Falimaha Rasuullada 28:5

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Habase yeeshee bahalkii ayuu dabka iskaga tuuray, oo innaba waxyeello ma gaadhin isagii.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Mark 16:18 : 18 abeesooyin ayay qaadi doonaan, oo hadday cabbaan wax lagu dhimanayo waxba ma yeeli doono, gacmo ayay kuwii buka dul saari doonaan, wayna bogsan doonaan.
  • Luuk 10:19 : 19 Bal ogaada, waxaan idin siiyey amar aad kula tumataan abeesooyin iyo dabaqalloocyo iyo xoogga oo dhan ee cadowga; innaba waxba idinma yeeli doono.
  • Yoox 3:14-15 : 14 Sidii Muuse abeesadii kor ugu qaaday cidlada, sidaasoo kale Wiilka Aadanaha waa in kor loo qaado, 15 in mid kastoo isaga rumaystaa uu lahaado nolosha weligeed ah.
  • Room 16:20 : 20 Oo Ilaaha nabaddu Shayddaan buu haddiiba cagihiinna hoostooda ku burburin doonaa. Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.
  • Muj 9:3-4 : 3 Markaasaa qiiqii waxaa ka soo baxay oo dhulka ku soo degay ayax; oo waxaa iyagii la siiyey xoog sida hangarallayaasha dhulku ay xoog u leeyihiin. 4 Oo waxaa lagu yidhi, Waxba ha yeelina cawska dhulka iyo wax cagaar ah iyo geednaba, dadka aan shaabadda Ilaah wejiga ku lahayn mooyaane.
  • Tir 21:6-9 : 6 Markaasaa Rabbigu wuxuu dadka dhexdiisii ku soo daayay abeesooyin qaniinyo kulul oo ay dadkii qanqaniineen, oo dad badan oo reer binu Israa'iil ah ayaa dhintay. 7 Markaasay dadkii Muuse u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Annagu waannu dembaabnay, maxaa yeelay, waxaannu ku hadalnay wax ka gees ah Rabbiga iyo adiga, haddaba Rabbiga noo bari inuu abeesooyinka naga fogeeyo. Markaasaa Muuse dadkii u baryay Rabbiga. 8 Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Abeeso samee, oo tiircalan kor saar, oo mid kasta oo la qaniinoba, markuu arko wuu noolaanayaa. 9 Oo Muuse baa abeeso naxaas ah sameeyey oo wuxuu kor saaray tiirkii calanka, oo haddii abeeso qof qaniinto oo qofku soo eego abeesadii naxaasta ahayd wuu noolaan jiray.
  • Sab 91:13 : 13 Libaaxa iyo jilbiska ayaad ku joogsan doontaa, Oo waxaad ku tuman doontaa aaran libaax iyo abeesada.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 28:1-4
    4 aayado
    84%

    1¶ Oo kolkii aannu wada baxsannay ayaan ogaannay in gasiiraddaas la yidhaahdo Melita.

    2Oo barbariyiintii waxay na tuseen raxmad khaas ah; waayo, iyagu waxay shideen dab, oo dhammaantayona way na soo dhoweeyeen, sababtuna waa roobkii wakhtigaas jiray daraaddiis iyo dhaxantii daraaddeed.

    3Laakiin Bawlos ayaa soo ururshay xaabo badan, oo wuxuu saaray dabka, kolkaasaa kulaylka daraaddiis waxaa soo baxay jilbis oo gacantiisuu ku dhegay.

    4Oo barbariyiintiina markay arkeen bahalkii gacantiisa ka laalaaday ayaa midkoodba wuxuu mid kale ku yidhi, Shakila'aan ninkanu waa nin dhiig qaba, waayo, in kastoo uu baddii nabdoonaan kaga baxsaday, haddana xaqnimadu uma oggolaan inuu sii noolaado.

  • Fal 28:6-9
    4 aayado
    79%

    6Laakiin iyagii waxay filanayeen inuu haddiiba bararo ama uu markiiba dhaco isagoo meyd ah; laakiin kolkii ay wakhti dheer dhawrayeen oo ay arkeen inaan waxyeello ku dhicin isagii, ayay fikirradoodii beddeleen, oo waxay isku yidhaahdeen, Isagu waa ilaah.

    7¶ Haddaba meeshaas waxaa u dhowaa dhulal uu leeyahay ninkii gasiiradda madaxda u ahaa oo magiciisa la odhan jiray Bobliyos. Kaasuna waa na soo dhoweeyey, oo intii saddex maalmood ah ayuu si sharaf ah noo marti qaaday.

    8Oo waxay noqotay in Bobliyos aabbihiis jiifsaday isagoo qandho iyo dabadhiig qaba. Markaasaa Bawlos isagii u galay oo intuu u duceeyey ayuu gacmihiisii saaray oo wuu bogsiiyey isagii.

