2 Samuu'eel 20:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasaa naagtii waxay caqligeedii ula tagtay dadkii oo dhan. Shebac oo ina Bikrii ahaana intay madaxii ka soo gooyeen ayay Yoo'aab dibadda ugu soo tuureen. Markaasuu buunkii afuufay, oo ay magaaladii ka kala dareereen, oo nin waluba wuxuu tegey teendhadiisii. Oo Yoo'aabna Yeruusaalem iyo boqorkii buu ku noqday.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 2 Sam 20:1 : 1 ¶ Oo halkaasna waxaa joogay nin waxmatare ah, oo magiciisa la odhan jiray Shebac, oo ahaa ina Bikrii, oo qoladiisu ahayd reer Benyaamiin, oo buunkii buu afuufay, oo yidhi, Annagu Daa'uud qayb kuma lihin, dhaxalna kuma lihin ina Yesay, haddaba reer binu Israa'iilow, nin walowba teendhadaadii tag.
  • Wacd 7:19 : 19 ¶ Xigmaddu kan xigmadda leh way uga xoog badan tahay toban taliye oo magaalada jooga.
  • Wacd 8:11 : 11 Shuqulka sharka ah xukunkiisa dhaqso looma oofiyo, oo sidaas daraaddeed binu-aadmiga qalbigiisu inuu shar sameeyo aad buu u damcaa.
  • Wacd 9:13-18 : 13 ¶ Oo xigmad caynkan ah ayaan qorraxda hoosteeda ku arkay, iyana way ila weynayd. 14 Waxaa jirtay magaalo yar oo ay dad tiro yaru dhexdeeda joogaan, oo waxaa iyadii ku soo duulay boqor weyn. Wuu hareereeyey oo dhufayso waaweyn hareereheeda ka dhistay. 15 Haddana waxaa laga dhex helay nin miskiin ah oo xigmad leh, oo isna xigmaddiisii ayuu magaaladii ku samatabbixiyey, laakiinse haddana ninkaas miskiinka ah ciduna ma xusuusan. 16 Markaasaan idhi, Xigmaddu xoogga way ka fiican tahay, hase ahaatee ninkii miskiin ah xigmaddiisa waa la quudhsadaa, oo erayadiisana lama dhegaysto. 17 ¶ Kuwa xigmadda leh erayadoodii xasilloonaan lagu maqlaa waa ka sii wanaagsan yihiin qaylada kan nacasyada ka dhex taliya. 18 Xigmaddu waa ka fiican tahay hubka dagaalka, laakiinse dembile qudha ayaa wax badan oo wanaagsan baabbi'iya.
  • 2 Sam 20:16 : 16 Markaasaa naag caqli badanu magaaladii ka dhawaaqday, oo waxay tidhi, Waan idin baryayaaye, I maqla, oo i dhegaysta; oo waxaad Yoo'aab ku tidhaahdaan, Halkan iigu kaalay, aan kula hadlee.
  • 2 Sam 2:28 : 28 Sidaas daraaddeed Yoo'aab buunkii buu afuufay, oo dadkii oo dhammu way wada istaageen, oo mar dambe reer binu Israa'iilna ma ayan eryan, kol kalena ma ay diririn.
  • 2 Sam 3:28-39 : 28 Dabadeedna markuu Daa'uud taas maqlay ayuu yidhi, Aniga iyo boqortooyadayda midna eed kuma lahayn Rabbiga hortiisa xagga dhiigga Abneer ina Neer. 29 Yoo'aab madaxiisa ha saarnaado, iyo reerka aabbihiis, oo reer Yoo'aabna yaan laga waayin mid cudur dheecaan leh qaba, iyo mid baras qaba, iyo mid ul ku tukubaya, iyo mid seef lagu dilo, ama mid cunto la'. 30 Sidaasay Yoo'aab iyo walaalkiis Abiishay u dileen Abneer, maxaa yeelay, wuxuu walaalkood Casaaheel ku dilay dagaalkii Gibecoon. 31 ¶ Markaasaa Daa'uud wuxuu ku yidhi Yoo'aab iyo dadkii isaga la jiray oo dhan, Dharkiinna jeexjeexa oo dhar joonyad ah guntada, oo Abneer hortiisa ku baroorta. Oo Boqor Daa'uudna wuxuu raacay naxashkii. 32 Oo Abneer waxaa lagu aasay Xebroon, boqorkiina codkiisii kor buu u qaaday, oo qabrigii Abneer ku dul ooyay; oo dadkii oo dhammuna way wada ooyeen. 33 Oo boqorkiina wuxuu u baroortay Abneer, oo yidhi, Miyey habboon tahay in Abneer u dhinto sida nacas u dhinto oo kale? 34 Gacmahaagu ma xidhnayn, cagahaaguna ma dabranayn, Sida nin ugu dhaco dad dembi leh hortooda ayaad u dhacday. Markaasaa dadkii oo dhammu mar kale u ooyay isagii. 35 Markaasay dadkii oo dhammu yimaadeen oo damceen inay Daa'uud wax cunsiiyaan intii ay maalinnimada ahayd; laakiinse Daa'uud wuu dhaartay, oo yidhi, Ilaah taasoo kale ha igu sameeyo, iyo weliba tu ka sii badan, haddaan kibis dhadhansho, iyo wax kale toona, ilaa ay qorraxdu dhacdo. 