2 Samuu'eel 11:13

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markii Daa'uud u yeedhay ayuu hortiisa wax ku cunay oo wax ku cabbay; markaasuu sakhraamiyey, oo fiidkii buu tegey inuu sariirtiisii jiifsado isagoo la socda addoommadii sayidkiisa, laakiinse gurigiisii ma uu tegin.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Xab 2:15 : 15 ¶ Waxaa iska hoogay kaaga deriskiisa khamri cabsiiya, oo cadho ugu shuba, oo weliba u sakhraamiya si uu cawradooda u fiirsada aawadeed!
  • Bil 19:32-35 : 32 Kaalay, aynu aabbeheen khamri cabsiinnee, markaasaynu la jiifsanaynaa, si aynu aabbeheen farcan ugala hadhno. 33 Oo habeenkaasay aabbahood khamri cabsiiyeen, oo tii curadda ahayd baa u tagtay oo la jiifsatay aabbeheed; mana uu ogayn markay la jiifsatay, iyo markay ka kacday toona. 34 Oo waxay noqotay in maalintii dambe ay tii curadda ahayd ku tidhi tii yarayd, Bal eeg, xalayto aabbahay baan la jiifsaday: caawana aynu khamri cabsiinno; oo adigu u tag oo la jiifso isaga, aynu aabbeheen farcan kala hadhnee. 35 Oo haddana habeenkaasay aabbahood khamri cabsiiyeen: oo tii yarayd baa kacday oo aabbeheed la jiifsatay; mana uu ogayn markay la jiifsatay iyo markay ka kacday toona.
  • Bax 32:21 : 21 Markaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, War maxaa dadkanu kugu sameeyey oo aad dembi weyn ugu keentay?
  • Maah 20:1 : 1 Khamri waa dadquudhsade, waxa lagu sakhraamona waa qaylokiciye, Oo ku alla kii ku qaldamaana caqli ma laha.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 2 Sam 11:1-12
    12 aayado
    86%

    1¶ Oo isla xilligii sannaddii dambe, markay boqorradu dagaalka u soo bixi jireen ayaa Daa'uud Yoo'aab diray isagoo wata addoommadiisii, iyo reer binu Israa'iil oo dhan, oo waxay baabbi'iyeen reer Cammoon, oo Rabbaahna way hareereeyeen, laakiinse Daa'uud baa Yeruusaalem iska joogay.

    2¶ Oo makhribkii ayaa Daa'uud ka kacay sariirtiisii, oo wuxuu dul socday gurigii boqorka saqafkiisa, oo wuxuu saqafka ka arkay naag maydhanaysa, naagtuna aragga aad bay u qurux badnayd.

    3Markaasaa Daa'uud cid naagtii soo haybsata diray. Oo waxaa la yidhi, War sow tanu ma aha Batshebac ina Eliicaam, oo uu Uuriyaah kii reer Xeed qabo?

    4Markaasaa Daa'uud wargeeyayaal u diray, wuuna soo kaxaystay; markaasay u soo gashay, wuuna la seexday, (waayo, waxay iska daahirisay nijaasteedii); dabadeedna gurigeedii bay ku noqotay.

    5Oo naagtiina way uuraysatay; markaasay Daa'uud u soo cid dirtay oo u sheegtay, waxayna ku tidhi, Uur baan yeeshay.

    6Daa'uudna cid buu u diray Yoo'aab, oo ku yidhi, Ii soo dir Uuriyaah kii reer Xeed. Markaasaa Yoo'aab Uuriyaah u soo diray Daa'uud.

    7Oo markii Uuriyaah u yimid ayaa Daa'uud weyddiiyey Yoo'aab siduu ahaa, iyo sidii dadku u nabdoonaa, iyo dagaalkii sida loogu guulaystay.

    8Daa'uudna wuxuu Uuriyaah ku yidhi, Bal orod gurigaaga tag oo cagomaydho. Markaasaa Uuriyaah gurigii boqorka ka baxay oo waxaana lala daba galay cunto ka tagtay xagga boqorka.

    9Laakiinse Uuriyaah guriga boqorka iriddiisa ayuu la seexday addoommadii sayidkiisa oo dhan, oo gurigiisiina ma uu tegin.

    10Daa'uudna waa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Uuriyaah gurigiisii ma tegin. Markaasaa Daa'uud wuxuu Uuriyaah ku yidhi, War miyaadan sodcaal ka iman? Maxaadse gurigaaga u tegi weyday?

    11Markaasaa Uuriyaah wuxuu Daa'uud ku yidhi, Sanduuqa Ilaah, iyo reer binu Israa'iil, iyo reer Yahuudahba waxay ku jiraan waabab; oo sayidkaygii Yoo'aab iyo addoommadii sayidkayguba waxay ku hoydaan berrin bannaan; haddaba miyaan u galaa gurigayga inaan wax cuno, oo wax cabbo, oo naagtayda la seexdo? Haddaba waxaan ku dhaartay noloshaada iyo naftaada inaanan waxan samaynayn.

