Falimaha Rasuullada 19:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Bawlosna wuxuu ku yidhi, Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay baabtiiska toobadda, isagoo dadkii ku leh, Waa inaad rumaysataan kan iga daba iman doona, isagoo ula jeeda Ciise.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 1:27 : 27 oo ah kan iga daba imanaya, kan aanan istaahilin inaan yeelmaha kabtiisa furo.
  • Yoox 1:7 : 7 Isagu wuxuu u yimid markhaati furid, inuu u marag furo nuurka, inay dhammaan xaggiisa ka wada rumaystaan.
  • Yoox 1:15 : 15 Yooxanaa waa u marag furay isaga, wuxuuna ku qayliyey oo yidhi, Kanu waa kii aan idhi, Kan iga daba imanayaa waa iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.
  • Yoox 1:29-34 : 29 ¶ Maalintii labaad Yooxanaa wuxuu arkay Ciise oo ku soo socda, oo wuxuu yidhi, Bal eega Wanka Ilaah ee dembiga dunida qaadaya. 30 Kanu waa kii aan idhi, Waxaa iga daba imanaya nin iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray. 31 Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin inuu Israa'iil u soo muuqdo sidaa daraaddeed ayaan u imid anigoo dadka biyo ku baabtiisa. 32 Yooxanaa waa marag furay isagoo leh, Waxaan arkay Ruuxa oo samada uga soo degaya sidii qoolley oo kale, wuuna dul joogsaday isagii. 33 Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin kii ii soo diray inaan dadka biyo ku baabtiiso, wuxuu igu yidhi, Kii aad ku aragtid Ruuxa oo ku soo degaya oo ku dul joogsanaya, kaasu waa kan dadka ku baabtiisa Ruuxa Quduuska ah. 34 Anigu waan arkay, waana u marag furay in kanu yahay Wiilka Ilaah.
  • Yoox 3:28-36 : 28 Idinka qudhiinnu markhaatiyaal baad tihiin inaan idhi, Anigu ma ihi Masiixa, laakiin hortiisa ayaa lay soo diray. 29 Kii aroosadda qabaa waa arooska, laakiin saaxiibka arooska oo ag taagan oo maqla isaga, aad buu ugu farxaa codkii arooska daraaddiis. Sidaa aawadeed farxaddaydu waa dhan tahay. 30 Isagu waa inuu kordho, aniguse waa inaan yaraado. 31 ¶ Kii xagga sare ka yimaadaa, dhammaan ayuu ka sarreeyaa; kii dunida ka yimaadaana waa kii dunida, oo wuxuu ka hadlaa dunida. Kii jannada ka yimaadaa, dhammaan ayuu ka sarreeyaa. 32 Wuxuu arkay oo maqlay waxaas ayuu ka marag furaa, ninnana maraggiisa ma aqbalo. 33 Kii maraggiisa aqbalay wuxuu xaqiijiyey in Ilaah run yahay. 34 Waayo, kii Ilaah soo diray ayaa ereygii Ilaah ku hadla, maxaa yeelay, isagu qiyaas kuma siiyo Ruuxa. 35 Aabbuhu wuu jecel yahay Wiilka, oo wax walba ayuu gacanta u geliyey. 36 Kii Wiilka rumaystaa, wuxuu leeyahay nolosha weligeed ah, kii aan Wiilka rumaysanse, nolosha ma arki doono, laakiin cadhadii Ilaah ayaa ku taal isaga.
  • Yoox 5:33-35 : 33 Waxaad cid u soo dirteen Yooxanaa, wuuna u marag furay runta. 34 Aniguse xagga dadka marag kama aan qaato, laakiin waxyaalahan waxaan u idhaahdaa inaad badbaaddaan. 35 Isagu wuxuu ahaa laambad baxaysa oo ifaysa, idinkuna waxaad doonayseen inaad saacad ku faraxdaan nuurkiisa.
  • Fal 1:5 : 5 waayo, runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo, laakiinse waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah maalmo aan badnayn dabadood.
  • Fal 11:16 : 16 Markaasaan xusuustay ereygii Rabbiga, siduu u yidhi, Runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo; laakiin idinka waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.
  • Fal 13:23-25 : 23 Ninkan farcankiisii Ilaah siduu ballanqaaday ayuu Israa'iil ugaga keenay Badbaadiye kaasoo ah Ciise; 24 oo intuusan imanba, Yooxanaa wuxuu dadka Israa'iil oo dhan hore ugu wacdiyey baabtiiska toobadda. 25 Oo intii Yooxanaa shuqulkiisa dhammaynayay, wuxuu yidhi, Yaad u malaynaysaan inaan ahay? Anigu isagii ma ihi. Laakiin, bal eega, waxaa iga daba imanaya mid aanan istaahilin inaan kabaha cagihiisa ka furo.
  • Mat 3:11-12 : 11 Anigu biyo ayaan idinku baabtiisaa ilaa toobadda, laakiin kan iga daba imanayaa waa iga itaal weyn yahay, kan aanan istaahilin inaan kabihiisa u qaado. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab. 12 Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa, goobta wax lagu tumona aad buu u safayn doonaa, oo sarreenkiisa ayuu maqsinka ku soo ururin doonaa, laakiin buunshaha ayuu dab aan damayn ku gubi doonaa.