36 Markaasaa dadkii oo dhammu taas u fiirsadeen, wayna la wanaagsanayd, oo wax alla wixii boqorku sameeyey ayaa la wanaagsanaa dadkii oo dhan. 37 Sidaasay dadkii oo dhan iyo reer binu Israa'iil oo dhammu maalintaas u garteen inuusan boqorku doonaynin in Abneer oo ahaa ina Neer la dilo. 38 Oo boqorkii wuxuu addoommadiisii ku yidhi, War miyeydnaan ogayn maanta inuu reer binu Israa'iil ku dhex dhintay amiir iyo nin weyn? 39 Oo anigu maanta in kastoo lay boqray, waan taag yarahay; oo nimankan ay Seruuyaah dhashay ayaa iga xoog badan. Kii shar sameeya Rabbigu ha ugu abaalgudo sida sharkiisu yahay.
  • 2 Sam 11:6-9 : 6 Daa'uudna cid buu u diray Yoo'aab, oo ku yidhi, Ii soo dir Uuriyaah kii reer Xeed. Markaasaa Yoo'aab Uuriyaah u soo diray Daa'uud. 7 Oo markii Uuriyaah u yimid ayaa Daa'uud weyddiiyey Yoo'aab siduu ahaa, iyo sidii dadku u nabdoonaa, iyo dagaalkii sida loogu guulaystay. 8 Daa'uudna wuxuu Uuriyaah ku yidhi, Bal orod gurigaaga tag oo cagomaydho. Markaasaa Uuriyaah gurigii boqorka ka baxay oo waxaana lala daba galay cunto ka tagtay xagga boqorka. 9 Laakiinse Uuriyaah guriga boqorka iriddiisa ayuu la seexday addoommadii sayidkiisa oo dhan, oo gurigiisiina ma uu tegin. 10 Daa'uudna waa loo soo sheegay oo lagu yidhi, Uuriyaah gurigiisii ma tegin. Markaasaa Daa'uud wuxuu Uuriyaah ku yidhi, War miyaadan sodcaal ka iman? Maxaadse gurigaaga u tegi weyday? 11 Markaasaa Uuriyaah wuxuu Daa'uud ku yidhi, Sanduuqa Ilaah, iyo reer binu Israa'iil, iyo reer Yahuudahba waxay ku jiraan waabab; oo sayidkaygii Yoo'aab iyo addoommadii sayidkayguba waxay ku hoydaan berrin bannaan; haddaba miyaan u galaa gurigayga inaan wax cuno, oo wax cabbo, oo naagtayda la seexdo? Haddaba waxaan ku dhaartay noloshaada iyo naftaada inaanan waxan samaynayn. 12 Markaasaa Daa'uud Uuriyaah ku yidhi, Haddaba bal maantana iska joog oo berrina waan ku dirayaa. Saas aawadeed Uuriyaah maalintaas iyo maalintii dambeba Yeruusaalem buu joogay. 13 Markii Daa'uud u yeedhay ayuu hortiisa wax ku cunay oo wax ku cabbay; markaasuu sakhraamiyey, oo fiidkii buu tegey inuu sariirtiisii jiifsado isagoo la socda addoommadii sayidkiisa, laakiinse gurigiisii ma uu tegin. 14 Oo subaxdii dambe Daa'uud warqad buu Yoo'aab u qoray, wuxuuna ugu sii dhiibay Uuriyaah. 15 Oo wuxuu warqaddiisii ku qoray oo yidhi, Uuriyaah waxaad ugu hor marisaan dagaalka ugu kulul, oo idinkuna dib uga noqda, si loo dilo, uuna u dhinto. 16 Oo markuu Yoo'aab magaaladii arkay ayuu Uuriyaah ku hagaajiyey meeshii uu ku ogaa inay nimankii xoogga badnaa joogaan. 17 Oo raggii magaaladuna way soo baxeen, oo Yoo'aab la dirireen, oo dadkiina qaar baa ka dhintay, kuwaas oo ahaa addoommadii Daa'uud; Uuriyaah kii reer Xeedna wuu dhintay. 18 Markaasaa Yoo'aab Daa'uud cid u diray, oo wixii dagaalkii ku saabsanaa oo dhan ayuu uga warramay, 19 oo kii farriinta wadayna wuxuu ku amray oo ku yidhi, Markaad boqorka uga warrantid waxa dagaalka ku saabsan oo dhan, 20 markaas hadduu boqorku cadhoodo, oo kugu yidhaahdo, War maxaad magaalada ugu dhowaateen inaad la dirirtaan? Miyeydaan ogayn inay derbiga idinka soo tooganayaan? 21 Bal yaa dilay Abiimeleg oo ahaa ina Yerubbeshed? Sow naagu dhagax wax lagu shiido derbi kagama soo tuurin oo sow kuma uu dhiman Tebes? Haddaba maxaad idinku derbiga ugu dhowaateen? Markaas waxaad ku tidhaahdaa, Addoonkaagii Uuriyaah ahaa ee reer Xeed isna waa dhintay.
  • 2 Sam 18:16 : 16 Markaasaa Yoo'aab buunkii afuufay, oo dadkiina waxay ka soo noqdeen eryadkii ay reer binu Israa'iil eryanayeen, waayo, Yoo'aab baa u diiday.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 86%

