2 Boqorradii 3:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo magaalooyinkii way burburiyeen, oo dhul kasta oo fiicanna nin waluba dhagaxiisii buu ku tuuray, oo way buuxiyeen; oo ilihii biyaha ahaa oo dhanna way wada xidheen, oo geedihii wanaagsanaa oo dhanna way wada jareen, ilaa ay Qiir Xaresed oo keliya dhagxanteedii u daayeen, habase yeeshee wadhafleydii ayaa isku wareejisay oo ku dhufatay.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Boq 3:19 : 19 Oo waa inaad dumisaan magaalo kasta oo deyr leh, iyo magaalo kasta oo la doortay, oo geed kasta oo wanaagsan waa inaad jartaan, oo waxaad xidhaan ilo walba oo biyo ah, oo waxaad dhul kasta oo wanaagsan ku hallaysaan dhagaxyo.
  • Ish 16:7 : 7 Sidaas daraaddeed reer Moo'aab waxay u ooyi doonaan dalka Moo'aab, oo mid kastaaba waa ooyi doonaa. Oo waxaad aad ugu barooran doontaan aasaaska Qiir Xaresed oo aad wax loogu dhuftay.
  • Yer 48:31 : 31 Sidaas daraaddeed Moo'aab waan u barooran doonaa, oo waxaan u qaylin doonaa reer Moo'aab oo dhan daraaddood, waana loo barooran doonaa dadka Qiir Xeres.
  • Yer 48:36 : 36 Oo sidaas daraaddeed dalka Moo'aab aawadiis qalbigaygu waa u dhawaaqaa sida biibiile oo kale, oo dadka Qiir Xeres aawadoodna qalbigaygu sida biibiile oo kale waa u dhawaaqaa, saas aawadeed maalkii badnaa ee ay heleen waa ka wada baabba'ay.
  • Ish 16:11 : 11 Haddaba sidaas daraaddeed qalbigaygu wuxuu sida kiraar oo kale ugu barooranayaa Moo'aab aawadeed, oo calooshayduna Qiir Xaresed aawadeed.
  • Ish 37:26-27 : 26 War sow ma aad maqal Sidaan waa hore u sameeyey, Oo aan wakhtiyadii hore u qabanqaabiyey? Haddaba anigaa saas ka yeelay Inaad magaalooyin deyr leh baabbi'isid oo aad ka dhigtid taallooyin burbur ah. 27 Oo sidaas daraaddeed dadkii degganaa way xoog yaraayeen, Wayna naxeen oo wareereen, Oo waxay ahaayeen sida cawska berrinka, iyo sida doogga, iyo sida cawska guryaha korkooda ka soo baxa, iyo sida hadhuudh intaanu korin.
  • 2 Taar 32:4 : 4 Sidaas aawadeed waxaa isu soo ururay dad badan, wayna wada awdeen ilihii biyaha ahaa oo dhan iyo durdurkii waddanka dhex mari jiray, oo waxay isyidhaahdeen, Bal boqorrada dalka Ashuur intay yimaadaan maxay biyo badan u helayaan?
  • Ish 15:1 : 1 ¶ Kanu waa warka culus ee Moo'aab ku saabsan. Caartii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay; Qiirtii Moo'aab habeen qudha baa lagu dumiyey oo baabba'shay.
  • Bil 26:15 : 15 Ceelashii addoommada aabbihiis qodeen oo dhan waagii aabbihiis Ibraahim noolaa ayay reer Falastiin hore u awdeen oo ciid uga buuxiyeen.
  • Bil 26:18 : 18 Kolkaasaa Isxaaq mar kale qoday ceelashii biyaha oo ay qodeen waagii aabbihiis Ibraahim noolaa, waayo, reer Falastiin baa awday markii Ibraahim dhintay ka dib, oo wuxuu magacyadoodii u bixiyey magacyadii aabbihiis Ibraahim u bixiyey.
  • Sharc 2:9 : 9 ¶ Markaasaa Rabbigu igu yidhi, Reer Moo'aab ha dhibin, dagaalna ha kula diririn, waayo, dalkooda waxba hanti idiinka siin maayo, maxaa yeelay, Caar waxaan hanti u siiyey reer Luud.
  • Sharc 20:19-20 : 19 ¶ Oo markaad wakhti dheer magaalo dagaal ku hareeraynaysaan si aad u qabsataan, waa inaydaan dhirteeda faas ku baabbi'in, waayo, wax baad ka cuni karaysaan, saas aawadeed waa inaydaan jarin. Waayo, bal geedka duurka ma nin baa oo aad saas darteed u weerartaan? 20 Waxaad keliyahoo baabbi'isaan oo jartaan dhirta aad garanaysaan inayan ahayn dhir la cuno, oo magaalada idinla dirirayso waa inaad hareeraheeda ka dhisataan dhufaysyo ilaa ay dhacdo.
  • Xaak 9:45 : 45 Oo Abiimelegna maalintaas oo dhan wuxuu la dirirayay magaaladii; oo wuu qabsaday magaaladii, oo dadkii ku jirayna wuu wada laayay; oo magaaladiina wuu dumiyey, wuxuuna ku daadiyey cusbo.
  • 2 Sam 8:2 : 2 Oo wuxuu kaloo laayay reer Moo'aab, oo intuu dhulka jiifiyey ayuu xadhig ku qiyaasay, oo markaasuu laba xadhig wuxuu u qiyaasay in la dilo, xadhig buuxana wuu la hadhay iyagoo nool. Oo reer Moo'aabna addoommay Daa'uud u noqdeen, oo baad bay u keeneen.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 87%

