Falimaha Rasuullada 19:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasuu ku yidhi, Haddaba maxaa laydinku baabtiisay? Oo waxay ku yidhaahdeen, Baabtiiskii Yooxanaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Fal 18:25 : 25 Ninkaas jidka Rabbiga hore baa loo baray; oo isagoo ruuxa ku kulul ayuu ku hadlay oo hagaag u baray waxyaalihii Ciise ku saabsanaa, isagoo garanaya baabtiiskii Yooxanaa oo keliya;
  • Mat 28:19 : 19 Haddaba taga, oo quruumaha oo dhan xer ka dhiga, oo ku baabtiisa magaca Aabbaha iyo Wiilka iyo Ruuxa Quduuskaa,
  • Luuk 3:1-9 : 1 ¶ Waxay ahayd sannaddii shan iyo tobnaad oo Tiberiyas Kaysar boqranaa, markii Bontiyos Bilaatos xukumi jiray Yahuudiya, oo Herodos taliye u ahaa Galili, walaalkiis Filibosna taliye u ahaa Ituraya iyo dalkii Tarakhoonitis, oo Lusaniyas taliye u ahaa Abilene, 2 oo Annas iyo Kayafas wadaaddadii sare ahaan jireen, markaasaa ereygii Ilaah cidlada ugu yimid Yooxanaa ina Sakariyas. 3 Wuxuu yimid Webi Urdun hareerihiis oo dhan isagoo dadka ku wacdiyeya baabtiiskii toobadda dembidhaafka aawadiis, 4 siday ugu qoran tahay kitaabkii hadallada Nebi Isayos, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya. 5 Dooxo walba waa la buuxin doonaa, Qar iyo buur walbana waa la gaabin doonaa, Wixii qalloocanna waa la toosin doonaa, Jidadka xunxunna waa la simi doonaa, 6 Uunka oo dhammuna badbaadinta Ilaah ayay arki doonaan. 7 Haddaba wuxuu ku yidhi dadkii badnaa oo u soo baxay inuu baabtiiso iyaga, Dhal jilbisay, yaa idiinka digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa? 8 Haddaba midho toobad istaahila soo bixiya, hana bilaabina inaad isku tidhaahdaan, Waxaannu leennahay Ibraahim oo aabbe noo ah. Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ilaah waa karaa inuu dhagaxyadan carruur uga kiciyo Ibraahim. 9 Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabka lagu tuuraa. 10 Markaasaa dadkii badnaa weyddiiyeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Haddaba maxaannu samaynaa? 11 Kolkaasuu u jawaabay oo iyagii ku yidhi, Kii laba khamiis qabaa, ha siiyo kii aan waxba qabin; kii cunto qabaana, sidaas oo kale ha yeelo. 12 Markaasaa waxaa u yimid cashuurqaadayaal in la baabtiiso, waxayna ku yidhaahdeen, Macallimow, annaguna maxaannu samaynaa? 13 Isaguna wuxuu ku yidhi, Waxaa laydiin amray wax ka badan ha qaadanina. 14 Markaasaa askarna weyddiisay oo ku tidhi, Annaguna maxaannu samaynaa? Wuxuu iyagii ku yidhi, Ninna ha dulmina, oo ninna ha masabidina; mushahaaradiinnana raalli ku ahaada. 15 ¶ Intii dadku filanayeen oo kulligoodna qalbiyadooda kaga fikirayeen Yooxanaa inuu yahay Masiixii iyo in kale, 16 ayaa Yooxanaa kulligood u jawaabay oo ku yidhi, Anigu waxaan idinku baabtiisaa biyo, laakiin waxaa imanaya ku iga itaal weyn, kan aanan istaahilin inaan yeelmihii kabihiisa furo. