Falimaha Rasuullada 17:27

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

inay Ilaah doondoonaan, in hadday suurtowdo ay haabhaabtaan oo ay helaan isaga, in kastoo uusan ka fogayn midkeen kasta;

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 14:17 : 17 Hase ahaatee isu maragfurla'aan iskama sii dayn, laakiin wanaag buu sameeyey, oo wuxuu samada idinka siiyey roob iyo xilliyo barwaaqo ah, isagoo qalbiyadiinna ka dherginaya cunto iyo farxad.
  • Room 1:20 : 20 Tan iyo abuurniinta dunida waxyaalihiisii aan la arki karin ayaa bayaan loo arkaa, iyagoo laga garto waxyaalihii la sameeyey, xataa xooggiisa daa'imiska ah iyo ilaahnimadiisa, si ayan marmarsiinyo u lahaan.
  • Sharc 4:7 : 7 Waayo, bal waa tee quruunta weyn oo leh ilaaha saas iyada ugu dhow, siduu inoogu dhow yahay Rabbiga Ilaaheenna ahu mar alla markaynu barinno?
  • Yer 23:23-24 : 23 Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu ma waxaan ahay Ilaah dhow, oo miyaanan ahayn Ilaah fog? 24 Rabbigu wuxuu leeyahay, Miyaa cidi isku qarin kartaa meelo qarsoon oo aanan ka arki karin? Waxaa kaluu Rabbigu leeyahay, Anigu sow kama buuxo cirka iyo dhulkaba?
  • Fal 15:17 : 17 Si nimankii hadhay ay Rabbiga u doondoonaan, Iyo quruumaha oo dhan oo magacayga loogu yeedho,
  • Room 2:4 : 4 Ma waxaad quudhsanaysaa hodantinimada wanaaggisa iyo samirkiisa iyo dulqaadashadiisa? Miyaadan garanayn in wanaagga Ilaah kuu kaxeeyo xagga toobadda?
  • 1 Boq 8:27 : 27 Haddaba ma dhab baa in Ilaah dhulka degganaan doono? Xataa samada iyo samada samooyinku kuma qaadi karaan, haddaba bal gurigan aan dhisay sidee buu kuu qaadi karaa!
  • Sab 19:1-6 : 1 Samooyinku waxay caddeeyaan ammaanta Ilaah, Cirkuna wuxuu muujiyaa sancadii gacantiisa. 2 Maalinba maalinta ka dambaysaa waxay ku hadashaa hadal, Oo habeenba habeenka ka dambeeyaa wuxuu caddeeyaa aqoon. 3 Ma jiro hadal ama af Aan codkooda laga maqlin. 4 Codkoodii wuxuu dhex maray dhulka oo dhan, Hadalkoodiina wuxuu gaadhay dunida meesha ugu dambaysa. Oo dhexdooda wuxuu taambuug u dhigay qorraxda, 5 Taasoo la mid ah aroos qolladdiisii ka soo baxaya, Oo waxay u faraxdaa sida nin xoog leh oo baratamaya. 6 Waxay ka soo baxdaa samada darafkeeda, Oo waxay ku soo wareegtaa hareeraheeda, Oo kulaylkeedana wax ka qarsoonu ma jiraan.
  • Sab 139:1-9 : 1 Rabbiyow, waad i baadhay, oo waad i soo ogaatay. 2 Waad og tahay fadhiisashadayda iyo sara kiciddaydaba, Oo fikirkaygana meel fog baad ka garataa. 3 Socodkayga iyo seexashadaydaba waad baadhaa, Oo jidadkayga oo dhanna waad wada taqaan. 4 Waayo, Rabbiyow, eray aanad aqoonu carrabkayga kuma jiro, Laakiinse adigu waad wada og tahay. 5 Adigu hor iyo dibba waad iga xidhay, Oo gacantaadaad i saartay. 6 Aqoontaas oo kale aad iyo aad bay iigu yaab badan tahay, Waa wax sare, oo anigu ma aan gaadhi karo. 7 Bal xaggee baan ruuxaaga ka tagaa? Xaggee baanse wejigaaga uga cararaa? 8 Haddaan samada koro, halkaasaad joogtaa, Haddaan sariirtayda She'ool dhex dhigtona, bal eeg, halkaasna waad joogtaa. 9 Haddaan qaato baalasha subaxda, Iyo haddaan dego badda darafyadeeda ugu shisheeyaba, 10 Xataa halkaas gacantaada ayaa i hoggaamin doonta, Oo midigtaada ayaa i soo qaban doonta. 11 Haddaan idhaahdo, Hubaal gudcurkaa i qarin doona, Oo iftiinka igu wareegsanu habeennimuu noqon doonaa, 12 Xataa gudcurku igama kaa qariyo, Laakiinse habeenku wuxuu u iftiimaa sida maalinta oo kale, Gudcurka iyo iftiinku waa isugu kaa mid. 13 Waayo, kelyahayga adigaa sameeyey, Oo adigaa igu daboolay maxalkii hooyaday.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 17:28-30
    3 aayado
    79%

    28maxaa yeelay, isagaynu ku nool nahay, kuna soconnaa, kuna jirnaa; sidaasoo kuwo ka mid ah gabayayaashiinnu ay yidhaahdeen, Weliba innaguna waxaynu nahay farcankiisa.

