Aamos 8:3

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintaas gabayada macbudku waxay ahaan doonaan baroor, oo waxaa jiri doona meydad badan, oo meel kasta aamusnaan baa loogu tuuri doonaa.

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Aam 5:23 : 23 Iga fogeeya qaylada gabayadiinna, waayo, anigu dhegaysan maayo luuqda shareeradihiinna.
  • Aam 6:9-9 : 9 Oo haddii toban nin guri keliya ku hadho way dhiman doonaan. 10 Oo markii nin adeerkiis oo ah kan isaga gubi doona uu kor u qaado inuu lafaha guriga ka soo bixiyo, oo uu ku yidhaahdo kan guriga gudihiisa shishe ku jira, War weli ma qaar baa kula jooga? Oo isna uu yidhaahdo, Maya, markaasuu ku odhan doonaa, War naga aamus, waayo, waa inaannan magaca Rabbiga soo qaadin.
  • Aam 8:10 : 10 Iidihiinnana waan u beddeli doonaa tacsi, oo gabayadiinna oo dhanna baroorasho baan u beddeli doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa in qof kasta joonyad xidho oo madax kastana la xiiro, oo waxaan ka dhigi doonaa sidii baroorasho wiil madi ah loogu baroorto, oo dhammaadkeedana sidii maalin qadhaadh.
  • Yer 9:21-22 : 21 Waayo, geeri baa daaqadahayaga nooga soo dustay, oo waxay soo gashay daarahayaga inay carruurta dibadda ka baabbi'iso, oo ay barbaarradana jidadka ka baabbi'iso. 22 Waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka meydkiisu wuxuu u soo daadan doonaa sida digo berrin bannaan taal oo kale iyo sida gacan muggeed oo ka hadhay nin beer soo goostay, oo ciduna sooma ururin doonto.
  • Yer 22:18 : 18 Sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu ka leeyahay Yehooyaaqiim ina Yoosiyaah oo ah boqorka dalka Yahuudah, Isaga looma barooran doono, iyagoo leh, Hoogay walaalkayow, amase Hoogay walaashayay! Oo isaga looma barooran doono iyagoo leh, Hoogay sayidow, amase Hoogay isagu sharaf badnaaye!
  • Hos 10:5-6 : 5 Dadka dalka Samaariya degganu aad bay u cabsan doonaan sanamyada weylaha ah ee Beytaawen aawadood, waayo, dadkiisa iyo weliba wadaaddadii ku rayrayn jiray way u barooran doonaan sanamka, waana sharaftiisii aawadeed, maxaa yeelay, way ka tagtay. 6 Oo weliba sanamkii waxaa loo qaadi doonaa dalka Ashuur inuu Boqor Yaareeb gabbaro u noqdo aawadeed. Reer Efrayim wuxuu heli doonaa ceeb, oo dadka Israa'iilna waxay ka ceeboobi doonaan taladooda.
  • Yoel 1:5 : 5 Kuwiinna sakhraamiinta ahow, toosa, oo ooya, kuwiinna khamriga cabta oo dhammow, khamrigii macaanaa aawadiis u baroorta, waayo, waa idinka go'ay.
  • Yoel 1:11 : 11 Kuwiinna beerreyda ahow, isku naxa, oo kuwiinna beeraha canabka ah ka shaqeeyow, u ooya sarreenka iyo shiciirka aawadood, waayo, beerta midhaheedii way baabbe'een.
  • Yoel 1:13 : 13 ¶ Kuwiinna wadaaddada ahow, joonyado guntada oo ooya, oo kuwiinna meesha allabariga ka adeegow, baroorta. Ilaahayga midiidinnadiisow, kaalaya oo habeenka oo dhan joonyado ku jiifa, waayo, qurbaankii hadhuudhka iyo qurbaankii cabniinkaba waa laga joojiyey gurigii Ilaahiinna.
  • Aam 4:10 : 10 Waxaan idinku soo dhex daayay cudur belaayo sidaan Masar ugu soo daayay oo kale. Barbaarradiinnii seef waan ku laayay, oo fardihiinniina waan wada kaxaystay, oo waxaan ka dhigay in qudhunkii xeradiinnu uu xataa soo gaadho sankiinna dulalkiisa, laakiinse iima aydaan soo noqon ayaa Rabbigu leeyahay.
  • Aam 5:16 : 16 Haddaba Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Sayidku wuxuu leeyahay, Dariiqyada oo dhan waxaa ka yeedhi doonta baroor, oo jidadka oo dhan waxaa laga odhan doonaa, Hoogay! Hoogay! Oo ninka beerreyda ah waxaa loogu yeedhi doonaa tacsi, oo kuwa baroorta aad u yaqaanna waxaa loogu yeedhi doonaa baroorasho.
  • Nax 3:3 : 3 iyo fardooley hor u socda, iyo seef dhalaalaysa, iyo waran birbirqaya, iyo dad badan oo la laayay, iyo bakhti faro badan oo iskor tuulsan, oo meydadkuna innaba dhammaad ma leh, oo waa lagu turunturoodaan meydadkooda,
  • Sak 11:1-3 : 1 ¶ Lubnaanay, albaabbadaada fur in dab baabbi'iyo geedahaaga kedarka ah. 2 Geed beroosh ahow, ooya, waayo, geedkii kedarka ahaa waa dhacay, maxaa yeelay, kuwii qurqurxoonaa waa la kharribay. Kuwiinna geedaha alloonka ah oo Baashaan yahow, ooya, waayo, kayntii adkayd waa dhacday. 3 Waxaa yeedhaya codkii baroortii adhijirrada! Waayo, sharaftoodii waa la kharribay! Waxaa yeedhaya codkii cida aaran libaaxyada! Waayo, kibirkii Urdun waa la kharribay.
  • Laaw 10:3 : 3 Markaasaa Muuse Haaruun ku yidhi, Tanu waa wixii Rabbigu ka hadlay, oo uu yidhi, Aniga waa in quduus laygaga dhex dhigaa kuwa ii soo dhowaada, oo waa in laygu ammaanaa dadka oo dhan hortiisa. Oo Haaruunna wuu iska aamusay.
  • Sab 39:9 : 9 Anigu waan carrab la'aa, oo afkaygana ma aan kala qaadin, Maxaa yeelay, sidaasaad yeeshay.
  • Ish 37:36 : 36 ¶ Markaasaa malaa'igtii Rabbigu baxday oo waxay xeradii reer Ashuur ka laysay boqol iyo shan iyo siddeetan kun oo nin, oo aroor hore markii la toosay waxay wada ahaayeen meyd.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Aam 8:8-11
    4 aayado
    75%

