Markos 16:18

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

abeesooyin ayay qaadi doonaan, oo hadday cabbaan wax lagu dhimanayo waxba ma yeeli doono, gacmo ayay kuwii buka dul saari doonaan, wayna bogsan doonaan.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Luuk 10:19 : 19 Bal ogaada, waxaan idin siiyey amar aad kula tumataan abeesooyin iyo dabaqalloocyo iyo xoogga oo dhan ee cadowga; innaba waxba idinma yeeli doono.
  • Yac 5:14-15 : 14 Mid bukaa ma idinku dhex jiraa? Ha u yeedho waayeellada kiniisadda, oo iyagu ha u duceeyeen, oo saliid ha ku mariyeen magaca Rabbiga. 15 Ducadii rumaysad lahu way bogsiin doontaa kii buka, oo Rabbigu waa sara kicin doonaa, oo hadduu dembaabay waa loo dembidhaafi doonaa.
  • Mark 5:23 : 23 oo aad buu u baryay oo ku yidhi, Gabadhaydii yarayd waa sakaraad. Waan ku baryayaa, kaalay oo gacmahaaga saar inay bogsato oo noolaato.
  • Fal 4:30 : 30 intii aad gacantaada u soo fidinaysid si aad ugu bogsiisid, si calaamooyin iyo yaabab ugu samaysmaan magaca Midiidinkaaga quduuska ah Ciise.
  • Fal 19:12 : 12 sidaas aawadeedna waxaa jidhkiisa kuwii bukay looga keenay marooyin yaryar ama macawiso, markaasaa cudurradii iyagii daayeen, jinniyadiina waa ka baxeen.
  • Fal 28:3-6 : 3 Laakiin Bawlos ayaa soo ururshay xaabo badan, oo wuxuu saaray dabka, kolkaasaa kulaylka daraaddiis waxaa soo baxay jilbis oo gacantiisuu ku dhegay. 4 Oo barbariyiintiina markay arkeen bahalkii gacantiisa ka laalaaday ayaa midkoodba wuxuu mid kale ku yidhi, Shakila'aan ninkanu waa nin dhiig qaba, waayo, in kastoo uu baddii nabdoonaan kaga baxsaday, haddana xaqnimadu uma oggolaan inuu sii noolaado. 5 Habase yeeshee bahalkii ayuu dabka iskaga tuuray, oo innaba waxyeello ma gaadhin isagii. 6 Laakiin iyagii waxay filanayeen inuu haddiiba bararo ama uu markiiba dhaco isagoo meyd ah; laakiin kolkii ay wakhti dheer dhawrayeen oo ay arkeen inaan waxyeello ku dhicin isagii, ayay fikirradoodii beddeleen, oo waxay isku yidhaahdeen, Isagu waa ilaah.
  • Fal 28:8-9 : 8 Oo waxay noqotay in Bobliyos aabbihiis jiifsaday isagoo qandho iyo dabadhiig qaba. Markaasaa Bawlos isagii u galay oo intuu u duceeyey ayuu gacmihiisii saaray oo wuu bogsiiyey isagii. 9 Oo markii waxaas la sameeyey dabadeed ayaa intii kale oo cudurro qabtay oo gasiiraddii joogtay oo dhammu wada yimaadeen, oo iyana waa la bogsiiyey;
  • Fal 9:17-18 : 17 ¶ Markaasaa Ananiyas tegey oo gurigii galay, oo intuu gacmihiisa dul saaray, ayuu wuxuu ku yidhi, Walaal Sawlosow, Rabbi Ciise oo kuugu muuqday jidkaad ku timid baa ii soo diray inaad araggaaga heshid iyo in Ruuxa Quduuska ahu kaa buuxsamo. 18 Oo markiiba waxaa indhihiisa ka soo dhacay wax xuubab u eg, wuuna helay araggiisii; markaasuu kacay oo waa la baabtiisay;
  • Fal 9:34 : 34 Markaasaa Butros wuxuu ku yidhi, Ayne'asow, Ciise Masiix baa ku bogsiinaya; kac oo sariirtaada gogol. Oo markiiba wuu kacay.
