Yooxanaa 3:26

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Markaasay u yimaadeen Yooxanaa oo ku yidhaahdeen, Macallimow, kii kula jiray Webi Urdun shishadiisa oo aad marag u furtay ayaa dad baabtiisaya, oo dadka oo dhan way u imanayaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Yoox 1:7 : 7 Isagu wuxuu u yimid markhaati furid, inuu u marag furo nuurka, inay dhammaan xaggiisa ka wada rumaystaan.
  • Ish 45:23 : 23 Waxaan ku dhaartay nafsaddayda, oo eray baa afkayga xaqnimo uga baxay, soona noqon maayo, waxaana weeye, Jilib waluba anuu ii sujuudi doonaa, carrab walubana waa igu dhaaran doonaa.
  • Yoox 12:19 : 19 Haddaba Farrisiintii waxay dhexdoodii isku yidhaahdeen, Waad arkaysaan sidaydnaan waxba u taraynin. Eega, dunidii oo dhan baa raacdaye.
  • Yac 3:14-18 : 14 Haddaad xaasidnimo qadhaadh iyo iskala qaybqaybin ku haysataan qalbigiinna, ha faanina, runtana been ha ka sheegina. 15 Xigmaddaasu ma aha tan kor ka soo degta, laakiin waa tan dhulka iyo nafta iyo jinniyada. 16 Waayo, meeshii xaasidnimo iyo iskala qaybqaybinu ku jiraan, meeshaas waxaa ku jira iskuqasnaan iyo falniin kasta oo shar leh. 17 Laakiin xigmaddii kor ka timaadaa horta waa daahir, dabadeedna waa nabad iyo qabow iyo mid si dhib yar loola heshiiyo, oo waxaa ka buuxa naxariis iyo midho wanaagsan, mana leh u-kala-eexasho ama labaweji. 18 Midhaha xaqnimada nabad waa loogu beeraa kuwa nabadda ka shaqeeya.
  • Yac 4:5-6 : 5 Mise waxaad u malaynaysaan in Qorniinku micnela'aan ku hadlo, Ruuxa uu ka dhigay inuu ina dhex joogo ayaa aad iyo aad inoo jecel isagoo inoo masayra? 6 Laakiin isagu wuxuu bixiyaa nimco badan oo badan. Haddaba Qorniinku wuxuu leeyahay, Ilaah waa hor joogsadaa kuwa kibra, laakiin kuwa is-hoosaysiiya ayuu nimco siiyaa.
  • Fal 19:26-27 : 26 Waxaad arkaysaan oo aad maqlaysaan in Bawloskanu sasabay oo jeediyey dad badan, oo aan kuwii Efesos oo keliya ahayn, laakiin kuwii joogay Aasiya badidood, isagoo leh, Ilaahyo gacmo lagu sameeyo, ilaahyo ma aha. 27 Khatar uma aha shuqulkeenna oo keliya in la quudhsado, laakiin waxay khatar u tahay oo kale in macbudka ilaahadda weyn oo Di'ana la fududaysto, weynaanteedana laga baabbi'iyo, taasoo Aasiya oo dhan iyo duniduba ay wada caabudaan.
  • 1 Kor 3:3-5 : 3 Maxaa yeelay, weli jidhkaad raacdaan, waayo, intii xaasidnimo iyo ilaaq dhexdiinna ku jiraan, miyaanaydin jidhka raacsanayn oo sida dadka miyaanaydin u soconayn? 4 Waayo, markii mid yidhaahdo, Anigu waxaan ka mid ahay kuwa Bawlos, mid kalena, Anna Abolloos, miyaanaydin dad ahayn? 5 Haddaba muxuu yahay Abolloos? Bawlosna muxuu yahay? Waxay yihiin midiidinyadii aad xaggooda ku rumaysateen, oo mid kasta sida Rabbigu u siiyey isaga.
  • Gal 5:20-21 : 20 sanamcaabudid, sixirnimo, cadownimo, dirir, masayr, xanaaq, is-ilaaq, iskala qaybqaybin, bidcinimo, 21 xaasidnimo, sakhraannimo, rabshooyin iyo waxyaalo la mid ah. Kuwaas waan idiinka digayaa, sidaan markii horeba idiinku sheegay, in kuwa waxyaalaha caynkaas ah sameeyaa ayan dhaxli doonin boqortooyada Ilaah.
  • Gal 6:12-13 : 12 Kuwa doonaya inay dadka istusaan inay wanaagsan yihiin xagga jidhka waxay keliyahoo idinku qasbaan in laydin gudo, inaan iskutallaabta Masiixa aawadeed loo silcin iyaga. 13 Xataa kuwa gudanu sharciga ma xajiyaan, laakiin waxay u doonayaan in laydin gudo inay jidhkiinna ku faanaan.