    8Tan daraaddeed miyaan dhulku la gariiri doonin, oo mid kasta oo degganuna miyuusan barooran doonin? Haah, oo dhammaantiis wuxuu u kici doonaa sida Webiga, oo wuu rogrogman doonaa, dabadeedna wuxuu u degi doonaa sida Webiga Masar.

    9Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Maalintaas waxaan ka dhigi doonaa in qorraxdu hadhkii dhacdo, oo dhulkana maalin cad baan gudcur ka dhigi doonaa.

    10Iidihiinnana waan u beddeli doonaa tacsi, oo gabayadiinna oo dhanna baroorasho baan u beddeli doonaa, oo waxaan ka dhigi doonaa in qof kasta joonyad xidho oo madax kastana la xiiro, oo waxaan ka dhigi doonaa sidii baroorasho wiil madi ah loogu baroorto, oo dhammaadkeedana sidii maalin qadhaadh.

    11Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Bal eega, waxaa iman doona wakhti aan dalka abaar u soo diri doono, mana ahaan doonto abaar cunto la waayo ama biyo loo oomo, laakiinse waxay ahaan doontaa abaar la waayayo erayada Rabbiga.

  • Aam 5:16-17
    2 aayado
    74%

    16Haddaba Rabbiga ah Ilaaha ciidammada oo ah Sayidku wuxuu leeyahay, Dariiqyada oo dhan waxaa ka yeedhi doonta baroor, oo jidadka oo dhan waxaa laga odhan doonaa, Hoogay! Hoogay! Oo ninka beerreyda ah waxaa loogu yeedhi doonaa tacsi, oo kuwa baroorta aad u yaqaanna waxaa loogu yeedhi doonaa baroorasho.

