Ishacyaah 62:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, sida barbaar inan bikrad ah u guursado oo kale ayaa wiilashaadu kuu guursan doonaan, oo sida ninkii aroos ahu uu aroosadda ugu farxo oo kale ayaa Ilaahaagu kuugu farxi doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Ish 65:19 : 19 Oo Yeruusaalem baan ku rayrayn doonaa, oo dadkaygana waan ku farxi doonaa, oo codkii oohinta iyo codkii baroorashadana mar dambe dhexdeeda lagama maqli doono.
  • Cib 12:2 : 2 innagoo fiirinayna Ciise oo ah Bilaabaha iyo Dhammeeyaha rumaysadkeenna, kii farxaddii hor tiil daraaddeed u adkaystay iskutallaabta, isagoo fududaysanaya ceebta, oo fadhiistay midigta carshiga Ilaah.
  • Yer 32:41 : 41 Waxaan ku farxi doonaa inaan iyaga wanaag u sameeyo, oo sida runta ah qalbigayga oo dhan iyo naftayda oo dhan ayaan iyaga dalkan ku dhex beeri doonaa.
  • Sab 45:11-16 : 11 Markaasuu boqorku quruxdaada jeclaanayaa, Waayo, isagu waa sayidkaaga, oo adna isaga u sujuud. 12 Oo waxaa halkaas joogi doonta gabadha reer Turos, iyadoo hadiyad wadda, Xataa taajiriinta dadka ku jirtaa waxay kaa baryi doonaan raallinimo. 13 Gabadha boqorka oo hoyga boqorka joogtaa waa qurux miidhan, Dharkeeda dahab baa lagu dhex sameeyey. 14 Waxaa boqorka loo geeyn doonaa iyadoo sharraxan, Bikradaha saaxiibadaheeda ah oo iyada daba socdana waa laguu keeni doonaa. 15 Waxaa iyaga lagu hoggaamin doonaa farxad iyo rayrayn, Oo waxay soo geli doonaan hoyga boqorka. 16 Meeshii awowayaashaa waxaa joogi doona wiilashaada, Kuwaas oo aad dunida oo dhan amiirro uga dhigi doonto.
  • Ish 49:18-22 : 18 Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Kuwaas oo dhammu way isa soo wada urursanayaan oo adigay kuu imanayaan. Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay, hubaal kuwaas oo dhan waxaad u xidhan doontaa sida sharraxaad oo kale, oo waxaad u huwan doontaa sida aroosaddu wax u huwato oo kale. 19 Waayo, baabba'aagii iyo meelahaagii cidloobay iyo dalkaagii burburayba haatan cidhiidhi bay ku noqon doonaan kuwa ku degaya, oo kuwii ku liqayna way kaa fogaan doonaan. 20 Carruurta aad dhashay markaad gablantay dabadeed ayaa kugu odhan doonta adigoo maqlaya, Meeshu aad bay noogu cidhiidhisan tahay, haddaba bal meel aannu degno noo bannee. 21 Markaasaad qalbigaaga iska odhan doontaa, Bal yaa kuwan ii dhalay? Maxaa yeelay, carruurtaydii waan ka gablamay, oo waxaan ahay mid cidlowday, oo la masaafuriyey, oo wareegta. Oo bal yaase kuwan ii koriyey? Waayo, anoo keligay ah ayaa layga tegey, ee haddaba kuwanu xaggee bay joogeen? 22 ¶ Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eeg, quruumahaan u gacan haadin doonaa, oo calankayga dadyowgaan u taagi doonaa, oo wiilashaada laabtooday ku keeni doonaan, oo gabdhahaagana garbahooday ku soo qaadi doonaan.
  • Ish 62:4 : 4 Mar dambe laguuguma yeedhi doono Tii la dayriyey, oo dalkaagana mar dambe looguma yeedhi doono Dhulka baabba'a ah, laakiinse waxaa lagugu magacaabi doonaa Xefsiibaah, oo dalkaagana waxaa lagu magacaabi doonaaBecuulaah, waayo, Rabbigu waa kugu farxaa, oo dalkaagana waa la guursan doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Ish 62:2-4
    3 aayado
    85%

    2Oo quruumuhu xaqnimadaaday arki doonaan, oo boqorrada oo dhammuna sharaftaaday arki doonaan, oo waxaa laguu bixin doonaa magac cusub oo Rabbiga afkiisu kugu magacaabi doono.

    3Oo weliba waxaad gacanta Rabbiga ku noqon doontaa taaj qurux ah, iyo cigaal boqornimo.

