Falimaha Rasuullada 13:22

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Kolkuu isagii boqortooyadii ka wareejiyeyna, wuxuu u kiciyey iyagii Daa'uud inuu boqorkooda noqdo; kaasoo uu u markhaati furay isagoo leh, Waxaan ogaaday Daa'uud oo ina Yesay ah inuu yahay nin ah sida qalbigaygu doonayo oo samayn doona waxaan doonayo oo dhan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 16:1 : 1 ¶ Markaasaa Rabbigu wuxuu Samuu'eel ku yidhi, War ilaa goormaad Saa'uul u ooyaysaa, adigoo og inaan u diiday inuu reer binu Israa'iil boqor u ahaado? Haddaba geeskaaga saliid ka buuxso oo tag, waxaan kuu dirayaa Yesay oo ah reer Beytlaxam; waayo, boqor baan wiilashiisa ka dhex doortay.
  • 1 Sam 16:13 : 13 Markaasaa Samuu'eel qaaday geeskii saliiddu ku jirtay, wuuna ku subkay isagoo walaalihiis dhex jooga; oo maalintaas intii ka dambaysay Ruuxii Rabbigu aad buu ugu soo degay Daa'uud. Dabadeedna Samuu'eel wuu kacay, oo Raamaah buu tegey.
  • 1 Sam 15:23 : 23 Waayo, caasinimadu waxay la mid tahay dembiga sixirka, madaxadaygguna wuxuu la mid yahay shar iyo sanam caabudidda. Waxaad diidday Eraygii Rabbiga, oo sidaas daraaddeed isna wuxuu kuu diiday inaad boqor sii ahaatid.
  • 1 Sam 15:26 : 26 Oo Samuu'eelna wuxuu Saa'uul ku yidhi, Kula noqon maayo, waayo, Eraygii Rabbigaad diidday, oo Rabbigaana kuu diiday inaad sii ahaatid boqor reer binu Israa'iil u taliya.
  • 1 Sam 15:28 : 28 Markaasaa Samuu'eel isagii ku yidhi, Maanta Rabbigu boqortooyadii reer binu Israa'iil buu kaa dillaaciyey, wuxuuna siiyey mid deriskaaga ah oo kaa sii wanaagsan.
  • 1 Boq 15:5 : 5 maxaa yeelay, Daa'uud wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa ku qummanaa, oo cimrigiisii oo dhanna kama uu leexan wax kasta oo uu ku amray, xaalkii Uuriyaah kii reer Xeed oo keliya mooyaane.
  • Sab 78:70-72 : 70 Wuxuuna doortay addoonkiisii Daa'uud, Oo wuxuu isaga ka soo waday xeryaha idaha, 71 Wuxuu ka soo waday laxihii ilmo nuujinayay oo uu raacayay, Inuu daajiyo reer Yacquub oo dadkiisa ah, iyo reer binu Israa'iil oo dhaxalkiisa ah. 72 Haddaba wuxuu u daajinayay si waafaqsan daacadnimada qalbigiisa, Oo wuxuu ku hoggaaminayay farsamada gacmihiisa.
  • Fal 7:46 : 46 Daa'uudna Ilaah hortiis ayuu wanaag ka helay, oo wuxuu weyddiistay inuu Ilaahii Yacquub u helo meel uu dego.
  • 1 Boq 15:3 : 3 Oo isna wuxuu sameeyey dembiyadii uu aabbihiis samayn jiray isaga hortiis oo dhan, oo qalbigiisuna Rabbiga Ilaahiisa ah uguma qummanayn sidii qalbigii awowgiis Daa'uud oo kale.
  • Sab 89:19-37 : 19 Markaas quduusiintaada waxaad kula hadashay muuqasho, Oo waxaad ku tidhi, Waxaan caawimaad kor saaray mid xoog badan, Oo waxaan sarraysiiyey mid dadka laga doortay. 20 Waxaan helay addoonkaygii Daa'uud ahaa, Oo waxaan ku subkay saliiddaydii quduuska ahayd, 21 Oo gacantaydu isagay la jiri doontaa, Dhudhunkayguna isaguu xoogayn doonaa. 22 Cadowgu ma dulmi doono, Wiilka sharnimaduna ma dhibi doono. 23 Oo cadaawayaashiisa hortiisaan ku wada burburin doonaa, Oo kuwa isaga necebna waan layn doonaa. 24 Laakiinse aaminnimadayda iyo naxariistaydu isagay la jiri doonaan, Oo geeskiisana waxaa lagu sarraysiin doonaa magacayga. 25 Oo weliba gacantiisa waxaan ka sarraysiin doonaa badda, Midigtiisana webiyaasha. 26 Aniguu ii qayshan doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Adigu waxaad tahay aabbahay, Iyo Ilaahay, iyo dhagaxii weynaa oo badbaadadayda. 