Falimaha Rasuullada 28:25

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo intay dhexdooda ka heshiin waayeen, ayay kala tageen, Bawlos se wax keliya ayuu ku hadlay, isagoo leh, Ruuxa Quduuska ah si hagaagsan ayuu uga dhex hadlay nebi Isayos markuu awowayaashiin la hadlay,

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mat 15:7 : 7 Labawejiilayaalow, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay markuu yidhi,
  • Mark 7:6 : 6 Markaasuu wuxuu ku yidhi, Isayos aad buu wax idiinka sii sheegay, labawejiilayaalow, siday u qoran tahay, Dadkanu bushimahooda ayay igu maamuusaan, Laakiin qalbigoodu waa iga fog yahay.
  • 2 But 1:21 : 21 Waayo, wixii nebiyadii sii sheegeen weligood kuma ay iman dadka doonistiisa, laakiinse dad Ruuxa Quduuska ahu waday ayaa xagga Ilaah kaga hadlay.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 24Oo qaar baa rumaystay waxyaalihii lagu hadlay, qaar kalena way rumaysan waayeen.

  • 26oo ku yidhi, Adigu dadka u tag, oo waxaad ku tidhaahdaa, Maqal baad ku maqli doontaan, mana garan doontaan; Idinkoo arkaya, wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto;

  • Fal 28:28-29
    2 aayado
    73%

    28¶ Haddaba idinku waxaad ogaataan in badbaadadan Ilaah loo soo diray dadka aan Yuhuudda ahayn; oo iyaguna way maqli doonaan.

    29¶ Oo markuu waxyaalahaas ku yidhi ayaa Yuhuuddii iska tageen, iyagoo isla murmaya.

  • 33Haddaba Bawlos waa ka dhex tegey iyagii.

  • 16¶ Laakiin kulligood ma ay wada dhegaysan injiilka. Waayo, Isayos wuxuu leeyahay, Rabbow, yaa rumaystay warkayagii?

  • 69%

    38inuu noqdo hadalka nebi Isayos oo uu ku hadlay, Rabbiyow, yaa warkayagii rumaystay, Oo yaa gacantii Rabbiga loo muujiyey?

    39Sidaa aawadeed ayay rumaysan kari waayeen, waayo, Isayos ayaa haddana yidhi,

  • 14Oo markii la yeelsiin waayay, waannu iska daynay, oo waxaannu nidhi, Rabbiga doonistiisu ha noqoto.

  • 41Waxyaalahaas Isayos ayaa yidhi, maxaa yeelay, ammaantiisuu arkay, wuuna ka hadlay isaga.

  • 15Taasuna waxay raacsan tahay hadalladii nebiyada; siday ugu qoran tahay,

  • Fal 15:38-40
    3 aayado
    68%

    38Laakiin Bawlos waxaa la wanaagsanaatay inayan kaxaysan isaga kaasoo iyaga kaga tegey Bamfuliya oo aan shuqulkii iyaga u raacin.

    39Waxaa dhacay khilaaf weyn; sidaas daraaddeed way kala tageen, markaasaa Barnabas kaxaystay Markos, oo wuxuu u dhoofay Qubrus;

    40laakiin Bawlos wuxuu doortay Silas, markaasuu baxay isagoo ay walaalihii ku ammaana gelinayaan nimcadii Ilaah.

  • 21Waxaa sharciga ku qoran, Waxaan dadkan kula hadli doonaa afaf qalaad iyo bushimo dad kale, oo xataa sidaa daraaddeed ima maqli doonaan, ayuu Rabbigu leeyahay.

  • 15Laakiin intay amreen inay shirka dibadda uga baxaan, ayay wada hadleen iyagoo leh,

  • 51Laakiin markay siigadii cagahooda ka dhabaandhabeen, dabadeed ayay waxay yimaadeen Ikoniyon.

