Luukos 20:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mase dadka?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 15:18 : 18 Waan kici oo aan aabbahay u tegi, oo waxaan ku odhan, Aabbow, waxaan ku dembaabay jannada iyo hortaadaba.
  • Yoox 1:6 : 6 ¶ Waxaa jiray nin xagga Ilaah laga soo diray, magiciisuna wuxuu ahaa Yooxanaa.
  • Yoox 1:19-28 : 19 ¶ Kanu waa maraggii Yooxanaa furay, markii Yuhuuddu Yeruusaalem uga soo direen wadaaddo iyo kuwo reer Laawi ah inay weyddiiyaan oo ku yidhaahdaan, Yaad tahay? 20 Isagu waa qirtay, mana uu inkirin, oo wuxuu qirtay oo yidhi, Anigu ma ihi Masiixa. 21 Markaasay weyddiiyeen, Haddaba yaad tahay? Ma Eliyaas baad tahay? Wuxuuna yidhi, Ma ihi. Ma nebigii baad tahay? Wuxuuna ku jawaabay, Maya. 22 Waxay haddaba ku yidhaahdeen, Yaad tahay? si aannu jawaab ugu celinno kuwii na soo diray. Yaad isku sheegaysaa? 23 Wuxuu yidhi, Waxaan ahay codka kan cidlada kaga qaylinaya, Jidka Rabbiga toosiya, siduu nebi Isayos u yidhi. 24 Kuwa la soo diray waxay ka yimaadeen Farrisiinta. 25 Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Haddaba maxaad dadka u baabtiistaa haddaanad ahayn Masiixa ama Eliyaas ama nebigii? 26 Yooxanaa wuxuu ugu jawaabay oo ku yidhi, Anigu waxaan dadka ku baabtiisaa biyo, laakiin dhexdiinna waxaa jooga mid aydnaan garanaynin 27 oo ah kan iga daba imanaya, kan aanan istaahilin inaan yeelmaha kabtiisa furo. 28 Waxyaalahaasu waxay ka dhaceen Beytaniya taas oo ku taal Webi Urdun shishadiisa, oo ahayd meeshii Yooxanaa dadka ku baabtiisayay.
  • Daan 4:25-26 : 25 Dadka waa lagaa fogayn doonaa, oo waxaad la joogi doontaa xayawaanka duurka, oo sidii dibi ayaad doog u cuni doontaa, oo waxaa ku qoyn doona dharabka samada, toddoba wakhtina waa ku gudbi doonaan, jeeraad ogaato in Ka ugu Sarreeyaa u taliyo boqortooyada dadka, oo uu siiyo ku alla kii uu doonayo. 26 Oo sida loo amray in la daayo jiridda iyo xididdada geedka, ayaa boqortooyadaadu hubaal ku noqon doontaa, markaad ogaato inay samooyinku wax u taliyaan.
  • Mat 11:7-9 : 7 Markay tageen, Ciise wuxuu bilaabay inuu dadkii badnaa wax uga sheego Yooxanaa oo wuxuu yidhi, Maxaad cidlada ugu baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan cawsduur dabaylu ruxayso? 8 Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan nin dhar jilicsan qaba? Kuwa dharka jilicsan qaba waxay joogaan guryaha boqorrada. 9 Laakiin maxaad u baxdeen? Ma waxay ahayd inaad nebi soo aragtaan? Haah, waxaan idinku leeyahay, mid nebi ka sarreeya. 10 Kanu waa kii laga qoray, Eeg, waxaan hortaada soo dirayaa wargeeyahayga, Kan jidkaaga kuu sii diyaargarayn doona hortaada. 11 ¶ Runtii waxaan idinku leeyahay, Intii dumar ka dhalatay, mid Yooxanaa Baabtiisaha ka weyn kama dhex kicin, laakiin kan boqortooyadii jannada ugu yar ayaa ka weyn. 12 Tan iyo wakhtigii Yooxanaa Baabtiisaha boqortooyada jannada waa la xoogay, oo kuwii xoogayna ayaa qaatay. 13 Waayo, nebiyadii iyo sharcigu waxay wax sii sheegeen ilaa Yooxanaa. 14 Haddii aad doonaysaan inaad tan aqbashaan, Kanu waa Eliyaas kan iman lahaa. 15 Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo. 16 ¶ Maxaan qarnigan u ekaysiiyaa? Wuxuu u eg yahay carruur suuqa fadhida oo kuwa kale u yeedhaysa, 17 iyagoo leh, Biibiile baannu idiin yeedhinnay, oo waad cayaari weydeen, waannu baroorannay oo waad calaacali weydeen. 18 Waayo, Yooxanaa waa yimid isagoo aan waxba cunaynin oo cabbaynin, oo waxay yidhaahdaan, Jinni buu qabaa. 19 Wiilka Aadanahuse waa yimid isagoo wax cunaya oo cabbaya, oo waxay yidhaahdaan, Eeg, waa nin cir weyn oo khamriyacab ah oo saaxiib la ah cashuurqaadayaal iyo dembilayaal. Xigmaddu inay xaq tahay waa lagu caddeeyaa shuqulladeeda.
