Falimaha Rasuullada 18:24

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

¶ Haddaba waxaa Efesos yimid Yuhuudi Abolloos la odhan jiray oo reer Iskanderiya ahaa, oo wuxuu ahaa nin hadalyaqaan ah, oo Qorniinka garasho xoog leh u leh.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Kor 1:12 : 12 Tan waxaan ula jeedaa midkiin inuu leeyahay, Waxaan ka mid ahay kuwa Bawlos; mid kalena, Kuwa Abolloos; mid kalena, Kuwa Keeyfas; mid kalena, Kuwa Masiix.
  • 1 Kor 4:6 : 6 ¶ Haddaba, walaalayaalow, waxyaalahan ayaan aawadiin u soo qaaday qudhayda iyo Abolloosba, inaad xaggayaga ka barataan inaydnaan ka gudbin waxyaalaha qoran oo aan midkiinna midka kale u faanin.
  • 1 Kor 16:12 : 12 Xagga walaalka Abolloos aad baan u baryay isaga inuu walaalaha sii raaco oo idiin yimaado, laakiin raalli kama uu ahayn inuu haatan yimaado, laakiin wuu iman doonaa markuu nefis helo.
  • Titus 3:13 : 13 Ku dadaal inaad Seenaas kan sharciga yaqaan iyo Abolloos soo ambabbixisid si ayan waxba ugu baahan.
  • 1 Kor 3:5-6 : 5 Haddaba muxuu yahay Abolloos? Bawlosna muxuu yahay? Waxay yihiin midiidinyadii aad xaggooda ku rumaysateen, oo mid kasta sida Rabbigu u siiyey isaga. 6 Anigu waan beeray, Abolloosna wuu waraabiyey, laakiin Ilaah baa koriyey.
  • Cesr 7:6 : 6 oo Cesraahan ayaa ka tegey Baabuloon, oo wuxuu ahaa karraani aad u yaqaan sharcigii Muuse uu Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil siiyey; oo boqorkuna wuxuu siiyey wixii uu weyddiistay oo dhan sidii ay gacantii Rabbiga Ilaahiis ahu u saarnayd.
  • Fal 6:9 : 9 Laakiin waxaa kacay oo Istefanos la murmay kuwii sunagogga la odhan jiray sunagogga Libertiinta, iyo kan reer Kuranaya, iyo reer Iskanderiya, iyo kuwa Kilikiya iyo Aasiya.
  • Fal 7:22 : 22 Muusena waxaa la baray xigmaddii Masriyiinta oo dhan; hadalladiisa iyo falimihiisana xoog buu ku lahaa.
  • Fal 18:28-19:1 : 28 maxaa yeelay, si xoog leh ayuu Yuhuuddii u garansiiyey oo caddaan ugu tusay Qorniinka in Ciise yahay Masiixa. 1 ¶ Haddaba waxaa dhacay, markii Abolloos Korintos joogay, in Bawlos oo soo dhex maray waddanka sare yimid Efesos, oo halkaas wuxuu kula kulmay kuwo xer ah.
  • Fal 27:6 : 6 Oo halkaas boqol-u-taliyihii wuxuu ka helay doonni Iskanderiya ka timid oo u dhoofaysa Itaaliya; markaasuu na fuushiiyey.
  • Cesr 7:12 : 12 Anigoo ah Artaxshasta boqorkii boqorrada, waxaan u qorayaa wadaadkii Cesraa oo ah karraanigii sharciga Ilaaha samada ee kaamil ah, iyo wax la mid ah. Salaan
  • Ish 3:3 : 3 iyo sirkaalka konton u taliya, iyo ninka sharafta leh, iyo lataliyaha, iyo saanaca, iyo saaxirka.
  • Mat 13:52 : 52 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Sidaa darteed mid kasta oo culimmada ka mid ah oo xer looga dhigay boqortooyada jannada, wuxuu u eg yahay nin reer odaygiis ah oo maalkiisa ka soo saara wax cusub iyo wax duug ah.
  • Luuk 24:19 : 19 Wuxuu ku yidhi, Wax maxay ah? Waxay ku yidhaahdeen, Wixii ku saabsanaa Ciisihii Reer Naasared, kii ahaa nin nebi ah oo xoog u lahaa wax falniin iyo hadal ah Ilaah iyo dadka oo dhan hortooda,
  • Bax 4:10 : 10 Markaasaa Muuse wuxuu Rabbiga ku yidhi, Rabbiyow, anigu codkar ma ahi, hadda iyo hore toona, iyo tan iyo markaad ila hadashay anigoo addoonkaaga ah, maxaa yeelay, anigu hadalka waan shigaa, waanan carrab la'ahay.
  • 1 Kor 2:1-2 : 1 ¶ Walaalayaalow, anna markaan idiin imid, lama iman hadal wanaaggiis ama xigmad, anoo idinku wacdiyaya maraggii laga furay Ilaah, 2 waayo, waxaan goostay inaanan waxba dhexdiinna ka ogaan Ciise Masiix oo ah kan iskutallaabta lagu qodbay maahee.
  • 2 Kor 10:10 : 10 Waayo, waxay yidhaahdaan, Warqadihiisu culays iyo xoog bay leeyihiin, laakiin joogidda jidhkiisu way tabardaran tahay, oo hadalkiisana waa la fududaystaa.
  • Kol 3:16 : 16 Oo erayga Masiixu ha idiinku jiro si badan xagga xigmadda oo dhan, idinkoo wax isbaraya oo isku waaninaya sabuurro iyo heeso ammaan ah iyo gabayo xagga ruuxa, idinkoo Ilaah ugu gabyaya nimcada qalbiyadiinna ku jirta.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 18:25-28
    4 aayado
    81%