    17Oo beercanabyada oo dhanna waxaa jiri doonta baroorasho, waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Anigu waan idin dhex mari doonaa.

  • 33Waayo, dadkan meydkoodu wuxuu cunto u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka, oo ciduna kama ay eryi doonto.

  • 8¶ Haddaba taas daraaddeed ayaan u ooyi doonaa oo u barooran doonaa, oo anoo cago cad oo qaawan ayaan wareegi doonaa, oo waxaan u dhawaaqi doonaa sida dawacooyinku u ciyaan oo kale, oo waxaan u qaylin doonaa sida goroyadu u cido oo kale.

  • Yer 25:33-34
    2 aayado
    73%

    33Oo kuwa Rabbigu laaya waxay maalintaas oolli doonaan dhulka darafkiisan iyo darafkiisa kale inta ka dhex leh. Oo iyaga looma barooran doono, lamana soo ururin doono, lamana xabaali doono, oo waxay noqon doonaan sida digo dhulka ku kor daadsan.

    34Adhijirradow, ooya oo qayliya; kuwa adhiga madaxda u ahow, dambas ku galgasha, waayo, wakhtigii laydin gowraci lahaa waa yimid. Waan idin burburin doonaa, oo waxaad u dhici doontaan sida weel wanaagsan oo kale.

  • Saf 1:10-11
    2 aayado
    72%

    10¶ Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Isla maalintaas qaylo dhawaaqeed ayaa ka yeedhi doona Iridda Kalluunka, oo magaalada inteeda labaadna waxaa ka yeedhi doonta baroor, kurahana waxaa ka yeedhi doona daryaan weyn.

    11Kuwiinna Makteesh degganow, qayliya, waayo, dadkii reer Kancaan oo dhammu waa dhammaaday, oo kuwii lacagta ku rarnaa oo dhammu waa baabba'.

  • 13Oo waxaan joojin doonaa qaylada heesahaaga, oo kataaradahaaga sanqadhoodana mar dambe lama maqli doono.

  • Yer 8:1-3
    3 aayado
    72%

    1¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Wakhtigaas waxaa qabriyadoodii laga soo bixin doonaa lafihii boqorrada dalka Yahuudah, iyo lafihii amiirradiisa, iyo lafihii wadaaddada, iyo lafihii nebiyada, iyo lafihii dadkii Yeruusaalem degganaaba.

    2Oo waxaa lagu kala bixin doonaa dhulka hoos yaal qorraxda, iyo dayaxa, iyo ciidanka samada oo dhan, kuwaasoo ay jeclaan jireen, oo ay u adeegi jireen, oo ay daba socon jireen, oo ay doondooni jireen, oo ay caabudi jireen. Lama soo ururin doono, lamana aasi doono, oo sida digo oo kale ayay dhulka saarnaan doonaan.

    3Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa qoladan sharka ah ka hadhi doona oo dhammu waxay nolosha ka dooran doonaan dhimasho, waana kuwa ku hadhi doona meelaha aan u kexeeyey oo dhan.

  • 2¶ Oo isagu wuxuu yidhi, Rabbigu Buur Siyoon buu ka qaylin doonaa, oo codkiisuu Yeruusaalem kaga hadli doonaa, kolkaasay daaqsiimaha adhijirradu barooran doonaan, oo Buur Karmel dhaladeeduna way engegi doontaa.

  • 22Waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Dadka meydkiisu wuxuu u soo daadan doonaa sida digo berrin bannaan taal oo kale iyo sida gacan muggeed oo ka hadhay nin beer soo goostay, oo ciduna sooma ururin doonto.

  • 4Waxay u dhiman doonaan dhimasho xun, oo looma barooran doono, lamana xabaali doono, laakiinse sidii digo dhulka daadsan oo kale ayay noqon doonaan, oo waxay ku baabbi'i doonaan seef iyo abaar, oo baqtigooduna cunto buu u noqon doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulkaba.