    18Oo taasu Rabbiga hortiisa waa ku fudud dahay; oo weliba isagu reer Moo'aabna gacantiinnuu soo gelin doonaa.

    19Oo waa inaad dumisaan magaalo kasta oo deyr leh, iyo magaalo kasta oo la doortay, oo geed kasta oo wanaagsan waa inaad jartaan, oo waxaad xidhaan ilo walba oo biyo ah, oo waxaad dhul kasta oo wanaagsan ku hallaysaan dhagaxyo.

    20Oo subaxdii dambe markii allabariga la bixin jiray goor ku dhow ayaa biyo ka yimaadeen xagga Edom, oo waddankiina biyaa ka buuxsamay.

    21Haddaba markay reer Moo'aab maqleen in boqorradii ay yimaadeen inay la dagaallamaan ayaa waxaa is-urursaday dhammaan kuwii hub qaadi karay iyo kuwii ka weynaa, oo waxay istaageen soohdinta.

  • 82%

    23Markaasay yidhaahdeen, War waxanu waa dhiig, hubaal boqorradii waa islaayeen oo nin waluba saaxiibkiis buu dilay; haddaba, reer Moo'aabow, xagga dhaca u kaca.

    24Oo markay yimaadeen xeradii dadka Israa'iil ayaa dadka Israa'iil ku kaceen oo laayeen reer Moo'aab; iyana way ka carareen hortooda, oo dadka Israa'iilna dhulkii bay hore u galeen iyagoo reer Moo'aab laynaya.

  • 26Oo boqorkii reer Moo'aab markuu arkay in dagaalku ku kulul yahay ayuu kaxaystay toddoba boqol oo nin ee seefqaad wada ah si uu ugu gudbo xagga boqorka Edom, laakiinse way kari waayeen.

  • 30Iyaga waannu toogannay; oo Xeshboon waa baabba'day tan iyo Diibon, Oo annagu waxaannu baabbi'innay tan iyo Nofax, Taasoo gaadha tan iyo Meedebaa.

  • 30oo Rabbigu iyada iyo boqorkeediiba wuxuu gacanta u geliyey reer binu Israa'iil, oo wuxuu seef ku laayay iyada iyo dadkii ku jiray oo dhan, oo waxba kama uu reebin, oo boqorkeediina wuxuu ku sameeyey sidii uu ku sameeyey boqorkii Yerixoo.

  • 10Oo magaalooyinkoodii ku yiil meelihii ay degganaayeen iyo xerooyinkoodii oo dhan way wada gubeen.