27 Oo weliba waxaan isaga ka dhigi doonaa curadkayga, Oo wuxuu ahaan doonaa boqorrada dunida kan ugu wada sarreeya. 28 Weligayba waxaan isaga u hayn doonaa naxariistayda, Oo axdigayguna isaguu ku sii adkaan doona. 29 Oo weliba farcankiisana waxaan ka dhigi doonaa mid weligiis waara, Carshigiisana sida wakhtiga samada. 30 Carruurtiisu hadday sharcigayga ka tagaan, Oo aanay ku socon xukummadayda, 31 Hadday qaynuunnadayda jebiyaan, Oo aanay amarradayda dhawrin, 32 Markaas xadgudubkooda waxaan kaga abaalmarin doonaa ul, Xumaantoodana jeedal. 33 Laakiinse naxariistayda oo dhan kama wada qaadi doono, Aaminnimadayduna inay isaga gabto uma oggolaan doono. 34 Axdigayga ma jebin doono, Oo wixii afkayga ka soo baxayna ma beddeli doono. 35 Mar baan waxaan ku dhaartay quduusnimadayda, Oo Daa'uud been uma sheegi doono, 36 Farcankiisu weligiisuu waari doonaa, Carshigiisuna wuxuu u waari doonaa sida qorraxda hortayda ka ifaysa. 37 Oo wuxuu weligiisba u sii jiri doonaa sida dayaxa, Iyo sida markhaatiga daacadda ah oo cirka jooga. (Selaah)
  • 2 Sam 2:4 : 4 Markaasaa dadkii dalka Yahuudah yimid, oo halkaasay Daa'uud ugu subkeen inuu ahaado boqor u taliya dalka Yahuudah. Waxaana Daa'uud loo sheegay, oo lagu yidhi, Kuwii Saa'uul aasay waxay ahaayeen dadka reer Yaabeesh Gilecaad.
  • 1 Sam 13:13-14 : 13 Markaasaa Samuu'eel wuxuu Saa'uul ku yidhi, Nacasnimo baad samaysay oo amarkii Rabbiga Ilaahaaga ahu kugu amray ma aad xajin. Haatan Rabbigu boqortooyadaaduu ku adkayn lahaa reer binu Israa'iil weligeedba. 14 Laakiinse imminka boqortooyadaadu sii jiri mayso. Rabbigu wuxuu doontay nin ah siduu qalbigiisu doonayo, oo Rabbiguna isaguu u doortay inuu ahaado amiir dadkiisa u taliya, maxaa yeelay, adigu ma aadan xajin wixii Rabbigu kugu amray.
  • 1 Sam 15:11 : 11 Waxaan ka qoomamoonayaa inaan Saa'uul boqor ka dhigay; waayo, lasocodkaygii dib buu uga noqday, oo mana uu oofin amarradaydii. Oo Samuu'eelna wuu cadhooday oo habeenkii oo dhan Rabbiguu u qaylinayay.
  • 1 Sam 28:16 : 16 Markaasaa Samuu'eel wuxuu yidhi, War adoo og in Rabbigu kaa tegey oo uu col kuu noqday, maxaad wax ii weyddiinaysaa?
  • 1 Sam 31:6 : 6 Sidaas daraaddeed maalintaas waxaa wada dhintay Saa'uul, iyo saddexdiisii wiil, iyo kii hubka u siday, iyo raggiisii oo dhan.
  • 2 Sam 5:3-5 : 3 Sidaas aawadeed odayaashii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay boqorkii ugu yimaadeen Xebroon; oo Boqor Daa'uudna wuxuu iyagii axdi kula dhigtay Xebroon Rabbiga hortiisa, oo iyana waxay Daa'uud u boqreen inuu ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya. 4 Oo Daa'uudna soddon sannadood buu jiray markuu bilaabay inuu boqor noqdo, oo wuxuuna boqor ahaa afartan sannadood. 5 Oo reer Yahuudahna wuxuu Xebroon ugu talinayay toddoba sannadood iyo lix bilood, oo reer Israa'iil oo dhan iyo reer Yahuudahna wuxuu Yeruusaalem ugu talinayay saddex iyo soddon sannadood.
  • 2 Sam 7:8 : 8 Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kexeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,
  • 2 Sam 7:15 : 15 laakiinse naxariistaydu ka dhammaan mayso isaga, sidii aan Saa'uul uga dhammeeyey oo kale, kaasoo ahaa kii aan hortaa fogeeyey.
  • 1 Taar 10:13 : 13 Haddaba Saa'uul wuxuu u dhintay xadgudubkiisii uu isagu Rabbiga ku xadgudbay, maxaa yeelay, isagu Eraygii Rabbiga ma uu dhawrin, oo weliba isagu wuxuu talo weyddiistay mid ruuxaan lahayd, si uu iyada wax u weyddiisto,