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab. 17 Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa inuu goobtiisa wax lagu tumo aad u safeeyo oo sarreenkana maqsinkiisa ku soo ururiyo, laakiin buunshaha ayuu dab aan demeyn ku gubi doonaa. 18 ¶ Digniin badan oo kale ayuu dadka ku wacdiyey. 19 Laakiin kolkuu taliye Herodos u canaantay walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed, iyo waxyaalaha xunxun oo Herodos sameeyey oo dhan aawadood, 20 ayaa Herodos waxan oo dhan weliba ku daray inuu Yooxanaa ku xidho xabsigii. 21 ¶ Markii dadkii oo dhan la baabtiisay, waxaa dhacay in Ciisena la baabtiisay, oo intuu tukanayay ayaa samadu furantay, 22 oo Ruuxa Quduuska ah ayaa dushiisa ku soo degay isagoo muuqasho jidh leh oo qoolley u eg, waxaana samada ka yimid cod leh, Adigu waxaad tahay Wiilkayga aan jeclahay; ee waan kugu faraxsanahay. 23 ¶ Oo Ciise markuu bilaabay inuu wax baro, wuxuu ahaa qiyaas soddon jir, isagoo ahaa (sida loo moodayay) ina Yuusuf, kan ahaa ina Heli, 24 kan ahaa ina Matad, kan ahaa ina Laawi, kan ahaa ina Malki, kan ahaa ina Yanna, 25 kan ahaa ina Yuusuf, kan ahaa ina Matatiyas, kan ahaa ina Caamoos, kan ahaa ina Na'uum, kan ahaa ina Esli, kan ahaa ina Naggay, 26 kan ahaa ina Ma'ad, kan ahaa ina Matatiyas, kan ahaa ina Semey, kan ahaa ina Yuusuf, kan ahaa ina Yuuda, 27 kan ahaa ina Yo'anna, kan ahaa ina Reesa, kan ahaa ina Serubaabel, kan ahaa ina Salaatii'eel, kan ahaa ina Neeri, 28 kan ahaa ina Malki, kan ahaa ina Addi, kan ahaa ina Koosam, kan ahaa ina Elmoodam, kan ahaa ina Ceer, 29 kan ahaa ina Yooses, kan ahaa ina Eliiceser, kan ahaa ina Yoorim, kan ahaa ina Matad, kan ahaa ina Laawi, 30 kan ahaa ina Simecoon, kan ahaa ina Yuuda, kan ahaa ina Yuusuf, kan ahaa ina Yoonam, kan ahaa ina Eliyaqiim, 31 kan ahaa ina Mele'as, kan ahaa ina Menna, kan ahaa ina Matata, kan ahaa ina Naataan, kan ahaa ina Daa'uud, 32 kan ahaa ina Yesay, kan ahaa ina Coobeed, kan ahaa ina Bocas, kan ahaa ina Salmoon, kan ahaa ina Naasoon, 33 kan ahaa ina Caminadaab, kan ahaa ina Araam, kan ahaa ina Esroom, kan ahaa ina Feres, kan ahaa ina Yahuudah, 34 kan ahaa ina Yacquub, kan ahaa ina Isxaaq, kan ahaa ina Ibraahim, kan ahaa ina Tara, kan ahaa ina Naakoor, 35 kan ahaa ina Seruukh, kan ahaa ina Ragaw, kan ahaa ina Faleg, kan ahaa ina Xeber, kan ahaa ina Salah, 36 kan ahaa ina Qaynaan, kan ahaa ina Arfaksad, kan ahaa ina Sheem, kan ahaa ina Nuux, kan ahaa ina Lameg, 37 kan ahaa ina Metushelax, kan ahaa ina Enoog, kan ahaa ina Yaared, kan ahaa ina Mahalaleel, kan ahaa ina Qaynaan, 38 kan ahaa ina Enoos, kan ahaa ina Seed, kan ahaa ina Aadan, kan ahaa ina Ilaah.