    9Oo markii waxaas la sameeyey dabadeed ayaa intii kale oo cudurro qabtay oo gasiiraddii joogtay oo dhammu wada yimaadeen, oo iyana waa la bogsiiyey;

  • 19Waa sidii nin libaax ka cararay oo orso ka hor timid, ama intuu guri galay derbiga ku tiirsaday oo markaas abeeso gacanta ka qaniintay.

  • 27Markaasaa amiirradii, iyo taliyayaashii, iyo saraakiishii, iyo boqorka waaniyayaashiisii, iyagoo isku urursan, waxay arkeen inaanu dabku ka adkaan nimankaas jidhkooda, ama aanu timahoodiina halow marin, ama aan sirwaalladoodii beddelmin, ama aan dadka urtiisii gaadhin.

  • 51Laakiin markay siigadii cagahooda ka dhabaandhabeen, dabadeed ayay waxay yimaadeen Ikoniyon.

  • 17Laakiinse Rabbiga ayaa iskay garab taagay, oo xoog i siiyey, inaan farriinta dadka oo dhan wada gaadhsiiyo oo ay dadka aan Yuhuudda ahayn wada maqlaan; oo waxaa layga samatabbixiyey afkii libaaxa.

  • Daan 6:22-23
    2 aayado
    67%

    22Ilaahay malaa'igtiisii buu soo diray, oo waxay xidhay libaaxyada afkoodii, oo waxba ima ay yeelin; waayo, wuxuu arkay inaanan xaq qabin; xaggaagana, Boqorow, waxba kuma aanan yeelin.

    23Dabadeedna boqorkii aad iyo aad buu u farxay, oo wuxuu ku amray in Daanyeel bohosha laga soo bixiyo. Sidaasaana Daanyeel bohoshii looga soo bixiyey, korkiisiina innaba waxyeello lagama helin, maxaa yeelay, Ilaahiis buu isku halleeyey.

  • 18Iyaguna, markii ay i imtixaameen, waxay damceen inay iska kay daayaan, maxaa yeelay, sabab dhimasho istaahisha aanay igu jirin.

  • 18abeesooyin ayay qaadi doonaan, oo hadday cabbaan wax lagu dhimanayo waxba ma yeeli doono, gacmo ayay kuwii buka dul saari doonaan, wayna bogsan doonaan.

  • 16Haddaba ninkii jinniga qabay baa ku booday iyagii, wuuna ka xoog badiyey kulligood, oo ka adkaaday, sidaas darteed ayay gurigaas ka carareen, iyagoo qaawan oo dhaawacan.

  • 4Maxaa yeelay, marar badan bir cagaha iyo silsilado waa lagu xidhi jiray, silsiladihiina ayuu iska gooyn jiray, bir cagahana wuu kala jejebin jiray. Ninna ka adkaan kari waayay.

  • Fal 27:43-44
    2 aayado
    66%

    43Laakiin boqol-u-taliyihii oo doonayay inuu badbaadiyo Bawlos, ayaa qasdigoodii ka joojiyey; oo wuxuu amray in kuwa dabaalan karaa ay doonnida iska tuuraan, oo ay marka hore dhulka tagaan;

    44oo inta kalena qaar ha ku dabaasho looxaan, qaarna waxyaalo kale oo ay doonnida ka sii qaataan. Oo sidaas daraaddeed waxay noqotay inay dhammaantood dhulkii u baxsadeen iyagoo nabdoon.

  • Fal 22:22-23
    2 aayado
    66%

    22¶ Wayna dhegaysteen ilaa hadalkaas; markaasay codkoodii sare u qaadeen iyagoo leh, Dhulka ka fogee ninka caynkan ah, maxaa yeelay, ma qummana inuu noolaado.

    23Oo markay qaylinayeen oo dharka iska xoorayeen oo siigo hawada ku tuurayeen,

  • 5Oo haddii nin damco inuu wax yeelo, dab baa afkooda ka soo bixi doona oo gubi doona cadaawayaashooda; oo haddii nin damco inuu wax yeelo, waa in saas loo dilo.

  • 21Oo iyana waxay isagii ku yidhaahdeen, Annagu wax warqadaa oo adiga kugu saabsan Yahuudiya kama aannu helin, oo walaalihii midkoodna xaggaas kama iman, noomana soo sheegin ama kaama soo warramin xumaato.

  • 16Wuxuu nuugi doonaa mariidka jilbisyada, Oo waxaa isaga dili doona mas carrabkiis.

  • Fal 14:9-10
    2 aayado
    65%

    9Isagu wuxuu maqlay Bawlos oo hadlaya, kaasoo indhaha aad ugu fiiriyey, gartayna inuu rumaysad uu ku bogsan karo leeyahay,

    10wuxuuna cod dheer ku yidhi, Cagahaaga sare isugu taag. Markaasuu booday oo socday.

  • Fal 27:25-26
    2 aayado
    65%

    25Haddaba, niman yahow, kalsoonaada, waayo, anigu Ilaah waan rumaysanahay inay noqon doonto sidii la ii sheegay.

    26Habase yeeshee waa inaynu ku dhacno gasiirad.

