2 Boqorradii 12:20
Oo addoommadiisii intay ku kaceen ayay sirqooleen, oo waxay Yoo'aash ku dileen guriga Millo agtiisa oo ku ag yiil jidka u kaca xagga Sillaa.
Oo addoommadiisii intay ku kaceen ayay sirqooleen, oo waxay Yoo'aash ku dileen guriga Millo agtiisa oo ku ag yiil jidka u kaca xagga Sillaa.
Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.
21Oo kuwii isagii dilay waxay ahaayeen addoommadiisii oo ahaa Yooskar oo ay Shimcaad dhashay iyo Yehoosaabaad oo ay Shomeer dhashay; wuuna dhintay, oo waxaa awowayaashiis lagula aasay magaaladii Daa'uud; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Amasyaah.
21Oo iyana intay isagii shirqool u dhigeen, ayay iyagoo boqorka amar ka wata isagii ku dhagxiyeen barxadda guriga Rabbiga.
22Sidaasuusan Boqor Yoo'aash u xusuusan roonaantii uu Yehooyaadaac oo isaga aabbihiis ahaa u sameeyey, laakiinse wuxuu dilay wiilkiisii. Oo markuu dhimanayay ayuu yidhi, Rabbigu xaalkan ha fiiriyo oo ha idin weyddiiyo.
23Oo isla sannaddaas dhammaadkeedii waxaa isagii ku soo kacay ciidankii reer Suuriya, oo intay dalkii Yahuudah iyo Yeruusaalem yimaadeen ayay amiirradii dadka oo dhan ka baabbi'iyeen dadka dhexdiisii, oo wixii ay dhaceen oo dhan ayay u direen boqorkii Dimishaq degganaa.
24Ciidankii reer Suuriya waxay yimaadeen iyagoo ah guuto yar, markaasaa Rabbigu wuxuu gacanta u geliyey ciidan aad u faro badan, maxaa yeelay, waxay ka tageen Rabbigii ahaa Ilaahii awowayaashood. Oo sidaasaa xukun loogu soo dejiyey Yoo'aash.
25Oo markay isagii ka tageen, (waayo, waxay ka tageen isagoo aad iyo aad u buka) ayaa isaga addoommadiisii u sirqooleen dhiiggii uu qabay oo ilma Yehooyaadaac, kii wadaadka ahaa, oo waxay dileen isagoo sariirtiisii ku jiifa, wuuna dhintay. Oo waxaa lagu aasay magaaladii Daa'uud, laakiinse isagii laguma dhex aasin qabuurihii boqorrada.
26Oo kuwii isaga sirqoolka u dhigayna waxay ahaayeen Saabaad oo ay dhashay Shimcaad oo ahayd reer Cammoon, iyo Yehoosaabaad oo ay dhashay Shimriid oo ahayd reer Moo'aab.
24Oo addoommadiisii ayaa shirqool u dhigay, oo gurigiisay ku dileen.
25Laakiinse dadkii dalka degganaa ayaa wada laayay kuwii Boqor Aamoon sirqoolka u dhigay oo dhan, oo dadkii dalka degganaa waxay meeshiisii boqor uga dhigeen wiilkiisii Yoosiyaah.
19Haddaba Yoo'aash falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhammu sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
19Oo haddana wuxuu kaxeeyey boqol u taliyayaashii iyo kuwii reer Kaarii, iyo askartii ordi jirtay, iyo dadkii waddanka oo dhanba, oo waxay boqorkii ka soo dejiyeen gurigii Rabbiga, oo intay jidkii iridda waardiyayaasha soo mariyeen ayay keeneen gurigii boqorka. Oo isna wuxuu ku fadhiistay carshigii boqorrada.
20Sidaas daraaddeed dadkii waddanka oo dhammu way wada reyreeyeen, oo magaaladiina way xasilloonayd, oo Catalyaahna gurigii boqorka agtiisa ayay seef ku dileen.
23Markaasaa Aamoon addoommadiisii sirqooleen, oo waxay boqorkii ku dhex dileen gurigiisii.
24Laakiinse dadkii dalka degganaa ayaa wada laayeen kuwii Boqor Aamoon sirqooleen oo dhan, markaasaa dadkii dalku waxay meeshiisii boqor ka dhigeen wiilkiisii Yoosiyaah.
27Haddaba Amasyaah markuu gees uga leexday Rabbiga lasocodkiisii dabadeed shirqool bay Yeruusaalem ugu sameeyeen, markaasuu Laakiish u cararay, laakiinse Laakiish bay cid uga daba direen, oo halkaasay ku dileen.
