2 Korintos 11:2

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waxaan idiinku masayrsanahay masayr xagga Ilaah ah, waayo, waxaan idiin guuriyey nin keliya, inaan idiin dhiibo Masiix idinkoo ah bikrad daahir ah.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Hos 2:19-20 : 19 Oo waan ku guursan doonaa inaad weligaaba tayda ahaatid. Haah, oo waxaan kugu guursan doonaa xaqnimo, iyo caddaalad, iyo raxmad, iyo naxariis. 20 Oo xataa waxaan kugu guursan doonaa daacadnimo, oo adna Rabbigaad ogaan doontaa.
  • Ish 54:5 : 5 Waayo, Uumahaaga ayaa ninkaaga ah, oo magiciisana waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada. Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iilna waa Bixiyahaaga, oo waxaa isaga la odhan doonaa Ilaaha dhulka oo dhan.
  • Ef 5:26-27 : 26 inuu quduus ka dhigo oo ku nadiifiyo maydhidda biyaha xagga erayga, 27 si uu kiniisadda isugu keeno iyadoo qurux badan, oo aan lahayn ama bar ama duudduub ama wax la mid ah, laakiinse inay ahaato mid quduus ah oo aan iin lahayn.
  • Yoox 3:29 : 29 Kii aroosadda qabaa waa arooska, laakiin saaxiibka arooska oo ag taagan oo maqla isaga, aad buu ugu farxaa codkii arooska daraaddiis. Sidaa aawadeed farxaddaydu waa dhan tahay.
  • Laaw 21:13-15 : 13 Oo isagu waa inuu guursadaa gabadh bikrad ah. 14 Waa inuusan marnaba guursan carmal, ama naag la furay, ama naag nijaasowday oo dhillo ah, laakiinse waa inuu guursadaa gabadh bikrad ah oo dadkiisa ka dhalatay. 15 Oo waa inuusan dhashiisa ku dhex nijaasayn dadkiisa, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga isaga quduus ka dhiga.
  • Ish 62:4-5 : 4 Mar dambe laguuguma yeedhi doono Tii la dayriyey, oo dalkaagana mar dambe looguma yeedhi doono Dhulka baabba'a ah, laakiinse waxaa lagugu magacaabi doonaa Xefsiibaah, oo dalkaagana waxaa lagu magacaabi doonaaBecuulaah, waayo, Rabbigu waa kugu farxaa, oo dalkaagana waa la guursan doonaa. 5 Waayo, sida barbaar inan bikrad ah u guursado oo kale ayaa wiilashaadu kuu guursan doonaan, oo sida ninkii aroos ahu uu aroosadda ugu farxo oo kale ayaa Ilaahaagu kuugu farxi doonaa.
  • Yex 44:22 : 22 Oo waa inayan guursan carmal laga dhintay ama la furay, laakiinse waa inay guursadaan bikrado reer binu Israa'iil farcankooda ah amase carmal wadaad qabi jiray.
  • Fil 1:8 : 8 Aniga Ilaah baa iiga markhaati ah sidaan kulligiin idinkugu xiisoonayo xagga jacaylka Ciise Masiix.
  • Kol 1:28 : 28 Isaga waannu naadinnaa, annagoo nin kasta waaninayna oo nin kasta wax ku barayna xigmad oo dhan, inaannu nin walba hor keenno isagoo Masiixa kaamil ku ah.
  • 1 Tes 2:11 : 11 Sidaad og tihiin waxaannu midkiin kastaba kula macaamiloonnay sida aabbe carruurtiisa ula macaamiloodo, annagoo idin waaninayna oo idin dhiirigelinayna oo idiin markhaati furayna,
  • Sab 45:10-11 : 10 Haddaba, gabadhoy, bal i maqal, oo fiirso, oo dhegta soo dhig, Oo weliba waxaad illowdaa dadkaagii iyo gurigii aabbahaa; 11 Markaasuu boqorku quruxdaada jeclaanayaa, Waayo, isagu waa sayidkaaga, oo adna isaga u sujuud.