  • 3Jidadkooda waxaa lagu guntadaa dhar joonyad ah, oo guryahooda dushooda iyo jidadkooda ayaa mid kastaaba ka baroortaa isagoo aad u ooyaya.

  • 3Oo sidaas daraaddeed ayaa dalku u barooran doonaa, oo mid kastoo dhexdiisa degganuba waa macaluuli doonaa, oo xayawaanka duurka iyo haadda samada, iyo xataa kalluunka badduna way wada baabbi'i doonaan.

  • 12Oo Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu maalintaas dadka ugu yeedhay oohin, iyo madax-xiirnaan, iyo dhar joonyad ah guntashadiisa.

  • 16Oo dadka ay wax u sii sheegaanna waxaa lagu tuuri doonaa jidadka Yeruusaalem, waana abaar iyo seef daraaddood, oo ciduna ma ay xabaali doonto iyaga, iyo naagahooda, iyo wiilashooda, iyo gabdhahoodaba, waayo, waxaan iyaga ku soo dejin doonaa xumaantoodii oo dhan.

  • Yex 6:4-5
    2 aayado
    71%

    4Meelihiinna allabariguna cidla bay wada noqon doonaan, oo sanamyadiinna qorraxdana waa la wada burburin doonaa, oo raggiinna la laayayna sanamyadiinna waan ku soo hor tuuri doonaa.

    5Oo meydadka reer binu Israa'iil waxaan hor dhigi doonaa sanamyadooda, oo lafihiinnana waxaan ku kala firdhin doonaa meelihiinna allabariga hareerahooda.

  • 17¶ Dadka waxaan ku soo dejin doonaa cidhiidhi inay u socdaan sidii dad indha la', maxaa yeelay, Rabbigay ku dembaabeen, oo dhiiggoodu wuxuu u daadan doonaa sida boodh oo kale, hilibkooduna sida digo oo kale.

  • 4Bal maqla, kuwiinna saboolka baahan liqow, oo xataa masaakiinta dalka baabbi'iyow,

  • 2Oo wuxuu igu yidhi, Caamoosow, maxaad aragtaa? Oo anna waxaan idhi, Waxaan arkaa dambiil midho bisilu ka buuxaan. Markaasaa Rabbigu wuxuu igu yidhi, Dadkayga Israa'iil dhammaadkoodii baa yimid, oo anigu mar dambe iyaga iska dhaafi maayo.

  • 30Sidaas daraaddeed barbaarradeedu waxay ku dhex dhici doonaan jidadkeeda, oo raggeeda dagaalka oo dhanna maalintaasaa la wada baabbi'in doonaa, ayaa Rabbigu leeyahay.

  • 15Waxaa hoogtay maalintaas! Waayo, maalintii Rabbigu way soo dhow dahay, oo waxay u imanaysaa sida halligaad ka timid xagga Ilaaha Qaadirka ah.

  • 8Oo buurihiisana waxaan ka buuxin doonaa raggiisa la laayay, oo kurahaaga, iyo dooxooyinkaaga, iyo webiyaashaadaba waxaa ku dhici doona kuwa seefta lagu laayay.

  • 30Oo maalintaas waxay iyaga ugu gurxami doonaan sida gurxanka badda; oo haddii dalka la eegana waxaa ka muuqda gudcur iyo cidhiidhi, oo iftiinkuna waa ku dhex madoobaaday daruurihii.

  • 9Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, oo aan anigu dhegahayga ku maqlay, Sida runta ah guryo badan baa cidloobi doona, oo xataa kuwa waaweyn oo quruxda badanina waxay ahaan doonaan cidla aan qofna degganayn.

  • 9¶ Warkan ka dhex naadiya daaraha waaweyn ee Ashdood ku yaal iyo daaraha waaweyn ee dalka Masar ku dhex yaalba, oo waxaad tidhaahdaan, War waxaad ku soo shirtaan buuraha Samaariya korkooda, oo bal eega buuqa weyn oo halkaas ku jira, iyo dulmiga ku dhex jira.

  • 7Sayidku wuu xooray meeshiisii allabariga, oo meeshiisii quduuska ahaydna wuu karhay, Derbiyadii daaraheeda waaweynna gacanta cadowga buu u geliyey. Oo gurigii Rabbigana way ku dhex qayliyeen sidii maalin iid ah.