  • Mat 11:3-5 : 3 oo ku yidhi, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kale aannu dhawrnaa? 4 Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen. 5 Kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugahala'aana way socdaan, kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegahala'aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa,
  • Mat 21:25-32 : 25 Baabtiiskii Yooxanaa xaggee buu ka yimid? Ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen? 26 Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka badan ayaynu ka baqaynaa, waayo, Yooxanaa sida nebi oo kale ayay kulli u haystaan. 27 Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Isaguna wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo. 28 ¶ Maxay idinla tahay? Nin baa laba wiil lahaa. Wuxuu u yimid kii hore oo ku yidhi, Wiilkaygiiyow, aad beerta canabka ah oo maanta ka shaqee. 29 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Dooni maayo, laakiin kolkaas dabadeed ayuu isqoomameeyey oo aaday. 30 Markaasuu wuxuu u yimid kii labaad, oo sidii oo kale ku yidhi. Isaguna wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa yahay, waan tegayaa, sayidow, laakiin ma uu tegin. 31 Kee baa labadoodii doonistii aabbihiis yeelay? Waxay yidhaahdeen, Kii hore. Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Cashuurqaadayaasha iyo dhillooyinka ayaa idinka hor geli doona boqortooyada Ilaah. 32 Waayo, Yooxanaa wuxuu idiinku yimid jidka xaqnimada ah, oo waad rumaysan weydeen isaga, laakiin cashuurqaadayaashii iyo dhillooyinkii ayaa rumaystay isaga. Idinkuna goortaad aragteen dabadeed iskama aydnaan qoomamayn si aad u rumaysataan.
  • Mark 1:1-9 : 1 ¶ Bilowgii injiilkii Ciise Masiix, oo ah Wiilka Ilaah. 2 Sidii Nebi Isayos u qoray, Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga, Kan jidkaaga diyaargarayn doona; 3 Waa codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga hagaajiya, Waddooyinkiisa toosiya. 4 Waxaa yimid Yooxanaa kan cidlada dadka ku baabtiisayay oo ku wacdiyeyey baabtiiskii toobadda dembidhaafka aawadiis. 5 Markaasaa waxaa u soo baxay dadkii Yahuudiya oo dhan iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan, oo kulligoodna Webi Urdun ayuu ku baabtiisay, iyagoo dembiyadooda qiranaya. 6 Yooxanaa wuxuu guntanaa dharkiisii dhogorta geel ahaa, oo suun meged ahna dhexduu ku xidhnaa, oo wuxuu cunay ayax iyo malab dibadeed. 7 Oo wax buu wacdiyey oo yidhi, Waxaa iga daba imanaya ku iga itaal weyn, kan aanan istaahilin inaan foororsado oo aan yeelmihii kabihiisa furo. 8 Anigu waxaan idinku baabtiisay biyo, isaguse wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah. 9 ¶ Wakhtigaas waxay noqotay in Ciise ka yimid Naasared tii Galili, oo Yooxanaa baa Webi Urdun ku baabtiisay isagii. 10 Markiiba intuu biyihii ka soo baxay wuxuu arkay samooyinkii oo kala dillaacay iyo Ruuxii oo sidii qoolley oo kale dushiisa ugu soo degaya. 11 Waxaa samooyinka ka yimid cod leh, Adigu waxaad tahay Wiilkayga aan jeclahay oo aan ku faraxsanahay. 12 ¶ Oo markiiba Ruuxii baa xaggii cidlada u eryay.
  • Luuk 1:76-79 : 76 Adiguna, ilma yahow, waxaa laguugu yeedhi doonaa nebigii Kan ugu sarreeya, Waayo, waxaad hor mari doontaa Rabbiga hortiisa inaad jidadkiisa diyaargaraysid; 77 Oo aad dadkiisa ogeysiisid badbaadada Ee dembidhaafkooda ah, 78 Ee laga hela naxariista weyn ee Ilaaheenna, Tan qorraxda soo baxda xagga sare inaga soo booqan doonta, 79 Inay iftiimiso kuwa fadhiya gudcurka iyo hooskii dhimashada, Iyo inay cagaheenna jidkii nabadda ku kaxayso,
  • Luuk 3:16-18 : 16 ayaa Yooxanaa kulligood u jawaabay oo ku yidhi, Anigu waxaan idinku baabtiisaa biyo, laakiin waxaa imanaya ku iga itaal weyn, kan aanan istaahilin inaan yeelmihii kabihiisa furo. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab. 17 Masaftiisu gacantiisay ku jirtaa inuu goobtiisa wax lagu tumo aad u safeeyo oo sarreenkana maqsinkiisa ku soo ururiyo, laakiin buunshaha ayuu dab aan demeyn ku gubi doonaa. 18 ¶ Digniin badan oo kale ayuu dadka ku wacdiyey.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 19:2-3
    2 aayado
    86%