    4Mar dambe laguuguma yeedhi doono Tii la dayriyey, oo dalkaagana mar dambe looguma yeedhi doono Dhulka baabba'a ah, laakiinse waxaa lagugu magacaabi doonaa Xefsiibaah, oo dalkaagana waxaa lagu magacaabi doonaaBecuulaah, waayo, Rabbigu waa kugu farxaa, oo dalkaagana waa la guursan doonaa.

  • Ish 54:4-7
    4 aayado
    79%

    4Ha cabsan, waayo, ma aad ceeboobi doontid, hana sharafjabin, waayo, laguma ceebayn doono, oo ceebtii yaraantaadana waad illoobi doontaa, oo ceebtii carmalnimadaadana innaba mar dambe sooma aad xusuusan doontid.

    5Waayo, Uumahaaga ayaa ninkaaga ah, oo magiciisana waxaa la yidhaahdaa Rabbiga ciidammada. Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iilna waa Bixiyahaaga, oo waxaa isaga la odhan doonaa Ilaaha dhulka oo dhan.

    6Waayo, Ilaahaagu wuxuu leeyahay, Anoo Rabbiga ahu waxaan kuugu yeedhay sidii adoo ah naag laga tegey oo nafsaddeedu murugootay, iyo sidii bilcaan yaraanteedii lagu nacay oo kale.

    7Muddo yar baan kaa tegey, laakiinse waxaan kugu soo ururin doonaa naxariis badan.

  • 10¶ Si weyn baan Rabbiga ugu rayrayn doonaa, oo naftayduna Ilaahayga bay ku farxi doontaa, waayo, wuxuu ii xidhay dharkii badbaadada, oo wuxuu i huwiyey khamiiskii xaqnimada, sida aroos dharkiisa quruxdasan isku sharraxa iyo sida aroosad jowharadaheeda isku soo sharraxda.

  • 15In kastoo lagaa tegey oo lagu necbaaday, oo uusan ninna ku dhex mari jirin, waxaan kaa dhigi doonaa sharaf weligeed ah iyo farxadda dadka qarniyada badan.

  • Yer 31:12-13
    2 aayado
    75%

    12Oo intay yimaadaan ayay meesha sare ee Siyoon ka dul heesi doonaan, oo waxay u soo wada qulquli doonaan Rabbiga wanaaggiisa oo ah hadhuudh, iyo khamri, iyo saliid, iyo ubadka idaha iyo lo'daba, oo naftooduna waxay noqon doontaa sida beer la waraabiyey oo kale, oo mar dambena innaba weligood ma ay murugoon doonaan.

    13Oo markaasay bikraddu cayaarta ku dhex rayrayn doonta, oo barbaarrada iyo odayaashuba ay wada farxi doonaan, waayo, baroorashadoodii farxad baan ugu beddeli doonaa, waanan u qalbi qaboojin doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa inay murugtoodii ka reyreeyaan.

  • Maah 5:18-19
    2 aayado
    74%

    18Ishaadu ha barakaysnaato, Oo naagtaadii aad yaraanta ku guursatay ku faraxsanow.

    19Iyadu ha kuu ahaato sida deerada jacaylka badan iyo sida cawsha quruxsan, Goor walbana naasaheedu ha ku deeqeen Oo had iyo goorna jacaylkeeda ku faraxsanow.

  • 18Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Kuwaas oo dhammu way isa soo wada urursanayaan oo adigay kuu imanayaan. Rabbigu wuxuu leeyahay, Noloshaydaan ku dhaartay, hubaal kuwaas oo dhan waxaad u xidhan doontaa sida sharraxaad oo kale, oo waxaad u huwan doontaa sida aroosaddu wax u huwato oo kale.

  • Hos 2:19-20
    2 aayado
    73%

    19Oo waan ku guursan doonaa inaad weligaaba tayda ahaatid. Haah, oo waxaan kugu guursan doonaa xaqnimo, iyo caddaalad, iyo raxmad, iyo naxariis.

    20Oo xataa waxaan kugu guursan doonaa daacadnimo, oo adna Rabbigaad ogaan doontaa.

  • 1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Faraxsanow, madhalaysta aan dhalinay, hees ku dhufo oo mashxarad, taada aan carruur ku foolanay, waayo, tan cidlowday carruurteedu waa ka badan yihiin tan ninka leh carruurteeda.

  • 4Dadka Israa'iil ee bikradda ahow, mar kalaan ku dhisi doonaa, oo waad dhismi doontaa, oo waxaad mar kale isku sharrixi doontaa dafafkaagii, oo waxaad cayaaraha ula bixi doontaa kuwa reyreeya.