    25Ninkaas jidka Rabbiga hore baa loo baray; oo isagoo ruuxa ku kulul ayuu ku hadlay oo hagaag u baray waxyaalihii Ciise ku saabsanaa, isagoo garanaya baabtiiskii Yooxanaa oo keliya;

    26oo wuxuu bilaabay inuu geesinimo kaga dhex hadlo sunagogga. Laakiin Bariskilla iyo Akula, markay maqleen isagii, ayay kaxaysteen, kolkaasay aad ugu sii caddeeyeen jidka Ilaah.

    27Oo markuu damcay inuu u sii dhaafo Akhaya, ayaa walaalihii dhiiro geliyeen, oo waxay xerta u qoreen inay soo dhoweeyaan isagii; markuu yimidna aad buu u caawiyey iyagii, kuwaasoo nimco ku rumaystay,

    28maxaa yeelay, si xoog leh ayuu Yuhuuddii u garansiiyey oo caddaan ugu tusay Qorniinka in Ciise yahay Masiixa.

  • Fal 19:1-2
    2 aayado
    75%

    1¶ Haddaba waxaa dhacay, markii Abolloos Korintos joogay, in Bawlos oo soo dhex maray waddanka sare yimid Efesos, oo halkaas wuxuu kula kulmay kuwo xer ah.

    2Markaasuu ku yidhi iyagii, Ruuxa Quduuska ah ma hesheen markaad rumaysateen? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Maya, maba aannu maqlin in Ruuxa Quduuska ahi jiro iyo in kale.

  • 19Markaasay waxay yimaadeen Efesos, oo halkaasuu iyagii kaga tegey; laakiin isagu wuxuu galay sunagogga oo la dooday Yuhuuddii.

  • Fal 18:1-5
    5 aayado
    70%

    1¶ Waxyaalahaas dabadeed Ateenay ayuu ka tegey, oo wuxuu yimid Korintos.

    2Meeshaasna wuxuu ka helay Yuhuudi Akula la odhan jiray, oo reer Bontos ah, oo mar dhow haweenaydiisa Bariskilla kala yimid Itaaliya, maxaa yeelay, Kalawdiyos baa ku amray Yuhuudda oo dhan inay Rooma ka tagaan; wuuna u yimid iyagii.

    3Isaguna la shuqul buu ahaa, sidaas darteed ayuu ula joogay iyagii, wayna shaqeeyeen; waayo, xagga shuqulkooda waxay ahaayeen taambuug-sameeyayaal.

    4Oo wuxuu sabti walba sunagogga kula doodi jiray oo soo jeedin jiray Yuhuud iyo Gariigba.

    5¶ Laakiin markii Silas iyo Timoteyos Makedoniya ka yimaadeen, hadalka ayaa haystay Bawlos isagoo Yuhuudda hortooda ka sheegaya in Ciise yahay Masiixa.

  • 12Xagga walaalka Abolloos aad baan u baryay isaga inuu walaalaha sii raaco oo idiin yimaado, laakiin raalli kama uu ahayn inuu haatan yimaado, laakiin wuu iman doonaa markuu nefis helo.

  • 23Markuu intii mudda ah meeshaas joogayna, wuu ka tegey, markaasuu meel meel u sii dhex maray dalalka Galatiya iyo Farugiya isagoo xertii adkaynaya.

