Falimaha Rasuullada 28:4

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo barbariyiintiina markay arkeen bahalkii gacantiisa ka laalaaday ayaa midkoodba wuxuu mid kale ku yidhi, Shakila'aan ninkanu waa nin dhiig qaba, waayo, in kastoo uu baddii nabdoonaan kaga baxsaday, haddana xaqnimadu uma oggolaan inuu sii noolaado.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 13:2 : 2 Kolkaasaa Ciise u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, Ma waxay idinla tahay in kuwii reer Galili ahaa ay ka dembi badnaayeen kuwii kale oo reer Galili oo dhan waxyaalahaas ay ku silceen aawadood?
  • Luuk 13:4 : 4 Ama siddeed iyo tobankii oo munaaradda Siloo'am ay ku soo dhacday oo ay dishay, ma waxay idinla tahay, inay ka gef badnaayeen dadka Yeruusaalem joogay oo dhan?
  • Mat 23:35 : 35 inuu dushiinna ku soo dego dhiiggii xaqa ahaa oo dhulka ku daatay oo dhan oo laga bilaabo dhiigga Haabiil kii xaqa ahaa ilaa dhiigga Sakariyas ina Barakiyas kan aad ku disheen meesha quduuska ah iyo meeshii allabariga dhexdooda.
  • Mat 27:25 : 25 Dadkii oo dhammu waa wada jawaabeen oo yidhaahdeen, Dhiiggiisu annaga iyo carruurtayadaba ha dul saarnaado.
  • Yoox 7:24 : 24 Aragtida waxba ha ku xukumina, laakiin ku xukuma xukunka xaqa ah.
  • Yoox 9:1-2 : 1 ¶ Ciise intuu socday, wuxuu arkay nin indhala'aan ku dhashay. 2 Xertiisu waxay weyddiiyeen oo ku yidhaahdeen, Macallimow, yaa dembaabay, ma kan baa mise waa waalidkiis, inuu indhala'aan ku dhasho?
  • Fal 28:2 : 2 Oo barbariyiintii waxay na tuseen raxmad khaas ah; waayo, iyagu waxay shideen dab, oo dhammaantayona way na soo dhoweeyeen, sababtuna waa roobkii wakhtigaas jiray daraaddiis iyo dhaxantii daraaddeed.
  • Fal 28:5 : 5 Habase yeeshee bahalkii ayuu dabka iskaga tuuray, oo innaba waxyeello ma gaadhin isagii.
  • Muj 21:8 : 8 Laakiinse kuwa fulayaasha ah, iyo kuwa aan rumaysan, iyo kuwa karaahiyada ah, iyo gacankudhiiglayaasha, iyo kuwa sinaysta, iyo saaxiriinta, iyo kuwa sanamyada caabuda, iyo beenlowyada oo dhan waxaa qaybtoodu ku jiri doontaa badda ay dabka iyo baaruuddu ka ololayaan, oo taasuna waa dhimashada labaad.
  • Bil 3:1 : 1 ¶ Haddaba abeesadu way ugu khiyaano badnayd bahal kasta ee duurka jooga oo Rabbiga Ilaah ahu sameeyey. Oo waxay naagtii ku tidhi, Ilaah miyuu idinku yidhi, Waa inaydnaan waxba ka cunin geed kasta oo beerta ku yaal?
  • Bil 4:8-9 : 8 Qaabiilna wuxuu ku yidhi walaalkiis Haabiil, Ina keen, aynu duurka tagnee. Waxaana dhacday, markii ay duurka joogeen, in Qaabiil walaalkiis Haabiil ku kacay oo dilay isagii. 9 Rabbiguna wuxuu Qaabiil ku yidhi, Walaalkaa Haabiil meeh? Kolkaasuu yidhi, Ma aqaan: ma anigaa ah walaalkay ilaaliyihiisa? 10 Kolkaasaa Ilaah ku yidhi, Maxaad samaysay? Codkii dhiiggii walaalkaa ayaa dhulka iiga dhawaaqayaye. 11 Oo haatan waad ka habaaran tahay dhulkii afkiisa u kala qaaday si uu dhiiggii walaalkaa gacantaada uga helo.