  • Ish 66:10-14
    5 aayado
    72%

    10¶ Kuwiinna iyada jecel oo dhammow, Yeruusaalem la reyreeya, oo aawadeed u faraxsanaada, kuwiinna u baroorta oo dhammow, farxad aawadeed ula reyreeya,

    11si aad naaseheeda gargaarka ah u nuugtaan oo aad uga dheregtaan, iyo si aad sharafteeda badan uga maashaan oo aad ugu faraxdaan.

    12Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eega, nabad sida webi oo kale ayaan ugu soo fidin doonaa, oo sharafta quruumahana sida durdur soo buuxdhaafay oo kale ayaan ugu soo dayn doonaa, oo markaasaad nuugi doontaan, oo sintaa laydinku xambaari doonaa, dhabtaana laydinku dul cayaarsiin doonaa.

    13Sida mid hooyadiis u qalbi qaboojiso oo kale ayaan aniguna idiin qalbi qaboojin doonaa, oo waxaa laydinku qalbi qaboojin doonaa Yeruusaalem.

    14Oo markaad waxaas aragtaan ayaa qalbigiinnu farxi doonaa, oo lafihiinnuna sida caws qoyan oo kale ayay u soo barwaaqaysnaan doonaan, oo waxaa la ogaan doonaa inay gacanta Rabbigu addoommadiisa la jirto, cadhadiisuse waxay ku dhici doontaa cadaawayaashiisa.

  • 2Tag oo Yeruusaalem dhegaha kaga qayli, oo waxaad ku tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxaan xusuusnahay roonaantii yaraantaada iyo jacaylkii doonanaantaada, markaad igu raaci jirtay cidladii ahayd dal aan waxba lagu beerin.

  • 4Bal indhahaaga kor u qaad oo hareerahaaga fiiri. Intay isa soo wada urursadaan ayay kuu yimaadaan. Wiilashaadii meel fog bay ka iman doonaan, oo gabdhahaagana gacmahaa lagu soo qaadi doonaa.

  • Yex 16:7-8
    2 aayado
    72%

    7Oo waxaan kaa dhigay inaad sida biqilka duurka oo kale u badatid, waanad korodhay oo sii weynaatay, oo waxaad noqotay wax qurux badan, waanad naaso keentay, oo timahaagiina way bexeen, in kastoo aad qaawanayd oo aanad dednayn.

    8Haddaba markaan ku soo ag maray, oo aan ku fiiriyey, wakhtigaagu wuxuu ahaa wakhtigii caashaqa, oo waxaan kugu deday macawistaydii, oo cawradaadiina waan daboolay, oo weliba waan kuu dhaartay oo axdi kula dhigtay, oo taydii baad noqotay, ayaa Sayidka Rabbiga ahu leeyahay.

  • 22Kaaga sida bikrad dib u socdow, ilaa goormaad iska daba wareegaysaa? Waayo, Rabbigu wax cusubuu dhulka ku sameeyey, oo naag baa nin ku wareegi doonta.

  • 9Waayo, Rabbiga ciidammada oo ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Bal ogow, indhahaaga hortooda iyo wakhtiga aad nooshahay qudhiisa waxaan meeshan ka joojin doonaa codka rayraynta iyo codka farxadda, iyo codka arooska iyo codka aroosaddaba.

  • 14Carruurtii dib u noqotayay, soo noqda, waayo, waxaan ahay Sayidkiinnii, oo midkiin waxaan kala soo bixi doonaa magaalo, labana waxaan kaloo soo bixi doonaa qolo, oo waxaan idin keeni doonaa Siyoon, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 6¶ Yeruusaalemay, derbiyadaada waxaan dul saaray waardiyayaal, oo iyana habeen iyo maalin toona ma ay aamusi doonaan. Kuwiinna Rabbiga xusuustow, ha aamusina,

  • Ish 60:19-21
    3 aayado
    71%

    19Mar dambe qorraxdu kuuma ahaan doonto iftiinkaaga maalinnimo, oo dayaxuna nuur dhalaalaya kuma siin doono, laakiinse Rabbiga ayaa iftiin weligiis ah kuu ahaan doona, oo Ilaahaaguna qurux buu kuu ahaan doonaa.

    20Qorraxdaadu mar dambe ma dhici doonto, oo dayaxaaguna iftiinkiisa ma ceshan doono, waayo, Rabbigu wuxuu kuu ahaan doonaa iftiin weligiis ah, oo wakhtigii baroorashadaaduna wuu dhammaan doonaa.