5Oo haddiiba markii boqortooyadiisii xoogaysatay ayuu laayay addoommadiisii dilay boqorkii aabbihiis ahaa.
15Markaasaa wadaadkii Yehooyaadaac ahaa amray boqol u taliyayaashii ciidanka u sarreeyey, oo wuxuu ku yidhi, Iyada soo bixiya oo safafka soo dhex mariya, oo kii soo raacana seef ku dila, waayo, wadaadku wuxuu yidhi, Iyada yaan lagu dhex dilin guriga Rabbiga.
16Sidaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu gurigii boqorka u mari jireen, oo halkaasaa lagu dilay.
15Sidaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu guriga boqorka u mari jireen; oo halkaasay ku dileen.
12Haddaba Yoo'aash falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisii uu kula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
13Markaasaa Yoo'aash dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo carshigiisiina waxaa ku fadhiistay Yaaraabcaam; Yoo'aashna waxaa Samaariya lagula aasay boqorradii dalka Israa'iil.
19Oo isagii shirqool bay Yeruusaalem ugu sameeyeen, markaasuu Laakiish u cararay, laakiinse Laakiish bay cid uga daba direen, oo halkaasay ku dileen.
10Oo waxaa isagii shirqoolay Shalluum ina Yaabeesh, oo wax buu ku dhuftay dadka hortiisii, wuuna dilay, markaasuu meeshiisiina boqor ka noqday.
10¶ Haddaba Catalyaah oo ahayd Axasyaah hooyadiis markay aragtay in wiilkeedii dhintay ayay kacday oo wada baabbi'isay farcankii reer boqor ee Yahuudah oo dhan.
11Laakiinse Yehooshabecad oo ahayd boqorka gabadhiisii waxay la tagtay Yoo'aash oo ahaa ina Axasyaah, oo ka dhex xadday wiilashii boqorka ee la laayay isagii iyo tii xannaanayn jirtayba, oo waxay gelisay qolka la seexdo. Haddaba Yehooshabecad oo ahayd Boqor Yehooraam gabadhiis, oo u dhaxday wadaadkii Yehooyaadaac la odhan jiray waxay isagii ka qarisay Catalyaah si ayan isaga u dilin (maxaa yeelay, iyadu waxay ahayd Axasyaah walaashiis).
20Oo haddana wuxuu kaxeeyey boqol-u-taliyayaashii, iyo kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii dadka, iyo dadkii waddanka oo dhanba, oo waxay boqorkii ka soo kaxeeyeen gurigii Rabbiga, oo intay iriddii sare soo mariyeen ayay keeneen gurigii boqorka, kolkaasay boqorkii ku fadhiisiyeen carshigii boqortooyada.
30Markaasaa dadkii magaaladu waxay Yoo'aash ku yidhaahdeen, Soo bixi wiilkaaga aan dilnee, waayo, wuxuu dumiyey meeshii allabariga Bacal loogu bixin jiray, oo geedihii Asheeraah oo ku ag yiilna salkuu ka gooyay.
8Oo kolkii Yeehuu xukunka ku soo dejinayay reerkii Axaab wuxuu helay amiirradii dalka Yahuudah iyo Axasyaah walaalihiis wiilashii ay dhaleen oo Axasyaah u adeegaya, markaasuu iyagii laayay.
25Oo haddiiba markuu dhammeeyey allabarigii gubnaa oo uu bixinayay ayaa Yeehuu ku yidhi askartii iyo saraakiishii, Gala oo wada laaya, oo yaan midna ka soo bixin. Markaasay seef ku laayeen, oo askartii ordi jirtay iyo saraakiishii ayaa iyagii dibadda u soo tuuray oo waxay tageen magaaladii guriga Bacal.
3Oo markii boqortooyadii u xoogaysatay ayuu laayay addoommadiisii dilay boqorkii aabbihiis ahaa.
1¶ Catalyaah oo ahayd Axasyaah hooyadiis markay aragtay in wiilkeedii dhintay ayay kacday oo wada baabbi'isay farcankii reer boqor oo dhan.
2Laakiinse Yehooshebac oo ahayd Boqor Yooraam gabadhiisii, oo Axasyaahna walaashiis ahayd, waxay la tagtay Axasyaah wiilkiisii Yoo'aash, oo ay ka dhex xadday wiilashii boqorka ee la laayay, isagii iyo tii xannaanayn jirtayba, oo waxay gelisay qolka la seexdo, oo iyana Catalyaah way ka qariyeen, sidaas daraaddeed isagii lama dilin.
16Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Axiimelegow, hubaal waad dhimanaysaa adiga iyo reerka aabbahaa oo dhammuba.
17Dabadeedna boqorkii wuxuu waardiyayaashii hareerihiisa taagnaa ku yidhi, Ku jeesta oo wadaaddada Rabbiga laaya, maxaa yeelay, gacantoodu Daa'uud bay la jirtaa, oo iyagoo og inuu baxsaday ayayan ii soo sheegin, laakiinse boqorka addoommadiisii way diideen inay gacantooda ku fidiyaan oo laayaan wadaaddadii Rabbiga.
6Kuwii kalena addoommadiisii ayay qabteen, wayna caayeen oo dileen.
15Haddaba Yehoo'aash falimihiisii kale ee uu sameeyey, iyo xooggiisii, iyo siduu ula diriray Amasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudahba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
16Markaasaa Yehoo'aash dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo Samaariya ayaa lagula aasay boqorradii dalka Israa'iil, oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yaaraabcaam.
34Markaasaa Benaayaah ina Yehooyaadaac tegey, oo intuu ku kor dhacay ayuu dilay, oo waxaa lagu aasay gurigiisii cidlada ku yiil.
30Hoosheeca ina Eelaah ayaa Feqax ina Remalyaah shirqoolay, oo intuu wax ku dhuftay ayuu dilay, oo meeshiisiina boqor buu ka noqday sannaddii labaatanaad oo Yootam ina Cusiyaah.
27Laakiinse Axasyaah oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah markuu taas arkay ayuu u cararay xagga gurigii beerta. Oo Yeehuuna wuu eryaday oo wuxuu yidhi, War isagana gaadhifaraskiisa ku dhex dila. Markaasay isagii ku dileen jiirtii Guur oo Yiblecaam ku ag taal. Wuuna u cararay xagga Megiddoo oo halkaasuu ku dhintay.
9Markaasaa Yehoo'aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Samaariya; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yoo'aash.
25Markaasaa Boqor Sulaymaan u diray Benaayaah ina Yehooyaadaac, oo isna wuu dilay, Adoniiyaahna waa dhintay.
30Oo addoommadiisii intay gaadhifaras Megiddoo kaga qaadeen isagoo meyd ah ayay Yeruusaalem keeneen oo qabrigiisii ku aaseen. Markaasay dadkii waddanku soo wateen Yehoo'aaxaas ina Yoosiyaah, oo intay subkeen ayay boqor uga dhigeen meeshii aabbihiis.
1¶ Markaasaa dadkii Yeruusaalem degganaa waxay meeshiisii boqor kaga dhigteen Axasyaah oo ahaa wiilkiisii ugu wada yaraa, maxaa yeelay, guutadii ragga ahayd oo reer Carbeed xerada la timid way wada laayeen kuwii waaweynaa oo dhan. Sidaas daraaddeed waxaa boqor noqday Axasyaah ina Yehooraam oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah.
14Markaasaa Menaxeem ina Gaadii ayaa ka kacay Tirsaah, oo wuxuu tegey Samaariya, markaasuu Shalluum ina Yaabeesh ku dilay Samaariya oo meeshiisii boqor ka noqday.
15Haddaba Shalluum falimihiisii kale iyo shirqoolkii uu sameeyeyba waxay ku qoran yihiin kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil.
14¶ Sidaasuu Yeehuu ina Yehooshaafaad oo ahaa ina Nimshii u shirqoolay Yooraam. (Haddaba Yooraam iyo dadka Israa'iil oo dhammu waxay u sii haysteen Raamod Gilecaad Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya daraaddiis,
10oo waxaa u soo galay Simrii, markaasuu wax ku dhuftay, oo dilay isagii, waxayna ahayd Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad, oo meeshiisiina isagaa boqor ka noqday.
7Oo Sikrii oo ahaa nin xoog badan oo reer Efrayim ayaa dilay Macaseeyaah oo ahaa boqorka wiilkiisii, iyo Casriiqaam oo reerka u talin jiray, iyo Elqaanaah oo ahaa kii boqorka ku xigay.
25Oo waxaa isagii shirqoolay sirkaalkiisii Feqax ina Remalyaah ahaa oo wuxuu isagii qalcaddii guriga boqorka kula dilay Argob iyo Aryaah; oo waxaa isaga la jiray konton nin oo reer Gilecaad ah; oo markuu isagii dilay ayuu meeshiisii boqor ka noqday.