Aamos 8:6

Kitaabka Quduuska Ah Adan Jim'ale

si aannu masaakiinta lacag ugu iibsanno oo aannu saboolka baahanna laba kabood u siisanno, oo aannu sarreenka xaabkiisa u iibinno?

Ilo Dheeraad ah

Aayadaha Loo Tixraacay

  • Aam 2:6 : 6 ¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay dadka Israa'iil sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, kii xaqa ahaa lacag bay ku iibiyeen, oo kii baahnaana waxay ku iibiyeen laba kabood.
  • Aam 8:4 : 4 Bal maqla, kuwiinna saboolka baahan liqow, oo xataa masaakiinta dalka baabbi'iyow,
  • Laaw 25:39-42 : 39 ¶ Oo haddii walaalkaa miskiin noqdo isagoo kula jooga oo uu iska kaa iibiyo, waa inaadan isaga ka dhigin inuu kuugu adeego sidii addoon oo kale, 40 laakiinse waa inuu kuula joogaa sidii midiidin la kiraysto iyo sidii mid socoto ah, oo waa inuu kuu adeegaa tan iyo sannadda yubilii ah, 41 oo dabadeedna ha kaa tago, isaga iyo carruurtiisaba, oo ha ku noqdo reerkiisii iyo hantidii awowayaashiis. 42 Waayo, iyagu waa addoommadaydii aan dalkii Masar ka soo bixiyey, oo waa inaan loo iibin sidii addoommo.
  • Nex 5:1-5 : 1 ¶ Markaasaa waxaa dadkii iyo afooyinkooda ka kacay qaylo weyn oo ay kaga cabanayeen walaalahooda Yuhuudda ah. 2 Oo waxaa jiray dad yidhi, Annaga iyo wiilashayada iyo gabdhahayagu waannu badan nahay, haddaba aan hadhuudh helno si aannu u cunno oo ugu noolaanno. 3 Oo weliba waxaa kaloo jiray qaar yidhi, Annagu waxaannu rahaamad u dhiibaynaa beerahayaga iyo beerahayaga canabka ah iyo guryahayaga, si aannu u helno hadhuudh abaarta aawadeed. 4 Oo waxaa kaloo jiray kuwo yidhi, Gabbaradii uu boqorku ka doonayay beerahayagii iyo beerahayagii canabka ahaa ayaannu lacag u amaahannay. 5 Haddaba jiidhkayagu waa sida jiidhka walaalahayo, oo carruurtayaduna waa sida carruurtooda oo kale, oo bal eeg, wiilashayadii iyo gabdhahayagii ayaannu u bixinaynaa inay addoommo noqdaan, oo gabdhahayagii qaarkood mar horaa la addoonsaday; oo annana ma lihin itaal aan wax kaga tarno, waayo, dad kalaa wada haysta beerahayagii iyo beerahayagii canabka ahaa oo dhan.
  • Nex 5:8 : 8 Oo waxaan ku idhi, Innagu walaalaheennii Yuhuudda ahaa oo quruumaha laga iibiyey, waan soo furannay intii aan awoodnay oo dhan, haddaba idinku ma waxaad doonaysaan inaad walaalihiin iibisaan? Oo ma annagaa nalaga iibinayaa? Markaasay shib iska yidhaahdeen oo eray ay ku hadlaan way garan waayeen.
  • Yoel 3:3 : 3 Oo iyagu dadkaygii way u saami riteen, oo wiil bay dhillo kiro u siiyeen, oo gabadhna waxay ku iibiyeen khamri ay cabbaan.
  • Yoel 3:6 : 6 oo weliba dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalemna waxaad ka iibiseen dadka Gariigta ah, si aad iyaga dalkooda uga fogaysaan aawadeed.

Aayado La mid ah (AI)

Aayadahaan waxa la helaa iyadoo la adeegsanayo AI oo ku salaysan isku-ekaan macnawi ah iyo macnaha guud. Mararka qaarkood natiijooyinka waxay keeni karaan isku-xirnaansho aan la filayn.