    20Markaasaa Yoo'aab wuxuu ugu jawaabay, Inaan wax liqo oo dumiyo ha iga fogaato, oo ha iga dheeraato.

    21Laakiinse xaaladdu saas ma aha. Nin ka yimid dalka buuraha leh oo reer Efrayim, oo magiciisa la yidhaahdo Shebac ina Bikrii ayaa gacanta u qaaday boqorka Daa'uud ah. Haddaba isaga keliya ii soo gacangeliya, oo anna magaalada waan ka tegayaa. Markaasaa naagtii waxay Yoo'aab ku tidhi, Bal eeg, madaxiisii ayaa derbiga lagaaga soo tuurayaa.

  • 79%

    10Laakiinse Camaasaa iskama uu jirin seefta Yoo'aab gacanta ugu jirtay, sidaasuu caloosha seeftii ugaga dhuftay, oo xiidmihiisiina dhulkuu ugu soo daadiyey, oo mar kalena kuma uu dhufan; wuuna dhintay. Dabadeedna Yoo'aab iyo walaalkiis Abiishay waxay eryadeen Shebac oo ahaa ina Bikrii.

    11Markaasaa waxaa ag istaagay mid ka mid ah Yoo'aab raggiisii dhallinyarada ahaa, oo wuxuu yidhi, Kii Yoo'aab jecel iyo kii Daa'uud la dhinac ahu Yoo'aab ha raaceen.

    12Oo Camaasaa wuxuu yiil jidka dhexdiisa isagoo dhiiggiisii dhex jiifa. Oo ninkiina markuu arkay in dadkii oo dhammu weli taagan yihiin ayuu Camaasaa jidkii ka qaaday oo meel ku jiiday, markaasuu marona kor saaray kolkuu arkay in dadkii yimid oo dhammu ay is-ag taageen.

    13Oo markii jidka laga durkiyey ayaa dadkii oo dhammu tageen oo Yoo'aab raaceen inay eryadaan Shebac oo ahaa ina Bikrii.

    14Isna wuxuu dhex maray qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhan iyo tan iyo Aabeel, iyo Beytmacakaah, iyo reer Beerii oo dhan, oo dhammaantood intay soo urureen ayay eryadeen.

    15Oo intay yimaadeen ayay isagii ku hareereeyeen Aabeel oo ku taal Beytmacakaah, oo taallo ciid ah ayay derbigii magaalada ag tuuleen, ilaa ay qarkii ugu sarreeyey gaadhsiiyeen; oo dadkii Yoo'aab la socday oo dhammuna aad bay u garaacayeen derbigii magaalada si ay u dumiyaan.

    16Markaasaa naag caqli badanu magaaladii ka dhawaaqday, oo waxay tidhi, Waan idin baryayaaye, I maqla, oo i dhegaysta; oo waxaad Yoo'aab ku tidhaahdaan, Halkan iigu kaalay, aan kula hadlee.