  • 1 Taar 28:4-5 : 4 Habase yeeshee Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu iga doortay reerkii aabbahay oo dhan inaan weligay ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya, waayo, isagu wuxuu Yahuudah u doortay inuu amiir ahaado, oo reer Yahuudahna wuxuu ka doortay reerkii aabbahay, oo wiilashii aabbahayna aniguu igala dhex baxay oo igu farxay inuu iga dhigo boqor u taliya reer binu Israa'iil oo dhan. 5 Rabbigu wiilal badan buu i siiyey oo wuxuu wiilashaydii oo dhan ka doortay wiilkayga Sulaymaan inuu carshiga boqortooyada Rabbiga ku fadhiisto oo uu reer binu Israa'iil u taliyo.
  • Sab 2:6 : 6 Anigu boqorkaygii waxaan fadhiisiyey Buurtayda quduuska ah oo Siyoon.
  • Yer 33:21 : 21 markaas axdigayga aan addoonkayga Daa'uud la dhigtayna waa jabi karayaa si uusan u helin wiil carshigiisa ka dul taliya, iyo kii aan la dhigtay wadaaddada reer Laawi oo midiidinnadayda ah.
  • Yer 33:26 : 26 markaas waxaan xoori doonaa farcankii Yacquub, iyo addoonkaygii Daa'uudba, si aanan farcankiisa qaarna uga dhigin inay taliyayaal u ahaadaan farcankii Ibraahim, iyo Isxaaq, iyo Yacquub, waayo, maxaabiistooda waan soo celin doonaa, waanan u naxariisan doonaa.
  • Yex 34:23 : 23 Oo waxaan iyaga u yeeli doonaa adhijir keliya oo iyaga jira, oo isaguna wuu daajin doonaa, oo kaasu waa addoonkayga Daa'uud. Isagaa daajin doona, oo adhijir buu u ahaan doonaa.
  • Yex 37:24-25 : 24 Oo addoonkaygii Daa'uud ayaa iyaga boqor u ahaan doona, oo kulligoodna waxay lahaan doonaan adhijir qudha; oo weliba xukummadayday ku dhex socon doonaan, oo qaynuunnadaydana way dhawri doonaan oo way wada samayn doonaan. 25 Oo waxay dhex degganaan doonaan dalkii aan addoonkaygii Yacquub siiyey, oo ay awowayaashiin degganaan jireen, oo weligoodba halkaasay degganaan doonaan iyaga iyo carruurtooda, iyo carruurtooda carruurtooduba, oo addoonkaygii Daa'uudna weligiis amiirkoodii buu ahaan doonaa.
  • Hos 3:5 : 5 Oo markaas dabadeedna dadka Israa'iil way soo noqon doonaan, oo waxay doondooni doonaan Rabbiga Ilaahooda ah, iyo Daa'uud oo boqorkooda ah, oo ugu dambaysta ayay cabsi ula iman doonaan Rabbigooda iyo wanaaggiisa.
  • Hos 13:10-11 : 10 Haddaba magaalooyinkiinna oo dhan ha idinku badbaadiyee meeh boqorkiinnii? Oo meeye xaakinnadiinnii aad ka tidhaahdeen, Na sii boqor iyo amiirro? 11 Anigoo xanaaqsan ayaan boqor idin siiyey, oo haddana anigoo cadhaysan ayaan idinka qaaday.
  • 1 Sam 12:25 : 25 Laakiinse haddaad shar sii samaysaan waa laydin baabbi'in doonaa idinka iyo boqorkiinnaba.
  • Fal 15:8 : 8 ¶ Oo Ilaaha qalbiga garta ayaa u markhaati furay iyaga, wuxuuna iyaga siiyey Ruuxa Quduuska ah siduu innagana inoo siiyey;
  • Cib 11:4-5 : 4 Haabiil rumaysad ayuu Ilaah ugu bixiyey allabari aad uga wanaagsan kii Qaabiil, sidaas daraaddeed waxaa loogu markhaati furay inuu xaq yahay, Ilaahna waa ka markhaati furay hadiyadihiisii. Saas daraaddeed isagoo dhintay ayuu weli hadlaa. 5 Enoog rumaysad baa kor loogu qaaday si uusan dhimasho u arag, lamana helin, maxaa yeelay, Ilaah baa isagii qaaday, waayo, intaan kor loo qaadin ka hor ayaa markhaati loo furay inuu Ilaah ka farxiyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 21Dabadeed waxay weyddiisteen boqor, markaasaa Ilaah wuxuu iyagii siiyey Saa'uul ina Qiish oo ahaa nin reer Benyaamiin intii afartan sannadood ah.