  • Mat 23:7 : 7 iyo salaanta suuqa, iyo in dadku ugu yeedhaan, Macallin.
  • Tir 11:26-29 : 26 Laakiinse laba nin baa xeradii ku dhex hadhay. Mid magiciisa waxaa la odhan jiray Eldaad, kan kalena magiciisa waxaa la odhan jiray Meedaad, oo iyagana ruuxii baa ku soo degay, oo waxay ka mid ahaayeen kuwii la qoray, laakiinse uma ay bixin Teendhadii; oo iyagu xerada dhexdeedii ayay wax ku sii sheegeen. 27 Markaasaa nin dhallinyaro ah soo orday oo Muuse u soo sheegay oo yidhi, Eldaad iyo Meedaad xeradii bay wax ku sii sheegayaan. 28 Markaasaa Yashuuca ina Nuun oo Muuse midiidinkiisa ahaa oo raggiisii uu doortay ka mid ahaa ayaa ku yidhi, Sayidkaygii Muusow, u diid iyaga. 29 Markaasaa Muuse wuxuu isagii ku yidhi, War ma aniga baad ii xinaasaysaa? Bal may dadka Rabbiga oo dhammu nebiyo ahaadaan, oo Rabbigu muu iyaga ruuxiisa ku soo dejiyo!
  • Sab 65:2 : 2 Kaaga baryootanka maqlow, Dadka oo dhammu adigay kuu iman doonaan.
  • Wacd 4:4 : 4 ¶ Oo haddana waxaan arkay in hawl oo dhan iyo shuqul kasta oo lagu guulaystoba uu nin deriskiisu ugu hinaaso. Oo taasuna waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.
  • Yoox 1:9 : 9 Kaasu wuxuu ahaa nuurka runta ah oo iftiimiya nin walba oo dunida yimaada.
  • Yoox 1:15 : 15 Yooxanaa waa u marag furay isaga, wuxuuna ku qayliyey oo yidhi, Kanu waa kii aan idhi, Kan iga daba imanayaa waa iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.
  • Yoox 1:26-36 : 26 Yooxanaa wuxuu ugu jawaabay oo ku yidhi, Anigu waxaan dadka ku baabtiisaa biyo, laakiin dhexdiinna waxaa jooga mid aydnaan garanaynin 27 oo ah kan iga daba imanaya, kan aanan istaahilin inaan yeelmaha kabtiisa furo. 28 Waxyaalahaasu waxay ka dhaceen Beytaniya taas oo ku taal Webi Urdun shishadiisa, oo ahayd meeshii Yooxanaa dadka ku baabtiisayay. 29 ¶ Maalintii labaad Yooxanaa wuxuu arkay Ciise oo ku soo socda, oo wuxuu yidhi, Bal eega Wanka Ilaah ee dembiga dunida qaadaya. 30 Kanu waa kii aan idhi, Waxaa iga daba imanaya nin iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray. 31 Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin inuu Israa'iil u soo muuqdo sidaa daraaddeed ayaan u imid anigoo dadka biyo ku baabtiisa. 32 Yooxanaa waa marag furay isagoo leh, Waxaan arkay Ruuxa oo samada uga soo degaya sidii qoolley oo kale, wuuna dul joogsaday isagii. 33 Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin kii ii soo diray inaan dadka biyo ku baabtiiso, wuxuu igu yidhi, Kii aad ku aragtid Ruuxa oo ku soo degaya oo ku dul joogsanaya, kaasu waa kan dadka ku baabtiisa Ruuxa Quduuska ah. 34 Anigu waan arkay, waana u marag furay in kanu yahay Wiilka Ilaah. 35 ¶ Mar kale maalintii dambe Yooxanaa waa taagnaa isaga iyo laba xertiisa ahayd. 36 Oo wuxuu arkay Ciise oo socda, markaasuu yidhi, Bal eega Wanka Ilaah.
  • Yoox 3:2 : 2 Isagu habeenkuu u yimid Ciise, wuxuuna ku yidhi, Macallimow, waannu og nahay inaad tahay macallin ka yimid Ilaah, waayo, ninna ma samayn karo calaamooyinkan aad samayso haddaan Ilaah la jirin.
  • Yoox 11:48 : 48 Haddaynu sidaa u dayno, dhammaan way rumaysan doonaan isaga, oo dadka Roomana way iman doonaan, oo waxay qaadan doonaan meesheenna iyo quruunteenna.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Yoox 1:24-26
    3 aayado
    82%

    24Kuwa la soo diray waxay ka yimaadeen Farrisiinta.