    17Markaasuu u soo dhowaaday, oo naagtii waxay ku tidhi, Ma Yoo'aab baad tahay? Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Haah, waan ahay. Kolkaasay ku tidhi, Bal erayadayda maqal, anoo addoontaada ah, oo isna wuxuu ugu jawaabay, Waan ku maqlayaa.

    18Markaasay la hadashay oo ku tidhi, Waxaa waa hore la odhan jiray, Hubaal Aabeel talo ha laga doonto, oo saasay xaalkii ku dhammeeyeen.

  • 2 Sam 20:1-3
    3 aayado
    78%

    1¶ Oo halkaasna waxaa joogay nin waxmatare ah, oo magiciisa la odhan jiray Shebac, oo ahaa ina Bikrii, oo qoladiisu ahayd reer Benyaamiin, oo buunkii buu afuufay, oo yidhi, Annagu Daa'uud qayb kuma lihin, dhaxalna kuma lihin ina Yesay, haddaba reer binu Israa'iilow, nin walowba teendhadaadii tag.

    2Sidaas daraaddeed raggii reer binu Israa'iil oo dhammu way ka hadheen Daa'uud la socodkiisii, oo waxay daba galeen Shebac oo ahaa ina Bikrii, laakiinse raggii reer Yahuudah waxay ku hadheen boqorkoodii, oo ay la socdeen tan iyo Webi Urdun xataa ilaa Yeruusaalem.

    3Daa'uudna waa yimid gurigiisii Yeruusaalem ku yiil, markaasaa boqorkii soo kaxaystay tobankiisii naagood oo addoommaha ahaa, ee uu kaga tegey inay guriga dhawraan, oo intuu meel gaadh leh geliyey ayuu masruufayay, laakiinse uma uu tegin. Sidaas daraaddeed ilamaa maalintii ay dhinteen bay xidhnaayeen, iyagoo carmallo ah.

  • 2 Sam 20:6-8
    3 aayado
    76%

    6Markaasaa Daa'uud Abiishay ku yidhi, Hadda Shebac oo ah ina Bikrii wuxuu inagu samayn doonaa waxyeello ka sii daran tii Absaaloom, haddaba addoommada sayidkaaga kexee, oo eryo, waaba intaasoo ay magaalo deyr leh helaan, oo ay inaga baxsadaane.

    7Markaasaa waxaa isagii raacay Yoo'aab raggiisii, iyo reer Kereetiim iyo reer Feleetii, iyo raggii xoogga lahaa oo dhan, oo Yeruusaalem bay uga baxeen inay eryadaan Shebac ina Bikrii.

    8Oo markay gaadheen dhagaxii weynaa oo Gibecoon ku yiil ayaa waxaa ka hor yimid Camaasaa. Oo Yoo'aabna wuxuu guntanaa dharkiisii dagaalka ee uu xidhay, oo wuxuu kaloo ka kor dhex-xidhay seef gal lihi ku xidhnayd, oo markuu horay u soo baxay ayay ka dhacday.

  • 75%

    15Kolkaasaa waxaa Absaaloom hareereeyey toban nin oo dhallinyaro ahaa oo Yoo'aab hub u siday, oo intay dileen ayay gowraceen.

    16Markaasaa Yoo'aab buunkii afuufay, oo dadkiina waxay ka soo noqdeen eryadkii ay reer binu Israa'iil eryanayeen, waayo, Yoo'aab baa u diiday.

  • 23¶ Haddaba Yoo'aab wuxuu u sarreeyey ciidanka reer binu Israa'iil oo dhan; Benaayaah oo ahaa ina Yehooyaadaacna wuxuu u sarreeyey reer Kereetiim iyo reer Feleetii.

  • 4Habase yeeshee boqorka hadalkiisii waa ka adkaaday hadalkii Yoo'aab. Haddaba sidaas daraaddeed Yoo'aab wuu tegey, oo wuxuu dhex maray reer binu Israa'iil oo dhan, dabadeedna Yeruusaalem buu yimid.

  • 28Sidaas daraaddeed Yoo'aab buunkii buu afuufay, oo dadkii oo dhammu way wada istaageen, oo mar dambe reer binu Israa'iilna ma ayan eryan, kol kalena ma ay diririn.