  • 6Oo markay is hor taageen oo caytameen, isagu dharkiisuu hurgufay oo ku yidhi iyagii, Dhiiggiinnu madaxiinna ha dul ahaado; anigu nadiif baan ahay, hadda ka dib waxaan u tegi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn.

  • 13¶ Haddii aad waxa wanaagsan ku dadaashaan, bal yaa wax idin yeeli doona?

  • 35Ciise baa canaantay oo ku yidhi, Aamus oo ka soo bax. Jinniguna goortuu ninkii dhexda ku tuuray ayuu ka soo baxay, waxbana ma uu yeelin.

  • 22Waayo, Ilaah baa isaga wax ku tuuri doona, umana tudhi doono; Oo sharrowgu wuxuu jeclaan lahaa inuu gacantiisa ka cararo.

  • Fal 16:28-29
    2 aayado
    64%

    28Laakiin Bawlos baa cod weyn ku qayliyey isagoo leh, Waxba ha isyeelin; maxaa yeelay, kulligayo halkaannu wada joognaa.

    29Markaasuu cid u diray siraaddo, oo gudaha ku booday isagoo baqdin la gargariiraya, oo wuxuu ku hor dhacay Bawlos iyo Silas,

  • 5Oo haddana waxaa lagu amray inaanay dadka dilin, laakiinse inay intii shan bilood ah xanuujiyaan, oo xanuunkooduna wuxuu ahaa sida xanuunka hangarallahu markuu nin qaniino.

  • 19Bal ogaada, waxaan idin siiyey amar aad kula tumataan abeesooyin iyo dabaqalloocyo iyo xoogga oo dhan ee cadowga; innaba waxba idinma yeeli doono.

  • 32Markaasuu wuxuu watay askar iyo kuwo boqol askari u taliya, hoos buuna u soo orday; iyaguna, markay arkeen sirkaalkii sare iyo askartii, ayay Bawlos garaacidda ka daayeen.

  • 11¶ Ilaahna wuxuu gacmaha Bawlos ku sameeyey cajaa'ibyo khaas ah,

  • 19¶ Laakiin waxaa Antiyokh iyo Ikoniyon ka yimid Yuhuud, oo markay dadkii badnaa yeelsiiyeen, ayay Bawlos dhagxiyeen, oo magaaladii ka jiideen, iyagoo u malaynaya inuu dhintay.

  • 31oo kolkii ay baxeen ayaa midba midkii kale la hadlay, oo waxay isku yidhaahdeen, Ninkanu innaba ma uu samayn wax istaahila dhimasho iyo silsilado toona.

  • 41Laakiin waxay ku dhaceen meel laba badood isaga darmadaan, markaasaa doonnidii dhulka ku dhufatay; oo dhankeedii hore ayaa meel ku liimbaaday oo waxay noqotay wax aan la dhaqdhaqaajin karin, laakiin dhankii dambe wuxuu bilaabay inuu ku burburo mawjadihii xooggooda.

  • 34oo xooggii dabka ku demiyeen, oo seefta afkeedii kaga baxsadeen, oo itaaldarradii kaga xoogaysteen, oo dagaal ku itaal weynaadeen, oo colalkii shisheeyaha ku eryeen.

  • 28Fallaadhu isaga ma eryi karto, Oo dhagaxyada wadhafkuna waxay isaga u noqdaan sidii xaab oo kale.

  • Fal 27:21-22
    2 aayado
    64%

    21¶ Oo kolkii ay wakhti dheer cuntola'aan sii joogeen ayaa Bawlos dhexdooda istaagay, oo wuxuu ku yidhi, Niman yahow, waxaa idinku habboonayd inaad i maqashaan oo aydaan Kereetee ka soo dhoofin oo helin waxyeelladan iyo khasaaradan toona.

    22Haddaba waxaan idinku waaninayaa inaad kalsoonaataan; waayo, midkiinna nafta waayi maayo, laakiin waxaa keliyahoo dumaya doonnida.

  • 3Markaasuu ku yidhi, Bal dhulka ku tuur. Markaasuu dhulka ku tuuray, oo waxay noqotay abeeso. Kolkaasaa Muuse ka hor cararay.

  • 28oo idinku innaba ha ka cabsanina cadaawayaashiinna, taas oo iyaga u ah calaamada halaagga, laakiinse waxay idiin tahay calaamada badbaadadiinna, taasuna waxay ka timaadaa xagga Ilaah.

  • 21Markaasay, intay sii cabsiiyeen, sii daayeen, waayo, waxay waayeen waxay ku taqsiiraan, dadka aawadiis; maxaa yeelay, dadkii oo dhammu waxay Ilaah ku ammaaneen wixii la sameeyey.

  • 11iyo silecyadayda, iyo xanuunsigayga. Waxyaalihii xunxumaa ee igu dhacay markaan Antiyokh iyo Ikoniyon iyo Lustara joogay! Silecyadii badnaa ee aan u adkaystay! Oo kulligood Rabbigaa iga samatabbixiyey.