  • Aam 8:4-5
    2 aayado
    85%

    4Bal maqla, kuwiinna saboolka baahan liqow, oo xataa masaakiinta dalka baabbi'iyow,

    5oo leh, Goormuu dayaxa cusubu dhammaan doonaa aan hadhuudhka iibinnee? Sabtiduse goormay na dhaafaysaa aannu sarreenka soo saarnee, idinkoo miisaanka eefaah yaraynaya, oo miisaanka sheqelkana weynaynaya, kafadahana khiyaano ku beenaynaya,

  • Aam 2:6-7
    2 aayado
    76%

    6¶ Rabbigu wuxuu leeyahay, Saddex iyo weliba afar xadgudub oo ay dadka Israa'iil sameeyeen aawadood ayaanan ciqaabtooda uga noqonaynin, maxaa yeelay, kii xaqa ahaa lacag bay ku iibiyeen, oo kii baahnaana waxay ku iibiyeen laba kabood.

    7Aad bay u damacsan yihiin inay arkaan boodhka dhulka ee kor saaran madaxa masaakiinta, wayna qalloociyaan jidka kuwa camalka qabow. Oo nin iyo aabbihiisba waxay u wada galaan isku gabadh, oo sidaasay magacayga quduuska ah ku nijaaseeyaan.

  • 2inay kuwa baahan garta ka qalloociyaan oo ay masaakiinta dadkaygana xaqooda ka qaadaan, oo ay carmallada ka dhigaan waxa ay dhacaan agoontana waxa ay ugaadhsadaan.

  • Ish 3:14-15
    2 aayado
    72%

    14Rabbigu wuxuu dacwad la geli doonaa odayaasha iyo amiirrada dadkiisa. Waa idinka kuwa dhammaystay beercanabka, wixii aad masaakiinta ka soo dhacdeenna guryihiinnay ku dhex jiraan.

    15Sayidka ah Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, War maxaad ula jeeddaan dadkayga aad burburinaysaan iyo masaakiinta aad wejigooda duqaynaysaan?

  • 16Markaasaa dadkii baxay oo waxay dhaceen xeradii reer Suuriya. Haddaba koombo bur ah waxaa lagu iibiyey sheqel, laba koombo oo shaciir ahna waxaa lagu iibiyey sheqel, oo waxay noqotay sidii erayga Rabbigu ahaa.

  • 11Miskiinka baad ku tumataan, oo waxaad ka qaadataan sarreen badan, sidaas daraaddeed guryihii aad dhagax la qoray ka dhisateen kuma hoyan doontaan, oo beercanabyadii wanwanaagsanaa ee aad beerateenna khamrigooda kama cabbi doontaan.

  • 4Biyahayagii lacag baannu ku cabnay, Oo qoryahayagiina waa nalaga iibiyey.

  • 12Dadkaaga qiimola'aan baad ku iibisaa, Oo maalkaagana kuma aad kordhin qiimahoodii.

  • 8Oo waxaan ku idhi, Innagu walaalaheennii Yuhuudda ahaa oo quruumaha laga iibiyey, waan soo furannay intii aan awoodnay oo dhan, haddaba idinku ma waxaad doonaysaan inaad walaalihiin iibisaan? Oo ma annagaa nalaga iibinayaa? Markaasay shib iska yidhaahdeen oo eray ay ku hadlaan way garan waayeen.

  • 8oo wiilashiinna iyo gabdhihiinnaba waxaan ka iibin doonaa dadka Yahuudah, oo waxay ka sii iibin doonaan dadka reer Shebaa oo ah quruun aad u fog, waayo, Rabbiga ayaa saas ku hadlay.

  • Nex 5:2-3
    2 aayado
    71%

    2Oo waxaa jiray dad yidhi, Annaga iyo wiilashayada iyo gabdhahayagu waannu badan nahay, haddaba aan hadhuudh helno si aannu u cunno oo ugu noolaanno.

    3Oo weliba waxaa kaloo jiray qaar yidhi, Annagu waxaannu rahaamad u dhiibaynaa beerahayaga iyo beerahayaga canabka ah iyo guryahayaga, si aannu u helno hadhuudh abaarta aawadeed.

  • 6Wax aad cuntaan lacag kaga iibsada, oo weliba biyo aad cabtaanna lacag kaga iibsada.

  • 6Oo cagahaa ku tuman doona, waana cagaha masaakiinta iyo tallaabooyinka saboolka baahan.