  • 14Laakiinse imminka boqortooyadaadu sii jiri mayso. Rabbigu wuxuu doontay nin ah siduu qalbigiisu doonayo, oo Rabbiguna isaguu u doortay inuu ahaado amiir dadkiisa u taliya, maxaa yeelay, adigu ma aadan xajin wixii Rabbigu kugu amray.

  • 22Kolkaasaa Saa'uul farriin u diray Yesay oo ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ii daa Daa'uud, hortayda ha joogee, waayo, isagu aad buu iiga farxiyey.

  • 20Waxaan helay addoonkaygii Daa'uud ahaa, Oo waxaan ku subkay saliiddaydii quduuska ahayd,

  • 23Ninkan farcankiisii Ilaah siduu ballanqaaday ayuu Israa'iil ugaga keenay Badbaadiye kaasoo ah Ciise;

  • 7¶ Kolkaasaa Naataan wuxuu Daa'uud ku yidhi, Ninkaasu waa adiga. Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Waxaan kuu subkay inaad ahaatid boqor reer binu Israa'iil u taliya, gacantii Saa'uulna waan kaa samatabbixiyey,

  • 7Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kaxeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,

  • 73%

    15Markaasuu yidhi, Mahad waxaa leh Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, oo afkiisa kula hadlay aabbahay Daa'uud, oo gacantiisa ku oofiyey isagoo leh,

    16Tan iyo maalintii aan dadkayga reer binu Israa'iil ka soo bixiyey dalkii Masar, qabiilooyinka reer binu Israa'iil oo dhan kama aan dooran magaalo guri la iiga dhiso si magacaygu halkaas ugu jiro, laakiinse Daa'uud baan u doortay inuu dadkayga reer binu Israa'iil u taliyo.

    17Haddaba aabbahay waxaa qalbigiisa ku jiray inuu guri u dhiso magaca Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

    18Laakiinse Rabbigu wuxuu aabbahay Daa'uud ku yidhi, Qalbigaaga waxaa ku jiray inaad guri u dhisto magacayga aawadiis, oo taasu hadday qalbigaaga ku jirtay waad ku hagaagsanayd.

  • 12Oo Daa'uudna wuxuu ogaaday in Rabbigu isaga u taagay inuu ahaado boqor u taliya reer binu Israa'iil, iyo inuu boqortooyadiisa u sarraysiiyey dadkiisa reer binu Israa'iil aawadood.

  • 8Haddaba waxaad addoonkayga Daa'uud ku tidhaahdaa, Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Anaa kaa soo kexeeyey xeradii idaha iyo idihii aad raacaysay, inaad ahaatid amiir u taliya dadkayga reer binu Israa'iil,

  • 5de markaasaan dhisi doonaa oo aan weligiis waarin doonaa carshiga boqortooyadaada ee reer binu Israa'iil u taliya sidaan ugu ballanqaaday aabbahaa Daa'uud, markaan ku idhi, Nin carshiga dalka Israa'iil ku fadhiista lagaa waayi maayo.

  • 18markaasaan dhisi doonaa carshiga boqortooyadaada, sidaan axdi kula dhigtay aabbahaa Daa'uud markaan ku idhi, Lagaa waayi maayo nin reer binu Israa'iil u taliya.

  • 10taasoo ah inaan boqortooyada ka wareejiyo reer Saa'uul, iyo inaan carshiga Daa'uud u qotomiyo reer binu Israa'iil iyo reer binu Yahuudah, iyo tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac.

  • 71%

    37Oo waan ku qaadan doonaa, oo waxaad boqor u ahaan doontaa siday naftaadu doonayso, oo dalka Israa'iilna boqor baad ka noqon doontaa.