  • Bil 9:5-6 : 5 Oo hubaal dhiigga naftiinna waan weyddiin, oo waxaan weyddiin dugaag kasta iyo dadkaba, xataa nafta nin kasta walaalkiis waan weyddiin. 6 Ku kasta oo nin dhiiggiis daadiya, nin baa isna dhiiggiisa daadin doona: waayo, Ilaah araggiisuu ka sameeyey ninka.
  • Bil 42:21-22 : 21 Markaasay waxay isku yidhaahdeen, Runtii walaalkeen eed baan ka galnay, maxaa yeelay, waxaynu aragnay naftiisii dhibaatada ku jirtay, markuu ina baryay, mana aynu maqlin, sidaas daraaddeed ayay dhibaatadanu inoogu dhacday. 22 Markaasaa Ruubeen u jawaabay iyagii, oo wuxuu ku yidhi, Miyaanan idinla hadlin oo idinku odhan, Wiilka ha ku dembaabina, oo sow ima aydin maqli waayin? Haddaba bal eega, dhiiggiisii baa laydin weyddiistaye.
  • Tir 35:31-34 : 31 Oo weliba waa inaydaan innaba furan nafta gacankudhiigle dhimasho lagu xukumay, laakiinse hubaal waa in la dilaa. 32 Oo weliba waa inaydaan furan kii ku cararay magaaladiisa magangalka ah, si uu ugu noqdo oo uu u dego dalkiisa ilamaa uu wadaadka sare dhinto. 33 Dalka aad deggan tihiin waa inaydaan nijaasayn, waayo, dhiigu dalka waa nijaaseeyaa, oo dalka dhiiggii lagu dhex daadshay wax loogu kafaaro gudi karo lama arko, dhiigga kii daadshay mooyaane. 34 Oo waa inaydaan nijaasayn dalka aad dhex deggan tihiin, oo anna aan dhexdiisa degganahay, waayo, aniga Rabbiga ahu waxaan dhex degganahay reer binu Israa'iil.
  • Maah 28:17 : 17 Ninkii nin dhiiggiis qabaa Wuxuu u carari doonaa godka, oo ninna yaanu ka joojin.
  • Ish 13:21-22 : 21 Laakiinse halkaas waxaa jiifsan doona dugaagga lamadegaanka, oo guryahoodana waxaa ka buuxsami doona guumeyso, oo waxaa ku hoyan doona gorayo, waxaana ku dhex cayaari doona xayawaan dhogor dheer leh. 22 Oo yeey baana guryahooda cidloobay qaylo isugu jawaabi doona, oo daarahooda qurqurxoonna dawacooyin baa ka dhex qaylin doona, oo wakhtigeediina kol dhow buu iman doonaa, oo cimrigeedana lama sii dheerayn doono.
  • Ish 26:21 : 21 Waayo, bal eega, Rabbigu wuxuu meeshiisa uga soo kacayaa inuu dadka dhulka deggan xumaantooda u ciqaabo. Dhulkuna wuxuu daaha ka qaadi doonaa dhiiggiisa, oo kuwa la laayayna mar dambe ma dabooli doono.
  • Ish 43:20 : 20 Xayawaanka duurka, kuwaasoo ah dawacooyinka iyo gorayaduba way i sharfi doonaan; maxaa yeelay, cidladaan biyo uga siiyaa, oo lamadegaankaan webiyo uga jeexaa si aan u waraabiyo dadkayga aan doortay,
  • Saf 2:15 : 15 Tanu waa magaaladii faraxa badnayd oo feyigla'aanta ku degganayd, oo qalbiga iska tidhi, Anigaa ah, oo aniga mooyaane mid kale ma jirto. Waxay noqotay cidla iyo meel dugaag ku hoydo! Mid kasta oo agteeda soo maraaba wuu ku foodhyi doonaa oo gacanta quudhsasho la ruxi doonaa.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Fal 28:5-7
    3 aayado
    84%