  • 70%

    19Boqorkiina wuxuu yidhi, Waxyaalahan oo dhan ma Yoo'aab baa kugu weheliya? Kolkaasaa naagtii ugu jawaabtay, Boqorow, sayidkaygiiyow, naftaada nool baan ku dhaartaye inaan ninna xagga midigta ama xagga bidixda uga leexan karin waxaad tidhi, boqorow, sayidkaygiiyow, waayo, addoonkaaga Yoo'aab ah ayaa igu amray waxan, oo erayadan oo dhanna isagaa afka iigu riday, anoo addoontaada ah.

    20Addoonkaaga Yoo'aab ahu wuxuu waxan u sameeyey inuu xaalka si kale u beddelo aawadeed. Sayidkaygiiyow, caqli baad leedahay, waxaanad leedahay xigmad sida tan malaa'igta Ilaah oo kale ah, oo waxaad garan kartaa waxyaalaha dhulka ku jira oo dhan.

  • 69%

    31Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Siduu kugu yidhi yeel, oo dil isaga, oo soo xabaal, inaad aniga iyo reerka aabbahayba naga dul qaaddid dhiiggii Yoo'aab sababla'aanta ku daadiyey.

    32Oo Rabbiguna dhiiggiisa wuxuu ku celin doonaa madaxiisa, maxaa yeelay, wuxuu dilay laba nin oo isaga ka xaq badan oo ka wanaagsan, seef buuna ku dilay, aabbahay Daa'uudna taas waxba kama ogayn, oo kuwaasuna waxay ahaayeen Abneer ina Neer oo sirkaal u ahaa ciidanka dalka Israa'iil, iyo Camaasaa ina Yeter oo sirkaal u ahaa ciidanka dalka Yahuudah.

  • 2 Sam 4:7-8
    2 aayado
    69%

    7Markay guriga soo galeen, isagoo sariirta ku jiifa oo qolka la seexdo ku jira, ayay garaaceen oo dileen, oo madaxiina way ka gooyeen oo la tageen, markaasay jidkii Caraabaah habeenkii oo dhan sii guuraynayeen.

    8Oo Iishboshed madaxiisii ayay Daa'uud ugu keeneen Xebroon, oo waxay boqorkii ku yidhaahdeen, Bal eeg madaxii Iishboshed ee uu dhalay Saa'uul kii cadowgaaga ahaa oo doonayay inuu nafta kaa qaado; haddaba sayidkaygiiyow, boqorow, Rabbigu maanta waa kaaga aar guday Saa'uul iyo farcankiisiiba.

  • 41Oo Adoniiyaah iyo martidiisii isaga la joogtay oo dhammuna taasay maqleen markay cunitaankii dhammeeyeen. Oo Yoo'aabna markuu maqlay dhawaaqii buunka ayuu yidhi, War waa maxay qaylada iyo buuqa magaaladii ka dhacay?

  • 68%

    21Bal yaa dilay Abiimeleg oo ahaa ina Yerubbeshed? Sow naagu dhagax wax lagu shiido derbi kagama soo tuurin oo sow kuma uu dhiman Tebes? Haddaba maxaad idinku derbiga ugu dhowaateen? Markaas waxaad ku tidhaahdaa, Addoonkaagii Uuriyaah ahaa ee reer Xeed isna waa dhintay.

    22Haddaba wargeeyihii waa tegey, Daa'uudna wuu u yimid oo u sheegay wixii Yoo'aab u soo diray oo dhan.

  • 2 Sam 14:2-3
    2 aayado
    67%

    2Markaasaa Yoo'aab u cid diray Teqooca, oo wuxuu halkaas uga yeedhay naag caqli badan, oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye, waxaad iska dhigtaa sidii mid barooranaysa, oo waan ku baryayaaye, waxaad xidhataa dharkii baroorta, saliidna ha ku subkan, laakiinse waxaad noqotaa sidii naag wakhti dheer ku ka dhintay u barooranaysay;

    3oo waxaad u gashaa boqorka, oo sidan ula hadal. Sidaasuu Yoo'aab erayadii afka ugu riday.

  • 1¶ Oo isla xilligii sannaddii dambe, markay boqorradu dagaalka u soo bixi jireen ayaa Yoo'aab kaxaystay xooggii ciidanka oo dhan oo baabbi'iyey dalkii reer Cammoon, oo haddana intuu soo kacay ayuu Rabbaah hareereeyey. Yoo'aab wuxuu dagaal ku dhiftay Rabbaah, wuuna afgembiyey, laakiinse Daa'uud baa Yeruusaalem iska joogay.