  • Mat 17:11-12 : 11 Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa run, Eliyaas waa imanayaa, oo wax walba ayuu soo celin doonaa. 12 Laakiin waxaan idinku leeyahay, Eliyaas horuu u yimid, wayna garan waayeen, laakiin wax kasta oo ay doonayeen ayay ku sameeyeen isaga. Sidaas oo kalena Wiilka Aadanahu xanuun buu ka heli doonaa iyaga.
  • Mat 21:25-32 : 25 Baabtiiskii Yooxanaa xaggee buu ka yimid? Ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen? 26 Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka badan ayaynu ka baqaynaa, waayo, Yooxanaa sida nebi oo kale ayay kulli u haystaan. 27 Markaasay Ciise u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Garan mayno. Isaguna wuxuu ku yidhi, Aniguna idiin sheegi maayo amarka aan waxan ku sameeyo. 28 ¶ Maxay idinla tahay? Nin baa laba wiil lahaa. Wuxuu u yimid kii hore oo ku yidhi, Wiilkaygiiyow, aad beerta canabka ah oo maanta ka shaqee. 29 Wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Dooni maayo, laakiin kolkaas dabadeed ayuu isqoomameeyey oo aaday. 30 Markaasuu wuxuu u yimid kii labaad, oo sidii oo kale ku yidhi. Isaguna wuxuu u jawaabay oo ku yidhi, Waa yahay, waan tegayaa, sayidow, laakiin ma uu tegin. 31 Kee baa labadoodii doonistii aabbihiis yeelay? Waxay yidhaahdeen, Kii hore. Ciise ayaa ku yidhi, Runtii waxaan idinku leeyahay, Cashuurqaadayaasha iyo dhillooyinka ayaa idinka hor geli doona boqortooyada Ilaah. 32 Waayo, Yooxanaa wuxuu idiinku yimid jidka xaqnimada ah, oo waad rumaysan weydeen isaga, laakiin cashuurqaadayaashii iyo dhillooyinkii ayaa rumaystay isaga. Idinkuna goortaad aragteen dabadeed iskama aydnaan qoomamayn si aad u rumaysataan.
  • Luuk 7:28-35 : 28 Waxaan idinku leeyahay, Intii dumar ka dhalatay, mid Yooxanaa ka weyn ma jiro, laakiin kan boqortooyada Ilaah ugu yar ayaa ka weyn. 29 Dadkii maqlay oo dhan iyo cashuurqaadayaashiiba waxay caddeeyeen inuu Ilaah yahay xaq, iyagoo ah kuwii lagu baabtiisay baabtiiskii Yooxanaa. 30 Laakiin Farrisiintii iyo kuwii sharciga yiqiin ayaa waanadii Ilaah naftooda darteed u diiday iyagoo aan Yooxanaa baabtiisin. 31 Haddaba maxaan nimanka qarnigan u ekaysiiyaa? Maxay u eg yihiin? 32 Waxay u eg yihiin carruur suuqa fadhida oo isu yeedhyeedhaysa iyagoo leh, Biibiile baannu idiin yeedhinnay, oo waad cayaari weydeen, waannu baroorannay oo waad ooyi weydeen. 33 Waayo, Yooxanaa Baabtiisaha waa yimid isagoo aan kibis cunaynin oo aan khamri cabbaynin; waxaadna tidhaahdaan, Jinni buu qabaa. 34 Wiilka Aadanahu waa yimid isagoo wax cunaya oo cabbaya, waxaadna tidhaahdaan, Eeg, waa nin cir weyn oo khamriyacab ah oo saaxiib la ah cashuurqaadayaal iyo dembilayaal. 35 Xigmaddu inay xaq tahay waa laga caddeeyey xaggii carruurteeda oo dhan.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 93%