    5Habase yeeshee bahalkii ayuu dabka iskaga tuuray, oo innaba waxyeello ma gaadhin isagii.

    6Laakiin iyagii waxay filanayeen inuu haddiiba bararo ama uu markiiba dhaco isagoo meyd ah; laakiin kolkii ay wakhti dheer dhawrayeen oo ay arkeen inaan waxyeello ku dhicin isagii, ayay fikirradoodii beddeleen, oo waxay isku yidhaahdeen, Isagu waa ilaah.

    7¶ Haddaba meeshaas waxaa u dhowaa dhulal uu leeyahay ninkii gasiiradda madaxda u ahaa oo magiciisa la odhan jiray Bobliyos. Kaasuna waa na soo dhoweeyey, oo intii saddex maalmood ah ayuu si sharaf ah noo marti qaaday.

  • Fal 28:1-3
    3 aayado
    84%

    1¶ Oo kolkii aannu wada baxsannay ayaan ogaannay in gasiiraddaas la yidhaahdo Melita.

    2Oo barbariyiintii waxay na tuseen raxmad khaas ah; waayo, iyagu waxay shideen dab, oo dhammaantayona way na soo dhoweeyeen, sababtuna waa roobkii wakhtigaas jiray daraaddiis iyo dhaxantii daraaddeed.

    3Laakiin Bawlos ayaa soo ururshay xaabo badan, oo wuxuu saaray dabka, kolkaasaa kulaylka daraaddiis waxaa soo baxay jilbis oo gacantiisuu ku dhegay.

  • Fal 28:17-18
    2 aayado
    69%

    17¶ Oo waxay noqotay in saddex maalmood dabadeed uu isugu wada yeedhay kuwii Yuhuudda ugu waaweynaa; oo kolkii ay u yimaadeen, ayuu ku yidhi iyagii, Walaalayaalow, anigu in kastoo aanan wax xumaan ah ku samayn dadkii ama caadooyinkii awowayaasheen toona, haddana anoo maxbuus ah ayaa waxaa layga soo waday Yeruusaalem oo waxaa la ii gacangeliyey reer Rooma.

    18Iyaguna, markii ay i imtixaameen, waxay damceen inay iska kay daayaan, maxaa yeelay, sabab dhimasho istaahisha aanay igu jirin.

  • 22¶ Wayna dhegaysteen ilaa hadalkaas; markaasay codkoodii sare u qaadeen iyagoo leh, Dhulka ka fogee ninka caynkan ah, maxaa yeelay, ma qummana inuu noolaado.

  • 31oo kolkii ay baxeen ayaa midba midkii kale la hadlay, oo waxay isku yidhaahdeen, Ninkanu innaba ma uu samayn wax istaahila dhimasho iyo silsilado toona.

  • 19Waa sidii nin libaax ka cararay oo orso ka hor timid, ama intuu guri galay derbiga ku tiirsaday oo markaas abeeso gacanta ka qaniintay.

  • Fal 27:41-44
    4 aayado
    66%

    41Laakiin waxay ku dhaceen meel laba badood isaga darmadaan, markaasaa doonnidii dhulka ku dhufatay; oo dhankeedii hore ayaa meel ku liimbaaday oo waxay noqotay wax aan la dhaqdhaqaajin karin, laakiin dhankii dambe wuxuu bilaabay inuu ku burburo mawjadihii xooggooda.

    42¶ Markaasaa askartii waxay ku taliyeen inay maxaabiista laayaan, si aan midkoodna intuu dabaasho uga baxsan.

    43Laakiin boqol-u-taliyihii oo doonayay inuu badbaadiyo Bawlos, ayaa qasdigoodii ka joojiyey; oo wuxuu amray in kuwa dabaalan karaa ay doonnida iska tuuraan, oo ay marka hore dhulka tagaan;

    44oo inta kalena qaar ha ku dabaasho looxaan, qaarna waxyaalo kale oo ay doonnida ka sii qaataan. Oo sidaas daraaddeed waxay noqotay inay dhammaantood dhulkii u baxsadeen iyagoo nabdoon.

  • Fal 21:31-33
    3 aayado
    66%

    31Markay damceen inay isagii dilaan ayaa war u yimid sirkaalkii ka sarreeyey ciidankii in Yeruusaalem oo dhan rabshaysan tahay.