  • Ish 28:11-12
    2 aayado
    67%

    11Laakiinse bushimo dad qalaad iyo af kale ayuu kula hadli doonaa dadkan

    12uu markii hore ku yidhi, Tanu waa nasasho, ee kuwa daallan ku nasiya, oo tanuna waa isqabowjintii. Laakiinse inay maqlaan way diideen.

  • 15Markii sharcigii iyo nebiyadii la akhriyey dabadeed kuwii sunagogga u sarreeyey ayaa cid u soo diray iyagoo leh, Walaalayaalow, haddaad dadka u haysaan hadal waana ah, dhaha.

  • 20Oo markay weyddiisteen inuu wakhti ka sii dheer joogo, ma uu oggolaan;

  • 21Laakiinse, sida qoran, Waxaa arki doona kuwo aan warkiisu u iman, Kuwii aan maqlinuna waa garan doonaan.

  • Fal 22:21-22
    2 aayado
    67%

    21Markaasuu igu yidhi, Tag, maxaa yeelay, waxaan kuu dirayaa meel fog inaad dadka aan Yuhuudda ahayn ugu tagtid.

    22¶ Wayna dhegaysteen ilaa hadalkaas; markaasay codkoodii sare u qaadeen iyagoo leh, Dhulka ka fogee ninka caynkan ah, maxaa yeelay, ma qummana inuu noolaado.

  • 33Oo markay muddo joogeen dabadeed ayaa walaalihii nabad ugu direen kuwii iyagii u soo diray.

  • 43Haddaba markii sunagogga laga tegey, kuwa badan oo Yuhuud ah iyo kuwa cibaadaysan oo Yuhuudda raacsan ayaa waxay raaceen Bawlos iyo Barnabas, kuwaas oo la hadlayay iyaga oo ku adkeeyey inay nimcada Ilaah ku sii wadaan.

  • 18Markay waxyaalahaas yidhaahdeen, ayay dadkii badnaa dhib kaga joojiyeen inay u sadqeeyaan iyaga.

  • 19Markuu iyagii salaamay dabadeedna, mid mid buu ugu sheegay waxyaalihii Ilaah dadka aan Yuhuudda ahayn dhexdooda kaga sameeyey shuqulkiisa.

  • Fal 13:45-46
    2 aayado
    67%

    45Laakiin Yuhuuddu markay arkeen dadkii faraha badnaa, waxaa iyaga ka buuxsamay masayr, wayna beeneeyeen waxyaalihii Bawlos ku' hadlay, waana caayeen.

    46Haddaba Bawlos iyo Barnabas ayaa geesinimo ku hadlay iyagoo leh, Waxay ahayd lagama maarmaan in ereyga Ilaah markii hore idinka laydinkula hadlo. Laakiin idinku waad diiddeen, oo waxaad isku xukunteen sidii kuwo aan istaahilin nolosha weligeed ah, oo bal eega, sidaas aawadeed waxaannu u jeesanaynaa dadka aan Yuhuudda ahayn.

  • Fal 28:21-22
    2 aayado
    67%

    21Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, Annagu wax warqadaa oo adiga kugu saabsan Yahuudiya kama aannu helin, oo walaalihii midkoodna xaggaas kama iman, noomana soo sheegin ama kaama soo warramin xumaato.

    22Laakiin waxaannu jeclaan lahayn inaannu kaa maqalno waxaad u malaynaysid; maxaa yeelay, xagga dariiqadan waxaannu ka og nahay in meel walba ka gees ahaan lagaga hadlo.

  • 17si ay u noqoto wixii lagaga dhex hadlay nebi Isayos isagoo leh,

  • 4Oo markaannu xertii ka helnay, ayaannu meeshaas joognay toddoba maalmood; oo kuwaasu waxay Ruuxa ugu sheegeen Bawlos inaanu Yeruusaalem cag saarin.

