11Waayo, Caamoos wuxuu leeyahay, Yaaraabcaam seef buu ku dhimanayaa, oo dadka Israa'iilna sida xaqiiqada ah maxaabiis ahaan waa looga kaxaysanayaa dalkooda.
12Oo weliba Amasyaah wuxuu Caamoos ku yidhi, War wax arke yahow, tag, oo dalka Yahuudah u carar, oo halkaas wax ka cun, oo halkaas wax ku sii sheeg.
13Laakiinse mar dambe Beytel waxba ha ku sii sheegin, waayo, waa boqorka meeshiisii quduuska ahayd oo waa daar boqoreed.
14Markaasaa Caamoos jawaabay oo wuxuu Amasyaah ku yidhi, Anigu nebi ma aan ahayn, nebi wiilkiisna ma aan ahayn, laakiinse waxaan jiray adhijir iyo mid midhaha darayga urursada,
15oo Rabbigu waa ii soo yeedhay anigoo adhi jiraya, markaasuu Rabbigu igu yidhi, Tag, oo dadkayga Israa'iil wax u sii sheeg.
16Haddaba bal maqal erayga Rabbiga. Adigu waxaad leedahay, Wax dadka Israa'iil ka gees ah ha sii sheegin, oo wax reer Isxaaq ka gees ahna ha ku hadlin.