  • Bil 24:2-5 : 2 Oo Ibraahim, wuxuu ku yidhi addoonkiisii oo dadka gurigiisa ugu weynaa, oo u talin jiray wixii uu lahaa oo dhan, Waan ku baryayaaye gacantaada bowdadayda hoos dhig. 3 Oo waxaan kugu dhaarin doonaa Rabbiga ah Ilaaha samada iyo Ilaaha dhulka inaadan wiilkayga naag uga guurinayn gabdhaha reer Kancaanka aan dhex degganahay: 4 laakiin waxaad u kacdaa dalkaygii iyo xigaalkaygii, oo waxaad naag uga keentaa wiilkayga Isxaaq. 5 Addoonkiina wuxuu ku yidhi, Waxaa laga yaabaa inaanay naagtu oggolaan inay ii soo raacdo dalkan; ma inaan wiilkaaga ku celiyo dalkii aad ka timid baa?
  • Bil 24:58-67 : 58 Markaasay Rebeqah u yeedheen, oo waxay ku yidhaahdeen, Ninkan ma raacaysaa? Oo waxay tidhi, Haah, waan raacayaa. 59 Markaasay walaashood Rebeqah direen, iyada iyo midiidinteedii, iyo addoonkii Ibraahim, iyo raggiisiiba. 60 Oo Rebeqah bay u duceeyeen oo ku yidhaahdeen, Walaashayoy, kumanyaal kun hooyadood noqo, farcankaaguna kuwa iyaga neceb iriddooda ha hantiyeen. 61 Rebeqahna way kacday, iyada iyo gabdhaheediiba, oo waxay fuuleen awrtii, ninkiina way raaceen: addoonkiina wuu kaxeeyey Rebeqah, wuuna tegey. 62 Isxaaqna wuxuu ka yimid xagga jidka Bi'ir Lahayroy, waayo, wuxuu degganaa dhulka Koonfureed. 63 Oo gabbaldhicii ayaa Isxaaq berrinka u soo baxay inuu fikiro: markaasuu indhihiisa kor u taagay, oo wax fiiriyey, oo wuxuu arkay awr soo socota. 64 Rebeqahna indhaheedii bay kor u taagtay, oo markay Isxaaq aragtay ayay ratigii ka degtay. 65 Oo waxay addoonkii ku tidhi, Waa ayo ninkaas berrinka dhex socda, oo inaga hor imanaya? Addoonkiina wuxuu yidhi, Waa sayidkaygii. Markaasay indhashareerteedii qaadatay oo hagoogatay. 66 Addoonkiina wuxuu Isxaaq u sheegay wixii uu sameeyey oo dhan. 67 Isxaaqna wuxuu iyadii soo geliyey teendhadii hooyadiis Saarah, Rebeqahna wuu guursaday, oo naagtiisii bay noqotay. Wuuna jeclaaday iyada, oo Isxaaq waxaa laga qalbi qabowjiyey geeridii hooyadiis.
  • Room 7:4 : 4 Sidaas daraaddeed, walaalahayow, jidhkii Masiixa baa meyd idinka dhigay xagga sharciga, in mid kale idin lahaado, oo ah kii kuwii dhintay laga sara kiciyey inaynu Ilaah midho u soo bixinno.
  • 1 Kor 4:15 : 15 In kastoo aad leedihiin toban kun oo Masiix idinku rabbeeyey, aabbayaal badan ma lihidin, waayo, Ciise Masiix ayaan idinku dhalay xagga injiilka.
  • 2 Kor 4:14 : 14 Waannu garanaynaa in kan sara kiciyey Rabbi Ciise uu inala sara kicin doono Ciise, oo hortiisuu ina wada keeni doonaa idinka iyo annagaba.
  • Gal 4:11 : 11 Waxaan ka baqayaa inaan waxtarla'aan idinkugu hawshooday.
  • Gal 4:17-19 : 17 Aad bay idinku doondoonayaan si aan wanaagsanayn, laakiin waxay doonaan inay idinka kaayo xidhaan, si aad idinku iyaga u doondoontaan. 18 Waa wanaagsan tahay in aad loo doondoono wixii wanaagsan had iyo goorba, oo ayan ahayn markaan idinla joogo oo keliya. 19 Carruurtaydiiyey, mar kalaan idin foolanayaa ilaa Masiix idinku dhex abuurmo.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 1¶ Waxaan jeclaan lahaa inaad iigu dulqaadataan doqonnimadayda yar. Laakiin waad ii dulqaadataan.