  • Yer 19:7-8
    2 aayado
    70%

    7Oo waxaan meeshan ka tirtiri doonaa talada dadka Yahuudah iyo dadka Yeruusaalemba, oo waxaan ka dhigi doonaa inay cadaawayaashooda hortooda ku la'daan oo ay ku dhintaan gacanta kuwa naftooda doondoonaya, oo bakhtigoodana waxaan cunto ahaan u siin doonaa haadka samada iyo dugaagga dhulka.

    8Oo magaaladanna waxaan ka dhigi doonaa cidla laga yaabo iyo wax lagu foodhyo, oo mid kasta oo ag maraaba wuu ka yaabi doonaa oo ku foodhyi doonaa belaayooyinkeeda oo dhan aawadood.

  • 6Oo kuwa waaweyn iyo kuwa yaryaruba dalkanay ku dhex dhiman doonaan. Lama xabaali doono, loomana barooran doono, laysumana googooyn doono, oo iyaga aawadoodna laysuma xiiri doono.

  • 26Oo Siyoon irdaheeduna way ooyi doonaan oo ay barooran doonaan, oo iyadoo cidla ah ayay dhulka fadhiisan doontaa.

  • 28Oo dalka cidla iyo yaab baan ka dhigi doonaa, oo kibirka xooggiisuna wuu dhammaan doonaa, oo buuraha reer binu Israa'iilna cidla bay noqon doonaan, si aan ciduna u dhex marin.

  • 2Wiilka Aadamow, wax sii sheeg, oo waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Hoogga maalinta u baroorta!

  • 10¶ Waxaan oohin iyo baroor kor ugu qaadi doonaa buuraha aawadood, oo daaqsimaha cidladana waan u barooran doonaa, maxaa yeelay, way gubteen si aan ciduna u dhex marin. Oo ninna codkii lo'da kama maqli karo, haaddii samada iyo dugaaggiiba way carareen oo way tageen.

  • 7Oo kuwa la laayayna dhexdiinnay ku soo daadan doonaan, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.

  • 12Haddaba sidaas daraaddeed idinka aawadiin Siyoon waxaa loo jeexi doonaa sida beer oo kale, oo Yeruusaalemna waxay noqon doontaa taallooyin burbur ah, oo buurta guriguna waxay noqon doontaa sida meelaha sare ee kaynta ku yaal oo kale.

  • 15Oo Rabbigu wuxuu leeyahay, Waan dumin doonaa guryaha gabowga iyo guryaha kulaylkaba, oo guryaha foolmaroodiga ahuna way wada baabbi'i doonaan, oo daaraha waaweynuna way wada dhammaan doonaan.

  • 9Oo meelaha sare ee reer Isxaaq cidla way noqon doonaan, oo meelaha quduuska ah ee dalka Israa'iilna way baabbi'i doonaan, oo anna reerka Yaaraabcaam seef baan kula kici doonaa.

  • 14¶ Maalintii weynayd oo Rabbigu way soo dhow dahay, way soo dhow dahay, oo aad bay u soo degdegaysaa. Dhawaaqi maalinta Rabbigu mar dhow buu yeedhi doonaa, dadka xoogga badanuna halkaasay si qadhaadh ah uga qaylin doonaan.

  • 3Waxaa yeedhaya codkii baroortii adhijirrada! Waayo, sharaftoodii waa la kharribay! Waxaa yeedhaya codkii cida aaran libaaxyada! Waayo, kibirkii Urdun waa la kharribay.

  • 6Baroorta, waayo, maalintii Rabbigu way dhow dahay, oo waxay u iman doontaa sida baabbi'in xagga Ilaaha Qaadirka ah ka timid.

  • 27Boqorku wuu barooran doonaa, oo amiirkuna cabsi buu huwan doonaa, oo dadka dalka deggan gacmahooduna way gariiri doonaan, oo anigu siday jidadkoodu ahaayeen ayaan ku samayn doonaa, oo siday galabsadaanna waan u xukumi doonaa, oo waxay ogaan doonaan inaan anigu Rabbiga ahay.