Falimaha Rasuullada 2:15

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Waayo, kuwanu ma sakhraansana sidaad u malaynaysaan inay sakhraansan yihiin; maxaa yeelay, tanu waa saacaddii saddexaad ee maalmeed.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • 1 Sam 1:15 : 15 Markaasaa Xannaah u jawaabtay oo ku tidhi, Maya, sayidkaygiiyow, ee waxaan ahay naag ruuxeedu murugaysan yahay, oo ma aanan cabbin khamri iyo wax lagu sakhraamo toona, laakiinse naftaydaan Rabbiga ku baryayaa.
  • Mat 20:3 : 3 Oo saacaddii saddexaad ayuu baxay, oo wuxuu arkay qaar kale oo suuqa shuqulla'aan la taagtaagan,
  • 1 Tes 5:5-8 : 5 Waayo, kulligiin waxaad tihiin carruurta nuurka iyo carruurta maalinnimada, innagu ma nihin kuwa habeennimada iyo gudcurka; 6 sidaas daraaddeed yeynan seexan sida kuwa kale yeelaan, laakiinse aan soo jeedno oo aan feeyignaanno. 7 Waayo, kuwa seexdaa habeenkay seexdaan, kuwa sakhraamaana habeenkay sakhraamaan. 8 Laakiin innagoo kuwa maalinta ah aan feeyignaanno, oo gashanno hubka laabta oo rumaysadka iyo jacaylka ah iyo koofiyadda rajada badbaadada ah.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 2:12-14
    3 aayado
    82%

    12Markaasay wada yaabeen oo shakiyeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Tani micneheedu waa maxay?

    13Qaar kalena waa ku qosleen oo waxay yidhaahdeen, Kuwan waxaa ka buuxa khamri cusub.

    14¶ Laakiin Butros intuu koob-iyo-tobankii isla taagay, ayuu sare u qaaday codkiisa oo ku yidhi iyaga, Niman yahow reer Yahuudiya iyo dhammaantiinan Yeruusaalem degganow, tan ogaada oo hadalladayda dhegaysta.

  • 16Laakiin waxanu waa wixii lagaga dhex hadlay nebi Yoo'eel,

  • 1¶ Haddaba saacaddii sagaalaad oo wakhtigii salaadda ah ayaa Butros iyo Yooxanaa macbudka tageen.

  • 9¶ Haddaba maalintii dambe intay safrayeen oo magaalada ku soo dhowaanayeen, ayaa Butros wuxuu tegey gurigii dushiisa inuu ku tukado abbaaraha saacaddii lixaad,

  • 15¶ Oo wakhtigaas ayaa Butros walaalaha dhexdooda istaagay (oo waxaa wada jiray dad badan oo qiyaastoodu ahayd boqol iyo labaatan); markaasuu yidhi,

  • 1 Tes 5:6-7
    2 aayado
    71%

    6sidaas daraaddeed yeynan seexan sida kuwa kale yeelaan, laakiinse aan soo jeedno oo aan feeyignaanno.

    7Waayo, kuwa seexdaa habeenkay seexdaan, kuwa sakhraamaana habeenkay sakhraamaan.

  • 25Waxayna ahayd saacaddii saddexaad oo iskutallaabta ay ku qodbeen.

  • 9¶ Yaaba, oo naxa, indhihiinna xidha oo indhabbeela. Way sakhraansan yihiin, laakiinse khamri kuma ay sakhraamin, way dhacdhacayaan laakiinse wax lagu sakhraamo kuma ay dhacdhacaan.

  • Fal 2:1-7
    7 aayado
    69%

    1¶ Oo kolkii maalintii Bentekoste la gaadhay, meel bay kulligood wada joogeen.

    2Oo waxaa filanla'aan samada ka yimid sanqadh sida dabayl xoog leh oo aad u dhacaysa, oo waxay buuxisay gurigii ay fadhiyeen oo dhan.

    3Markaasaa carrabbo u kala qaybsamaya sida dab oo kale iyaga u muuqday oo ku dul fadhiistay midkood kasta.

    4Kolkaasaa waxaa kulligood ka wada buuxsamay Ruuxa Quduuska ah, oo waxay bilaabeen inay afaf kale ku hadlaan sidii Ruuxu iyaga u siiyey hadalka.

    5¶ Markaas waxaa Yeruusaalem joogay Yuhuud oo ahaayeen niman cibaado leh oo ka yimid quruun kasta oo samada hoosteeda joogta.

    6Oo markii sanqadhaas la maqlay, dadkii badnaa ayaa isu yimid, wayna yaabeen, maxaa yeelay, nin kastaa wuxuu maqlay iyagoo afkiisa ku hadlaya.

    7Oo dhammaantood way wada nexeen oo yaabeen, oo waxay yidhaahdeen, Bal eeg, kuwan hadlaya oo dhammu miyaanay reer Galili ahayn?

  • 3Oo saacaddii saddexaad ayuu baxay, oo wuxuu arkay qaar kale oo suuqa shuqulla'aan la taagtaagan,

  • 12¶ Markuu Butros dadkii arkay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, Maxaad waxan ula yaabsan tihiin, ama maxaad sidaas noogu fiirinaysaan sidii annagoo xooggayaga ama cibaadadayada ku socodsiinnay isaga?