  • 4oo intay ag degaan ayay ka baabbi'in jireen wixii dhulka uga baxay, ilaa la soo gaadho Gaasa, oo reer binu Israa'iil ugama ay tegin wax la quuto, iyo ido, iyo dibi, iyo dameerro toona.

  • Ish 16:7-8
    2 aayado
    73%

    7Sidaas daraaddeed reer Moo'aab waxay u ooyi doonaan dalka Moo'aab, oo mid kastaaba waa ooyi doonaa. Oo waxaad aad ugu barooran doontaan aasaaska Qiir Xaresed oo aad wax loogu dhuftay.

    8Waayo, beerihii Xeshboon way qallalan yihiin, quruumaha madaxdoodii ayaa jejebisay geedihii canabka ee Sibmaah oo soo gaadhay xataa tan iyo Yacser oo xagga cidlada u soo baxay. Laamihiisii way fidsanaayeen oo badday dhaafeen.

  • 37oo iyana way qabsadeen, oo waxay ku wada laayeen seef dadkeedii iyo boqorkeedii iyo magaalooyinkeedii oo dhan iyo dadkii ku jiray oo dhanba; waxba kama reebin, sidii uu Cegloon ku sameeyey oo kale, laakiinse wuu wada baabbi'iyey iyadii iyo dadkii ku jiray oo dhanba.

  • Sharc 3:5-6
    2 aayado
    72%

    5Oo intaas oo dhammu waxay ahaayeen magaalooyin ay ku wada deyran yihiin derbiyo dhaadheer iyo irdo iyo qataarro, oo aanay ku jirin magaalooyin faro badan oo aan deyrnayn.

    6Oo dhammaantood waynu wada duminnay, oo waxaynu ku samaynay sidii aynu Siixon oo boqorkii Xeshboon ahaa ku samaynay oo kale, waynu wada baabbi'innay magaalo kasta oo la degganaa, iyo dumarkii iyo dhallaankiiba.

  • 14Oo magaalooyinkaas alaabtoodii oo dhan iyo xoolahoodii oo dhanba reer binu Israa'iil way dhaceen, laakiinse nin kasta waxay ku dileen seef ilaa ay wada baabbi'iyeen, oo waxba kama ay reebin intii neefsatay oo dhan.

  • 8Oo Rabbigu wuxuu iyagii geliyey gacantii reer binu Israa'iil, oo way laayeen, oo waxay u eryadeen xagga Siidoonta weyn, iyo xagga Misrefood Mayim, iyo xagga dooxadii Misfaah oo bari xigta, oo way laayeen ilaa aanay waxba ka reebin.

  • 15Oo intay yimaadeen ayay isagii ku hareereeyeen Aabeel oo ku taal Beytmacakaah, oo taallo ciid ah ayay derbigii magaalada ag tuuleen, ilaa ay qarkii ugu sarreeyey gaadhsiiyeen; oo dadkii Yoo'aab la socday oo dhammuna aad bay u garaacayeen derbigii magaalada si ay u dumiyaan.

  • Xaak 3:28-30
    3 aayado
    72%

    28Oo wuxuu ku yidhi, I soo raaca, waayo, Rabbigu gacantiinnuu soo geliyey reer Moo'aab oo cadaawayaashiinnii ah. Oo iyana isagay ka daba dhaadhaceen, oo waxay reer Moo'aab ka qabsadeen meeshii webiga Urdun laga gudbi jiray, oo ninna uma ay oggolaan inuu ka gudbo.

    29Oo markaasay reer Moo'aab ka laayeen rag toban kun ku dhow, kuwaas oo ahaa kuwo xoog wada leh, oo xataa nin keliyuhu kama baxsan.

    30Sidaasay reer Moo'aab ku hoos galeen reer binu Israa'iil; dalkiina wuu xasilloonaa siddeetan sannadood.

  • Yer 48:23-24
    2 aayado
    72%

    23iyo Qiryaatayim, iyo Beytgaamuul, iyo Beytmecoon,

    24iyo Qiryood, iyo Bosraah, iyo magaalooyinka dalka Moo'aab oo dhan, kuwa dhow iyo kuwa fogba.