    32Markaasuu wuxuu watay askar iyo kuwo boqol askari u taliya, hoos buuna u soo orday; iyaguna, markay arkeen sirkaalkii sare iyo askartii, ayay Bawlos garaacidda ka daayeen.

    33Markaasaa sirkaalkii sare ku soo dhowaaday oo qabtay isagii, oo wuxuu ku amray in lagu xidho laba silsiladood; waana weyddiiyey ninkuu yahay iyo wuxuu sameeyey.

  • Fal 14:18-19
    2 aayado
    66%

    18Markay waxyaalahaas yidhaahdeen, ayay dadkii badnaa dhib kaga joojiyeen inay u sadqeeyaan iyaga.

    19¶ Laakiin waxaa Antiyokh iyo Ikoniyon ka yimid Yuhuud, oo markay dadkii badnaa yeelsiiyeen, ayay Bawlos dhagxiyeen, oo magaaladii ka jiideen, iyagoo u malaynaya inuu dhintay.

  • 5Oo haddana waxaa lagu amray inaanay dadka dilin, laakiinse inay intii shan bilood ah xanuujiyaan, oo xanuunkooduna wuxuu ahaa sida xanuunka hangarallahu markuu nin qaniino.

  • 16Wuxuu nuugi doonaa mariidka jilbisyada, Oo waxaa isaga dili doona mas carrabkiis.

  • 38Haddana miyaanad ahayn Masrigii maalmahan hortoodii rabshad kiciyey oo afarta kun oo nin oo dhiigqabayaal ah cidlada u kaxeeyey?

  • 21Waxyaalahaas aawadood baa Yuhuuddu macbudka gudihiisa iigu qabteen, oo waxay isku dayeen inay i dilaan.

  • 18Oo ku alla kii neef xoolo ah dilaana waa inuu magaa, oo neef neef ku gudaa.

  • Fal 16:27-28
    2 aayado
    65%

    27Xabsihayihiina markuu hurdada ka toosay oo arkay albaabbadii xabsiga oo wada furmay, ayuu seeftiisii la baxay oo ku dhowaaday inuu isdilo, maxaa yeelay, wuxuu u malaynayay maxaabiistii inay baxsatay.

    28Laakiin Bawlos baa cod weyn ku qayliyey isagoo leh, Waxba ha isyeelin; maxaa yeelay, kulligayo halkaannu wada joognaa.

  • 25Oo markay suumanka ku xidheen dabadeed ayaa Bawlos wuxuu ku yidhi boqol-u-taliyihii oo ag taagnaa, Ma qaynuun baa inaad karbaashtaan nin reer Rooma ah oo aan la xukumin?

  • 4Maxaa yeelay, marar badan bir cagaha iyo silsilado waa lagu xidhi jiray, silsiladihiina ayuu iska gooyn jiray, bir cagahana wuu kala jejebin jiray. Ninna ka adkaan kari waayay.

  • 9Oo markii waxaas la sameeyey dabadeed ayaa intii kale oo cudurro qabtay oo gasiiraddii joogtay oo dhammu wada yimaadeen, oo iyana waa la bogsiiyey;

  • 27¶ Oo kolkii toddobadii maalmood u dhowayd inay dhammaadaan ayaa Yuhuuddii Aasiya ka timid isagii macbudka ku aragtay, markaasay dadkii oo dhan kiciyeen, wayna qabteen isagii,

  • 37Laakiin Bawlos baa wuxuu iyagii ku yidhi, Caddaan bay noogu garaaceen annagoo aan nala xukumin oo ah niman reer Rooma, oo waxayna nagu rideen xabsi; imminkana ma qarsoodii bay nooga saarayaan? Sidaas ma aha; laakiin iyaga qudhoodu ha yimaadeen oo dibadda ha noo saareen.

  • 24Markaasaa Feestos wuxuu yidhi, Boqor Agribba iyo ragga kale oo halkan nala jooga oo dhammow, waxaad arkaysaan ninkan Yuhuudda badan oo dhammu ay iiga soo cabteen Yeruusaalem iyo halkanba, iyagoo ku qaylinaya, Waajib ma aha in ninkanu sii noolaado.

  • 18abeesooyin ayay qaadi doonaan, oo hadday cabbaan wax lagu dhimanayo waxba ma yeeli doono, gacmo ayay kuwii buka dul saari doonaan, wayna bogsan doonaan.