    28Markaasay waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Yaa amarkan ku siiyey inaad waxan ku samayso?

    29Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa, ii jawaaba, waanan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo.

    30Baabtiiskii Yooxanaa ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Ii jawaaba.

    31Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Maxaynu nidhaahnaa? Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen?

    32Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka ayuu ka yimid, dadkay ka baqeen. Waayo, kulli waxay u haysteen Yooxanaa inuu nebi yahay.

  • Mat 21:23-26
    4 aayado
    91%

    23¶ Oo goortuu macbudkii galay, intuu wax barayay waxaa u yimid wadaaddadii sare iyo waayeelladii dadka, oo waxay ku yidhaahdeen, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yaa amarkan ku siiyey?

    24Ciise ayaa u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa. Haddaad taas ii sheegtaan, aniguna waan idiin sheegi doonaa amarka aan waxan ku sameeyo.

    25Baabtiiskii Yooxanaa xaggee buu ka yimid? Ma wuxuu ka yimid xagga jannada mise dadka? Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu inagu odhanayaa, Haddaba maxaad u rumaysan weydeen?

    26Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka badan ayaynu ka baqaynaa, waayo, Yooxanaa sida nebi oo kale ayay kulli u haystaan.

  • Luuk 20:2-3
    2 aayado
    83%

    2oo la hadleen oo ku yidhaahdeen, Noo sheeg, Amarkee baad waxan ku samaysaa? Oo yuu yahay kan amarkan ku siiyey?

    3Markaasuu u jawaabay oo ku yidhi, Aniguna hal baan idin weyddiinayaa, iina sheega.

  • Luuk 20:5-7
    3 aayado
    82%

    5Dhexdooda ayay iskala hadleen iyagoo leh, Haddaynu nidhaahno, Xagga jannada, wuxuu odhanayaa, Maxaad u rumaysan weydeen?

    6Laakiin haddii aynu nidhaahno, Xagga dadka, dadka oo dhan ayaa ina dhagxinaya, waayo, waa la aaminsiiyey inuu Yooxanaa nebi ahaa.

    7Markaasay waxay ugu jawaabeen inaanay garan meeshuu ka yimid.

  • Fal 19:3-4
    2 aayado
    78%

    3Markaasuu ku yidhi, Haddaba maxaa laydinku baabtiisay? Oo waxay ku yidhaahdeen, Baabtiiskii Yooxanaa.

    4Bawlosna wuxuu ku yidhi, Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay baabtiiska toobadda, isagoo dadkii ku leh, Waa inaad rumaysataan kan iga daba iman doona, isagoo ula jeeda Ciise.

  • Yoox 1:25-26
    2 aayado
    78%

    25Markaasay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Haddaba maxaad dadka u baabtiistaa haddaanad ahayn Masiixa ama Eliyaas ama nebigii?

    26Yooxanaa wuxuu ugu jawaabay oo ku yidhi, Anigu waxaan dadka ku baabtiisaa biyo, laakiin dhexdiinna waxaa jooga mid aydnaan garanaynin

  • Yoox 3:25-27
    3 aayado
    77%

    25Sidaa aawadeed waxaa ka dhex kacay Yooxanaa xertiisii iyo nin Yuhuudi ahaa weyddiis oo daahirinta ku saabsan.

    26Markaasay u yimaadeen Yooxanaa oo ku yidhaahdeen, Macallimow, kii kula jiray Webi Urdun shishadiisa oo aad marag u furtay ayaa dad baabtiisaya, oo dadka oo dhan way u imanayaan.

    27Yooxanaa waa u jawaabay oo ku yidhi, Ninna waxba ma heli karo haddaan jannada laga siin.

  • 15¶ Intii dadku filanayeen oo kulligoodna qalbiyadooda kaga fikirayeen Yooxanaa inuu yahay Masiixii iyo in kale,

  • 20Nimankii goortay u yimaadeen, waxay ku yidhaahdeen, Yooxanaa Baabtiisaha ayaa noo soo kaa diray isagoo leh, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kalaannu dhawrnaa?

  • Mat 3:13-14
    2 aayado
    74%

    13¶ Markaasaa Ciise Galili ka yimid oo Webi Urdun ugu tegey Yooxanaa inuu baabtiiso.

    14Yooxanaase waa diiday, isagoo leh, Anaa u baahan inaad i baabtiisto, adiguna miyaad ii timid?

  • 29Dadkii maqlay oo dhan iyo cashuurqaadayaashiiba waxay caddeeyeen inuu Ilaah yahay xaq, iyagoo ah kuwii lagu baabtiisay baabtiiskii Yooxanaa.