  • Fal 2:9-10
    2 aayado
    67%

    9Innagoo ah reer Bartiya iyo Mediya iyo Ceelaam, iyo kuwa deggan Mesobotamiya, iyo Yahuudiya iyo Kabbadokiya, iyo Bontos iyo Aasiya,

    10iyo Farugiya iyo Bamfuliya, iyo Masar iyo meelaha Liibiya oo Kuranaya ku wareegsan, iyo ajanabiyo Rooma ka yimid oo ah Yuhuud iyo kuwa raacsan labadaba,

  • 1¶ Haddaba markay sii dhex mareen Amfibolis iyo Abollooniya ayay waxay yimaadeen Tesaloniika meeshaas oo sunagogga Yuhuuddu ahaa;

  • Fal 19:33-35
    3 aayado
    66%

    33Markaasay Aleksanderos ka soo saareen dadkii badnaa isagoo ay Yuhuuddii hore u soo tuurayaan. Markaasaa Aleksanderos gacan taagay, oo wuxuu damci lahaa inuu af isku daafaco dadka hortiisa.

    34Laakiin kolkay garteen inuu Yuhuudi yahay ayay dhammaan intii laba saacadood ah isku cod ku qayliyeen iyagoo leh, Waxaa weyn Di'anada reer Efesos.

    35¶ Markuu karaanigii magaaladu aamusiiyey dadkii badnaa, ayuu ku yidhi, Nimankiinan reer Efesosow, ninkee baan oqoon in magaalada Efesos ay tahay ta ilaalisa macbudka Di'anada weyn iyo sanamkii Yubiter ka soo dhacay?

  • Fal 13:5-7
    3 aayado
    65%

    5Oo kolkay Salamis joogeen, ereygii Ilaah bay ku wacdiyeen sunagogyada Yuhuudda; oo Yooxanaa ayay kaaliye u haysteen.

    6Oo kolkay gasiiraddii oo dhan dhex mareen ayay waxay yimaadeen Bafos, taas oo ay kala kulmeen nin saaxir ah oo ahaa nebi been ah oo Yuhuudi ah oo magiciisa la odhan jiray Barciise;

    7kaas oo la jiray taliye Sergiyos Bawlos oo ahaa nin garasha leh. Kaasu markuu u yeedhay Barnabas iyo Sawlos, wuxuu doonayay inuu ereyga Ilaah maqlo.

  • 1 Kor 3:4-5
    2 aayado
    65%

    4Waayo, markii mid yidhaahdo, Anigu waxaan ka mid ahay kuwa Bawlos, mid kalena, Anna Abolloos, miyaanaydin dad ahayn?

    5Haddaba muxuu yahay Abolloos? Bawlosna muxuu yahay? Waxay yihiin midiidinyadii aad xaggooda ku rumaysateen, oo mid kasta sida Rabbigu u siiyey isaga.

  • 18Markaan kuwaas keenayay ayay macbudka iga heleen, anigoo daahirsamay, oo aan dad badan la joogin, oo aan buuq ku jirin; laakiin waxaa joogay kuwo Yuhuud ah oo Aasiya ka yimid

  • 18Rabbigu maalintaas ha u naxariisto. Oo adigu aad baad u taqaan intuu waxyaalo ka adeegay Efesos.

  • Fal 17:17-19
    3 aayado
    65%

    17Saas daraaddeed ayuu Yuhuuddii iyo nimankii cibaadaysnaa kula xaajooday sunagogga, suuqa dhexdiisana ayuu maalin walba kula xaajooday kuwii kula kulmayba.

    18Waxaana la kulmay isagii kuwo ka mid ah faylosuufiinta Ebikuriyiin iyo Istoo'ikiin ah. Qaar baa waxay yidhaahdeen, Ninkan dawdarka ihi muxuu odhan doonaa? Qaar kalena waxay yidhaahdeen, Wuxuu u eg yahay nin ilaahyo qalaad wax ka sheega; maxaa yeelay, wuxuu dadkii ku wacdiyey Ciise iyo sarakicidda.

    19Markaasay isagii qabteen, oo waxay u kaxeeyeen Are'obagos iyagoo ku leh, Ma ogaan karnaa waxay tahay waxbariddan cusub oo aad ku hadlaysid?

  • 3¶ Waxaan ahay nin Yuhuudi ah oo ku dhashay Tarsos oo ku taal Kilikiya, laakiin magaaladan baa laygu koriyey anoo Gamalii'eel hoostiisa wax laygu baray sidii caadadii adkayd oo sharcigii awowayaasheen, anigoo Ilaah qiiro u leh sida aad dhammaantiin maanta tihiin.

  • 7Markaasuu meeshaas ka tegey, oo wuxuu galay gurigii ninka Tiitos Yuustos la odhan jiray, kaasoo Ilaah caabudi jiray, oo gurigiisu ku xigay sunagogga.