  • 3Laakiin waxaan ka baqayaa in maankiinna laga halleeyo lillaahinimada iyo daahirnimada xagga Masiix, sidii abeesadii xeeladdeedii Xaawa ugu khiyaanaysay oo kale.

  • 74%

    34Afada iyo bikraddu waa kala duwan yihiin. Tii aan la qabinu waxay u welweshaa waxyaalaha Rabbiga si ay quduus uga ahaato xagga jidhka iyo xagga ruuxa. Tii guursatay waxay u welweshaa waxyaalaha dunida si ay ninkeeda uga farxiso.

    35Tan waxaan idinku leeyahay waxtarkiinna aawadii ee ma aha inaan qool idin geliyo, laakiin in waxa roon la arko iyo inaad Rabbiga u adeegtaan kalajeedsadla'aan.

  • 27si uu kiniisadda isugu keeno iyadoo qurux badan, oo aan lahayn ama bar ama duudduub ama wax la mid ah, laakiinse inay ahaato mid quduus ah oo aan iin lahayn.

  • 71%

    15Miyaanaydin garanaynin jidhadhkiinnu inay yihiin xubnaha Masiixa? Haddaba miyaan qaadaa xubnaha Masiixa oo dhillo xubnaheed ka dhigaa? Yaanay noqon.

    16Miyaanaydin ogayn inuu kii dhillo raacaa la jidh yahay? Waayo, Ilaah wuxuu leeyahay, Labadu waxay noqon doonaan isku jidh.

    17Laakiin kii Rabbiga raacaa waa la ruux.

  • 32Waxaan jeclaan lahaa inaad welwel la'aataan. Kii aan guursanin wuxuu u welwelaa waxyaalaha Rabbiga, siduu Rabbiga uga farxin lahaa.

  • 11Waxaan ka baqayaa inaan waxtarla'aan idinkugu hawshooday.

  • 22Miyaynu Rabbiga ka hinaasinnaa? Miyaynu isaga ka xoog badan nahay?

  • 70%

    15Anna si farxad leh ayaan isu bixin, naftiinnaanan isu bixin. Haddii aan aad idiin jeclahay, ma si ka yar baa lay jecel yahay?

    16Hase ahaatee, anigu idinma aan culaysin, laakiin khaa'in baan noqday oo sir baan idinku qabtay.

  • 2Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Siyoon waxaan ugu qiirooday qiiro aad u weyn, oo waxaan iyada ugu qiirooday cadho weyn.

  • 25¶ Amar bikradaha ku saabsan kama haysto xagga Rabbiga, laakiin waxaan kula talinayaa sida mid Rabbiga naxariis ka helay inuu aamin ahaado.

  • 14Kolkaasaa malaggii ila hadlay igu yidhi, War qayli, oo waxaad tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anigu Yeruusaalem iyo Siyoonba waxaan ugu masayrsanahay masayr weyn.

  • 5Waxaan u malaynayaa inaanan sina uga liidan rasuulladaas ugu waaweyn.

  • 32Qarsoodiganu waa weyn yahay, laakiinse waxaan ka hadlayaa Masiixa iyo kiniisadda.

  • 21waaba intaasoo kolkaan mar kale imaado uu Ilaahay hortiinna igu hoosaysiiyaa, oo aan u baroortaa kuwo badan oo hadda ka hor dembaabay, oo aan ka toobadkeenin wasakhnimadii iyo sinadii iyo nejisnimadii ay faleen.

  • 2Laakiin si aan loo sinaysan, nin kastaa afadiisa oo qudha ha haysto, naag kastaana ninkeeda oo qudha ha haysato.

  • 23¶ Laakiin Ilaah baan markhaati ugu yeedhayaa xagga naftayda, waxaan Korintos u iman waayay inaan idiin tudho.

  • 5Waayo, sida barbaar inan bikrad ah u guursado oo kale ayaa wiilashaadu kuu guursan doonaan, oo sida ninkii aroos ahu uu aroosadda ugu farxo oo kale ayaa Ilaahaagu kuugu farxi doonaa.

  • 25Nimankow, idinkuna afooyinkiinna u jeclaada siduu Masiixuba u jeclaaday kiniisadda oo uu nafsaddiisii u bixiyey iyada aawadeed,

  • 11Bal ogaada, waxakan aad ka calool xumaateen sida Ilaah doonayay wuxuu dhexdiinna ka soo saaray dadaal, iyo iscaddayn, iyo cadho, iyo cabsi, iyo xiiso, iyo qiiro, iyo ciqaabid waaweyn. Wax walba waad isku caddayseen inaad xaalka ku eedla'dihiin.

  • 5mana aha inuu hammadda damaca xaaraanta ah ku socdo sida dadka aan Ilaah aqoonin;

  • 17Aad bay idinku doondoonayaan si aan wanaagsanayn, laakiin waxay doonaan inay idinka kaayo xidhaan, si aad idinku iyaga u doondoontaan.

  • 1 Tes 2:7-8
    2 aayado
    68%

    7Laakiin dhexdiinna waxaannu idiinku roonayn sida mid carruurteeda nuujisa ay iyaga u dhaqaalayso.