  • 25kii Ruuxa Quduuska ah kaga hadlay afkii awowahayo Daa'uud oo ahaa midiidinkaagii oo yidhi, Quruumuhu maxay u cadhoodeen, Dadkuna maxay ugu fikireen wax aan waxba ahayn?

  • 30Oo Filibos markuu ku orday, wuxuu maqlay isagoo akhriyaya kitaabka nebi Isayos, wuxuuna ku yidhi, Ma garanaysaa waxaad akhriyaysid?

  • 4¶ Haddaba iyagoo Ruuxa Quduuska ahu soo diray waxay tageen Selukiya; meeshaasna waxay uga dhoofeen Qubrus.

  • Fal 18:5-6
    2 aayado
    66%

    5¶ Laakiin markii Silas iyo Timoteyos Makedoniya ka yimaadeen, hadalka ayaa haystay Bawlos isagoo Yuhuudda hortooda ka sheegaya in Ciise yahay Masiixa.

    6Oo markay is hor taageen oo caytameen, isagu dharkiisuu hurgufay oo ku yidhi iyagii, Dhiiggiinnu madaxiinna ha dul ahaado; anigu nadiif baan ahay, hadda ka dib waxaan u tegi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn.

  • 39¶ Isaga awowayaasheen ma ay doonaynin inay addeecaan, laakiin intay iska riixeen ayay qalbigooda geliyeen inay Masar dib ugu jeestaan,

  • 30Kolkii Bawlos damcay inuu dadkii dhex galo, xertii uma ay oggolaan isagii.

  • 31oo kolkii ay baxeen ayaa midba midkii kale la hadlay, oo waxay isku yidhaahdeen, Ninkanu innaba ma uu samayn wax istaahila dhimasho iyo silsilado toona.

  • 32Haddaba qaar wax bay ku qayliyeen, qaar kalena wax kalay ku qayliyeen, maxaa yeelay, ururkii waa qasnaa, badidooduna ma ay garanayn waxay isugu yimaadeen.

  • 15Oo kolkaan bilaabay inaan hadlo ayaa Ruuxa Quduuska ah ku soo degay iyaga siduu bilowgii inoogu soo degay innagana.

  • 14Iyagay u noqotay waxsheegidda Isayos iyadoo leh, Maqal baad ku maqli doontaan mana garan doontaan, Idinkoo arkaya wax baad arki doontaan, idiinmana dhaadhici doonto.

  • 2Oo markii Bawlos iyo Barnabas wax aan yarayn kula murmeen oo ku su'aaleen iyaga, ayaa walaalihii waxay doorteen Bawlos iyo Barnabas iyo kuwo kale oo iyaga ka mid ah inay Yeruusaalem aadaan oo ay u tagaan rasuulladii iyo waayeelladii inay su'aashan kala hadlaan.

  • 9Laakiin qaarkood markay madax adkaadeen oo caasiyoobeen, iyagoo xumaan kaga hadlaya Jidka dadkii badnaa hortooda, ayuu iyagii ka tegey oo xertii ka soo soocay, oo maalin walba ayuu dad kula doodi jiray iskoolka Turannos.

  • 9Markaasaa waxaa dhacay buuq weyn, oo qaar ka mid ah culimmadii safka Farrisiinta ayaa istaagay iyagoo hadal ku dagaallamaya oo leh, Ninkan wax shar ah kama helin; laakiin haddii ruux la hadlay isagii ama malaa'ig la hadashay, Ilaah la dagaallami mayno.

  • 40Oo kolkuu fasaxayna, Bawlos isagoo sallaankii taagan, ayuu dadkii gacan u taagay; oo markii aad loo aamusay, ayuu af Cibraaniga kula hadlay iyagii, isagoo leh,

  • 2Oo markay Rabbiga caabudayeen oo soomanaayeen ayaa Ruuxa Quduuska ahu wuxuu ku yidhi, Barnabas iyo Sawlos iigu sooca shuqulkii aan ugu yeedhay.