  • 17Markaasaa waxaa taas wada ogaaday Yuhuuddii iyo Gariigtii oo dhan oo Efesos joogtay; baqdinna waa wada gashay dhammaantood, magaca Rabbi Ciisena waa la weyneeyey.

  • Fal 11:23-24
    2 aayado
    63%

    23kaasoo farxay markuu yimid oo arkay nimcada Ilaah; wuxuuna kulligood ku waaniyey inay Rabbiga ku xajistaan niyad qalbiga ka timid,

    24maxaa yeelay, nin wanaagsan buu ahaa oo waxaa ka buuxsamay Ruuxa Quduuska ah iyo rumaysad; dad badan baana Rabbiga u kordhay.

  • 35Filibos baa afkiisa furay, oo intuu Qorniinkan ka bilaabay ayuu isaga ku wacdiyey Ciise.

  • 23¶ Oo intay maalin ka ballanqaadeen, ayay hoygiisii ugu yimaadeen iyagoo tiro badan, oo isna xaalkii aad buu ugu sii caddeeyey oo u marag furay boqortooyada Ilaah, oo wuxuu iyagii ku waaninayay wax Ciise ku saabsan oo ku yaalla sharciga Muuse iyo nebiyadiiba tan iyo aroortii ilaa fiidkii.

  • 30Oo Filibos markuu ku orday, wuxuu maqlay isagoo akhriyaya kitaabka nebi Isayos, wuxuuna ku yidhi, Ma garanaysaa waxaad akhriyaysid?

  • Fal 21:28-29
    2 aayado
    63%

    28iyagoo qaylinaya oo leh, Nimankii reer binu Israa'iilow, na caawiya. Kanu waa ninka bara dadka oo dhan oo meel kasta jooga inay ka gees noqdaan dadka iyo sharciga iyo meeshan. Weliba wuxuu macbudka keenay dad Gariig ah, meeshan quduuska ahna xaaraan buu ka dhigay.

    29Maxaa yeelay, mar hore waxay magaalada kula arkeen Torofimos oo reer Efesos ahaa, kaasoo ay u maleeyeen in Bawlos macbudka keenay.

  • 4Markaasaa dadkii badnaa oo magaaladu kala qaybsameen, oo qaar waxay raaceen Yuhuudda, qaarna rasuulladii.

  • 11¶ Adigu waad ogaan karaysaa inayan laba iyo toban maalmood ka badnayn kolkii aan Yeruusaalem caabudidda u tegey.

  • 24¶ Laakiin dhawr maalmood dabadeed ayaa Feelikos yimid isagoo ay naagtiisa Darusilla oo Yahuudiyad ahayd la socoto, oo wuxuu u cid dirsaday Bawlos, oo wuxuu ka maqlay wax ku saabsan rumaysadkuu rumaystay Ciise Masiix.

  • 21Maxaa yeelay, tan iyo qarniyadii hore waxaa Muuse magaalo walba ku leeyahay kuwa dadka ku wacdiya waxa isaga ku saabsan, oo sabti walba sunagogyadaa laga akhriyaa.

  • 9Laakiin waxaa kacay oo Istefanos la murmay kuwii sunagogga la odhan jiray sunagogga Libertiinta, iyo kan reer Kuranaya, iyo reer Iskanderiya, iyo kuwa Kilikiya iyo Aasiya.

  • 18Markay u yimaadeenna wuxuu iyagii ku yidhi, Idinka qudhiinnuba waad garanaysaan sidii aan wakhtiga oo dhan idinkula joogay tan iyo maalintii iigu horraysay oo aan Aasiya cag saaray,

  • 10Kolkaannu maalmo badan meeshaas joognay, waxaa Yahuudiya ka yimid nebi la odhan jiray Agabos.

  • 8¶ Haddaba sunagogga ayuu galay, oo meeshaas ayuu saddex bilood geesinimo kaga dhex hadlay, isagoo dadka la doodaya oo u soo jeedinaya waxyaalo ku saabsan boqortooyada Ilaah.

  • 19Wuxuu ku yidhi, Wax maxay ah? Waxay ku yidhaahdeen, Wixii ku saabsanaa Ciisihii Reer Naasared, kii ahaa nin nebi ah oo xoog u lahaa wax falniin iyo hadal ah Ilaah iyo dadka oo dhan hortooda,

  • 19Markuu iyagii salaamay dabadeedna, mid mid buu ugu sheegay waxyaalihii Ilaah dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda kaga sameeyey shuqulkiisa.