  • Fal 8:16 : 16 maxaa yeelay, midkoodna weli kuma uu soo degin; laakiinse magaca Rabbi Ciise oo keliya ayaa lagu baabtiisay.
  • 1 Kor 12:13 : 13 Waayo, Ruux qudha ayaa dhammaanteen jidh qudha inagu baabtiisay, haddaynu nahay Yuhuud ama Gariig, ama addoommo ama kuwa xor ah, oo waxaa laynaga waraabiyey Ruux qudha.
  • Mat 3:1-9 : 1 ¶ Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha isagoo cidlada Yahuudiya wax ku wacdiyaya, oo leh, 2 Toobadkeena, waayo, boqortooyadii jannadu waa dhow dahay. 3 Waayo, kan waa kii nebi Isayos ka hadlay kolkuu yidhi, Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya. 4 ¶ Yooxanaa qudhiisu wuxuu guntanaa dharkiisii dhogorta geel ahaa, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa, cuntadiisuna waxay ahayd ayax iyo malab dibadeed. 5 Markaas waxaa u soo baxay dadka Yeruusaalem, iyo kuwa Yahuudiya oo dhan iyo kuwa dalka Urdun ku wareegsan oo dhan, 6 markaasuu Webi Urdun ku baabtiisay iyagoo dembiyadooda qiranaya. 7 ¶ Laakiin goortuu arkay qaar badan oo Farrisiin iyo Sadukiin ah oo baabtiiskiisa yimid wuxuu ku yidhi, Dhal jilbisay, yaa idiinka digay inaad ka carartaan cadhada imanaysa? 8 Haddaba midho toobad istaahila soo bixiya, 9 hana ku fikirina inaad tidhaahdaan, Waxaannu leennahay Ibraahim oo aabbe noo ah. Waayo, waxaan idinku leeyahay, Ilaah waa karaa inuu dhagaxyadan carruur uga kiciyo Ibraahim. 10 Haddeer weliba faaska waxaa la dhigay geedaha guntooda. Sidaa darteed geed walba oo aan midho wanaagsan soo bixin waa la gooyaa oo dabkaa lagu tuuraa. 11 Anigu biyo ayaan idinku baabtiisaa ilaa toobadda, laakiin kan iga daba imanayaa waa iga itaal weyn yahay, kan aanan istaahilin inaan kabihiisa u qaado. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab. 12 Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa, goobta wax lagu tumona aad buu u safayn doonaa, oo sarreenkiisa ayuu maqsinka ku soo ururin doonaa, laakiin buunshaha ayuu dab aan damayn ku gubi doonaa. 13 ¶ Markaasaa Ciise Galili ka yimid oo Webi Urdun ugu tegey Yooxanaa inuu baabtiiso. 14 Yooxanaase waa diiday, isagoo leh, Anaa u baahan inaad i baabtiisto, adiguna miyaad ii timid? 15 Laakiin Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi, Haddeer oggolow, waayo, sidaas waa inoo eg tahay inaynu xaqnimada oo dhan wada yeelno; markaasuu u oggolaaday. 16 Ciise goortii la baabtiisay, ayuu markiiba biyaha kor uga baxay, kolkaasaa samooyinku furmeen, oo wuxuu arkay Ruuxa Ilaah oo sida qoolley oo kale u soo degaya oo dushiisa imanaya, 17 oo cod baa samooyinka ka lahaa, Kanu waa Wiilkayga aan jeclahay, oo aan ku faraxsanahay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 19:4-6
    3 aayado
    86%