  • 30Markaasaa Korneeliyos wuxuu ku yidhi, Afar maalmood oo hore, saacaddan oo kale, ayaan joogay anoo gurigayga saacaddii sagaalaad ku tukanaya; oo bal eeg waxaa i hor istaagay nin qaba dhar dhalaalaya,

  • 8Markaasaa Butros oo Ruuxa Quduuska ahi ka buuxo wuxuu iyaga ku yidhi, Kuwiinnan dadka u taliya iyo waayeelladow,

  • 5waayo, runtii Yooxanaa wuxuu dadka ku baabtiisay biyo, laakiinse waxaa laydinku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah maalmo aan badnayn dabadood.

  • 18Ha ku sakhraamina khamriga rabshadu ku jirto, laakiinse Ruuxu ha idinka buuxsamo.

  • 16Laakiin Butros waa sii garaacay, oo kolkay albaabka fureenna, way arkeen isagii, wayna yaabeen.

  • 68%

    59Goortii saacad dhaaftay mid kale ayaa adkeeyey isagoo leh, Run weeye, kanuna waa la jiray, waayo, waa reer Galili.

    60Laakiin Butros wuxuu ku yidhi, Nin yahow, anigu garan maayo waxaad leedahay. Kolkiiba intuu weli hadlayay, diiqii baa ciyey.

  • 33Haddaba isagoo Ilaah midigtiisa sare loogu qaaday, oo Aabbaha ka helay ballankii Ruuxa Quduuska ahaa, ayuu soo shubay waxan oo aad arkaysaan oo maqlaysaan.

  • 5Haddana saacaddii lixaad iyo saacaddii sagaalaad wuu baxay oo sidaas oo kale ayuu sameeyey.

  • 13¶ Markay arkeen Butros iyo Yooxanaa dhiirranaantoodii, oo ay garteen inay yihiin niman aan wax baran, jaahiliinna ah, ayay yaabeen; markaasay garteen inay Ciise la joogi jireen.

  • Fal 10:45-47
    3 aayado
    67%

    45Oo kuwii ka mid ahaa kuwii gudnaa oo rumaystay, iyagoo ahaa intii Butros la timid, way wada yaabeen, maxaa yeelay, xataa dadka aan Yuhuudda ahayn ayaa lagu soo shubay hadiyadda Ruuxa Quduuska ah.

    46Waayo, waxay maqleen iyagoo afaf ku hadlaya oo Ilaah weynaynaya.

    47Markaasaa Butros u jawaabay, oo ku yidhi, Ma nin baa biyaha diidi kara, si aan loogu baabtiisin kuwaas oo ah kuwa Ruuxa Quduuska ah helay sidaannu annaguna u helnay?

  • 15Oo kolkaan bilaabay inaan hadlo ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay iyaga siduu bilowgii inoogu soo degay innagana.

  • 19Oo Butros intuu riyadii ka fikirayay ayaa Ruuxu wuxuu ku yidhi, Bal eeg, saddex nin baa ku raadinaysa.

  • 7¶ Abbaaraha saddex saacadood dabadeed ayaa haweenaydiisii soo gashay iyadoo aan ogayn wixii dhacay.

  • Fal 2:37-38
    2 aayado
    67%

    37¶ Markay taas maqleen ayaa qalbiga laga wareemay, markaasay ku yidhaahdeen Butros iyo rasuulladii kale, Walaalayaalow, maxaannu falnaa?

    38Markaasaa Butros iyagii ku yidhi, Toobadkeena, oo midkiin kasta ha lagu baabtiiso magaca Ciise Masiix dembidhaafkiinna aawadiis, oo waxaad heli doontaan hadiyadda ah Ruuxa Quduuska ah.

  • 32Laakiin Butros iyo kuwii la jiray ayaa hurdo la cuslaaday; oo goortay tooseen ayay arkeen ammaantiisa iyo labadii nin oo la taagan.

  • 33¶ Goortii saacaddii lixaad la gaadhay, dhulka oo dhammu gudcur buu ahaa ilaa saacaddii sagaalaad.

  • 7Markaasuu iyaga ku yidhi, Dantiinna ma aha inaad ogaataan wakhtiyada iyo xilliyada uu Aabbuhu amarkiisa kaga dhigay.

  • 16Taasuna waxay dhacday saddex goor; markiibana weelkii waa loo qaaday samada.

  • 11¶ Hoog waxaa leh kuwa aroor hore u kaca si ay wax lagu sakhraamo u daba galaan, oo haddana ilaa habeenkii ku sii raaga ilaa uu khamrigu ololiyo!

  • 4Oo markii aydnaan iyaga u raacin nejisnimadaas badan, way idinla yaabaan oo way idin caayaan.

  • 5Kuwiinna sakhraamiinta ahow, toosa, oo ooya, kuwiinna khamriga cabta oo dhammow, khamrigii macaanaa aawadiis u baroorta, waayo, waa idinka go'ay.

  • 7nimankii oo dhanna waxay ahaayeen abbaaraha laba iyo toban.

  • 3Abbaaraha sagaalka saacadood oo maalmeed wuxuu riyo bayaan ugu arkay malaa'igtii Ilaah oo u soo gelaysa oo ku leh isaga, Korneeliyosow.

  • 4Laakiin Butros wuxuu bilaabay inuu sheekadii ugu sheego siday isugu xigtay, oo wuxuu yidhi.

  • 10markaasay waxay garteen inuu isagu yahay kii Albaabkii Quruxda Badnaa agtiisa dawarsiga u fadhiisan jiray; markaasay yaab iyo amankaag ula dhinteen wixii ku dhacay isaga.

  • 12waayo, Ruuxa Quduuska ah ayaa saacaddaas idin bari doonaa wixii aad leedihiin inaad tidhaahdaan.