    29Haddaba innagoo ah Ilaah farcankiis waa inaynaan ka fikirin in Ilaahnimadu ay la mid tahay dahab ama lacag ama dhagax oo lagu xardhay sancada iyo farsamada dadka.

    30Haddaba wakhtiyadii oqoonla'aanta Ilaah baa dhaafay, laakiin hadda wuxuu dadka ku amrayaa in dhammaantood meel kastaba ha joogeene ay soo toobadkeenaan;

  • Fal 17:19-26
    8 aayado
    76%

    19Markaasay isagii qabteen, oo waxay u kaxeeyeen Are'obagos iyagoo ku leh, Ma ogaan karnaa waxay tahay waxbariddan cusub oo aad ku hadlaysid?

    20Waayo, waxaad dhegahayaga maqashiisaa waxyaalo qalaad. Sidaa darteed waxaannu doonaynaa inaannu ogaanno waxyaalahanu waxay yihiin.

    21(Haddaba reer Ateenay oo dhammi iyo dadkii qalaad oo halkaas degganaa, wakhtigooda wax kale kuma ay dhaafin inay sheegaan ama maqlaan wax cusub mooyaane.)

    22¶ Markaasaa Bawlos oo Are'obagos dhex taagan wuxuu yidhi, Nimankiinan reer Ateenay ahow, wax kasta waxaan idinku garanayaa inaad tihiin kuwo ilaahyada ka cabsada.

    23Waayo, markaan soo socday oo aan arkay waxyaalaha aad caabuddaan waxaan soo arkay oo kale meel allabari oo lagu qoray, Waxaa leh ilaah aan la oqoon. Haddaba waxaad oqoonla'aanta ku caabuddaan ayaan wax idiinka sheegayaa.

    24Ilaaha sameeyey dunida iyo waxyaalaha ku jira oo dhanba, oo ah Rabbiga samada iyo dhulka, ma deggana macbudyo gacmo lagu sameeyey,

    25gacmo dadna looguma adeego sidii isagoo wax u baahan, maxaa yeelay, dhammaan isagaa siiya nolosha iyo neefta iyo wax walbaba;

    26oo quruun kasta oo bini-aadmi ah ayuu isaga mid dhigay inay dunida dusheeda oo dhan degganaadaan isagoo gooyay xilliyaduu hore u diyaarshay iyo xadadka degmooyinkooda;

  • Fal 15:17-18
    2 aayado
    73%

    17Si nimankii hadhay ay Rabbiga u doondoonaan, Iyo quruumaha oo dhan oo magacayga loogu yeedho,

    18Taas waxaa yidhi Rabbiga waxyaalahaas muujiyey tan iyo bilowgii dunida.

  • Room 1:18-21
    4 aayado
    72%

    18¶ Cadhadii Ilaah ayaa samada laga muujiyey iyadoo ka gees ah cibaadodarrada iyo xaqdarrada dadka oo dhan, kuwaasoo runta ku joojiya xaqdarro;

    19maxaa yeelay, wixii Ilaah laga garan karo waa ka dhex muuqataa iyaga, waayo, Ilaah waa u muujiyey iyaga.

    20Tan iyo abuurniinta dunida waxyaalihiisii aan la arki karin ayaa bayaan loo arkaa, iyagoo laga garto waxyaalihii la sameeyey, xataa xooggiisa daa'imiska ah iyo ilaahnimadiisa, si ayan marmarsiinyo u lahaan.

    21Maxaa yeelay, iyagoo Ilaah garanaya ayayan isaga Ilaah ahaan u ammaanin, umana ay mahadnaqin, laakiin fikirradoodii waa xumaadeen, qalbigoodii garaadka la'aana waa madoobaaday.

  • 2Ilaah wuxuu samada hoos uga soo fiiriyey binu-aadmiga, Bal inuu arko hadday kuwo wax garanaya oo Ilaah doondoonaa jiraan.

  • 29Laakiinse haddaad halkaas Rabbiga Ilaahiinna ah ka doondoontaan, waad heli doontaan, haddaad qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan ku doondoontaan.

  • 6¶ Rabbiga doondoona inta isaga la heli karo, oo isaga barya intuu dhow yahay.

  • 13Oo waad i doondooni doontaan, waanad i heli doontaan markaad qalbigiinna oo dhan igu doondoontaan.

  • Fal 14:15-17
    3 aayado
    70%

    15oo leh, Niman yahow, maxaad waxyaalahan u samaynaysaan? Annagu waxaannu nahay niman idinla dabiicad ah, oo waxaannu idiin keenaynaa war wanaagsan inaad ka soo jeesataan waxyaalahan aan micnaha lahayn oo u jeesataan Ilaaha nool, kaasoo sameeyey samada iyo dhulka iyo badda iyo waxyaalaha ku jira oo dhan,

    16kaasoo qarniyada tegey quruumaha oo dhan u oggolaaday inay jidadkooda ku socdaan.