  • 2 Boq 4:39-41 : 39 Oo midba berrinka u baxay inuu khudaar soo guro aawadeed, oo wuxuu helay geed duureed, oo ubbodibadeedyona faraquu ka soo buuxsaday, oo intuu soo noqday ayuu dherigii maraqa ku googooyay, waayo, ma ay garanayn. 40 Sidaas daraaddeed raggii bay u soo gureen inay cunaan aawadeed. Oo intay maraqii cunayeen ayay qayliyeen, oo yidhaahdeen, War nin yahow Ilaah, dheriga geeri baa ku jirta! Maraqiina way cuni kari waayeen. 41 Laakiinse isagii wuxuu yidhi, War bal jidhiidh ii keena. Oo kolkay u keeneen ayuu dherigii ku dhex riday, oo wuxuu ku yidhi, War maraqa dadka u shub ha cuneene. Oo dherigiina waxba waxyeello laguma arag.
  • Sab 91:13 : 13 Libaaxa iyo jilbiska ayaad ku joogsan doontaa, Oo waxaad ku tuman doontaa aaran libaax iyo abeesada.
  • Fal 3:6-8 : 6 Laakiin Butros baa ku yidhi, Lacag iyo dahab midna ma haysto, laakiin waxaan haystaan ku siinayaa. Magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, ku soco. 7 Markaasuu intuu gacanta midigtaa ku dhegay ayuu sara kiciyey; oo markiiba cagihiisii iyo anqowyadiisiiba waa xoogaysteen. 8 Intuu kor u booday ayuu istaagay oo socod bilaabay; markaasuu iyaga macbudkii la galay, isagoo socda oo boodboodaya oo Ilaah ammaanaya.
  • Fal 3:12 : 12 ¶ Markuu Butros dadkii arkay ayuu u jawaabay oo ku yidhi, Niman yahow reer binu Israa'iil, Maxaad waxan ula yaabsan tihiin, ama maxaad sidaas noogu fiirinaysaan sidii annagoo xooggayaga ama cibaadadayada ku socodsiinnay isaga?
  • Fal 3:16 : 16 Magiciisa ayaa xoogsiiyey kan aad arkaysaan oo garanaysaan, rumaysadka uu magiciisa ku rumaystay aawadiis. Rumaysadka uu ku rumaystay isaga ayaa ninkan idinka oo dhan hortiinna ku siiyey caafimaadkan.
  • Fal 4:10 : 10 dhammaantiin ogaada, idinka iyo dadka reer binu Israa'iil oo dhammu, in magaca Ciise Masiix, kii reer Naasared, oo aad iskutallaabta ku qodobteen, oo Ilaah ka sara kiciyey kuwii dhintay, daraaddiis ninkanu isagoo bogsaday halkan hortiinna ah ku taagan yahay.
  • Fal 4:22 : 22 Waayo, ninkii calaamadan lagu bogsiiyey waa ka weynaa afartan sannadood.
  • Bil 3:15 : 15 oo colaad baan idin dhex dhigi doonaa adiga iyo naagta, iyo farcankaaga iyo farcankeeda; oo madaxaaguu burburin doonaa, adiguna cedhibtiisaad burburin doontaa.
  • Fal 5:15-16 : 15 xataa waxay noqotay inay kuwii bukay jidadka u soo saareen oo ku jiifiyeen sariiro iyo dermooyin si hooskiisu u dul maro qaarkood, markii Butros uu soo maro. 16 Oo waxaa kaloo ku soo ururay dad badan oo ka yimid magaalooyinkii Yeruusaalem ku wareegsanaa, iyagoo wada dad buka iyo kuwo jinniyo wasakh lahu derdereen; oo kulligood waa la wada bogsiiyey.
  • Fal 9:40-42 : 40 Laakiin Butros baa dhammaantood dibadda u saaray, markaasuu jilba joogsaday oo duceeyey, oo intuu meydka xaggiisa u jeestay ayuu ku yidhi, Tabitay, kac. Markaasay indhihii kala qaadday; oo markay Butros aragtayna way fadhiisatay. 41 Markaasuu gacan siiyey oo kiciyey; oo markuu u yeedhay quduusiintii iyo carmalladiiba, iyadoo nool ayuu hor taagay. 42 Taasna waa laga wada ogaaday Yaafaa oo dhan; kuwa badanna waa rumaysteen Rabbiga.
  • Room 16:20 : 20 Oo Ilaaha nabaddu Shayddaan buu haddiiba cagihiinna hoostooda ku burburin doonaa. Nimcada Rabbigeenna Ciise Masiix ha idinla jirto.
  • 1 Kor 12:9 : 9 Mid kale Ruuxu rumaysad buu siiyaa, mid kalena hadiyado wax lagu bogsiiyo ayuu isku Ruuxu siiya.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • 85%