  • 19¶ Kanu waa maraggii Yooxanaa furay, markii Yuhuuddu Yeruusaalem uga soo direen wadaaddo iyo kuwo reer Laawi ah inay weyddiiyaan oo ku yidhaahdaan, Yaad tahay?

  • 22Ma xalaal baa inaannu cashuur Kaysar siinno ama inaannan siin?

  • Mat 11:3-4
    2 aayado
    72%

    3oo ku yidhi, Miyaad tahay kan imanaya mise mid kale aannu dhawrnaa?

    4Markaasaa Ciise u jawaabay oo ku yidhi, Taga oo Yooxanaa uga warrama waxaad aragteen iyo waxaad maqasheen.

  • Mark 1:8-10
    3 aayado
    72%

    8Anigu waxaan idinku baabtiisay biyo, isaguse wuxuu idinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah.

    9¶ Wakhtigaas waxay noqotay in Ciise ka yimid Naasared tii Galili, oo Yooxanaa baa Webi Urdun ku baabtiisay isagii.

    10Markiiba intuu biyihii ka soo baxay wuxuu arkay samooyinkii oo kala dillaacay iyo Ruuxii oo sidii qoolley oo kale dushiisa ugu soo degaya.

  • 22¶ Waxaas dabadeed Ciise iyo xertiisii waxay yimaadeen dalka Yahuudiya, oo meeshaas ayuu iyaga la joogay oo dad ku baabtiisay.

  • 28Waxay yidhaahdeen, Yooxanaa Baabtiisaha, qaarna, Eliyaas, qaar kalena, Nebiyada midkood.

  • 6markaasuu Webi Urdun ku baabtiisay iyagoo dembiyadooda qiranaya.

  • 22Waxay haddaba ku yidhaahdeen, Yaad tahay? si aannu jawaab ugu celinno kuwii na soo diray. Yaad isku sheegaysaa?

  • 18¶ Yooxanaa xertiisa ayaa waxaas oo dhan uga warrantay.

  • Yoox 4:1-2
    2 aayado
    71%

    1¶ Kolkii Ciise ogaaday inay Farrisiintu maqleen inuu yeelanayay oo baabtiisayay xer ka badan intii Yooxanaa

    2(in kastoo Ciise qudhiisu uusan baabtiisin, laakiin xertiisu way baabtiisayeen),

  • 24¶ Kuwii Yooxanaa diray goortay tageen, wuxuu bilaabay inuu dadkii badnaa wax uga sheego Yooxanaa. Maxaad cidlada ugu baxdeen? Ma waxay ahayd inaad soo aragtaan cawsduur dabaylu ruxayso?

  • 24oo intuusan imanba, Yooxanaa wuxuu dadka Israa'iil oo dhan hore ugu wacdiyey baabtiiska toobadda.

  • Mark 1:4-5
    2 aayado
    71%

    4Waxaa yimid Yooxanaa kan cidlada dadka ku baabtiisayay oo ku wacdiyeyey baabtiiskii toobadda dembidhaafka aawadiis.

    5Markaasaa waxaa u soo baxay dadkii Yahuudiya oo dhan iyo kuwii Yeruusaalem oo dhan, oo kulligoodna Webi Urdun ayuu ku baabtiisay, iyagoo dembiyadooda qiranaya.

  • 34Ciise ayaa ugu jawaabay, Ma adaa iska odhanaya waxaas, mise kuwa kalaa iiga kaa sheegay?

  • 21¶ Markii dadkii oo dhan la baabtiisay, waxaa dhacay in Ciisena la baabtiisay, oo intuu tukanayay ayaa samadu furantay,

  • 19Way u jawaabeen oo ku yidhaahdeen, Yooxanaa Baabtiisaha; qaar kalena waxay yidhaahdeen, Eliyaas, qaarna waxay yidhaahdeen, Nebi nebiyadii hore ah oo soo sara kacay.

  • 17Haddaba noo sheeg waxay kula tahay, Ma xalaal baa in cashuur Kaysar la siiyo ama inaan la siin?

  • 14Waxay yidhaahdeen, Qaar waxay yidhaahdaan, Yooxanaa Baabtiisaha, qaarna Eliyaas, qaar kalena waxay yidhaahdaan, Yeremyaah, ama nebiyada midkood.

  • 12Markaasaa waxaa u yimid cashuurqaadayaal in la baabtiiso, waxayna ku yidhaahdeen, Macallimow, annaguna maxaannu samaynaa?