    8Sidaas daraaddeed, annagoo aad idiin jecel, ayaannu ku faraxnay inaannu wax idin siinno, mana aha injiilka Ilaah oo keliya, laakiinse xataa naftayada, maxaa yeelay, waxaad noo noqoteen kuwo aan jecel nahay.

  • 8Aniga Ilaah baa iiga markhaati ah sidaan kulligiin idinkugu xiisoonayo xagga jacaylka Ciise Masiix.

  • Hos 2:19-20
    2 aayado
    68%

    19Oo waan ku guursan doonaa inaad weligaaba tayda ahaatid. Haah, oo waxaan kugu guursan doonaa xaqnimo, iyo caddaalad, iyo raxmad, iyo naxariis.

    20Oo xataa waxaan kugu guursan doonaa daacadnimo, oo adna Rabbigaad ogaan doontaa.

  • 3Maxaa yeelay, doonista Ilaah waxaa weeyaan inaad quduus ahaataan oo aad sino ka fogaataan,

  • 15¶ Anigu waxaan maqlay rumaysadkiinna xagga Rabbi Ciise, iyo jacaylka aad quduusiinta oo dhan u qabtaan, oo sidaas daraaddeed

  • 20Laakiinse wax baan kuu haystaa, waayo, waxaad oggoshahay naagta Yesebeel la yidhaahdo oo nebiyad isku sheegta; oo waxay addoommadayda bartaa oo ku sasabtaa inay sinaystaan oo ay cunaan waxyaalo sanamyo loo bixiyey.

  • Fil 1:16-17
    2 aayado
    68%

    16Qaarko waxay ku naadiyaan jacayl, iyagoo og in la ii doortay injiilka daaficiddiisa,

    17laakiinse kuwa kale waxay Masiixa u naadiyaan si ay dadka u kala qaybqaybiyaan, iyagoo aan daacad ahayn oo ku fikiraya inay dhib igu kiciyaan anigoo xidhan.

  • 29Kanu waa sharciga ku saabsan masayrka haddii naagu iyadoo ninkeeda ka dambayn lahayd ka leexato oo ay nijaasowdo,

  • 4Sidaas daraaddeed, walaalahayow, jidhkii Masiixa baa meyd idinka dhigay xagga sharciga, in mid kale idin lahaado, oo ah kii kuwii dhintay laga sara kiciyey inaynu Ilaah midho u soo bixinno.

  • 6¶ Waxaan la yaabsanahay dhaqsiiyaha aad uga dhaqaaqaysaan kii nimcada Masiixa idiinku yeedhay, oo aad u leexanaysaan injiil kale,

  • 1¶ Igu dayda sidaan aniguba Masiix ugu daydo.

  • 4¶ Taas waxaan u leeyahay inaan ninna idinku khiyaanayn hadal sasabasho ah.

  • 67%

    11Waayo? Ma waxay tahay inaanan idin jeclayn? Ilaah baa garan.

    12Laakiin waxaan samaynayo, waan sii samayn doonaa, inaan ka gooyo waxay kuwa doonaya inay wax ku faanaan ku faani lahaayeen, in waxay ku faanaan loo garto inay sidayada oo kale yihiin.

  • 8¶ Sidaas daraaddeed, in kastoo aan Masiixa ku leeyahay dhiirranaan badan inaan kugu amro waxa kuu eg,

  • 14Isagu nafsaddiisuu u bixiyey aawadeen, inuu dembi oo dhan inaga furto oo uu inaga dhigto dad daahirsan oo uu isagu leeyahay oo ku dadaalaya shuqullo wanaagsan.

  • 11Laakiinse carmallada dhallintayar diid, waayo, markay qooqaan ayay ka jeestaan Masiixa, oo waxay doonayaan inay guursadaan.

  • 9Walaashayay, aroosaddaydiiyey, qalbigaygii waad la tagtay, Oo waxaad qalbigayga kula tagtay daymooyinka indhahaaga middood Iyo laasimmada qoortaada midkood.

  • 3Laakiin waxaan u dirayaa walaalaha si aan faanka aannu idinku faaninnay micnela'aan loogaga dhigin xaalkan, inaad diyaar u ahaataan sidaan idhi,

  • 14oo markaas haddii masayr ku soo dego ninka oo uu naagtiisa ka masayro oo ay iyadu nijaasowday, amase haddii masayr ku soo dego oo uu naagtiisa ka masayro oo ayan iyadu nijaasoobin,

  • 2Tag oo Yeruusaalem dhegaha kaga qayli, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan xusuusnahay roonaantii yaraantaada iyo jacaylkii doonanaantaada, markaad igu raaci jirtay cidladii ahayd dal aan waxba lagu beerin.