    15Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Dunida oo dhan taga, oo uunka oo dhan injiilka ku wacdiya.

    16Kii rumaysta oo la baabtiiso waa badbaadi doonaa, laakiin kii aan rumaysanin waa la xukumi doonaa.

    17Calaamooyinkanna ayaa la socon doona kuwa rumaysta. Magacayga ayay jinniyo ku saari doonaan, afaf cuscusubna ayay ku hadli doonaan,

  • 19Bal ogaada, waxaan idin siiyey amar aad kula tumataan abeesooyin iyo dabaqalloocyo iyo xoogga oo dhan ee cadowga; innaba waxba idinma yeeli doono.

  • 15iyo inay u leeyihiin amar ay cudurro ku bogsiiyaan oo ay jinniyo ku saaraan.

  • Mark 6:12-13
    2 aayado
    71%

    12Markaasay baxeen oo waxay wacdiyeen dadkii si ay u toobadkeenaan.

    13Jinniyo badan ayay saareen, dad badan oo bukayna saliid bay mariyeen, wayna bogsiiyeen.

  • 1¶ Markaasuu wuxuu u yeedhay laba-iyo-tobankii xertiisa ahaa oo wuxuu siiyey amar ay jinniyo wasakh leh ku saaraan oo ay bugto walba iyo cudur walba ku bogsiiyaan.

  • 70%

    19¶ Haddaba Rabbi Ciise goortuu la hadlay dabadeed ayaa samada loo qaaday, wuxuuna fadhiistay Ilaah midigtiisa.

    20¶ Iyaguna way baxeen oo meel kasta oo ay tageen dadkii bay wacdiyeen, Rabbiguna waa la shaqaynayay iyaga, isagoo hadalka ku xaqiijinaya calaamooyinkii la socday. Aamiin.

  • 8Kuwa bukana bogsiiya, kuwii dhintayna sara kiciya, kuwa baraska lehna nadiifiya, jinniyadana saara, hadiyad ahaan baad ku hesheen ee hadiyad ahaanna ku siiya.

  • 18Oo kuwo jinniyo wasakh leh derdereenna waa la bogsiiyey.

  • Mat 8:15-17
    3 aayado
    69%

    15Markaasuu gacanteeda taabtay, qandhadiina waa ka baxday. Wayna kacday oo u adeegtay isaga.

    16Goortii makhribkii la gaadhay waxay u keeneen qaar badan oo jinniyo qaba. Eray ayuu jinniyadii ku saaray, kuwii bukay oo dhanna wuu bogsiiyey,

    17si ay u noqoto wixii nebi Isayos lagaga dhex hadlay isagoo leh, Isagaa qaatay bukaankeennii, cudurradeenniina wuu isku raray.

  • 16Wuxuu nuugi doonaa mariidka jilbisyada, Oo waxaa isaga dili doona mas carrabkiis.

  • Luuk 9:1-2
    2 aayado
    69%

    1¶ Laba-iyo-tobankii ayuu isugu yeedhay, wuxuuna siiyey xoog iyo amar ay jinniyada oo dhan ku saaraan oo ay cudurro ku bogsiiyaan.

    2Wuuna diray inay boqortooyadii Ilaah ku wacdiyaan dadka oo ay bogsiiyaan kuwa buka.

  • 12sidaas aawadeedna waxaa jidhkiisa kuwii bukay looga keenay marooyin yaryar ama macawiso, markaasaa cudurradii iyagii daayeen, jinniyadiina waa ka baxeen.

  • Tir 21:8-9
    2 aayado
    69%

    8Oo Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Abeeso samee, oo tiircalan kor saar, oo mid kasta oo la qaniinoba, markuu arko wuu noolaanayaa.

    9Oo Muuse baa abeeso naxaas ah sameeyey oo wuxuu kor saaray tiirkii calanka, oo haddii abeeso qof qaniinto oo qofku soo eego abeesadii naxaasta ahayd wuu noolaan jiray.

  • 17Markaasay gacmahooda saareen, oo waxay heleen Ruuxa Quduuska ah.

  • 15Ducadii rumaysad lahu way bogsiin doontaa kii buka, oo Rabbigu waa sara kicin doonaa, oo hadduu dembaabay waa loo dembidhaafi doonaa.

  • 40¶ Markii qorraxdu sii dhacaysay, dadkii oo dhan oo lahaa dad cudurro kala cayncayn ah qabay ayay isaga u keeneen; mid kastaba gacmihiisuu saaray oo bogsiiyey.

  • 30intii aad gacantaada u soo fidinaysid si aad ugu bogsiisid, si calaamooyin iyo yaabab ugu samaysmaan magaca Midiidinkaaga quduuska ah Ciise.

  • Muj 11:5-6
    2 aayado
    67%

    5Oo haddii nin damco inuu wax yeelo, dab baa afkooda ka soo bixi doona oo gubi doona cadaawayaashooda; oo haddii nin damco inuu wax yeelo, waa in saas loo dilo.

    6Kuwanu waxay leeyihiin amar ay samada ku xidhaan, si aan roob u di'in inta ay wax sii sheegayaan, oo waxay kaloo leeyihiin amar ay biyaha dhiig kaga dhigaan oo ay dhulkana ugu soo dejiyaan belaayo kasta mar alla markii ay doonayaan.

  • Luuk 10:8-9
    2 aayado
    67%

    8Magaalo alla magaaladaad gashaan oo laydinka soo dhoweeya, waxa laydin soo hor dhigo cuna.