  • 15Oo haddana waxay burburiyeen teendhooyinkii xoolodhaqatada, waxayna dhaceen ido faro badan iyo geel. Dabadeedna Yeruusaalem bay ku noqdeen.

  • 1¶ Haddaba markii waxyaalahaasu wada dhammaadeen ayaa reer binu Israa'iilkii joogay oo dhammu tegey magaalooyinkii dalka Yahuudah, oo waxay burburiyeen tiirarkii, geedihii Asheeraahna way jareen, oo meelihii sarsare iyo meelihii allabarigaba way ka dundumiyeen kulli dalkii reer Yahuudah iyo reer Benyaamiin iyo reer Efrayim iyo xataa kii reer Manasehba, ilaa ay wada baabbi'iyeen dhammaantood. Markaasaa reer binu Israa'iil oo dhammu wada noqdeen oo nin kastaaba wuxuu ku laabtay hantidiisii, waxayna galeen magaalooyinkoodii.

  • 11Oo markay ka carareen reer binu Israa'iil, intay ku sii jireen dhaadhaca Beytxooroon, ayaa Rabbigu wuxuu iyaga samada kaga soo daayay roob dhagaxyo leh oo waaweyn ilaa Caseeqaah, oo way dhinteen; oo intii roobkii dhagaxyada lahaa ku dhimatay baa ka sii badnayd intoodii reer binu Israa'iil seefta ku laayeen.

  • 71%

    39Oo iyana wuu qabsaday, iyo boqorkeedii, iyo magaalooyinkeediiba, oo waxay ku laayeen seef, oo dadkii ku jiray oo dhanba way wada baabbi'iyeen oo waxba kama uu reebin; oo wuxuu Debiir iyo boqorkeediiba ku sameeyey siduu ku sameeyey Xebroon iyo weliba siduu markii hore ku sameeyey Libnaah iyo boqorkeediiba.

    40¶ Sidaasuu Yashuuca u wada laayay dadkii dalkii oo dhan, kaas oo ahaa waddankii buuraha ahaa, iyo xaggii Koonfureed, iyo dooxooyinkii, iyo dhaadhacyadii, iyo xataa boqorradoodii oo dhan, oo waxba kama uu reebin; laakiinse wuu wada baabbi'iyey intii neefsanaysay oo dhan, sidii uu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil ku amray.

  • 23Waayo, reer Cammoon iyo reer Moo'aab ayaa is hortaageen dadkii degganaa Buur Seciir inay dhammaantood laayaan oo wada baabbi'iyaan, oo markay wada baabbi'iyeen dadkii Buur Seciir degganaa ayaa mid kastaaba kan kale ku caawiyey inuu nin kale dilo.

  • 6Oo sidaasoo kaluu ka wada yeelay magaalooyinkii reer Manaseh iyo reer Efrayim iyo reer Simecoon iyo xataa kuwii reer Naftaali, iyo meelahoodii burbursanaa oo ku wareegsanaa oo dhan.

  • 31Dibadduu u soo bixiyey dadkii magaalada ku jiray, oo wuxuu hoos dhigay miinshaaro, iyo biro wax lagu qodo, iyo faasas biro ah, oo wuxuu ka dhex dusiyey meesha lebenka lagu dubo; saasuuna u wada galay magaalooyinkii reer Cammoon oo dhan. Markaasaa Daa'uud iyo dadkii oo dhammu ku noqdeen Yeruusaalem.

  • 71%

    12Oo dadkii Yahuudah toban kun oo kale oo noolnool ayay soo kaxaysteen oo keeneen Selac dusheedii, markaasay Selac dusheeda hoos uga tuureen, oo dhammaantoodna way burbureen.

    13Laakiinse raggii ciidankii ee Amasyaah dib u diray oo u diiday inay isaga dagaalka u raacaan, waxay weerar ku dhufteen magaalooyinkii dalka Yahuudah, tan iyo Samaariya iyo ilaa Beytxooroon, oo waxay ka laayeen saddex kun oo qof, oo maal badanna way ka dhaceen.

