binu Israa'iil buuna boqor u noqday.

  • 12Oo Rabbiguna wuxuu Sulaymaan siiyey xigmad siduu ugu ballanqaaday; oo Xiiraam iyo Sulaymaanna nabad baa u dhexaysay, oo labadoodu axdi bay dhigteen.

  • 10Oo dabaqadihii wuxuu ka wada dhisay guriga wareeggiisa oo dhan, oo mid kastaba sarajooggiisu wuxuu ahaa shan dhudhun; oo waxay kor saarnaayeen alwaax kedar ah.