    25Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Haddaba maxaad dadka u baabtiistaa haddaanad ahayn Masiixa ama Eliyaas ama nebigii?

    26Yooxanaa wuxuu ugu jawaabay oo ku yidhi, Anigu waxaan dadka ku baabtiisaa biyo, laakiin dhexdiinna waxaa jooga mid aydnaan garanaynin

  • Yoox 3:22-23
    2 aayado
    81%

    22¶ Waxaas dabadeed Ciise iyo xertiisii waxay yimaadeen dalka Yahuudiya, oo meeshaas ayuu iyaga la joogay oo dad ku baabtiisay.

    23Yooxanaana wuxuu dad ku baabtiisayay Caynoon oo ku dhow Saalim, waayo, meeshaasu waxay lahayd biyo badan, iyaguna way yimaadeen, waana la baabtiisay.

  • Mat 3:13-14
    2 aayado
    80%

    13¶ Markaasaa Ciise Galili ka yimid oo Webi Urdun ugu tegey Yooxanaa inuu baabtiiso.

    14Yooxanaase waa diiday, isagoo leh, Anaa u baahan inaad i baabtiisto, adiguna miyaad ii timid?

  • Luuk 7:18-20
    3 aayado
    80%

    18¶ Yooxanaa xertiisa ayaa waxaas oo dhan uga warrantay.

    19Markaasaa Yooxanaa wuxuu u yeedhay laba xertiisii ah oo Ciise u soo diray, oo ku yidhi, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kalaannu dhawrnaa?

    20Nimankii goortay u yimaadeen, waxay ku yidhaahdeen, Yooxanaa Baabtiisaha ayaa noo soo kaa diray isagoo leh, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kalaannu dhawrnaa?

  • 25Sidaa aawadeed waxaa ka dhex kacay Yooxanaa xertiisii iyo nin Yuhuudi ahaa weyddiis oo daahirinta ku saabsan.

  • 28Waxyaalahaasu waxay ka dhaceen Beytaniya taas oo ku taal Webi Urdun shishadiisa, oo ahayd meeshii Yooxanaa dadka ku baabtiisayay.

  • 19¶ Kanu waa maraggii Yooxanaa furay, markii Yuhuuddu Yeruusaalem uga soo direen wadaaddo iyo kuwo reer Laawi ah inay weyddiiyaan oo ku yidhaahdaan, Yaad tahay?

  • Yoox 1:30-35
    6 aayado
    79%

    30Kanu waa kii aan idhi, Waxaa iga daba imanaya nin iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.

    31Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin inuu Israa'iil u soo muuqdo sidaa daraaddeed ayaan u imid anigoo dadka biyo ku baabtiisa.

    32Yooxanaa waa marag furay isagoo leh, Waxaan arkay Ruuxa oo samada uga soo degaya sidii qoolley oo kale, wuuna dul joogsaday isagii.

    33Anigu ma aan aqoonin isaga, laakiin kii ii soo diray inaan dadka biyo ku baabtiiso, wuxuu igu yidhi, Kii aad ku aragtid Ruuxa oo ku soo degaya oo ku dul joogsanaya, kaasu waa kan dadka ku baabtiisa Ruuxa Quduuska ah.

    34Anigu waan arkay, waana u marag furay in kanu yahay Wiilka Ilaah.

    35¶ Mar kale maalintii dambe Yooxanaa waa taagnaa isaga iyo laba xertiisa ahayd.

  • 3oo ku yidhi, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kale aannu dhawrnaa?

  • 5Markaasaa waxaa u soo baxay dadkii Yahuudiya oo dhan iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan, oo kulligoodna Webi Urdun ayuu ku baabtiisay, iyagoo dembiyadooda qiranaya.

  • Mat 3:5-6
    2 aayado
    77%

    5Markaas waxaa u soo baxay dadka Yeruusaalem, iyo kuwa Yahuudiya oo dhan iyo kuwa dalka Urdun ku wareegsan oo dhan,

    6markaasuu Webi Urdun ku baabtiisay iyagoo dembiyadooda qiranaya.

  • 4Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mase dadka?