  • 34Qayladii Xeshboon waxay gaadhay Elecaaleeh iyo tan iyo Yahas, oo waxaa laga dhawaaqay Socar iyo ilaa Xoronayim iyo ilaa Ceglad Shelishiyaah, waayo, xataa biyihii Nimriim way baabba'ayaan.

  • 13Oo isna wuxuu soo urursaday reer Cammoon iyo reer Camaaleq; kolkaasuu intuu tegey laayay reer binu Israa'iil, oo waxay qabsadeen magaaladii lahayd geedo timireedka.

  • 7Sidaas daraaddeed maalkii badnaa ee ay urursadeen iyo wixii ay kaydsadeenba waxay u qaadan doonaan durdurka geedaha safsaafka ah.

  • 20Waxaad keliyahoo baabbi'isaan oo jartaan dhirta aad garanaysaan inayan ahayn dhir la cuno, oo magaalada idinla dirirayso waa inaad hareeraheeda ka dhisataan dhufaysyo ilaa ay dhacdo.

  • 34Oo waagaasaynu wada qabsannay magaalooyinkiisii oo dhan, oo magaalooyinkii la degganaa oo dhanna waynu wada baabbi'innay, iyo dumarkii iyo dhallaankiiba, cidna kama aynu reebin.

  • 15Iyo dhaadhaca dooxooyinka Oo u dadban xagga rugta Caar, Oo u dhow soohdinta reer Moo'aab.

  • 33Oo wuxuu iyagii laayay ilaa Carooceer iyo tan iyo ilaa aad Minniid timaadid, oo intaasu waxay ahaayeen labaatan magaalo, oo ilaa Aabeel Keraamiimna wuxuu ku laayay dad badan. Sidaasaa reer Cammoon loogu hoosaysiiyey reer binu Israa'iil hortooda.

  • 35Oo iyana waxay dileen isagii, iyo wiilashiisii, iyo dadkiisii oo dhan ilaa ayan isagii waxba u hadhin, oo dalkiisiina way qabsadeen.

  • 48Oo raggii reer binu Israa'iil haddana way ku soo noqdeen reer Benyaamiin, oo waxay ku laayeen seef magaaladii oo dhan, iyo xoolihii, iyo wixii ay heleen oo dhanba; oo weliba magaalooyinkii ay heleen oo dhanna dab bay qabadsiiyeen.

  • 25Markaasuu iyagii tusay iriddii magaalada laga geli jiray, oo waxay dadkii magaalada ku laayeen seef, laakiinse ninkii iyo xaaskiisii oo dhanba way iska sii daayeen.

  • 7Oo way soo noqdeen, oo waxay yimaadeen Ceyn Mishfaad (oo iyana ahayd Qaadeesh), oo waxay dileen dadkii dalkii reer Camaaleq oo dhan, waxaa kale oo ay dileen reer Amor oo degganaa Hasason Tamar.

  • 42Sidaas daraaddeed waxay dhabarka u jeediyeen raggii reer binu Israa'iil, oo waxay u carareen xagga cidlada; laakiinse dagaalkii si adag baa loola sii raacay, oo kuwii magaalooyinka ka soo baxay ayaa labadhexaadkii ku laayay.

  • 10Haddaba bal eeg reer Cammoon iyo reer Moo'aab iyo reer Buur Seciir oo aad reer binu Israa'iil markay dalka Masar ka soo baxeen u diidday inay dalkooda galaan, laakiinse gees bay uga leexdeen oo mana ay baabbi'in.

  • 20Oo markii Yashuuca iyo reer binu Israa'iil ay dhammeeyeen layntii weynayd ee ay raggii laayeen, ilaa ay wada baabbi'iyeen oo firxadkii ka soo hadhayna ay galeen magaalooyinkii deyrarka lahaa,

  • 8Oo baabbi'iyuhuna wuxuu ku soo duuli doonaa magaalo kasta, oo magaalona kama baxsan doonto. Oo weliba sidii Rabbigu yidhi, Dooxaduna way halligmi doontaa, oo bannaankuna wuu baabbi'i doonaa.