  • 21amase hadduu cadownimo aawadeed gacanta ugu dhufto, oo uu sidaas ku dhinto, kii wax ku dhuftay hubaal waa in la dilaa, waayo, isagu waa gacankudhiigle, oo aardoonka dhiigga doonayaa gacankudhiiglaha ha dilo markuu helo.

  • 16Haddaba ninkii jinniga qabay baa ku booday iyagii, wuuna ka xoog badiyey kulligood, oo ka adkaaday, sidaas darteed ayay gurigaas ka carareen, iyagoo qaawan oo dhaawacan.

  • 11Markii dadkii badnaa arkeen wixii Bawlos sameeyey, ayay codkoodii sare u qaadeen, iyagoo afkii Luka'oniya ku leh, Ilaahyadu waxay inoogu yimaadeen iyagoo sidii niman u eg.

  • 15Haddaba idinka iyo shirkuba waxaad sirkaalka sare garansiisaan inuu isagii idiin keeno sidii idinkoo doonaya inaad aad u sii garataan waxyaalaha ku saabsan isagii; annaguna, intuusan soo dhowaan, diyaar baannu nahay inaannu dilno isagii.

  • 30Oo baxriyiintii ayaa waxay damceen inay doonnida ka baxsadaan, oo waxay badda qarsoodi ugu dejiyeen huurigii sidii iyagoo barroosinno ka tuuraya doonnidii xaggeeda hore.

  • 12¶ Oo markii ay maalin noqotayna, ayaa Yuhuuddii urur samaysteen oo nidar wada galeen iyagoo leh, Waxba cuni mayno, waxbana cabbi mayno ilaa aan Bawlos dilno mooyaane.

  • 11Haddaba, bal eeg, gacanta Rabbigu waa ku saaran tahay, oo waad indha beeli doontaa, adigoo aan qorraxda arkayn intii wakhti ah. Kolkaasaa markiiba waxaa ku soo dhacday isagii ceeryaamo iyo gudcur; wuuna warwareegay oo doondoonay nin gacanta ku haga.

  • 10oo wuxuu ku yidhi, Niman yahow, waxay ila tahay in dhoofkanu lahaan doono waxyeello iyo khasaaro badan, umana ahaan doonaan shixnadda iyo doonnida oo keliya, laakiin xataa nafaheennu khatar bay ku sugan yihiin.

  • 7Laakiin waxaa yimid sirkaalkii sare oo Lusiyas la yidhaahdo, oo gacantayada xoog kaga baxshay isagii,

  • 26Habase yeeshee waa inaynu ku dhacno gasiirad.

  • 18Laakiin markii ay mudduciyaashii istaageen, ma ay keenin innaba wax xumaan ah oo u eg wixii aan filanayay;

  • 17Laakiinse Rabbiga ayaa iskay garab taagay, oo xoog i siiyey, inaan farriinta dadka oo dhan wada gaadhsiiyo oo ay dadka aan Yuhuudda ahayn wada maqlaan; oo waxaa layga samatabbixiyey afkii libaaxa.

  • 7Cayn walba oo ah dugaag, iyo haad, iyo waxa bogga ku gurguurta, iyo waxa badda ku jiraba waa la rabbeeyaa, oo waxaa lagu rabbeeyey dabiicadda dadka.

  • 22Waayo, Ilaah baa isaga wax ku tuuri doona, umana tudhi doono; Oo sharrowgu wuxuu jeclaan lahaa inuu gacantiisa ka cararo.

  • 19¶ Laakiin sayidyadeedii, markay arkeen in rajadii faa'iidadoodu dhammaatay, ayay Bawlos iyo Silas qabteen, oo waxay u jiideen suuqa, taliyayaasha hortooda,

  • 21Haddaba yaanay ku oggolaysiin; maxaa yeelay, waxaa isagii gaadaya kuwa ka badan afartan nin oo iyaga ka mid ah, kuwaasoo nidar galay inayan wax cunin, waxna cabbin ilaa ay isaga dilaan; haddana diyaar bay yihiin, iyagoo ballanqaad kaa filanaya.