    12Markaasaa Daa'uud Uuriyaah ku yidhi, Haddaba bal maantana iska joog oo berrina waan ku dirayaa. Saas aawadeed Uuriyaah maalintaas iyo maalintii dambeba Yeruusaalem buu joogay.

  • 83%

    14Oo subaxdii dambe Daa'uud warqad buu Yoo'aab u qoray, wuxuuna ugu sii dhiibay Uuriyaah.

    15Oo wuxuu warqaddiisii ku qoray oo yidhi, Uuriyaah waxaad ugu hor marisaan dagaalka ugu kulul, oo idinkuna dib uga noqda, si loo dilo, uuna u dhinto.

    16Oo markuu Yoo'aab magaaladii arkay ayuu Uuriyaah ku hagaajiyey meeshii uu ku ogaa inay nimankii xoogga badnaa joogaan.

    17Oo raggii magaaladuna way soo baxeen, oo Yoo'aab la dirireen, oo dadkiina qaar baa ka dhintay, kuwaas oo ahaa addoommadii Daa'uud; Uuriyaah kii reer Xeedna wuu dhintay.

    18Markaasaa Yoo'aab Daa'uud cid u diray, oo wixii dagaalkii ku saabsanaa oo dhan ayuu uga warramay,

  • 73%

    22Haddaba wargeeyihii waa tegey, Daa'uudna wuu u yimid oo u sheegay wixii Yoo'aab u soo diray oo dhan.

    23Oo wargeeyihii wuxuu Daa'uud ku yidhi, Nimankii way naga xoog badnaadeen, markaasay dibadda noogu soo baxeen, oo annana waxaannu eryannay iyagii ilaa ay iriddii magaalada galeen.

    24Markaasay kuwii wax toogan jiray addoommadaadii derbiga ka soo toogteen, oo boqorow, addoommadaadiina qaar baa dhintay, oo addoonkaagii Uuriyaah ahaa ee reer Xeed isna wuu dhintay.

    25Markaasaa Daa'uud wuxuu wargeeyihii ku yidhi, Waxaad Yoo'aab ku tidhaahdaa, Waxanu yay kula xumaan, waayo, seeftu mar mid bay baabbi'isaa, marna midka kale, haddaba magaalada dagaalka aad ugu sii adkee, oo afgembi; oo adna isaga dhiirrigeli.

    26Oo Uuriyaah bilcaantiisiina markay maqashay in ninkeedii Uuriyaah dhintay, way u barooratay ninkeedii.

    27Oo markii baroortii dhammaatay ayaa Daa'uud u soo cid diray iyadii oo gurigiisii soo gashaday, oo iyana waxay noqotay naagtiisii, wiilna way u dhashay. Laakiinse wixii Daa'uud sameeyey ayaa Rabbigu ka xumaaday.

  • 73%

    9Haddaba erayga Rabbiga maxaad u quudhsatay, oo aad u samaysay waxa hortiisa ku xun? Seef baad ku dishay Uuriyaah kii reer Xeed, oo naagtiisiina waad u kaxaysatay inay naag kuu noqoto, oo isagiina waxaad ku dishay seeftii reer Cammoon.

    10Sidaas daraaddeed seeftu reerkaaga ka tegi mayso; maxaa yeelay, waad i quudhsatay, oo waxaad kaxaysatay naagtii Uuriyaah kii reer Xeed inay naag kuu noqoto.

    11Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogow, shar baan gurigaaga kaaga kicin doonaa, oo adoo u jeeda ayaan naagahaaga kaa kaxaysan doonaa, oo waxaan siin doonaa deriskaaga, oo isna intay qorraxdanu soo jeeddo ayuu naagahaaga la seexan doonaa.

  • 25Waayo, isagu maantuu tegey, oo qalay dibi iyo neefaf shishilis, iyo ido badan, oo wuxuu u yeedhay ilma boqor oo dhan, iyo saraakiishii ciidanka, iyo wadaadka Aabyaataar ah, oo bal eeg, iyana hortiisay wax ku cunayaan, oo wax ku cabbayaan, oo waxay leeyihiin, Boqor Adoniiyaah ha noolaado.

  • 71%

    15Markaasaa Naataan gurigiisii tegey. Markaasaa Rabbigu wax ku riday wiilkii naagta Uuriyaah Daa'uud u dhashay, aad buuna u bukay.

    16¶ Sidaas daraaddeed Daa'uud ayaa wiilkiisii Ilaah u baryay, kolkaasaa Daa'uud soomay, oo intuu gudaha galay ayuu habeenkii oo dhan dhulka jiifay.

    17Markaasaa waxaa soo kacay odayaashii reerkiisa, oo intay agtiisa soo istaageen ayay damceen inay dhulka ka kiciyaan, laakiinse wuu diiday, oo waxbana lama uu cunin.