  • Fal 19:3-4
    2 aayado
    77%

    3Markaasuu ku yidhi, Haddaba maxaa laydinku baabtiisay? Oo waxay ku yidhaahdeen, Baabtiiskii Yooxanaa.

    4Bawlosna wuxuu ku yidhi, Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay baabtiiska toobadda, isagoo dadkii ku leh, Waa inaad rumaysataan kan iga daba iman doona, isagoo ula jeeda Ciise.

  • 77%

    40¶ Haddana wuxuu u baxay Webi Urdun shishadiisa ilaa meeshii Yooxanaa markii hore ku jiray, isagoo dad ku baabtiisaya, meeshaasuuna joogay,

    41oo qaar badan baa u yimid isaga, waxayna ku yidhaahdeen, Runtii Yooxanaa calaamo ma samayn, laakiin wax walba oo Yooxanaa ka yidhi ninkan run bay ahaayeen.

  • 29Dadkii maqlay oo dhan iyo cashuurqaadayaashiiba waxay caddeeyeen inuu Ilaah yahay xaq, iyagoo ah kuwii lagu baabtiisay baabtiiskii Yooxanaa.

  • 30Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Ii jawaaba.

  • Yoox 1:6-7
    2 aayado
    76%

    6¶ Waxaa jiray nin xagga Ilaah laga soo diray, magiciisuna wuxuu ahaa Yooxanaa.

    7Isagu wuxuu u yimid markhaati furid, inuu u marag furo nuurka, inay dhammaan xaggiisa ka wada rumaystaan.

  • Luuk 3:15-16
    2 aayado
    76%

    15¶ Intii dadku filanayeen oo kulligoodna qalbiyadooda kaga fikirayeen Yooxanaa inuu yahay Masiixii iyo in kale,

    16ayaa Yooxanaa kulligood u jawaabay oo ku yidhi, Anigu waxaan idinku baabtiisaa biyo, laakiin waxaa imanaya ku iga itaal weyn, kan aanan istaahilin inaan yeelmihii kabihiisa furo. Isagu wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab.

  • 3Wuxuu yimid Webi Urdun hareerihiis oo dhan isagoo dadka ku wacdiyeya baabtiiskii toobadda dembidhaafka aawadiis,

  • Mark 1:7-9
    3 aayado
    76%

    7Oo wax buu wacdiyey oo yidhi, Waxaa iga daba imanaya ku iga itaal weyn, kan aanan istaahilin inaan foororsado oo aan yeelmihii kabihiisa furo.

    8Anigu waxaan idinku baabtiisay biyo, isaguse wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.

    9¶ Wakhtigaas waxay noqotay in Ciise ka yimid Naasared tii Galili, oo Yooxanaa baa Webi Urdun ku baabtiisay isagii.

  • Yoox 3:27-28
    2 aayado
    76%

    27Yooxanaa waa u jawaabay oo ku yidhi, Ninna waxba ma heli karo haddaan jannada laga siin.

    28Idinka qudhiinnu markhaatiyaal baad tihiin inaan idhi, Anigu ma ihi Masiixa, laakiin hortiisa ayaa lay soo diray.

  • 1¶ Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha isagoo cidlada Yahuudiya wax ku wacdiyaya, oo leh,

  • 22Waxay haddaba ku yidhaahdeen, Yaad tahay? si aannu jawaab ugu celinno kuwii na soo diray. Yaad isku sheegaysaa?

  • 1¶ Kolkii Ciise ogaaday inay Farrisiintu maqleen inuu yeelanayay oo baabtiisayay xer ka badan intii Yooxanaa

  • 25Baabtiiskii Yooxanaa xaggee buu ka yimid? Ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen?

  • 15Yooxanaa waa u marag furay isaga, wuxuuna ku qayliyey oo yidhi, Kanu waa kii aan idhi, Kan iga daba imanayaa waa iga horreeyey, waayo, hortay buu jiray.

  • 33Waxaad cid u soo dirteen Yooxanaa, wuuna u marag furay runta.

  • 24oo intuusan imanba, Yooxanaa wuxuu dadka Israa'iil oo dhan hore ugu wacdiyey baabtiiska toobadda.

  • 25¶ Oo markay isaga ka heleen badda dhinaceeda kale, waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, goormaad halkan timid?

  • 12Markaasaa waxaa u yimid cashuurqaadayaal in la baabtiiso, waxayna ku yidhaahdeen, Macallimow, annaguna maxaannu samaynaa?

  • 13Markaasaa xertiisii garatay inuu kala hadlay Yooxanaa Baabtiisaha.