    9Bogsiiya kuwa buka oo halkaas jooga, oo ku dhaha, Boqortooyada Ilaah waa idinku soo dhow dahay.

  • 56Meel alla meeshuu galayba, tuulooyinka ama magaalooyinka ama beeraha, waxay suuqyada dhigeen kuwa buka, oo ay ka baryeen inay faraqa maradiisa oo keliya taabtaan, oo kuwii taabtay oo dhammuna way bogsadeen.

  • 17Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal ogaada, Anigu waxaan dhexdiinna ku soo dayn doonaa abeesooyin iyo jilbisyo aan la sixri karin, oo iyana way idin qaniini doonaan.

  • 6Markaasay baxeen, oo tuulooyinka ayay dhex mareen, iyagoo injiilka ku wacdiyaya oo meel walbaba kuwa buka ku bogsiinaya.

  • 16¶ Waxaan idiin dirayaa sidii ido yeey ku dhex jira, sidaa darteed caqli u lahaada sida abeesooyin, oo u sir la'aada sida qoolleyo.

  • Fal 5:15-16
    2 aayado
    67%

    15xataa waxay noqotay inay kuwii bukay jidadka u soo saareen oo ku jiifiyeen sariiro iyo dermooyin si hooskiisu u dul maro qaarkood, markii Butros uu soo maro.

    16Oo waxaa kaloo ku soo ururay dad badan oo ka yimid magaalooyinkii Yeruusaalem ku wareegsanaa, iyagoo wada dad buka iyo kuwo jinniyo wasakh lahu derdereen; oo kulligood waa la wada bogsiiyey.

  • 6Markii Bawlos gacmaha dul saarayna ayaa Ruuxa Quduuska ahu ku soo degay iyagii; markaasay afaf kale ku hadleen oo ay wax sii sheegeen;

  • 5Habase yeeshee bahalkii ayuu dabka iskaga tuuray, oo innaba waxyeello ma gaadhin isagii.

  • 3Laakiin Bawlos ayaa soo ururshay xaabo badan, oo wuxuu saaray dabka, kolkaasaa kulaylka daraaddiis waxaa soo baxay jilbis oo gacantiisuu ku dhegay.

  • 3Haddaba wakhti dheer ayay halkaas joogeen iyagoo geesinimo ugu hadlaya Rabbiga, kaasoo markhaati u furay ereyga nimcadiisa, wuxuuna siiyey inay calaamooyin iyo yaabab gacmahooda ku sameeyaan.

  • 19Waayo, fardaha xooggoodu wuxuu ku jiray afkooda iyo dabadooda, waayo, dabadoodu waxay u ekayd abeesooyin, oo waxay lahaayeen madaxyo, oo kuwaasay dadka wax ku yeeli jireen.

  • 8Oo caanonuuggu wuxuu ku dul cayaari doonaa godka jilbiska, ilmaha naaska laga gudhiyeyna wuxuu gacantiisa saari doonaa hogga abeesada.

  • 14waayo, waxay ahaayeen ruuxyo jinniyo oo calaamooyin samaynaya, kuwaas oo u taga boqorrada dunida oo dhan inay u soo ururiyaan dagaalka maalinta weyn oo Ilaaha Qaadirka ah.

  • 19isagoo leh, Anigana i siiya xooggan in nin kastoo aan gacmahayga saaroba, uu helo Ruuxa Quduuska ah.

  • 39Waxay ku yidhaahdeen, Waannu karaynaa. Markaasaa Ciise ku yidhi, Koobka aan ka cabbayo waad ka cabbi doontaan, oo baabtiiska laygu baabtiisay waa laydinku baabtiisi doonaa,

  • 12Oo iyaguna gacmahooday sare kuugu qaban doonaan Inaanay cagtaadu dhagax ku dhicin.

  • 14Sidii Muuse abeesadii kor ugu qaaday cidlada, sidaasoo kale Wiilka Aadanaha waa in kor loo qaado,

  • 5Oo haddana waxaa lagu amray inaanay dadka dilin, laakiinse inay intii shan bilood ah xanuujiyaan, oo xanuunkooduna wuxuu ahaa sida xanuunka hangarallahu markuu nin qaniino.

  • 31Markaasuu u soo dhowaaday oo gacanteeda qabtay oo uu kiciyey. Kolkiiba qandhadii waa ka baxday oo ay u adeegtay iyaga.

  • 7Markaasaa Ciise u yimid oo taabtay oo ku yidhi, Kaca, hana baqina.

  • 5Kuwii indhaha la'aa wax bay arkaan, kuwii lugahala'aana way socdaan, kuwii baraska qabayna waa la nadiifiyey, kuwii dhegahala'aana wax bay maqlaan, kuwii dhintayna waa la kiciyey, masaakiintana injiilka waa lagu wacdiyaa,