    4Bawlosna wuxuu ku yidhi, Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay baabtiiska toobadda, isagoo dadkii ku leh, Waa inaad rumaysataan kan iga daba iman doona, isagoo ula jeeda Ciise.

    5Oo markay waxaas maqleen, waxaa iyagii lagu baabtiisay Rabbi Ciise magiciisa.

    6Markii Bawlos gacmaha dul saarayna ayaa Ruuxa Quduuska ahu ku soo degay iyagii; markaasay afaf kale ku hadleen oo ay wax sii sheegeen;

  • Fal 19:1-2
    2 aayado
    80%

    1¶ Haddaba waxaa dhacay, markii Abolloos Korintos joogay, in Bawlos oo soo dhex maray waddanka sare yimid Efesos, oo halkaas wuxuu kula kulmay kuwo xer ah.

    2Markaasuu ku yidhi iyagii, Ruuxa Quduuska ah ma hesheen markaad rumaysateen? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Maya, maba aannu maqlin in Ruuxa Quduuska ahi jiro iyo in kale.

  • Yoox 1:25-26
    2 aayado
    79%

    25Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Haddaba maxaad dadka u baabtiistaa haddaanad ahayn Masiixa ama Eliyaas ama nebigii?

    26Yooxanaa wuxuu ugu jawaabay oo ku yidhi, Anigu waxaan dadka ku baabtiisaa biyo, laakiin dhexdiinna waxaa jooga mid aydnaan garanaynin

  • Fal 11:15-17
    3 aayado
    79%

    15Oo kolkaan bilaabay inaan hadlo ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay iyaga siduu bilowgii inoogu soo degay innagana.

    16Markaasaan xusuustay ereygii Rabbiga, siduu u yidhi, Runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo; laakiin idinka waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.

    17Haddaba haddii Ilaah iyaga siiyey isku hadiyaddii, siduu inoo siiyey markii aynu Rabbi Ciise Masiix rumaysannay, anigu kumaan ahaa kaygan Ilaah diidi karaa?

  • Luuk 20:3-4
    2 aayado
    78%

    3Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa, iina sheega.

    4Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mase dadka?

  • Mark 1:8-9
    2 aayado
    77%

    8Anigu waxaan idinku baabtiisay biyo, isaguse wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.

    9¶ Wakhtigaas waxay noqotay in Ciise ka yimid Naasared tii Galili, oo Yooxanaa baa Webi Urdun ku baabtiisay isagii.

  • Yoox 3:25-26
    2 aayado
    77%

    25Sidaa aawadeed waxaa ka dhex kacay Yooxanaa xertiisii iyo nin Yuhuudi ahaa weyddiis oo daahirinta ku saabsan.

    26Markaasay u yimaadeen Yooxanaa oo ku yidhaahdeen, Macallimow, kii kula jiray Webi Urdun shishadiisa oo aad marag u furtay ayaa dad baabtiisaya, oo dadka oo dhan way u imanayaan.

  • 13Masiixu miyuu qaybsamaa? Bawlos miyaa iskutallaabta laydiinku qodbay? Ama ma waxaa laydinku baabtiisay magaca Bawlos?

  • 30Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Ii jawaaba.

  • 5waayo, runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo, laakiinse waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah maalmo aan badnayn dabadood.

  • 6markaasuu Webi Urdun ku baabtiisay iyagoo dembiyadooda qiranaya.

  • Mat 3:13-14
    2 aayado
    75%

    13¶ Markaasaa Ciise Galili ka yimid oo Webi Urdun ugu tegey Yooxanaa inuu baabtiiso.

    14Yooxanaase waa diiday, isagoo leh, Anaa u baahan inaad i baabtiisto, adiguna miyaad ii timid?

  • Yoox 3:22-23
    2 aayado
    75%

    22¶ Waxaas dabadeed Ciise iyo xertiisii waxay yimaadeen dalka Yahuudiya, oo meeshaas ayuu iyaga la joogay oo dad ku baabtiisay.

    23Yooxanaana wuxuu dad ku baabtiisayay Caynoon oo ku dhow Saalim, waayo, meeshaasu waxay lahayd biyo badan, iyaguna way yimaadeen, waana la baabtiisay.

  • 25Baabtiiskii Yooxanaa xaggee buu ka yimid? Ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen?

  • 16Haddaba maxaad u sugaysaa? Kac ha lagu baabtiiso, oo dembiyadaada iska maydh, adoo magiciisa ku baryaya.

  • Fal 2:37-38
    2 aayado
    73%

    37¶ Markay taas maqleen ayaa qalbiga laga wareemay, markaasay ku yidhaahdeen Butros iyo rasuulladii kale, Walaalayaalow, maxaannu falnaa?

    38Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, Toobadkeena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah.

  • 15inaanu ninna odhan, Waxaa laydinku baabtiisay Bawlos magiciisa.

  • Luuk 3:15-16
    2 aayado
    73%

    15¶ Intii dadku filanayeen oo kulligoodna qalbiyadooda kaga fikirayeen Yooxanaa inuu yahay Masiixii iyo in kale,

    16ayaa Yooxanaa kulligood u jawaabay oo ku yidhi, Anigu waxaan idinku baabtiisaa biyo, laakiin waxaa imanaya ku iga itaal weyn, kan aanan istaahilin inaan yeelmihii kabihiisa furo. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab.