    2Markaasuu ku yidhi iyagii, Ruuxa Quduuska ah ma hesheen markaad rumaysateen? Kolkaasay ku yidhaahdeen, Maya, maba aannu maqlin in Ruuxa Quduuska ahi jiro iyo in kale.

    3Markaasuu ku yidhi, Haddaba maxaa laydinku baabtiisay? Oo waxay ku yidhaahdeen, Baabtiiskii Yooxanaa.

  • 5Oo markay waxaas maqleen, waxaa iyagii lagu baabtiisay Rabbi Ciise magiciisa.

  • 24oo intuusan imanba, Yooxanaa wuxuu dadka Israa'iil oo dhan hore ugu wacdiyey baabtiiska toobadda.

  • Mark 1:4-5
    2 aayado
    77%

    4Waxaa yimid Yooxanaa kan cidlada dadka ku baabtiisayay oo ku wacdiyeyey baabtiiskii toobadda dembidhaafka aawadiis.

    5Markaasaa waxaa u soo baxay dadkii Yahuudiya oo dhan iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan, oo kulligoodna Webi Urdun ayuu ku baabtiisay, iyagoo dembiyadooda qiranaya.

  • Mark 1:7-9
    3 aayado
    76%

    7Oo wax buu wacdiyey oo yidhi, Waxaa iga daba imanaya ku iga itaal weyn, kan aanan istaahilin inaan foororsado oo aan yeelmihii kabihiisa furo.

    8Anigu waxaan idinku baabtiisay biyo, isaguse wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.

    9¶ Wakhtigaas waxay noqotay in Ciise ka yimid Naasared tii Galili, oo Yooxanaa baa Webi Urdun ku baabtiisay isagii.

  • 16Markaasaan xusuustay ereygii Rabbiga, siduu u yidhi, Runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo; laakiin idinka waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.

  • 26Markaasay u yimaadeen Yooxanaa oo ku yidhaahdeen, Macallimow, kii kula jiray Webi Urdun shishadiisa oo aad marag u furtay ayaa dad baabtiisaya, oo dadka oo dhan way u imanayaan.

  • 5waayo, runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo, laakiinse waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah maalmo aan badnayn dabadood.

  • 3Wuxuu yimid Webi Urdun hareerihiis oo dhan isagoo dadka ku wacdiyeya baabtiiskii toobadda dembidhaafka aawadiis,

  • Mat 3:13-15
    3 aayado
    73%

    13¶ Markaasaa Ciise Galili ka yimid oo Webi Urdun ugu tegey Yooxanaa inuu baabtiiso.

    14Yooxanaase waa diiday, isagoo leh, Anaa u baahan inaad i baabtiisto, adiguna miyaad ii timid?

    15Laakiin Ciise waa u jawaabay oo ku yidhi, Haddeer oggolow, waayo, sidaas waa inoo eg tahay inaynu xaqnimada oo dhan wada yeelno; markaasuu u oggolaaday.

  • 33Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin kii ii soo diray inaan dadka biyo ku baabtiiso, wuxuu igu yidhi, Kii aad ku aragtid Ruuxa oo ku soo degaya oo ku dul joogsanaya, kaasu waa kan dadka ku baabtiisa Ruuxa Quduuska ah.

  • 6markaasuu Webi Urdun ku baabtiisay iyagoo dembiyadooda qiranaya.

  • Yoox 3:22-23
    2 aayado
    72%

    22¶ Waxaas dabadeed Ciise iyo xertiisii waxay yimaadeen dalka Yahuudiya, oo meeshaas ayuu iyaga la joogay oo dad ku baabtiisay.

    23Yooxanaana wuxuu dad ku baabtiisayay Caynoon oo ku dhow Saalim, waayo, meeshaasu waxay lahayd biyo badan, iyaguna way yimaadeen, waana la baabtiisay.

  • Luuk 3:15-16
    2 aayado
    72%

    15¶ Intii dadku filanayeen oo kulligoodna qalbiyadooda kaga fikirayeen Yooxanaa inuu yahay Masiixii iyo in kale,

    16ayaa Yooxanaa kulligood u jawaabay oo ku yidhi, Anigu waxaan idinku baabtiisaa biyo, laakiin waxaa imanaya ku iga itaal weyn, kan aanan istaahilin inaan yeelmihii kabihiisa furo. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab.