  • 36Markaasaa Abiigayil u timid Naabaal, oo bal eeg, gurigiisuu ku qabtay diyaafad u eg boqor diyaafaddiis, oo Naabaalna qalbigiisu aad buu u faraxsanaa, waayo, aad buu u sakhraansanaa; sidaas daraaddeed waxba uma ay sheegin yar iyo badnaan toona ilaa waaberigii.

  • 41iyo Uuriyaah oo ahaa reer Xeed, iyo Soobaad oo ahaa ina Axlay,

  • 71%

    15Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi, Colkaas ma ii geeynaysaa? Isna wuxuu yidhi, Ilaah iigu dhaaro inaadan i dilayn, sayidkaygiina ii gacangelinayn, oo anna colkaas waan kuu geeynayaa.

    16Oo markuu keenay waxay ku kala firidhsanaayeen dhulka oo dhan, iyagoo wax cabbaya, oo wax cunaya, oo cayaaraya, maxaa yeelay, maal badan bay ka soo dhaceen dalkii reer Falastiin iyo dalkii Yahuudahba.

  • 15Dabadeedna Daa'uud wuxuu u yeedhay raggii dhallinyarada ahaa midkood, oo ku yidhi, U dhowow oo dil. Markaasuu dilay, isna wuu dhintay.

  • 20Saas aawadeed Abneer wuxuu Daa'uud ugu yimid Xebroon, labaatan nin baana la socday. Oo Daa'uudna diyaafad ayuu Abneer iyo raggii la socdayba u sameeyey.

  • 20Kolkaasaa Daa'uud dhulkii ka kacay, oo maydhay, oo intuu subkaday ayuu dharkiisii beddeshay; wuxuuna galay gurigii Rabbiga, wuuna caabuday; oo dabadeedna gurigiisii buu yimid, oo intuu cunto weyddiistay ayaa wax la soo hor dhigay, wuuna cunay.

  • 26Yoo'aabna markuu Daa'uud ka soo baxay ayuu rag ka daba diray Abneer, oo waxay ka soo celiyeen ceelkii Siraah, laakiinse taas Daa'uud ma ogayn.

  • 35Markaasay dadkii oo dhammu yimaadeen oo damceen inay Daa'uud wax cunsiiyaan intii ay maalinnimada ahayd; laakiinse Daa'uud wuu dhaartay, oo yidhi, Ilaah taasoo kale ha igu sameeyo, iyo weliba tu ka sii badan, haddaan kibis dhadhansho, iyo wax kale toona, ilaa ay qorraxdu dhacdo.

  • 19Oo isagu wuxuu qalay dibi iyo neefaf shishilis iyo ido badan, oo wuxuu u yeedhay ilmo boqor oo dhan, iyo wadaadka Aabyaataar ah, iyo Yoo'aab oo ah sirkaalkii ciidanka; laakiinse uma uu yeedhin addoonkaaga Sulaymaan.

  • 28¶ Markaasaa Boqor Daa'uud wuxuu ugu jawaabay, Iigu yeedha Batshebac. Oo iyana way timid, wayna soo gashay meeshii boqorku joogay, oo soo hor istaagtay boqorkii.

  • 15Markaasaa Saa'uul raggii soo diray inay Daa'uud soo arkaan, oo wuxuu ku yidhi, Isagoo sariirta ku jiifa ii keena aan dilee.

  • 16Oo duhurkii ayay baxeen. Laakiinse Benhadad khamri buu cabbayay oo teendhooyinkii ku sakhraamayay, isaga iyo boqorradii la jirayba, kuwaasoo ahaa laba iyo soddonkii boqor oo isaga caawinayay.

  • 39Oo iyana halkaasay Daa'uud la joogeen intii saddex maalmood ah, iyagoo wax cunaya oo wax cabbaya, waayo, walaalahood baa sooryo u diyaariyey.

  • 15Markaasaa Batshebac waxay boqorkii ugu gashay qolkii, oo boqorkuna aad buu u gaboobay; oo waxaa boqorka u adeegaysay Abiishag tii reer Shuuneem.

  • 11Oo mid Masri ah ayay duurka ka heleen, oo waxay u keeneen Daa'uud, oo kibisna way siiyeen, wuuna cunay, oo biyo uu cabbona way siiyeen.

  • 39iyo Uuriyaah oo ahaa reer Xeed; oo kulligoodna waxay ahaayeen toddoba iyo soddon.

  • 7Oo Daa'uudna markuu taas maqlay ayuu diray Yoo'aab, iyo ciidankii raggii xoogga lahaa oo dhan.

  • 32Oo Boqor Daa'uudna wuxuu yidhi, Iigu yeedha wadaadka Saadooq ah, iyo Nebi Naataan, iyo Benaayaah ina Yehooyaadaac. Oo iyana boqorkay hor yimaadeen.