2 Korintos 1:17
Haddaba markaan waxaas doonayay miyaan rogrogay? Ama waxaan goosto miyaan u goostaa sida uu ninka jidhka raacaa u goosto, inay xaggayga noqoto, Haah, haah, iyo Maya, maya?
Haddaba markaan waxaas doonayay miyaan rogrogay? Ama waxaan goosto miyaan u goostaa sida uu ninka jidhka raacaa u goosto, inay xaggayga noqoto, Haah, haah, iyo Maya, maya?
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
18Laakiin sida uu Ilaah aamin u yahay, hadalkayagu xaggiinna ma aha, Haah, iyo Maya.
19Waayo, Wiilka Ilaah oo ah Ciise Masiix, ee aannu aniga iyo Silwanos iyo Timoteyos dhexdiinna kaga wacdinnay, ma ahayn Haah iyo Maya, laakiin xaggiisa waa Haah.
20Waayo, in kastoo ay badan yihiin ballamadii Ilaah, waxaa isaga xaggiisa ku jira, Haahda, oo weliba xaggiisa waxaa ku jira, Aamiinta, in xaggeenna Ilaah laga ammaano.
15¶ Hubaalkaas daraaddiis ayaan doonayay inaan horta idiin imaado inaad barako labaad haysataan;
16iyo inaan idin sii maro ilaa Makedoniya, oo haddana aan Makedoniya ka imaado oo aan idinku soo noqdo, idinkuna inaad xagga Yahuudiya ii ambabbixisaan.
12¶ Laakiin wax walba hortood, walaalahayow, ha dhaaranina; ha ku dhaaranina jannada, ama dhulka, ama dhaar kale; haahdiinnu haah ha ahaato, mayadiinnuna maya ha ahaato, yeydnan ku dhicin xukun hoostiis.
1¶ Laakiin waxaan aniga qudhaydu goostay inaanan haddana caloolxumo idiinla imanin.
37Laakiin hadalkiinnu ha ahaado, Haah, haah, maya, maya; wixii intaas ka badan sharkuu ka yimaadaa.
16Hase ahaatee, anigu idinma aan culaysin, laakiin khaa'in baan noqday oo sir baan idinku qabtay.
17Miyaan faa'iido ahaan wax idiinkaga qaatay kuwii aan idiin soo diray midkoodna?
18Tiitos waan waaniyey, walaalkeenna waan la diray isagii. Tiitos miyuu faa'iido ahaan wax idiinkaga qaatay? Miyaannan isku ruux ku socon? Miyaannan isku tallaabooyin ku socon?
9Markaan idinla joogay oo aan wax u baahnaa, ninna culays kuma aan hayn, waayo, walaalihii markay Makedoniya ka yimaadeen waxay ii dhammaystireen waxaan u baahnaa, oo si kastana waan isu celiyey si aanan idiin culaysin, waanan isa sii celin doonaa.
23¶ Laakiin Ilaah baan markhaati ugu yeedhayaa xagga naftayda, waxaan Korintos u iman waayay inaan idiin tudho.
12Laakiin waxaan samaynayo, waan sii samayn doonaa, inaan ka gooyo waxay kuwa doonaya inay wax ku faanaan ku faani lahaayeen, in waxay ku faanaan loo garto inay sidayada oo kale yihiin.
6Mindhaa cabbaar baan idinla joogi doonaa, xataa xilliga qabowga oo dhan, si aad iigu ambabbixisaan meel alla meeshaan tegi doono.
4waaba intaasoo aannu faankan ku ceebownaaye, annagoo keliyana ma aha, laakiin idinkuna waad ku ceeboobaysaan, haddii kuwo reer Makedoniya ahi ay i soo raacaan oo ay idin arkaan idinkoo aan diyaar ahayn.
5Taas aawadeed waxaan u maleeyey inay dhaanto inaan walaalaha ka baryo inay hortay idiin yimaadaan, inay hore diyaar uga sii dhigaan deeqda aad ballanqaaddeen, inay taasi diyaar u ahaato deeq ahaan, mana aha qasab ahaan.
14Laakiinse ma aanan doonayn inaan sameeyo wax aadan ila ogayn, inaan wanaaggaagu noqon dirqi laakiinse uu noqdo ikhtiyaar.
2Laakiin waxaan idinka baryayaa inaanan anigu markaan joogo geesi ku ahaan hubaashaas aan u malaynayo inaan geesi ku ahaado xagga kuwa nagu tirinaya inaannu sida jidhka ku soconno.
10Oo sidan ayaan idinkula talinayaa, waayo, tanu way idiin dhaantaa idinkoo ah kuwii sannaddii hore ugu hor bilaabay inay sameeyaan, mana aha inaad samaysaan oo keliya, laakiin waanad doonaysaan.
11Laakiin hadda shaqaddii dhammeeya, in sidaad diyaar u ahaydeen, aad haddana ugu dhammaysaan waxaad awooddaan.
10Ma waxaan haatan is-oggolaysiinayaa dadka mise Ilaah? Mise waxaan doondoonayaa inaan dadka ka farxiyo? Haddaan weli dadka ka sii farxinayo, ma aanan ahaadeen addoonkii Masiixa.
20Sidaasaan u hawaystay inaan injiilka ku wacdiyo meel aan Masiixa awil lagu magacaabin, si aanan ugu dul dhisin aasaaska nin kale dhigay.