  • 29Dadkii maqlay oo dhan iyo cashuurqaadayaashiiba waxay caddeeyeen inuu Ilaah yahay xaq, iyagoo ah kuwii lagu baabtiisay baabtiiskii Yooxanaa.

  • 11Anigu biyo ayaan idinku baabtiisaa ilaa toobadda, laakiin kan iga daba imanayaa waa iga itaal weyn yahay, kan aanan istaahilin inaan kabihiisa u qaado. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab.

  • Yoox 1:25-26
    2 aayado
    72%

    25Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Haddaba maxaad dadka u baabtiistaa haddaanad ahayn Masiixa ama Eliyaas ama nebigii?

    26Yooxanaa wuxuu ugu jawaabay oo ku yidhi, Anigu waxaan dadka ku baabtiisaa biyo, laakiin dhexdiinna waxaa jooga mid aydnaan garanaynin

  • 16Haddaba maxaad u sugaysaa? Kac ha lagu baabtiiso, oo dembiyadaada iska maydh, adoo magiciisa ku baryaya.

  • 4Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mase dadka?

  • 38Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, Toobadkeena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah.

  • 37Idinka qudhiinnu waad taqaaniin ereygaas lagu faafiyey Yahuudiya oo dhan oo laga soo bilaabay Galili, baabtiiskii Yooxanaa ku wacdiyey dabadeed,

  • 25Ninkaas jidka Rabbiga hore baa loo baray; oo isagoo ruuxa ku kulul ayuu ku hadlay oo hagaag u baray waxyaalihii Ciise ku saabsanaa, isagoo garanaya baabtiiskii Yooxanaa oo keliya;

  • 48Markaasuu ku amray in lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix. Kolkaasay ka baryeen inuu dhawr maalmood la joogo.

  • Yoox 1:30-31
    2 aayado
    70%

    30Kanu waa kii aan idhi, Waxaa iga daba imanaya nin iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.

    31Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin inuu Israa'iil u soo muuqdo sidaa daraaddeed ayaan u imid anigoo dadka biyo ku baabtiisa.

  • 15inaanu ninna odhan, Waxaa laydinku baabtiisay Bawlos magiciisa.

  • 28Waxyaalahaasu waxay ka dhaceen Beytaniya taas oo ku taal Webi Urdun shishadiisa, oo ahayd meeshii Yooxanaa dadka ku baabtiisayay.

  • 13Masiixu miyuu qaybsamaa? Bawlos miyaa iskutallaabta laydiinku qodbay? Ama ma waxaa laydinku baabtiisay magaca Bawlos?

  • Yoox 4:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Kolkii Ciise ogaaday inay Farrisiintu maqleen inuu yeelanayay oo baabtiisayay xer ka badan intii Yooxanaa

    2(in kastoo Ciise qudhiisu uusan baabtiisin, laakiin xertiisu way baabtiisayeen),

  • Fal 8:36-37
    2 aayado
    69%

    36Kolkay waddada marayeen waxay yimaadeen meel biyah, bohonkuna wuxuu yidhi, Bal eeg, waa biyo. Maxaa iga celinaya in lay baabtiiso?

    37Oo Filibos wuxuu ku yidhi, Haddaad qalbigaaga oo dhan ka rumaysatid, waa suurtowdaa. Wuuna u jawaabay oo yidhi, Waxaan rumaysanahay in Ciise Masiix yahay Wiilka Ilaah.

  • 1¶ Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha isagoo cidlada Yahuudiya wax ku wacdiyaya, oo leh,

  • 21anigoo Yuhuudda iyo Gariigta labadoodaba uga warramaya si ay Ilaah ugu toobadkeenaan oo ay u aaminaan Rabbigeenna Ciise Masiix.

  • 16Kii rumaysta oo la baabtiiso waa badbaadi doonaa, laakiin kii aan rumaysanin waa la xukumi doonaa.

  • 20oo uu soo diro Ciise Masiix, kii uu hore idiinku doortay,

  • 25Baabtiiskii Yooxanaa xaggee buu ka yimid? Ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen?

  • Mat 11:2-3
    2 aayado
    68%

    2¶ Goortii Yooxanaa xabsiga ka maqlay shuqulladii Masiixa, laba xertiisii ah ayuu u soo diray

    3oo ku yidhi, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kale aannu dhawrnaa?

  • 30Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Ii jawaaba.

  • 16maxaa yeelay, midkoodna weli kuma uu soo degin; laakiinse magaca Rabbi Ciise oo keliya ayaa lagu baabtiisay.