    38Oo haddaad maqasho waxa aan kugu amro oo dhan, oo aad jidadkaygana ku socotid, oo aad samaysid waxa hortayda ku qumman, oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda, sidii addoonkaygii Daa'uud yeeli jiray oo kale, ayaan kula jiri doonaa, oo waxaan kuu dhisi doonaa reer ammaan ah, sidii aan Daa'uud ugu dhisay oo kale, oo weliba dalka Israa'iilna adigaan ku siinayaa.

  • 4Habase yeeshee Rabbiga Ilaaha reer binu Israa'iil ahu wuxuu iga doortay reerkii aabbahay oo dhan inaan weligay ahaado boqor reer binu Israa'iil u taliya, waayo, isagu wuxuu Yahuudah u doortay inuu amiir ahaado, oo reer Yahuudahna wuxuu ka doortay reerkii aabbahay, oo wiilashii aabbahayna aniguu igala dhex baxay oo igu farxay inuu iga dhigo boqor u taliya reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 17Oo Rabbiguna wuxuu samaystay wixii uu iga hadlay, oo Rabbiguna boqortooyadii gacantaada wuu ka dillaaciyey, oo wuxuu siiyey deriskaaga kaaso ah Daa'uud.

  • 34Isagii buu ka sara kiciyey kuwii dhintay inuusan mar dambe qudhun ku noqon, sidaas daraaddeed ayuu sidan ku hadlay, isagoo leh, Waxaan idin siin doonaa barakooyinka runta ah oo Daa'uud loo ballanqaaday.

  • 17Oo Samuu'eelna wuxuu arkay Saa'uul, Rabbiguna wuxuu isaga ku yidhi, Bal eeg, waa kaas ninkii aan kuu sheegay! Kan qudhiisa ayaa dadkayga u talin doona.

  • 30Haddaba isagoo nebi ahaa oo ogaa in Ilaah dhaar ugu dhaartay isaga inuu dhashiisa midkood carshigiisa ku fadhiisin doono,

  • 70Wuxuuna doortay addoonkiisii Daa'uud, Oo wuxuu isaga ka soo waday xeryaha idaha,

  • 18Haddaba haatan sidii yeela, waayo, Rabbigu Daa'uud buu ka hadlay, oo yidhi, Addoonkayga Daa'uud gacantiisa ayaan dadkayga reer binu Israa'iil kaga badbaadin doonaa gacanta reer Falastiin iyo gacanta cadaawayaashooda oo dhanba.

  • 71%

    11Oo markii cimrigaagu dhammaado, oo aad awowayaashaa la jiri doonto sida waajibka ah, ayaan sara kicin doonaa farcankaaga kaa dambeeya oo wiilashaada midkood ahaan doona, oo boqortooyadiisana waan dhisi doonaa.

    12Oo isna guri buu ii dhisi doonaa, oo xoog baan u yeeli doonaa carshigiisa weligiis.

    13Oo anigu aabbaan u ahaan doonaa, isna wiil buu ii ahaan doonaa, oo anna naxariistayda kama fogayn doono, sidii aan uga fogeeyey kii kaa horreeyey,

    14laakiinse waxaan isaga dhex taagi doonaa weligiisba gurigayga iyo boqortooyadayda, oo carshigiisuna weligiis wuu dhisnaan doonaa.

  • 2Waagii hore oo Saa'uul boqorka noo ahaa, adiguu ahaa kii reer binu Israa'iil dibadda u bixin jiray oo gudaha soo gelin jiray; oo Rabbiguna wuxuu kugu yidhi, Adigu waxaad quudin doontaa dadkayga reer binu Israa'iil, oo amiir baanad u ahaan doontaa reer binu Israa'iil.

  • 9¶ Oo waxaa dhacday markuu dhabarka u jeediyey Samuu'eel, inuu Ilaah siiyey qalbi kale, oo calaamooyinkaasi oo dhammuna maalintaasay wada ahaadeen.

  • 2Oo Daa'uud wuxuu ogaaday in Rabbigu isaga u taagay inuu ahaado boqor u taliya reer binu Israa'iil, waayo, boqortooyadiisii waa la sarraysiiyey dadkiisa reer binu Israa'iil aawadood.

  • 26¶ Haddaba Daa'uud ina Yesay wuxuu boqor u ahaan jiray reer binu Israa'iil oo dhan.