    21Oo weliba dadkaaga oo dhammuna waxay ahaan doonaan kuwa xaqa ah, oo weligoodba dalkay dhaxli doonaan, iyagoo ah laantii beeriddayda, iyo shuqulkii gacmahayga inaan ammaanmo aawadeed.

  • 11codka farxadda, iyo codka rayraynta, iyo codka arooska, iyo codka aroosadda, iyo codka kuwa leh, Rabbiga ciidammada u mahadnaqa, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa, iyo kuwa guriga Rabbiga allabaryo mahadnaqid ah keena. Waayo, maxaabiista dalka waan soo celin doonaa sidii markii hore oo kale, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 10Magaalada Siyoonay, gabay oo reyree, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal eeg, anigu waan imanayaa oo dhexdaadaan degganaan doonaa.

  • 17Rabbiga Ilaahaaga ah ayaa dhexdaada jooga, isagu waa mid xoog badan oo ku badbaadin doona. Farxad buu kuugu rayrayn doonaa, oo wuxuu ku nasan doonaa jacaylkiisa, oo gabay buu kuugu farxi doonaa.

  • 12Waxaa loogu yeedhi doonaa, Dadka quduuska ah iyo Kuwa Rabbigu soo furtay, oo waxaa lagugu magacaabi doonaa, Tii la doondoonay, iyo Magaalo aan la dayrin.

  • 3Naagtaadu waxay gurigaaga ku dhex ahaan doontaa sida geed canab ah oo midho badan dhala. Carruurtaaduna waxay noqon doonaan sida geedo saytuun ah oo miiskaaga ku wareegsan.

  • 5Taasoo la mid ah aroos qolladdiisii ka soo baxaya, Oo waxay u faraxdaa sida nin xoog leh oo baratamaya.

  • 7Aynu rayrayno oo aad u faraxno, oo aynu ammaanno isaga; waayo, arooskii Wanku wuu yimid, oo afadiisiina way isdiyaarisay.

  • 8Haddaba u musannaaba sidii gabadh joonyad xidhatay oo u barooranaysa arooskeedii ka dhintay.

  • 61Oo markaasaad jidadkaagii soo xusuusan doontaa, oo waad isku ceeboobi doontaa markaad qaabbishid walaalahaa, ta kaa weyn iyo ta kaa yarba, oo inay gabdho kuu noqdaan baan kuu siin doonaa, laakiinse axdigaaga kugu siin maayo.

  • 11Markaasuu boqorku quruxdaada jeclaanayaa, Waayo, isagu waa sayidkaaga, oo adna isaga u sujuud.

  • Hos 2:14-15
    2 aayado
    70%

    14¶ Haddaba bal eeg, qalbigeedaan soo jiidi doonaa, oo cidladaan iyada keeni doonaa, oo si qabow baan ula hadli doonaa.

    15Oo waxaan iyada halkaas ka siin doonaa beeraheedii canabka ahaa, oo dooxada Caakoorna waxaan uga dhigi doonaa albaab rajo, oo iyana halkaasay ku jawaabi doontaa, sidii waagii ay dhallintayarayd oo kale, iyo sidii maalintii ay dalkii Masar ka soo baxday.

  • 14Oo idinku waxaad tidhaahdaan, Waa maxay sababtu? Maxaa yeelay, Rabbigu wuxuu ahaa markhaati u dhexeeya midkiin kasta iyo naagtii dhallinyaranimadiisa oo uu khiyaano kula macaamilooday in kastoo ay tahay weheshiisii iyo naagtii uu axdiga la dhigtay.

  • 2Aad iyo aad buu u magooli doonaa, oo xataa wuxuu ku rayrayn doonaa farxad iyo gabay, oo waxaa la siin doonaa ammaantii Lubnaan iyo haybaddii Karmel iyo Shaaroon. Waxaa la arki doonaa ammaanta Rabbiga iyo haybadda Ilaaheenna.

  • 14¶ Magaalada Siyoonay, gabay, reer binu Israa'iilow, qayliya, Magaalada Yeruusaalemay, farax oo qalbiga oo dhan ku reyree.

  • 14markaasaad Rabbiga ku farxi doontaa, oo anna waxaan ku marsiin doonaa meelaha sarsare ee dhulka, oo dhaxalkii awowgaa Yacquub ayaan kugu quudin doonaa, waayo, afkii Rabbiga ayaa saas ku hadlay.