  • 12Markaasaa waxaa u yimid cashuurqaadayaal in la baabtiiso, waxayna ku yidhaahdeen, Macallimow, annaguna maxaannu samaynaa?

  • 16maxaa yeelay, midkoodna weli kuma uu soo degin; laakiinse magaca Rabbi Ciise oo keliya ayaa lagu baabtiisay.

  • Mark 1:4-5
    2 aayado
    73%

    4Waxaa yimid Yooxanaa kan cidlada dadka ku baabtiisayay oo ku wacdiyeyey baabtiiskii toobadda dembidhaafka aawadiis.

    5Markaasaa waxaa u soo baxay dadkii Yahuudiya oo dhan iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan, oo kulligoodna Webi Urdun ayuu ku baabtiisay, iyagoo dembiyadooda qiranaya.

  • Fal 10:47-48
    2 aayado
    73%

    47Markaasaa Butros u jawaabay, oo ku yidhi, Ma nin baa biyaha diidi kara, si aan loogu baabtiisin kuwaas oo ah kuwa Ruuxa Quduuska ah helay sidaannu annaguna u helnay?

    48Markaasuu ku amray in lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix. Kolkaasay ka baryeen inuu dhawr maalmood la joogo.

  • 3Wuxuu yimid Webi Urdun hareerihiis oo dhan isagoo dadka ku wacdiyeya baabtiiskii toobadda dembidhaafka aawadiis,

  • 24oo intuusan imanba, Yooxanaa wuxuu dadka Israa'iil oo dhan hore ugu wacdiyey baabtiiska toobadda.

  • 36Kolkay waddada marayeen waxay yimaadeen meel biyah, bohonkuna wuxuu yidhi, Bal eeg, waa biyo. Maxaa iga celinaya in lay baabtiiso?

  • 33Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin kii ii soo diray inaan dadka biyo ku baabtiiso, wuxuu igu yidhi, Kii aad ku aragtid Ruuxa oo ku soo degaya oo ku dul joogsanaya, kaasu waa kan dadka ku baabtiisa Ruuxa Quduuska ah.

  • 25Ninkaas jidka Rabbiga hore baa loo baray; oo isagoo ruuxa ku kulul ayuu ku hadlay oo hagaag u baray waxyaalihii Ciise ku saabsanaa, isagoo garanaya baabtiiskii Yooxanaa oo keliya;

  • 29Dadkii maqlay oo dhan iyo cashuurqaadayaashiiba waxay caddeeyeen inuu Ilaah yahay xaq, iyagoo ah kuwii lagu baabtiisay baabtiiskii Yooxanaa.

  • 11Anigu biyo ayaan idinku baabtiisaa ilaa toobadda, laakiin kan iga daba imanayaa waa iga itaal weyn yahay, kan aanan istaahilin inaan kabihiisa u qaado. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab.

  • 22Waxay haddaba ku yidhaahdeen, Yaad tahay? si aannu jawaab ugu celinno kuwii na soo diray. Yaad isku sheegaysaa?

  • 3Mise ma waydaan ogayn in kulli inteenna lagu baabtiisay Ciise Masiix dhexdiisa, lagu dhex baabtiisay dhimashadiisa?

  • 19¶ Kanu waa maraggii Yooxanaa furay, markii Yuhuuddu Yeruusaalem uga soo direen wadaaddo iyo kuwo reer Laawi ah inay weyddiiyaan oo ku yidhaahdaan, Yaad tahay?

  • 31Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin inuu Israa'iil u soo muuqdo sidaa daraaddeed ayaan u imid anigoo dadka biyo ku baabtiisa.

  • 30markaasuu dibadda u soo saaray, oo ku yidhi, Sayidyadow, maxaa igu waajib ah inaan yeelo inaan ku badbaado?

  • 3oo ku yidhi, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kale aannu dhawrnaa?