  • 19Waxaad dadkaygii iigu dhex nijaasayseen cantoobooyin shaciir ah iyo dhawr xabbadood oo kibis ah daraaddood, si aad nafaha aan dhiman lahayn u dishaan, oo aad nafaha aan sii noolaan lahayn badbaadisaan, idinkoo dadkayga beenta dhegaysta been u sheegaya.

  • 10Sidaas daraaddeed waxay warwareegaan iyagoo qaawan oo aan dhar qabin, Oo iyagoo gaajaysan ayay xidhmooyinka sidaan.

  • 5Kuwii hantidooda lahaa way gowracaan, oo isumana ay haystaan inay eed leeyihiin, oo kuwa iyaga soo iibiyaana mid kastaaba wuxuu leeyahay, Mahad waxaa leh Rabbiga, waayo, taajir baan noqday, oo adhijirradooduna uma ay naxaan iyaga.

  • Miik 6:10-11
    2 aayado
    70%

    10Guriga sharowga weli miyey yaalliin khasnadihii sharnimadu iyo weliba qiyaastii dhimanayd oo karaahiyada ahayd?

    11Miyaan daahir ahaanayaa anoo haysta kafado xun iyo kolay miisaanno khiyaano miidhan ah?

  • 1¶ Eraygan maqla, kuwiinnan ah sacaha Baashaan oo buurta Samaariya jooga, oo masaakiinta dulma, oo kuwa baahan cadaadiya, oo sayidyadooda ku yidhaahda, Wax noo keena, oo kaalaya aan cabnee.

  • Yoel 3:3-6
    4 aayado
    70%

    3Oo iyagu dadkaygii way u saami riteen, oo wiil bay dhillo kiro u siiyeen, oo gabadhna waxay ku iibiyeen khamri ay cabbaan.

    4Haddaba Turos, iyo Siidoon, iyo kulli gobollada Falastiin oo dhammow, bal maxaad iga doonaysaan? Ma abaalgud baad ii siinaysaan? Oo haddaad ii abaalguddaan, intaan dhaqsado ayaan degdeg abaalgudkiinna madaxiinna ugu soo celin doonaa.

    5Waxaad qaadateen lacagtaydii iyo dahabkaygii, oo alaabtaydii wanaagsanayd oo qurxoonaydna waxaad geliseen macbudyadiinna,

    6oo weliba dadka Yahuudah iyo reer Yeruusaalemna waxaad ka iibiseen dadka Gariigta ah, si aad iyaga dalkooda uga fogaysaan aawadeed.

  • 6Wax badan baad beerateen, laakiinse in yar baad soo gurateen, wax baad cuntaan, laakiinse innaba kama dheregtaan, wax baad cabtaan, laakiinse innaba kama wabaxdaan, dhar baad xidhataan, laakiinse innaba ma diirsataan, oo kii mushahaaro soo qaataana wuxuu mushahaarada u soo qaata inuu kiish daloolan ku rito.

  • 7Sow ma aha inaad kibistaada ka gaajaysan u gooysid, oo aad masaakiinta aan hoy lahayn gurigaaga soo gelisid, oo markaad aragtid mid qaawan aad wax huwisid, oo aadan xigtadaada aad isku jiidhka tihiin ka dhuuman?

  • 1¶ Markaasaa Eliishaa yidhi, War maqla erayga Rabbiga. Rabbigu wuxuu leeyahay, Berrito hadda oo kale Samaariya iriddeeda koombo bur ah waxaa lagaga iibin doonaa sheqel, oo laba koombo oo shaciir ahna waxaa lagaga iibin doonaa sheqel.

  • 6Oo waxaan afartii xayawaan badhtankooda ka maqlay wax cod la moodo oo leh, Koombo sarreen ah qiimaheedu waa dinaar, saddex koombo oo shaciir ahna qiimahoodu waa dinaar, saliidda iyo khamrigana wax ha yeelin.

  • 8Sidaas daraaddeed ninkii xigaalka u dhow ahaa wuxuu Bocas ku yidhi, Adigu soo iibso. Markaasuu kabtiisii iska siibay.

  • 7¶ Dadkaygu waa baayacmushtari, oo waxaa gacanta ugu jira kafadihii khiyaanada, waxay jecel yihiin inay wax dulmaan.

  • 11Kuwiinna Makteesh degganow, qayliya, waayo, dadkii reer Kancaan oo dhammu waa dhammaaday, oo kuwii lacagta ku rarnaa oo dhammu waa baabba'.