15¶ Walaalayaalow, sida dadkaan u hadlayaa, In kastoo ay tahay xataa axdiga dadka, mar haddii la hubiyo, lama buriyo, waxbana laguma daro.
9Waayo, taa aawadeed ayaan u qoray inaan idin imtixaamo inaad wax walba ku dhega nugushihiin iyo in kale.
12¶ Waxaannu ku faanaynaa, qalbigayaguna marag furayaa, inaannu dunida ugu soconnay quduusnimo iyo daacadnimo xagga Ilaah, ee uguma aan socon xigmadda jidhka laakiinse nimcada Ilaah, oo khusuusan xaggiinna.
10anigoo weyddiisanaya inaan imminka ugu dambaysta si kastaba ku lib helo inaan Ilaah idankiisa idiinku imaado.
14Kolkaan arkay inayan si hagaagsan ugu soconayn runta injiilka, ayaan kulli hortooda Keeyfas ku idhi, Adigoo Yuhuudi ah haddaad u dhaqanto sida dadka aan Yuhuudda ahayn, oo aadan ahaan sida Yuhuudda, sidee baad ugu qasbaysaa dadka aan Yuhuudda ahayn inay u dhaqmaan sida Yuhuudda?
20Waxan aan idiin soo qorayo, Ilaah hortiis, been ka sheegi maayo.
3Waxakan ayaan u qoray inaanan markaan imaado ka calool xumaan kuwa aan ku farxi lahaa, anigoo idinku aaminsan dhammaantiin inay farxaddaydu tahay farxadda kulligiin.
1¶ Runtaan ku sheegayaa Masiixa, oo been sheegi maayo, qalbigayguna marag buu iigu furayaa Ruuxa Quduuskaa
8¶ Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg,
16inuu Wiilkiisa iga dhex muujiyo inaan dadka aan Yuhuudda ahayn ku wacdiyo isaga warkiisa, isla markaasba lama aan tashan bini aadan.
18Haddaba waa sidee? Hadday iska yeelyeel tahay iyo hadday dhab tahayba, Masiixa si kastaba waa loo naadiyaa, oo anigu taas waan ku farxay oo weliba waan ku farxi doonaa.
10Xagga Rabbiga waan idin hubaa inaydnaan wax kale ka fikirayn, laakiin kii idin dhibaa, xukunkiisuu qaadan doonaa mid kastuu yahayba.
21waayo, waxaannu ka tashannaa waxyaalaha wanaagsan, mana aha Rabbiga hortiisa oo keliya, laakiin dadka hortiisana.
11Kaasoo kale ha ogaado in sidaannu xagga hadalka warqadaha ku nahay markaannu maqan nahay, aannu xagga falimaha ku nahay markaannu joogno.
5Waxaan u malaynayaa inaanan sina uga liidan rasuulladaas ugu waaweyn.
5Sidaad og tihiin, marnaba kuma aannu isticmaalin hadal sasabasho ah ama damacnimo qarsoon, oo taas Ilaah baa marag ka ah.
10Waxay keliyahoo doonayeen inaannu masaakiinta xusuusanno, taas oo aan ku dadaalayay inaan sameeyo.
4in kastoo aan aniga qudhayduba jidhka ku kalsoonahay, haddii nin u malaynayo inuu jidhka ku kalsoon yahay anigu waan ka sii daranahay.
15Laakiin waxyaalahaas midkoodna kuma aan isticmaalin. Haddana waxyaalahan u qori maayo in sidaas la ii yeelo, waayo, waxaa ii roon inaan dhinto intii nin uun faankayga ka dhigi lahaa wax aan wax ka jirin.
13Walaalayaalow, dooni maayo inaad garan weydaan inaan marar badan damcay inaan idiin imaado inaan idinkana midho idinku dhex lahaado sida aan quruumaha kale ugu dhex leeyahay, laakiin waa layga hor joogsaday ilaa haatan.
8¶ U hadli maayo amar ahaan, laakiin inaan dadaalka kuwa kale ku caddeeyo lillaahinimada jacaylkiinna.
7Dembi miyaan falay markaan is-hoosaysiiyey in idinka laydin sarraysiiyo, maxaa yeelay, injiilka Ilaah ayaan idinku wacdiyey hadiyad ahaan?
21Waxaan aaminsanahay addeeciddaada, oo sidaas daraaddeed ayaan warqaddan kuugu soo qorayaa, anigoo garanaya inaad samaynaysid wax ka sii badan waxaan leeyahay.
6Waayo, haddaan dooni lahaa inaan faano, doqon ma ahaan doono, waayo, runtaan ku hadli doonaa; laakiin waan iska celiyaa inaanu qofna ii malayn mid ka weyn wuxuu igu arko ama iga maqlo.
16Tan ayaan ku dadaalayaa inaan had iyo goorba qabo qalbi aan xumaan u keenin xagga Ilaah iyo xagga dadba.
11Haddaba ha ahaato aniga ama iyaga, sidaasaannu u wacdinnaa oo idinna u rumaysateen.
11Bal ogaada, waxakan aad ka calool xumaateen sida Ilaah doonayay wuxuu dhexdiinna ka soo saaray dadaal, iyo iscaddayn, iyo cadho, iyo cabsi, iyo xiiso, iyo qiiro, iyo ciqaabid waaweyn. Wax walba waad isku caddayseen inaad xaalka ku eedla'dihiin.