  • 13Haddaba bal eega boqorkii aad doorateen oo aad i weyddiisateen, oo hadda bal eega, Rabbigu wuxuu idiin yeelay boqor idiin taliya.

  • 35Dabadeedna waa inaad soo raacdaan isaga, oo isna waa inuu yimaado, oo carshigayga ku fadhiisto; waayo, meeshaydii isagaa boqor ka noqon doona, oo waxaan ka dhigay amiir u taliya dalka Israa'iil iyo dalka Yahuudah.

  • 15laakiinse naxariistaydu ka dhammaan mayso isaga, sidii aan Saa'uul uga dhammeeyey oo kale, kaasoo ahaa kii aan hortaa fogeeyey.

  • 34Habase yeeshee boqortooyada oo dhan ka wada qaadi maayo; laakiinse cimrigiisa oo dhan amiir baan ka dhigayaa addoonkaygii Daa'uud oo aan doortay aawadiis, maxaa yeelay, wuxuu dhawray amarradaydii iyo qaynuunnadaydii.

  • 11Rabbigu run buu Daa'uud ugu dhaartay, Oo dhaartiisiina ka soo noqon maayo, Midhaha jidhkaaga midkood ayaan carshigaaga ku fadhiisin doonaa.

  • 9laakiinse waxay u adeegi doonaan Rabbiga Ilaahooda ah, iyo boqorkooda Daa'uud ee aan iyaga u sara kicin doono.

  • 12Markaasuu u cid diray, oo soo geliyey. Oo isna wuxuu ahaa mid cas, oo soojeed qurxoon, oo midabkiisuna aad u wanaagsan yahay. Markaasaa Rabbigu wuxuu Samuu'eel ku yidhi, Kac, oo subag, waayo, kanu waa isagii.

  • 2 Taar 6:7-8
    2 aayado
    70%

    7Haddaba aabbahay Daa'uud waxaa qalbigiisa ku jiray inuu guri u dhiso magaca Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil.

    8Laakiinse Rabbigu wuxuu aabbahay Daa'uud ku yidhi, Qalbigaaga waxaa ku jiray inaad guri u dhisto magacayga aawadiis, oo taasu hadday qalbigaaga ku jirtay waad ku hagaagsanayd.

  • 2Waagii hore markii Saa'uul boqorka ahaa adiguu ahaa kii reer binu Israa'iil dibadda u bixin jiray oo gudaha soo gelin jiray, oo Rabbiga Ilaahaaga ahuna wuxuu kugu yidhi, Adigu waxaad quudin doontaa dadkayga reer binu Israa'iil, oo amiir baanad u ahaan doontaa dadkayga reer binu Israa'iil.

  • 24Markaasaa Samuu'eel wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Ma aragtaan kan Rabbigu doortay inaan mid la mid ahu dadka ku jirin? Kolkaasaa dadkii oo dhammu dhawaaqeen oo waxay yidhaahdeen, Boqorku ha noolaado.

  • 70%

    24Waad xajisay wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa; run ahaan afkaagaad kaga hadashay oo gacantaadana waad ku oofisay siday maantadan tahay.

    25Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow, Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan, oo ay hortayda ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale.

  • 18Dabadeedna raggii dhallinyarada ahaa midkood ayaa ku jawaabay oo yidhi, Waxaan arkay Yesayga reer Beytlaxam wiil uu dhalay oo aad u yaqaan sida kataaradda lagu dhufto oo ah nin xoog leh oo dagaalyahan ah, codkarna ah, oo suurad qurxoon, oo weliba Rabbiguna wuu la jiraa.

  • 13Sidaas daraaddeed Saa'uul wuu iska fogeeyey isagii, oo wuxuu ka dhigay sirkaal kun u taliya; isaguna dadka hortiisuu ka bixi jiray, soona geli jiray.

  • 1¶ Samuu'eel wuxuu reer binu Israa'iil oo dhan ku yidhi, Bal eega, anigu waan maqlay codkiinnii iyo wixii aad igu tidhaahdeen oo dhan, oo waxaan idiin yeelay boqor idiin taliya.

  • 16Haddaba sidaas daraaddeed, Rabbiyow Ilaaha reer binu Israa'iilow, xaji wixii aad u ballanqaadday aabbahay Daa'uud oo addoonkaagii ahaa, adoo ku leh, Hortayda laga waayi maayo nin kaa dhasho oo carshiga reer binu Israa'iil ku fadhiista, hadday carruurtaadu isjiraan oo ay sharcigayga ugu socdaan sidaad hortayda ugu socotay oo kale.