  • 6Waayo, sababla'aan baad walaalkaa rahaamad uga qaadatay, Oo kuwii arradnaana dharkoodii baad ka mudhuxsatay.

  • 31iyo haddii dadyowga dalka degganu ay maalinta sabtida keenaan waxyaalo iib ah iyo cunto uun inaynaan iibsanayn maalintii sabtida iyo maalin quduus ah toona, iyo inaan sannadda toddobaad beeraha dayno oo qaan kasta saamaxno.

  • 3¶ Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinka waxaa laydinku iibiyey wax aan waxba ahayn, oo haddana lacagla'aan baa laydinku soo furan doonaa.

  • 4Saboolka baahan ayay jidka ka leexiyaan, Oo masaakiinta dhulkana dhammaantood way wada dhuuntaan.

  • 11Madaxdoodu laaluush bay wax ku xukumaan, wadaaddadooduna kiro bay dadka wax ku baraan, oo nebiyadooduna lacag bay u faaliyaan, oo weliba Rabbiga bay ku tiirsadaan iyagoo leh, Sow Rabbigu dhexdayada ma joogo? Belaayo innaba naguma degi doonto.

  • 5Haddaba jiidhkayagu waa sida jiidhka walaalahayo, oo carruurtayaduna waa sida carruurtooda oo kale, oo bal eeg, wiilashayadii iyo gabdhahayagii ayaannu u bixinaynaa inay addoommo noqdaan, oo gabdhahayagii qaarkood mar horaa la addoonsaday; oo annana ma lihin itaal aan wax kaga tarno, waayo, dad kalaa wada haysta beerahayagii iyo beerahayagii canabka ahaa oo dhan.

  • 12Wakhtigii waa yimid, oo maalintii way soo dhow dahay. Kan wax iibsadaa yuusan waxba rayrayn, kan wax iibiyaana yuusan waxba murugoon, waayo, dadkooda badan oo dhanba cadhaa dul saaran.

  • 26Kii hadhuudh ceshada, dadka ayaa habaari doona, Laakiinse kii iibiya, duco ayaa ku dhici doonta.

  • 6Waxaannu gacanta u dhiibannay Masriyiinta Iyo reer Ashuur si aannu kibis uga dheregno.

  • 27Waxaad saami u ridan lahaydeen maalka agoonta, Oo saaxiibkiinna waad ka faa'iidaysan lahaydeen.

  • 8Kii korsaar iyo ribo maalkiisa ku korodhsadaa, Wuxuu u ururin doonaa mid masaakiinta u naxariista.

  • 19Lacagtooda jidadkay ku xoori doonaan, oo dahabkooduna wuxuu noqon doonaa sida wasakh oo kale. Maalinta cadhada Rabbiga lacagtooda iyo dahabkooduba ma ay samatabbixin kari doonaan. Naftooda ma ay dhergin doonaan, oo calooshoodana kama ay buuxin doonaan, maxaa yeelay, kuwaasu waxay ahaayeen dhagaxii turunturada ee xumaantooda.

  • 4Wakhtigaas waxaa laydinku qaadi doonaa masaal, waxaa lagu barooran doonaa baroor aad u weyn, oo waxaa la odhan doonaa, Annaga waa nala wada baabbi'iyey. Isagu waa beddelaa qaybtii dadkayga. Bal sidee buu iiga wareejiyaa! Oo beerahayagiina wuxuu u qaybiyaa caasiyiinta.

  • 6Kuwa dahab kolayga ka soo qubaa, oo lacagna kafadaha ku miisaamaa waxay soo kiraystaan dahabtume, oo isna wax ilaah ah buu ka dhigaa, markaasay u sujuudaan oo caabudaan.

  • 2Haddaba bal maxaad lacag ugu bixisaan wax aan cunto ahayn? Oo wixii aad ku hawshooteenna maxaad ugu bixisaan wax aan idin dherjinayn? Bal aad ii maqla, oo waxa wanaagsan cuna, oo naftiinnuna ha iskaga istareexdo barwaaqo miidhan.

  • 13Waxaynu heli doonnaa maal qaali ah oo cayn kasta ah, Oo guryaheennana waxaynu ka buuxsan doonnaa booli;