    17Hase ahaatee isu maragfurla'aan iskama sii dayn, laakiin wanaag buu sameeyey, oo wuxuu samada idinka siiyey roob iyo xilliyo barwaaqo ah, isagoo qalbiyadiinna ka dherginaya cunto iyo farxad.

  • 2Rabbigu samaduu ka soo fiiriyey binu-aadmiga, Inuu arko haddii ay jiraan kuwo wax garanaya, Oo Ilaah doondoona.

  • 11Mid wax garanayaa ma jiro; Mid Ilaah doondoonaa ma jiro;

  • 37Goortay heleen waxay ku yidhaahdeen, Dadka oo dhan baa ku doondoonaya.

  • 1¶ Waxaan aqbalay kuwa aan wax i weyddiinayn, oo waxaa i helay kuwa aan i doondoonayn. Waxaa quruun aan magacayga loogu yeedhi jirin ku idhi, I eeg, i eeg.

  • 25Dadka oo dhammu way wada fiiriyeen, Oo binu-aadmiguna meel fog buu ka arkaa.

  • 17Laakiinse markuu Rooma joogay wuxuu ku dadaalay inuu i daydayo, wuuna i helay.

  • 17Haddaad Aabbow ugu yeedhaan kan nin walbaba u xukuma eexashola'aan iyo sida shuqulkiisu yahay, cabsi Ilaah isku dhaafiya wakhtiga aad qariibka tihiin.

  • 12Oo waxay wareegi doonaan bad ilaa ka bad, iyo woqooyi ilaa tan iyo bari, oo waxay u ordi doonaan hore iyo dib iyagoo doondoonaya erayga Rabbiga, oo mana ay heli doonaan innaba.

  • 23Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu ma waxaan ahay Ilaah dhow, oo miyaanan ahayn Ilaah fog?

  • 20Isayosna waa dhiirranaa oo wuxuu yidhi, Waxaa i helay kuwo aan i doonayn, Waxaan u muuqday kuwo aan wax i weyddiinayn.

  • 2Bal maxay quruumuhu u odhanayaan, Haddaba Ilaahoodu meeh?

  • 29Bal eeg, waxan keliya oo aan soo ogaaday in Ilaah binu-aadmiga sameeyey iyagoo qumman, laakiinse waxay doondooneen hindisooyin badan.

  • 35laakiin kii kastoo Ilaah ka cabsada, xaqnimadana sameeya, quruun kastaba ha ku jiree, Ilaah waa aqbalaa.

  • 21Laakiinse, sida qoran, Waxaa arki doona kuwo aan warkiisu u iman, Kuwii aan maqlinuna waa garan doonaan.

  • 24Waayo, bal yaa gaadhi kara wixii aad u fog ee mool dheer?

  • 4laakiinse markay cidhiidhi galeen ayay u soo jeesteen oo doondooneen Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil, wayna heleen.

  • 19qalbigiisa u diyaariya inuu doondoono Ilaaha ah Rabbiga oo ah Ilaahii awowayaashiis in kastoo uusan isu nadiifin sidii ay ahayd isdaahirintii meesha quduuska ah.

  • 21Ilaah miyaanu waxaas baadhayn? Waayo, isagu waa wada og yahay qalbiga waxyaalihiisa qarsoon.

  • 7Waayo, bal waa tee quruunta weyn oo leh ilaaha saas iyada ugu dhow, siduu inoogu dhow yahay Rabbiga Ilaaheenna ahu mar alla markaynu barinno?

  • 6Waxay kaxayn doonaan adhyahooda iyo ishkinkooda iyagoo Rabbiga doondoonaya, laakiinse isaga ma ay heli doonaan, waayo, wuu ka noqday iyaga.

  • 24Oo markay taas maqleen, iyagoo isku wada qalbi ah, ayay codkoodii sare ugu qaadeen Ilaah oo yidhaahdeen, Rabbiyow, adigu waxaad tahay kan sameeyey samada, iyo dhulka, iyo badda, iyo waxa ku jira oo dhan;

  • 4Waayo, Rabbigu wuxuu dadka Israa'iil ku leeyahay, Aniga i doondoona aad noolaataane.

  • 15Waxay muujiyaan shuqulka sharciga oo qalbiyadooda ku qoran, iyagoo garashadoodu u markhaati furayso, oo fikirradoodu midba midka kale ashtakaynayo ama marmarsiinyo samaysanayo,

  • 7Inay rajadooda Ilaah ku xidhaan, Oo aanay illoobin Ilaah shuqulladiisii, Laakiinse ay xajiyaan amarradiisa,

  • 28Markaasay ii yeedhan doonaan, laakiinse anigu uma aan jawaabi doono; Oo horay ii doondooni doonaan, laakiinse ima ay heli doonaan;

  • 5Waayo, in kastoo ay samada iyo dhulkaba jiraan wax ilaahyo lagu sheego, sidii iyadoo ilaahyo badan iyo sayidyo badni jiraan,