  • 5Markaasaa Yoo'aab boqorkii ugu yimid gurigiisii, oo ku yidhi, Maanta waxaad ceebaysay wejiyadii addoommadaada oo dhan, kuwaasoo maanta naftaada badbaadshay, iyo nafta wiilashaada iyo gabdhahaaga, iyo nafta naagahaaga, iyo nafta naagahaaga addoommaha ah;

  • 7Oo dadkii reer binu Israa'iilna waxaa meeshaas ku laayay addoommadii Daa'uud, oo maalintaas waxaa la laayay dad badan, oo waxaa ka dhintay labaatan kun oo nin.

  • 24Markaasaa Yoo'aab boqorkii u yimid, oo ku yidhi, Maxaad samaysay? Bal eeg, Abneer baa kuu yimid, maxaad u dirtay oo uu u tegey?

  • 2 Sam 19:8-9
    2 aayado
    67%

    8Markaasaa boqorkii sara joogsaday, oo iriddii buu fadhiistay. Oo taasaa loo sheegay dadkii oo dhan, oo lagu yidhi, Bal eega, boqorkii iridduu fadhiyaaye, markaasaa dadkii oo dhammu boqorkii hor yimaadeen. Markii hore reer binu Israa'iil nin waluba wuxuu u cararay teendhadiisii.

    9¶ Oo dadkii oo dhan iyo qabiilooyinkii reer binu Israa'iil oo dhammu way isla doodayeen, oo waxay islahaayeen, War boqorku wuxuu inaga samatabbixiyey cadaawayaasheenna, reer Falastiinna wuu inaga badbaadshay, oo haatanna wuxuu dalka uga cararay Absaaloom aawadiis.

  • 16Sidaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu gurigii boqorka u mari jireen, oo halkaasaa lagu dilay.

  • 15Sidaas daraaddeed iyadii meel bay u banneeyeen, markaasay tagtay marinkii ay farduhu guriga boqorka u mari jireen; oo halkaasay ku dileen.

  • 8Oo Daa'uudna markuu taas maqlay ayuu diray Yoo'aab iyo ciidankii raggii xoogga lahaa oo dhan.

  • 57Oo markii Daa'uud ka soo noqday diliddii kii reer Falastiin ayaa Abneer kexeeyey oo Saa'uul hor keenay isagoo gacanta ku wata madaxii kii reer Falastiin.

  • 16Markaasaa ninkeedii soo raacay iyadii, isagoo ooyaya intuu socday oo dhan, oo wuxuu iyadii daba socday tan iyo Baxuuriim. Markaasaa Abneer ku yidhi, War orod, oo iska noqo. Kolkaasuu iska noqday.

  • 29Markaasaa taas loo soo sheegay Boqor Sulaymaan, oo lagu yidhi, Yoo'aab Teendhadii Rabbiga ayuu u cararay, oo wuxuu ag jooga meeshii allabariga. Dabadeedna Sulaymaan wuxuu diray Benaayaah ina Yehooyaadaac oo wuxuu ku yidhi, Tag oo soo dil.

  • 20Oo addoommadii Absaaloom naagtii bay gurigii ugu yimaadeen; oo waxay ku yidhaahdeen, Awaye Axiimacas iyo Yoonaataan? Markaasaa naagtii waxay ku tidhi, War waxay ka gudbeen togga biyaha. Oo iyana markay doondooneen oo ay heli waayeen ayay ku noqdeen Yeruusaalem.

  • 15Oo reer Cammoonna markay arkeen in reer Suuriya carareen ayay iyana walaalkiis Abiishay hortiisa saasoo kale uga carareen, oo waxay galeen magaaladii. Markaasaa Yoo'aab Yeruusaalem yimid.

  • 12Markaasaa Daa'uud amray raggiisii dhallinyarada ahaa, wayna dileen iyagii, oo waxay ka jareen gacmihii iyo cagihii, oo ka soo lalmiyeen balliga Xebroon ku yaal agtiisa. Laakiinse Iishboshed madaxiisii intay qaadeen ayay ku aaseen qabrigii Abneer oo Xebroon ku yiil.

  • 15Markaasay kaceen oo tiro ku gudbeen; oo waxay ahaayeen laba iyo toban reer Benyaamiin ah, oo ka socda xaggii Iishboshed oo ahaa ina Saa'uul, iyo laba iyo toban ka socda addoommadii Daa'uud.

  • 6Haddaba wixii kula wanaagsan samee, oo cirrada madaxiisu yaanay nabad ku gelin xabaasha.